Kismaayo: Duqeyn Kale oo Xalay Magaalada Lagu Garaacay Iyo Dagaal ka Dhacay Duleedka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo saaka ayaa sheegaya in xalay markale duqeyn madaafiic ah lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada iyadoo sida dadka deegaanka ay sheegayaan aan la ogeyn wax khasare ah illaa hadda.

Duqeyntan oo ahayd mid dhanka badda ka imaaneysay ayaa la sheegayaa in gudaha ay kju dheceen dhiwr gantaal kuwaasoo xoogooda si weyn dadku u maqlayeen habeenkii xalay.  Sidoo kale meelo duleedka galbewed ka xigta magaalada ayaa lagu soo waramayaa in madaafiicda ay ku dhacayeen.

Dadka ku nool magaalada Kismaayo oo qaarkood saaka aan la hadalnay ayaa sheegaya inaysan garaneyn sababta duqeynta weli ay ugu socoto magaalada maadaama ciidamadii ururka Al-Shabaab ay isaga bexeen magaalada Kismaayo.

Xaalada magaalada ayaa weli ag sidii ay ahayd maalintii shalay, waxaana dadka magaalada ay noo sheegeen in weli magaalada lagu dhex arkayo maleeshiyaad fara badan oo magaa;llada dhex socda kuwaasoo aan cidna ka amarqaadanin.

Dhanka kale dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dawlada Kenya iyo kuwa Soomaalida ee wada socda iyo ciidamada Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka galbeed gaar ahaan agagaarka tuulada Canjeel oo 30-km ka baxsan magaalada halkaasoo ay weerar ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Faahfaahin buuxda lagama hayo dagaalkaasi, dhinacyada dagaalameyna kama hadlin illaa hadda.

 

RBC Radio

Share

3 Responses for “Kismaayo: Duqeyn Kale oo Xalay Magaalada Lagu Garaacay Iyo Dagaal ka Dhacay Duleedka”

  1. Calanleey boy says:

    Xalay saacadu markii ahayd 9.30 ayaa magalada waxa kabilamatay duqeyn dhinaca badda ah, walaahay hadaad maqli lahaydeen naf waad kaquusan lahaydeen, ilaa iyo hada inta la,ogyahay waxay wax kaso gaareen laba guri, guri kuyaala cusbitaalka gadaashiisa.. Oo ah dhulbahante, reer cali geri ah. Iyo mesha looyaqano geed kaamadanbeeyo. Magaladana waxa lagu diley afar qof. 2marexan,1ogaden,1cawromale.

  2. somali says:

    Al shabaab koox waalan oo macangag ah oo dhibaato badan umada soomaaliyeed u geysatay hadane koox runtii afkaartooda guracan dhalinyadii somaliyeed ka iibiyey oo ka dhigay kuwo aan nixin oo dilayaal ah,dhanka kale marka aan ka eegno waxa weli ka socda Kismaayo iyo ciidamda Kenyaatiga oo aan weli ku dhiiran in ey galaan magaalada la sheegay in al shabaab ka baxday waxey muujineysaa in kooxdaan al shabaab si aad ah kenyaatigu uga baqayo oo ka cabsi qabo in magaalada dhaxdeeda dagaal ku qabsado,hadii al shabaab ajaaniibta la socota iska bixin laheed siyaasadooda waalida iyo dilka ku dhisana iska bedeli laheed oo la soo bixi laheed siyaasada rabitaan dowladnimo waxaan aaminsanaan lahaa in al shabaab sida maanta loo nacay aanan loo nici laheen oo ey ahaa laheed koox runtii lagu faani lahaa lakiin taasi ma dhicin ee ajaaniib dambiilayaal ah ayaa hogaanka u qabtay deetana umadii dhan walba u gumaaday ee eeynu eegno halka kooxdaan ku dambeyso.

  3. maxamed says:

    aniga waxa ila quman in magalada kismanyo marka laxasiliyo mamul losameyo,isla markasna mamulkasi noqdo mamul gobaled,waxana wanagsan dadka dhulkas udhashay in mamulkas masuul kanoqdan siwanagsana uqaybsadan,xukumada cusub ee somaliiyed wafuud uso dirsato si aay goob joog uga noqoto,sido kale mamulka puntalnd aay dusha kala socoto,waxana wanagsan in dadka dhulka waamo udhashay si cadalat ah mamulka ugu heshiyan,waxan kale oo ku talinaya in laga ilaliyo wax faragalin ah,dawladda kenya waa mahadsan tahay goboladda juboyinku kenya waxay latahay daris waxay mudan tahay qadarin mahadsanidin.

Leave a Reply