Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada Baladweyn iyo Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaada Xoolaha Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta Shir jaraa’id uu saxaafadda u qabtay kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xorayntii Magaalada Kismaayo iyo Fatahaadii wabiga Shabelle ee Magaalada Baladweyn, iyo Amniga magaalada Muqdisho.

Ugu horayntii ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey xaalada magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubbada hoose. Wuxuuna sheegay in Ciidamada Qaranak iyo kuwa Amisom ay kala wareegeen meeshii ugu dambeysay oo ay ku xooganaayeen Al-qaacidada Soomaaliya oo dhibaato ku hayay Shacabka Soomaaliyeed, Wuxuuna amaan u direy Ciidamada Qaranka oo si nabad gelyo ah kula wareegay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Ku-Simaha ayaa shacabka ugu baaqay iney is dejiyaan ayna la shaqeeyaan Ciidamadooda. Wuxuuna xusay in Madaxweynaha ay maanta ka wada hadleen xaaladda magaalada Kismaayo ayna isku afgarteen in loo sameeyo gobolada laga xoreeyey Al-shabaab barnaamij lagu xasilinayo, isla markaana loo  samayn doono maamulo matala dhamaan dadka ku nool deeganadaas.

Dhanka kale Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraya ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya  aad uga Xuntahay dadkii ku waxyeeloobay fatahaadii webiga Shabeelle. Wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay gar gaar deg-deg ah la gaareyso dadkaas iyadoona usii marinaysa hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala deegamadaas, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha gar-gaarka inay gacan siiyaan dadka ku dhibaataysan magaalada Baladweyne.

Ugu danbayntii Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Gen. Dhaga badan ayaa ka warbixiyay Istaraatijiyada ay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Amisom  ku qabsanayaan Magaalada Kismaayo. Isagoona tilmaamay in Ciidamada huwantu ay hadda howlo Miino-Baaris ah ka wadaan duleedka Magaalada Kismaayo wuxuuna ugu baaqay shacabka inay iska ilaaliyaan in ay qariyaan haraadiga kooxdii jabtay ee Al-shabab.

>>>DHAMAAD<<<

 

Share

2 Responses for “Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada Baladweyn iyo Kismaayo”

  1. [...] View post: Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada Baladweyn iyo Kismaayo [...]

  2. qadar says:

    qabiilka meshan daga waa madaxwaynaha ha dhaafo waxa uu meesha soo galinayo,

Leave a Reply