Kooxo Hubeysan Oo Maanta Dhacay Idaacad La Siiyay Maamulka Galmudug


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo [RBC Radio] Sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, waxa maanta barqadii kooxo hubeysan oo lagaraneynin dhac u geesteyn Idaacad dhawaan la siiyay maamulka Galmudug ee uu madaxweynaha u yahay Gen: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Idaacadda ayaa la sheegay in la furfurtay intii ay hawada ka maqneed, waxana ay qaateyn qalabkii ay ku shaqeyneysay, taasoo keentay in maanta hawada laga waayo Idaacadda ku hadashay afka maamulka Galmudug.

Idaacadda oo maalmahan si tijaabo ah hawada ugu jirtay ayaaa lagu waday in dhawaan si rasmi loo furo isla markaana ay baahiso barnaamijyo iyo warar loogu talagalay.

Kooxda dhaca u geestay qalabka Idaacadda ayaa la sheegay in ay ku jireen ilaalada Idaacadda ,kuwaasoo ka cabanayay maalmahan mushaar la’aan la soo daristay.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo yeeray maamulka Galmudug ee ku aadan dhaca loo geestay Idaacaddii ku hadleysay afka maamulkaas.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa dhawaan sheegay in maamulkiisa xoogga saari doono xagga ammaanka, maadama ay dhowr jeer ka dhaceyn Gaalkayco dilal iyo afduubyo.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Share

Tags:

13 Responses for “Kooxo Hubeysan Oo Maanta Dhacay Idaacad La Siiyay Maamulka Galmudug”

  1. codeeye says:

    Ma fileyn, GAALKACYOOY …kaama fileyn in dhagoole lagaa dhigo.
    Meeshii la rabay in horay loo socdo oo raadiyuhu usii gudbo TELEFISHIN ayaa waxaa la leeyahay
    RAADIYIhii baa la furfurtay.

  2. baaruud says:

    kansarka soomaaliya ma ceebtoodaa waa caadadoode waxayba ay aaminsanyihiin ninkaan waxa dhicin amase uusan dad dilin inuusanba noolaan karin waana isugu faanaan dhaca iyo dilka juhaalada mad madoow

  3. somali says:

    Maamulka G/Mudug oo idaacad laga dhacay?yaa dhacay kuwii ilaalinayey oo kuwaas maxey ahaayeen?dabcan tuugo dhib badan ka soo geysatay Konfurta Somaliya bal dib u milicso dadka ka soo jeedo Konfurta gaalkacyo ilaa Guriceel wixii dhibaato ahaa oo ey u geysteen dadkii ku noolaa muqdisho ilaa kenya bilaawgii 90 meeyadii C/qeydiidna hogaankooda ayuu ka mid ahaa kolka hadii tuugo soo guryo noqotay maxaa loola yaabayaa iney iyagii is bililiqeystaan? radio la bililiqeysto waaba wax yar ee warshado iyo hanti kale ayaa dadkaas ku maqan.

  4. moo says:

    tuugo imaanka la goormay dad noqon kuwaan oo wax dhocoow ka waynaan.
    YaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaB

  5. Kkkkkkkkkkkkkkkkk reerkaas isbaaro iyo bililiqo ayaan looga taag helayn yaaab.

    Idaacadii khaatumo state la siiyey sida galmudug oo kale way xareysan tahay waana hanti qaran.

    Xataa haday dowlada somaliya u baahato waa lagu celin. Waa in la ilaaliyo hantida qaran somaliya.

  6. Guuleed2012 says:

    Midka lamagac baxay,SOMALI,Horta magaca soomaali uma qaldan tied ee haku qaraaban,reer baadiye ayaad tahay qabiilja buuxo dadkana hacasyin Hanna aflagaadeen,qurun yahow qabiil baa kaa soo uraaya..

  7. Ugaas Raage says:

    Darwiish adiga hadal kuumaba yaal saa waxaa tahay gumeysto marka iska aamus qosol kuuma ekee.
    Reer Galmudug waa dad tagay oo tashaday hana kudaalina ee shaqa kale doondoonta saaxiibayaal.Waxaa idinka guuxaya waa xaasidnimo iyo nacayb ciil iyo calool yoow iyo rajabeel marka afka ayay idinkaga hartey ee habaarka siiwada iyo waawareeyda waanala laayey! lol

  8. Cadaado says:

    ASC, walaahi waa cajiib, umada Somaliyeed waxaan rabnaa in eey ogaato in dadka Galgaduud iyo Mudug dagan eey kala duwan yihiin, laakiin waa qof aan aqoon u laheeyn amaba meel qaldan wax ka fiirinayaa kuwa dadkaan labadaan gobol daga iskuwada qabanayo.
    Anaga ka maamul ahaan Ximan iyo Xeeb, somali waxaan rabnaa in eey noogu garowda walaalaheen Galmudug ee hororka ah sida aan umada Somaliyeed uga celcelineeynay, mar la dagaaleeynay, marka baryeeynay, mar laheeyn xataa na hogaamiya, laakiin balaayadaan iyo isbaarada naga dhaafa, hadana wali qadyaan ayaan ka taaganahay. Balr arka, maantayna idaacad eey ayaga leeyihiin oo dowlada dhexe ugu deeqday beey isla ayaka dhexdooda iska bililiqeeysanayaan. War kuwaan Kaalgacyo dagan oo nala dhashay yaan uga dacwoonaa, :) lol

  9. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    War ha la iska qaato wax aan dhib aheyn awalba idaacadan ma soo wadin. Eysh qiyaasak idaacad koonfurta Gaalkacyo laga leeyahay maxaa laga fili karaa? Marka in la qaato dabcan waa faa’ido ayaan qabaa!!!!

  10. Ugaas raage

    Sxb hadalkaga ma fahmin laakiin Aniga taariikh ayaan leeyahay. Afarta badmadow ee koonfurta gaalkacayo joogta ee canbuulada cuna kkk xoolo aydaan la heyn ayaad ku korteen oo waligiin daynmeysaan isbaaro iyo bililiqo.

  11. galmudug says:

    war dad yahow xumaan jeclidiina maxaa intaas oo cabaad ah inika kenay ilah ka baqa dulmigana iska dhaafa galmudug dagaal iyo habaaar midna wax loga qadi waa ee adinka hadaa owlad muslin tihiin fidnada iska daaya oo danihiina racda cadaado kan so qatay in usan aheyn waxaa cadeyn u ah faanka uu mesha ku soo qoray tasna waa la yaqaan cida had iyo jer jecel faan riyo ah hadal iyo dhamaantis somali wey istaqaan hadaa mesha ku wadateena xan hade iska wata sheekadiina boowe

  12. Atoore23 says:

    Jaalle Cadaado xaal qaado.Waana runtaa oo dad an dadka kala aqoon baa wada eedeeya.Reeraha dagan ardiga Ximin iyo xeeb asal uma leh in ay suubiyaan arimo xun-xun oo ay suubiyaan dad kale.

    Ku:Guuleed.
    Saaxiib ma waxaad ka xanaaqaysaa wax jira oo haddeer loo jeedo?Waa run oo nimanka dhacay Raadiyaha Galmudug waa TUUGO soo GUBTAY meelo badan.Dhaqan bayna ka dhigteen dhaca iyo dilkaba.Saasayna u yaqaaniin nolosha oo dhanba.

  13. Atoore23 says:

    KU.Darwiish.
    Darwiish sheekadii waad fogeeysey.Meeshaan waa lagu kala rayi qaataa ee yaan la isku caayin.Ma jiraan dad kuligood wada xun.Reer kasta oo soomaali ah waa laga helayaa mooryaan iyo wax la mida.Waase la isdhaamaa.

Leave a Reply