Kismaayo: Warar Sheegaya in Ciidamo Amisom Ay Gaareen Tuulooyin u Dhow Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Amisom ay gaareen deegaano u dhexeeya Badhaadhe, Caanoole iyo Biroole oo dhamaantood ku teedsan xeebta gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ciidamada oo aan ahayn kuwa Kenya ay ku yimaadeen diyaarado iyo markab ka soo baxay dekeda Mombassa si ay u weeraraan magaalada Kismaayo oo ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.

Wargeyska the Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa maanta qoray in ciidamada gaaray xeebta Badhaadhe ay yihiin Uganda iyo Burundi, waxaa kaloo la sheegaya in ciidamada Siiraalyoon ay ka mid yihiin ciidamadaasi gaaray xeebta gobolka Jubbada Hoose.  Waxaana ay umuuqataa in Kenyaanka kaliya ku filnaan waayeen dagaalka Al-Shabaab sidaasi darteed loogu baahday kuwa Uganda iyo Burundi.

Duulaanka Kismaayo

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Amisom ay caawinayaan kuwa Kenya ee duulaanka ku ah magaalada Kismaayo, wuxuuna afhayeenku sheegay in toddobaadkan gudahiisa ay ku qabsan rabaan magaalada Kismaayo, sida uu qoray wargeyska.

Laakiin sarkaalka u hadlay ciidamada Kenya wuxuu sheegay inaysan fududeyn qabsashada Kismaayo, waayo Al-Shabaab weli waxay ku leedahay xoog ayuu sheegay sarkaalkaasi.

“Ma nihin dad ku raaxeysanaya xeebta, waan ognahay in Al-Shabaab ay isku dayayaan sidii ay u fashilin lahaayeen qorsheheena, laakiin waan ka hortegeynaa” ayuu yiri.

Ciidamada Kenya oo ay kaalinayaan ciidamo taabacsan DKMG iyo maleeshiyaad ayaa beryihii u dambeeyay dagaalo culus kula jiray ciidamada ururka Al-Shabaab oo weli gacanta ku haya deegaano fara badan oo gobolka ka mid ah, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay illaa shalay uu ka socday deegaanada Miido, Janaay Cabdalle iyo Biibi iyadoo uu jiro khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Dhanka kale waxaa soo baxaya dareen xoog leh oo ka dhex aloosan qabiilada dega gobolka Jubbada Hoose oo hadda raba inay u kala tartamaan qabsashada magaalada Kismaayo marka laga saaro Al-Shabaab kadib, waxaana xog Raxanreeb ay heshay ay sheegeysaa in maleeshiyaad beeleedyo ka kala yimid Muqdisho iyo dhanka Kenya ay ku sii qulqulayaan gobolka oo hadda dagaalo ka socdaan.

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

4 Responses for “Kismaayo: Warar Sheegaya in Ciidamo Amisom Ay Gaareen Tuulooyin u Dhow Kismaayo”

  1. mudug says:

    maleeshiyo beeleed maa xamar ku haray ,maxaase ka quseeya juboyinka.

  2. waamo says:

    sxb waxan layaabanahay qofka qoray maqaal kan waxuu yiri ciidamada waxay u dhaxee yaan badhaadhe caanole iyo biroole sxb badhaadhe waxay ku dhawdahay xuduuda kenya biroole waa kismayo afkeeda hore haday cidamada huwan ta dageen cabdale biroole kismayo gacanta ayay kujir taa marka soo xaqiijiya tagidaan ka biroole

  3. gundiid says:

    Somali oo dhan iyo qabiiladeedii, mooryaanteedii iyo wadaad mooryaankeedii baa juboyinjka ku soom duulay….waxa shabaab loo abuurayba wexeey eheeyd in lagu qabsado juboyinka oo dadkii asal ahaan ka soo jeeday laga bara kiciyay….Muqdisho, afgooye, shabeelooyinka, baydhabo iyo marka intaba weey iskaga soo baxeen ayagoon 24r saac xataa ku dagaalamin, sababta eey ugu dagaalamyaan oo 20.000 oo ciidan khawaarij ah kana soo baxay furumaha dhulkaas aan soo sheegay ayaa ah 1- Dhul balaarsi qabiila gaar ah oo ku gabanaya magac khawaarijta 2- dhulkaas oo howd iyo geeda badan eey ku dhuuman karaan kuna jabhadeeyn karaan 3- ninka maamula jubooyinka oo udhigma in uu maamulo somaliya ama awood baaxad leh ku yeesha awooda somaliya 4-khawaarijta oo leheeyn meel kale eey aadaan…..Ikugu taga xaaraanta ayaguba wexeey wataan ajanibi ka yimid afganistaan iyo carab wadankooda danbiilayaal ka ah….

    Dadka juboyinka waxaan dhihi lahaa khawaarijta iska kiciya, maamulna sameeysta idinkana wax isku quudha, hadii kale maalinbo koox baa idan dumaale sidii habraha…..waan ku kalsoonahay tooktan in eey maamul yeelan doonaan

  4. Waamostar says:

    Badhaadhe dekad maleh xeebna uma dhawa. Kudhaa ayaa ugu dhaw. Aqoontiina jubada hoose soo badiya. maleeshiyaadkan aad sheegaysaan ee xamar ka imaanaya ma ghost baa Jowhar iyo gobaladoida baa sow uma baahna .

Leave a Reply