Ku Dhowaad 10-Ruux Oo ku Dhintay Daadad Horleh oo Ku Dhuftay Deegaano Ka Tirsan Gobalka Hiiraan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ay dad kale ku dhinteen daadad horleh oo ku duftay deegaano hoostaga magaalada Baladweyne.

Wabiga Shabeelle ayaa hanada ku fatahay deegaano hoostaga magaaladaasi waxaana la sheegayaa in daadadka ka soo baxay Wabiga ay qaadeen dad dhowr ah.

Deegaanka lagu magacaabo Dhajaq oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baladweyne oo wabigu uu ku fatahay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa iyo Sideed Qof.

Dadka dhintay ayaa dhamaantoodba waxay ahaayeen Haweyn iyo caruur waxaana qaaday daadadka ka soo baxay wabiga Shabeelle oo buux dhaafiyay xaafado badan oo hoostaga magaalada.

Daadadkaan ayaa sidoo kale waxay horay ugu dhufteen xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne, waxayna geesteen khasaaro badan oo isugu jira mid hantiyadeed iyo waliba mid nafeed.

Ilaa iyo iminka ma jirto cid ama hay’ad gurmad u fidisay dadka shacabka ah ee dhibaatooyinka ay u geesteen fatahaadaan uu sameeyay wabiga Shabeelle ee mara deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

RBC Radio

xafiiska wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Ku Dhowaad 10-Ruux Oo ku Dhintay Daadad Horleh oo Ku Dhuftay Deegaano Ka Tirsan Gobalka Hiiraan”

  1. [...] ku xigeenka maamulka gobolka Cadaawe Cilmi Nuur oo kahadlay khasaaraha wabiga fatahay uu u geystay dad iyo duunyo ayaa sheegay inay hayaan khasaare dhimasho dadka ah oo gaareysa 22 ruux halka tirada [...]

  2. [...] oo intaa ku dartay inaysan jirin rajo ay dib ugu soo laabtaan maadaama weli aysan wada dhamaanin biyihii uu wabiga Shabeelle ku soo butaaciyey magaalada Beledweyne, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo barakac dad fara [...]

Leave a Reply