Kismaayo Oo Caawa Xaalad Kacsanaan Ay Ka Jirto & Dagaallo Ka Dhacay Jubbada Hoose (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo [Radio RBC] Wararka caawa naga soo gaarayo magaalada dekada leh ee Kismaayo gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in xaalada magaalada ay kacsan tahay xilli kastana laga cabsi qabo in ay ka dhacaan dagaallo.

Dad ku nool magaalada ayaa RBC Radio u sheegay in magaalada caawa ay ka jirto saan-saan colaadeed, waxana magaalada lagu arkayaa ciidamo iyo gaadidka dagaalka oo ay saaran yihiin ururka Al-Shabaab.

Magaalada sidoo kale waxa maanta ka kacay suuq ku yaalo dab xooggan kaasoo cagta mariyay dhowr bakhaaro oo ay ku keedsanaayeen shidaal xaafada Farjano ee bartamaha Kismaayo.

Xaalada Magalada Kismaayo ee Koonfurta wadanka Soomaaliya ayaa caawa aan degenayn lama oga 24 saac ee soo socda sida uu noqon doono xaalka magaalada.

Dhinca kale, dagaallo culus oo geestay khasaaro ayaa maanta waxa ay ka dhaceyn deeggaan 65-km  dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose .

Dagaalka ayaa waxa uu dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya,kooxda  Raaskambooni iyo ciidanka Kenya oo isku dhinac ah Al-Shabaab.

Dagaalka maanta ayaa la sheegay in labada dhinac uu ka soo gaaray khasaaro xooggan, iyadoo in ka badan 25-qof oo ah dhinacyada dagaalamay ay ku dhinteyn askar kalena ay ku dhaawacmeyn sida ay sheegayaan ilaha madaxa bannaan.

Labada dhinaca ayaa sidoo kale guulo ka sheegtay dagaalka maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Birta dheer ama Janaa-Cabdala oo 60-km u jira magaalada Kismaayo.

Xaalada Magalada Kismaayo ee Koonfurta wadanka Somaliya oo aanan caawa degenayn lama oga 24 saac ee soo socda sida ay xaalada ahaan karto magaalada.

Al-Shabaab ayaa hadda xoogeeda waxa ay isugu geesay magaalada Kismaayo oo ah halka ugu badan uu ka soo galo dhaqaalaha.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

2 Responses for “Kismaayo Oo Caawa Xaalad Kacsanaan Ay Ka Jirto & Dagaallo Ka Dhacay Jubbada Hoose (Warbixin)”

  1. [...] Visit link: Kismaayo Oo Caawa Xaalad Kacsanaan Ay Ka Jirto & Dagaallo Ka Dhacay Jubbada Hoose (Warbixin) [...]

  2. ali says:

    waa yaab shabaab wa bas haday ka baxan kismaayo wa meeshii ugu weyneyd gobolada ay haysteen inay nabad qaatan baa ku talin lahaa dagaal meel wax ma geeyo khasaaro un baa ku jirta shabab qaata nabadda

Leave a Reply