Kismaayo: Al-Shabaab oo Dagaal Ka Soo Qaaday Dhanka Goobweyn, Canjeel oo Laga Qabsaday Iyo Marinkii Nus-Dariiq oo Xirmay
Muqdisho (RBC) Iyadoo dagaal fool ka fool ah uu weli ka soconayo duleedka magaalada Kismaayo ayaa wararka ugu dambeeya ee Raxanreeb soo gaaraya ayaa sheegaya in weerar cusub ururka Al-Shabaab ay ka soo qaadeen goordhow dhanka deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25-km u jira magaalada Kismaayo.
Weerarkan ay soo qaadeen ciidamada Al-Shabaab ayaa ku wajahan dhanka deegaanka Ceeldhiig oo duleedka magaalada Kismaayo ku yaalla. Goob joogayaal ayaa Raxanreeb u sheegay inay maqlayaan hubka culus oo ay isweydaarsanayaan ciidamada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka kuna sugan deegaanka Ceeldhiig illaa wadada isku xirta magaalada iyo kuwa Al-Shabaab oo ka soo dagaalamaya dhanka Goobweyn oo illaa 25-km u jirta magaalada Kismaayo.
Dagaalkii Nus dariiq ka socday
Ka sokow deegaanka Ceeldhiig waxaa dagaal culus illaa duhurnimadii maanta uu kasocday meel lagu magacaabo Nus-Dariiq oo dhanka galbeed ka xiga Wadada Laamiga ee Kismaayo gasha, halkaasi waxaa saaka weerar ka soo qaaday ciidamada Al-Shabaab oo doonayey inay la wareegaan buurta Dab-dheere, waxayna ciidamadan ka soo talaabeen halka loo yaqaano “BEERAHA GUMURTA”.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in marinka Nus Dariiq ay la wareegeen ciidamada Kenya oo halkaasi xirtay. Ciidamada Kenya waxay kaloo duhurnimadii maanta taandhooyin iyo dhufeysyo ka qoteen deegaanka Ceeldhiig oo illaa hadda ay ku sugan yihiin.
Dhanka kale waxaa dagaal culus uu isaguna ka qarxay tuulada Canjeel oo dhanka galbeed qiyaastii 30-km magaalada Kismaayo u jirta kadib markii saaka Al-Shabaab ay soo baneeyeen difaacyadii ay uga jireen dhanka Jiida Janaay Cabdalla oo bilihii u dambeeyay la isku horfadhiyey.
Qof ku sugan magaalada ayaa noo sheegay inuu arkay diyaarado ciidamo Soomaali ah keenay tuulada Canjeel haatana ay joogaan ciidamada dawlada iyo kuwa Raskambooni.
Muhimada dhulka lagu dagaalamayo
- Nus Dariiq: Waxaa ku yaalla buur dhagax oo uu dhexmaro waddo magaalada Kismaayo ka timaada taasoo haddii cidii qabsata ay si fudud u kontorooli karto jidka dheer ee magaalada gala; waana taas sababta dhinac kasta uu xooga u saarayo inuu qabsado.
- Ceeldhiig: Waa deegaan tuulo yar oo ay degan yihiin dad u badan xoolo dhaqato. Waxaa ku yaalla garoon diyaaradeed oo macmal ah oo aan waayadan la isticmaalin. Ceeldhiig waxay kaabiga ku heysaa badda, waxaana fudud in maraakiibta ay ku soo dhowaadaan, waana meeshii ay xalay ciidamada Kenya ka soo degeen.
Qabsashada Ceeldhiig ee Kenyanka ma ahayn mid ay filayeen Al-Shabaab waayo kama mida hayn jihooyinkii hore loogu dagaalamayey, waxayna Kenya u soo qaaday weerarka xalay ay ku qabsatay Ceeldhiig si ay furin dagaal oo hor leh ugu furto Al-Shabaab.
- Goobweyn: Waa meesha ay isaga darsamaan Wabiga Jubba oo halkaasi ku dhamaada iyo badweynta Hindiya. Goobweyn oo dhanka Jilib ka soo xigta Kismaayo waxaa ku dhow Akedimiyadii hore ee ciidanka Cirka Soomaaliya oo hadda saldhig weyn u ah ciidamada ururka Al-Shabaab, waxayna Al-Shabaab ku qasban tahay inay ku dagaalanto.
- Canjeel: Waa tuulo 30-km dhanka galbeed ka xigta magaalada Kismaayo, horey waxaa u joogay ciidamada Al-Shabaab ee dagaalka kaga jiray dhanka Janaay Cabdalla. Kenyanka way ku adkaan doontaa inay toos uga soo dhaqaaqaan Canjeel haddii aysan marka hore magaalada qabsanin; waayo waxaa Canjeel ka sokeeye dhul bannaan “gelgel” taasoo keeni karta in ciidamadooda la soo duqeeyo khasaarana uu kasoo gaaro.
Al-Shabaab xaggee u furan?
Dagaalka Kismaayo sida hadda muuqata weji cusub ayuu galay oo waxaa saaka soo baxay jiho cusub oo Al-Shabaab ku furantay, weliba kaaga darane, waxaa dagaalka uu ka soo curtay dhanka wadada aadi jirtay Muqdisho iyo deegaanada kale sida Jilib illaa Baraawe [haddii ay dhacdo ibay ka baxaan Kismaayo].
Sida dadka deegaanka yaqaana ay u sheegeen Raxanreeb, waxaa hadda Al-Shabaab ay heystaan labo jiho oo ay kaga bixi karaan magaalada haddii ay dhacdo in dagaalka looga itaal roonaado, waxayna kala ah;
- Jidka Ciid Cad; Waa waddo waqooyiga aada oo si toos magaalada uga baxda, taasoo sii marta deegaanka Sacmooye una jiheysta Galbeedka Afmadow waana dhul ugu dambeyntii taga hawdka Jubbada Hoose caanka ku yahay oo ay mudo ku dhuuman karaan kana so qaadi karaan weeraradooda.
Muhimada kale ee jidkani leeyahay waa inuu yahay dhabe aad u dhib badan oo cidii aan garaneyn iyo baabuurta ay adag tahay inay marto.
- Jidka Fii Afmadow: Waa dhabe weyn oo sii mara kontoroolka Yaaqa Sacmooye oo ku beegan waqooyi galbeed wuxuuna sii maraa tuulada Cabdulle Biroole. Jidkan waa wadada labaad ee ugu weyn ee magaalada Kismaayo ka baxda marka laga reebo wadada u baxda Muqdisho.
Ugu dambeyn, sida dad badan qabaan dagaalka Kismaayo uma eka mid si fudud ku dhamaan kara maadaama labada dhinacba ay si weyn ugu diyaargaroobeen, waxaase aad looga cabsi qabaa in shacabka khasaare badan uu soo gaaro.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












waad mahadsantihiid walaalaha qora raxanreeb, runtii waxaad wax u diyaarisaas si cilmiayaysan oo ah sida saxaafada caalamku ku shaqyso…… halkaas ka wada walalayaal… teeda kale waxa la yaabanahay sababt al shabaab ay kismaayo ugu dagaalamayaan iyagoo aan ognahay in ay jawhar, marka iyo baydhabo mise inay kismaayo ku dagaalamaan waxaa dabada ka riixaya taageerayaasha group iyo aala shiikh oon ognahay inay ad uga soo horjeedaan maamul hogaamiyo oo ka dhasha jubooyinka…
dagalka kismaanyo waa dagaal qabiil oo is ka cad beel ayaa dooneeyso in eey xooga ciidamada kenya ku qabsadaan kismaanyo laakiin sheekada hada ayeey biloow tahay dagaalkii dhabta ahaa ayaa hada biloow ah waa inoo dagaal filimkii shabaab waa dhamaaday sheekada dagaal qabiil ayeey isu badaleeysaa
Websiteka hiiraan live oo xaday copyright kii raxanreeb.
Ceeb hiiraan live
Hoos ka eeg warbixinta raxanreeb qortay
Muqdisho(Hl):Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee saaka waaberigii galay xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay dib uga gurteen magaalada kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay soo qaadeen duulaan culus o iska caabin ah.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Kenya ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Ceeldhiig oo qiyaastii 4-km banaanka uga baxsan magaalada Kismaayo halkaasina waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab.
Dhawaqa madaafiicda culus oo ay ridayaan ciidamada Kenya ayaa si aad ah loo maqlayaa, waxaana dhanka kale magaalada gudaheeda ku socdota duqeyn cirka iyo badda ah oo ay tuurayaan diyaarado iyo maraakiib Kenyanku leeyihiin.
Odayaal la kaxaystay
Ciidamada Kenya ayaa saaka waaberigii si kedis ah dhanka waqooyi bari uga soo galay magaalada iyagoo ka soo daatay deegaanka Ceeldhiig kana soo gudbay halka loo yaqaano “Qeyle Dheere” oo illaa 10km dhanka waqooyiga ee xigta badda.
Sida dadka deegaanka ay noo sheegeen ciidamada Kenya ayaa qabqabtay dad ka badan 160 ruux oo isugu jira odayaal, dhalinyaro iyo haween ay ugu tageen tuulooyinkii ay ku daateen halkaasoo ay ruux kasta labada gacmood kaga dhufteen jeebo kadibna ay uga tageen gurigiisa.
Ciidamada Kenyanka ayaa hadda ka dagaalamaya agagaarka Ceeldhiig, waxaana ay saaka kaxaysteen labo nin oo odayaal ka ahaa deegaanka Ceeldhiig kuwaasoo ay la aadeen markab badda u fadhiya.
Labada nin ee la kaxaystay ayaa magacyadooda ayaa naloogu sheegay:
1- Cabdi Saney (waa oday caan ka ah deegaanka)
2- Ina Qaasim Cumar Gurey (waa nin dhalinyaro ah laakiin ka mid ah waxgaradka)
Lama oga sababta ay Kenyanka u kaxaysteen labadan nin oo kaliya.
Ciidamada Kenyanka ee galay Kismaayo waaberigii hore ee saaka ayaa degay qorshe kedis ku ahaa Al-Shabaab oo asan marnaba filaneynin, maadaama dagaalka uu ka socday dhanka galbeed oo qiyaastii 60km ka fog Kismaayo.
Jihada ay saaka Kenyanka ka soo galeen ayaa ah dhanka waqooyiga Bari ee magaalada oo ah jihada uu ka yimaado jidka laamiga ee ka taga Muqdisho soona mara deegaanka Goobweyn oo 25-km u jira Kismaayo.
Sida dadka deegaanka oo warbaahinta la hadashay ay sheegayaan, waxay Kenyanku soo degeen xalay abaare 3:00 saqda dhexe iyagoo markab weyn uu keenay badda, waxaana ay kaga degeen SACTAR u soo qaaday dhanka xeebta. Waxayna ka soo deegeen meel u dhow halka loo yaqaano “Qeyle Dheere” oo qiyaas ahaan 10-km ka baxsan Kismaayo dhanka waqooyi bari.
Ciidamada Kenya waxaa markaasi kadib waaberigii lagu arkay Ceeldhiig oo ah deegaan ay dad xoolo dhaqto degan yihiin, 4-Km u juira magaalada uuna ku yaallo garoon diyaaradeed oo macmal ah kaasoo dhowaanahan aan la isticmaalin. Waxayna Kenya gaareen ugu dambeyntii xaafada “Buulo Abliko ” oo ah afaafka hore ee Kismaayo waana halka ay dadka faraha badan ku jeebeeyeen saaka.
Tirada ciidamada Kenya waxaa lagu sheegay llaa 300 askari oo u badamn kuwa badda ee “marines-ka” kuna hubeysnaa hubka boobayaasha iyo madaafiicda garbaha lagu qaato, waxaana dusha ka caawinayey diyaarado iyo markabkii ay la socdeen oo magaalada duqeyn ku hayey saaka.
Sida muuqata qorshaha ciidamada Kenya ayaa ahaa labo arimood oo muhim u ah dagaalka xilligan ku wajahan Kismaayo; Waa marka hore inay culeys dhanka wadada Muqdisho ka timaada ka saaraan Al-Shabaab, waana wadada kaliya ee laami ah ee u furan Al-Shabaab .
Arinta labaadna, waxay tahay in Kenyanka ay abuuraan furin labaad oo dagaal oo ay Al-Shabaab ka soo weerari karaan, waayo dagaalka beryihii u dambeeyay ka socday deegaanka Janaay Cabdalla oo dhanka galbeed ah wuxuu Kenyanka ku ahaa dhib weyn in laga soo gudbanaha ay adkaatay sababo la xiriira deegaanka.
Hadda Ciidamada Kenya dib ayey uga soo bexeen xaafadihii ay galeen magaalada, waxaana dagaalka uu ka socdaa inta u dhexeysa Ceeldhiig oo ay joogaan ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab oo ka dagaalameysa halka loo yaqaano buurta Dab-dheere iyo Nus Dariiq illaa agagaarka Ma-dhamaato oo dhanka waqooyi galbeed ka xigta Ceeldhiig.
Jamaal Xasan Caynte
Hiiraanlive
Muqdisho
4
ciidamada kenya iyo kuwa somalida ee la socda wey ka dhantahay, khaatiyaan ayey taaganyihiin, waxaana kuu muujinaya awooda aysan waxba iskula hadhin, ilaa iyo haddana kismaayo indhaha ma saarin, bal aan eegno siday xaaladu isku badasho.
WARBAAHIN RAXANREEB CAADI MAAHA WARARKIINA CID KASTA AYAA SOO XIGATA WEBSITE-YADA IDINKA AYAY WARARKA IDINKQ XADAAN SIIBA DAYNIILE IYO KUWA SOMALILAND WEBSITE KASTA OON GALO WARARKIINA AYAAN KU ARKAA WEBKIINA IYO IDAACADIINA TV KU DARA SI AAD UNIVETSAL AAD QADKA UGA SAARTAAN SAAD WEBSITE-YADII SOMAALIDA AAD QADKA UGA SAARTEEN
Qabiilada jubooyinka iyo GeDo ayaa ka dagalamayo kismayo ee shabab majoogan mesha. …
Kenyaatigii iyo cidamada oo doonayo ineey qabsadaan magalada ayaa hada ku adkaatey.
Will mooryaanimo iyo isbaaro inaad dhigato baad rabtaa waa dagaal qabiil kulahaa markii boqolka wiil one day ay kudileen afduubku maad qabiil ku dagaalantid waadigii cararaye marka caqli xumada jooji no more moryaan marka iyo kismaayo isbaaro dhigta maamul wanagsan baa Kadhalanaya
Darwiish, waan kugu waafaqsanahay. Raxanreeb iyo website-yo badan baan mar walba wada furtaa, iyagaana uugugu horreeya wararka. Xataa waxaan is iro maba seexdaan mararka qaar. Marka inay Hiiraan iyo Dayniile-ba wararkooda xadaan waa xaq. Qaabka ay wararka u soo gudbiyaanna waa professional
Raxanreeb…Keep up the good work
kkkkkkkkkk
Somali hadeynu nahay waxaan u dhaqan iyo dabeecad dhownahay daayeerka loo yaqaan
BAABUU oo haddii uu mid meel xoqdo kan kalena isla meshaasoo kale xoqda;bal eeg sidaan
isugu dayano sida BAABUU ga oo kale oo hadaad soo gashid dugaamada MALL lasha somalida
ku dhex,waxaa kugu filan inaad gashaa hal dukaan oo keliya waayo waxaa yaal ama laga helo dukaankaas waa isla noocii ama alaabta taal dukaamada kale ee MALL ka ku yaal oo wax kala gedisan ma gadaan tiro kastoo ay dhan yihiin dukaamadaa oo waa wada copy;sidoo kale beri ayaa
ganacsiga somaliya marba wax wada nooc ah lagu daadan jirey in laga ganacsado sida Bakhaar,Carwo,Bibito,Farmashiye,etc,etc…
Haatanna kuwa wararka inoo tebiya via internet ka waxay wada qoraan isku article ma qodobo isku
mid ah oo ay meel qura ka soo xigtaan oo waxaaba kugu filan hal webside keliya inaad akhrisato,editor ama taxriirka iyo correspondent(wariye) waa qof qura……Genetically we have many similarity like BAMBUUS(monkeys)
yaal
kkkkkkkkkk
Somali hadeynu nahay waxaan u dhaqan iyo dabeecad dhownahay daayeerka loo yaqaan
BAABUU oo haddii uu mid meel xoqdo kan kalena isla meshaasoo kale xoqda;bal eeg sidaan
isugu dayano sida BAABUU ga oo kale oo hadaad soo gashid dugaamada MALL lasha somalida
ku dhex,waxaa kugu filan inaad gashaa hal dukaan oo keliya waayo waxaa yaal ama laga helo dukaankaas waa isla noocii ama alaabta taal dukaamada kale ee MALL ka ku yaal oo wax kala gedisan ma gadaan tiro kastoo ay dhan yihiin dukaamadaa oo waa wada copy;sidoo kale beri ayaa
ganacsiga somaliya marba wax wada nooc ah lagu daadan jirey in laga ganacsado sida Bakhaar,Carwo,Bibito,Farmashiye,etc,etc…
Haatanna kuwa wararka inoo tebiya via internet ka waxay wada qoraan isku article ma qodobo isku
mid ah oo ay meel qura ka soo xigtaan oo waxaaba kugu filan hal webside keliya inaad akhrisato,editor ama taxriirka iyo correspondent(wariye) waa qof qura……Genetically we have many similarities like BAMBUUS(monkeys)
Aaway horjoogashii iyo madaxdii Alshaydaan oo caruurta somaliyeed ku halaagi jirey janno ayaa galeysaan may galaan safka hore si ay u halaagsamaan markaas bal ha arkaan inay janno galayaan iyo in Ilaahay cadaabta uga aarsado godobtii ummadda soomaliyeed ay ka galeen iyo in kale.
Hadda saacadaan waxaa gacanta ku Magaalada Kismayo ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwii Kenyatiga oo, Alshaydaan waay dhuunteen kana baxeen magaalada. Ilaahayow Jubbooyinka ka sifee balayaada casayr.
to/Afmagad waa kuwii kismaayo xaaranta ku heystey oo laga cayrshey bal waxa uu ku hadlayo bal arka Kismaayo ayuu xaaran ku heystey doofaar baad tahey ina gumeed ah oo sheegato ah
marka hore waad salaaman tihiin dhamaantiin alshabaab gabal koodii waadumay qoladaaanse waxaan garan waayay waxa kaqayli siinaaya waa iyaga ku waashaye sxbyaal kismaayo dadkeedii xaqa ahaa yaa ku soo noqday kismaayo waala qabanaayaa maamul wanaagsana waa loosamaynaayaa
Kismaayo waxay kamid tahay meelaha masiibooyin dagaal ku habsadeen isqab qabsi iyo lahaansha xaga dhulka iyo qayraadka ah ayaa u dheer somalia inteeda kale..dadka reer waamo oo ayagu asal ahaan si nabadgalya ah kuwada daganaa meshan waqti dheer waa la isku diray waxayna s qaldan ukala raaceen qabailo kasoo kala jeedaan’qabqableyaal somaliyeed balse aan rer waano aheen iyo hogaamiye diimeedya kale. Dadka rer waamo ha midoobaan. Somalida kalena ha u daayaan talada iyo hogaanka dadka reer waamo ee native ah.
[...] Sidoo kale dhanka Kenyanka ayaa saaka dadka deegaanada Ceeldhiig illaa Ma-dhamaato u daadiyey waraaqo ay ku qoran yihiin hadalo loogu sheegayo inay u wadaan “nabad iyo barwaaqo” iyagoo ku baaqay inay ka fogaadaan meelaha ay joogaan Al-Shabaab. [HALKAN KA AKGRI FAAHFAAHINO HORE] [...]
U jeedka ciidamada huwanta weey isbadashay…waxaa loo socda ma’aha in kismaayo la’qabto kaliya ee waa in la’soo qabto horjogayaasha, saraakiisha iyo hogamiyayaasha Al-shayaadhiinta afka duubatay si eeysan u jabghadeeyn ama u soo rogaal celinin ama eeysan ku dhuumaaleey sanin howdka juboyinka, wada eey ka baxaan ma’laha, magalada waa lagu hareersanyahay, shabaab labo waa mid ama dagaalama ama is dhiiba, gaaladii aad ku jano tagi leheedeehyn waa idan hortaagan yihiin ee xabada isku dhiga.
Anigu shaqsiyan hadii la soo qabto Sheeydhaan Abu mansuur, Sheeydhaan Yacquub, Sheeydhaan Cali dheere,Sheeydhaan Godane,Sheeydhaan Afqani, Sheeydhaan Dul yadeeyn, sheeydhaan Fiiloow waxaa qeeybinayaa shaah, buskut iyo xalwad….Caruurtana carwada ayaan geeynayaa, dhalinyaradana waa Qayilsiinaya, Dumarkana Cilaan baan u gadi, Wadaada’dana waxaan u qeeybinayaa Cumaamado iyo Saliida Xaba Sowdada la’dhaho
kismaayo dadkii lagaa ayaa qabsanaya waxaa laga saarayaa dadkii aan u dhalnin oo goboladooda dhisan waaye marka waxaanleeyahay guul maamulka jubaland oo mardhow gacanta ku dhigi doono reer gado dhulkiin dhista haku soo ordina dhul aadan laheyn iyo reer galgaduud dhulkiina dhista oo haku soo ordina dhula aadan laheyn guuul maamulka jubaland
[...] ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya Sheekh Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa caawa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay duleedyada magaalada Kismaayo isagoo sheegay in ay u soo dhowaatay xilligii Al-Shabaab laga saari lahaa [...]
asc walalyaal aad baad umahadsantihin alsheydaan illahay naguma soo celiyo marba hadii laga qabsaday ciil dhiig iyo madhamaato sheekda wey isku dhamaatay barina insha allah xaalada kismaayo caadi ayey kusoo noqoneysaa
[...] sheegaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Dawlada Soomaaliya ay ku wajahan yihiin magaaladaasi kadib magaalada Kismaayo oo ahayd xaruntii ugu weyneyd ururka Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya taasoo xalay ay ka bexeen [...]