Khudbadii Sheekh Shariif: Madaxtinimo Hadey Macne Sameyneyso 2004-2009 Way I Soo Martay (Daawo)
Muqdisho (RBC) Madaxweynihii hore DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta xilkii si rasmi ah ugu wareejiyey madaxweynaha cusub ayaa khudbad uu ka jeediyey hoolka xarunta Gen Kaahiye ayaa wuxuu aad uga hadlay hawsha adag ee u taalla madaxweynaha cusub iyo mudaddii ay soo shaqeysay dawladii kumeelgaarka ahayd.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dad badan ay isweydiinayeen waxa dhici kara haddii doorashada isaga [Shariif]looga guuleysto, hase yeeshee mudo dheer uu madaxweyne soo ahaa.
“Madaxnimo haday macna sameyneyso waa i soo martay, wixii aan u qaban karay dalkeyga waan soo qabtay, laga soo laabo 2004 markii Maxkamadihii Islaamka aan hogaaminayey illaa DKMG ahayd” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay inuu jeclaa inuu xukunka sii joogo laakiin uu ku qancay “sanduuqa doorashada” ee looga guuleystay.
Madaxweynihi hore wuxuu sheegay inuu maanta ku faraxsan yahay in dalka uu ka gudbay dawlad kumeelgaar ah isla markaana heshiisyo caalami ah lala gali karo caalamka iyadoo Soomaaliya ay tahay dawlad sharci ah oo leh sharafteeda.
“Madaxweyne waxaan ku leeyahay hambalyo,.. maanta waxaad gacanta ku heysiin dawlad aan kumeelgaar ahayn, madaxdii qaranka oo la doortay..” ayuu yiri madaxweynihii hore.
Mar uu ka hadlay wadahadalka Somaliland, ayuu Sheekh Shariif sheegay inay bilaw fiicanahaayeen wadahadaladaasi isla markaana wuxuu codsaday in la sii wado si guul looga gaaro wadahadalkaasi.
Talooyinka madaxweynaha cusub
Mar uu Sheekh Shariif soo hadalqaaday hadalheynta saaxiibadiis ee ah in madaxweynaha cusub lala taliyo wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu talooyin siiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laakiin wuxuu sheegay inayssn meesha ku jirin in talooyin fara badan oo jahewareerin ah la siiyo madaxda.
“Dad badan ayaa waxay i shahaan madaxweynaha maad la hadashid oo la talisid, madaxweynaha cusub talo waan siineynaa laakiin waa markii nalooga baahdo” ayuu yiri Sheekh Shariif oo intaa ku daray in talooyinkii ay hayeen xiligiisa la isticmaalay balse ay wanaagsan tahay in madaxweynaha cusub aragtidiisa cusub uu ku shaqeeyo lagana daayo talooyinka faraha badan.
Wuxuu tilmaamay in laga warsugo raysul wasaaraha cusub ee la soo magacaabi doono iyo xukuumada la soo dhisi doono.
Wuxuu sheegay in waxa ugu weyn ee ugu horeeya dawlada Soomaaliya ay tahay amaanka oo la soo celiyo iyo in la dhiso ciidamada qaranka si loo helo dal ka xor ah kooxaha nabada carqaladeya.
“Waxaan rajeynayaa inaan u gudbno marxalad horumar iyo barwaaqo anagoo iskaashaneyna” ayuu sii raaciyey.
Wuxuu sheegay in wax walba ay bilaw yihiin, sida ciidanka qaranka una baahan yihiin in la dhameystiro si ay awood ugu yeeshaan ka hortaga kooxaha argagixisada.
Taageerada beesha caalamka
Sheekh Shariif wuxuu hoosta ka xariiqay in taageerada beesha caalamka ay muhim u tahay dawlad sida Soomaaliya oo kale oo weli ku jirta soo kabasho, isagoo sheegay inuu waayo arag u ahaa sida loogu baahnaa taageerada iyo garab istaaga beesha caalamka.
Dhanka kale wuxuu cadeeyay in mudaddii lagu jiray kumeelgaarka ayu ahaud marxalad xannuun badan oo faragelinta adduunka ay joogto ahayd iyadoo ay adkaatay dhismaha ciidan qaran iyo gelida heshiisyo caalami ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Read More: Khudbadii Sheekh Shariif: Madaxtinimo Hadey Macne Sameyneyso Illaa 2004 Ayaan Soo Hayey [...]
Asc,Ragga waxa kala wareejiyey waa isku heyb oo qabiil ayaa xamar haysta,guryo beero iyo hanti maguuran ah oo ay laheed dowaldii dhaxe haddba somaliya waxba isma badalin baan filayaa oo aan aheen inay xaaranata ay cadeysataan duugana dugaaga ah ee dameeraha xamar ku wadan jirtey mide kale kuwa ka soo qaybgalya waa ethiopia,jabuti,kenya,oo aan rabin iney somaliya xor noqoto haddbajabuuti oo maalgalisa Al-shabaab iyo xasan daahir aweyes maxaad ka fileysaa? Somaliya waxaad ogataan Madaxtooyada waxaa ka buuxa waa damereleyda suuqa oo awaxy noqote xaruun laalush oo laga qaato dadka visaha laga gato sida Olympicada ay ku sameyeen mooryaantii ay soo direen lagu wada qabtey ayagoo magayo been ah isku dhiibey laalusha ay ka qaateen kuwa ku heyb ah afguduud haddba somaliya waxey gashey waqti madow oo ninka loo dhiibey uu yahey nin CIA,FBI la shaqeeya haddba somaliya waxaa ay galeysaa in dhulka iyo cirka ay gataan dowlad ku sheega dameeraha ku heybta ah maanta waxaad aragtaan inaye dameerihii canbuur loo xirey iyo garbasaar iyo taydh marka suuqa maxaa lagu xamalaaya caanaha yaa noo keeni doona kkkkkkkkkkkk bal isweydiiya meesha waxa ka socda waa mooryaanimo iyo in xoolaha la dhacey xoog lagu sii heyst
xasuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuus xasuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuus
weeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeye suuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuban
War cayda haku salaamina Hoggaanka Cusub, haddii aadan taageero u haynin xittaa waqti siiya si aad u kala ogaataan waxa ay ku kala duwan yihiin Madaxdani.
Hubsasho Hal baa la siistaa ama ” Ma hubsato waa mahar laay ” kala doorta midooda.
ASC Soomali Wayn waxaan raba inan Fakarkayka ka dhiibto
soomaliya waxay ledahay Rajo fiican manta wixii horay u dhacay inshallha
waxaan rajaynana inan ka baxno Tan kale ninka Runka sheeg ku magacaban
mudane hadii hadii aad dab ku sii shiido waligeen ma waxaan ku jirayna eedayn iyo
Cay waxaa ficanan lahayd inan xisabtano si loo xisabtamo waa inan fursad siina
ciid kasta oo an uu aragno in lal xisab tami karo
Ku Run Sheyg:
sxb waxaan ku leeyahay Caradaada la dhimo. Somaliya inta uu kujiro qof aqligaaga camal leh ama qabyaalad ay dilootay hore uma soconeeso. sxb dameeraha dadka aad ku caaneeso waakan Biyaha laguugu shubi jiray illaaiyo hadda all somaliya aya laga isticmaalaa, mideeda kale waan kuu jeedaa nin uqdadeesan ayaad tahay oo qabaa’ilka Xamar Dega u uqdadeesan balse waxaad ka qaadeesid ayaa yar adigana uqdada kaa buuxdo iyo qabyaalada God ayaad la geleysaa hadaadan iska gaarinna Naar ayey kuu hogaamineysaa. sxb ragga dameeraleeda aad ku sheegtay waa ragga aad u taqaano Laandheere cidna ma baryaan xoolo adiga aad leedahayna mahaystan oo xoogooda iyo hantidooda ayey ku noolyihiin. Ilaah haku caafimaadiyo haduu caafimaad kuula doonayo , haduusan kuula doonina Ilaah umma diidiisa hakaa dhax qabto
dameer kordhaban iyo dameer hoos dhaban cid ay madax u yahiin majirto ogaada somaliya toosa
asc nin caytama afkiisa asuguu ku yaal ee hadad adugu guri leedahay haku deeqo baahi adan adugu Qabin cidna kuuma qabto dameerkana waa wadani wadankuu lee yahay ee say kugu tahay ninkii kanaxayoow nafta waa ee intaat cayda iska dayso dadkaga dhinac ka raac
dad bukaa jira oo wax walba qaloociya ilaahiin ka baqa oo iskadaya waxaad kuqoraysaan bogaga.dalada inoo dhisantay ha lagarab istaago.kii waxgaranaya iyo kaan waxgarnaynoowba.waay o waa inoo wada dan.
asc madaxweynigii hore shiikh shariif waxa u kuhadalay hadal macquul ah waxa uuna ka hadlay xaqiiqo lakiin nasiib daro dadka isku si wax uma fahmaan.
gunaanad kii waxa yiri markale sharaf wayn bay ii tahay in aan dalka soo hogamiyo halkan aan keeno,waxaana aminsanahay in aan guulaysto in ay iga fiicnayd in layga guulsto maxa yeelay shacabka somaliyeed ma ogayn markii layga guulasto go aanka aan qadan karo lakiin hada waa ogyihiin waana ku qanacsan yihiin.
oran jireey shiiq sharif kkkkkkkkkk afgaduud tuke walee meel baa lagu saarey lkn qabiil iyo qabyalad kala dhamaan meeysid somali ilaahey baa nakaa dhaafiyey lkn lagu ilaawiyo mayo intii aad qabqable ku soo darteey barlmaanka hadana tuulo been ah magacowdeey adigoo isleh reerkiina sad bursi u sameee bal aan eegno kana waxuu faloo.
Wado Looga Gudbay Kumeel Gaar Mamuqatoh Beelaha Banadiriga Qaylo Dhaan bay Mudo Aan Fogayn Calamka U Dirsadeen Laluush iyo Hanjabaad baa Lagu Amusiyey.
Oday Dhaqameedyo Xeer Dhaqameedki Dhinac ka Maray baa Soo Xulay Ergadi Dastuurka. Sh Sh Axmed Arin Wanagsan buu Sameyey oo ah in Uu la Shaqeyoh M.Xassan Mudane Xassan Wuxu Leyahay Shacbiyad iyo soo Jiidasho Waxaase Jirah Caqabado U Baahan In Aan Layska Idho Tirin. Kalsonidi Somali Nimo Weli Waa Laalantahay Dawlad La Aamino Kama Dhalan Somalia Siday Ilatahay.
xanaaqa iyo qabyaaladda waxeey bilaabaneeysaa marka Ra’iisul wasaare la magacaabo kadibna uu magacaawo gole wasiiro, wixii intaas ka dambeeya indhaha uun wax halagu eego, dhegahana mar dambe.