HADALHEYNTA QARANKA: Kulan Amaanka Muqdisho Ku Saabsan oo Goordhow Lasoo Gabagabeeyay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Kulan deg deg ah oo looga hadlay amaanka caasimada ayaa caawa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ka soo qeybgaleen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiinta hay’adaha amaanka ee dawlada.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa Raxanreeb u sheegay in masuuliyiinta amaanka iyo madaxweynaha ay ka wada hadleen suda loo adkeyn karo xaalada amaan ee Muqdisho maalmahan kalaguurka ah ee weli aan la soo dhisin xukuumad cusub oo shaqada kala wareegta xukuumadii hore doorashadii madaxtinimasa kadib.

Il wareedkan oo aan rabin in la magacaabo ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in si weyn loo dhaliilay hay’adaha amaanka gaar ahaan sirdoonka oo la sheegay inay ogaan waayeen weeraradii isqarxinta ahaa ee maanta ka dhacay guriga Hooyooyinka oo dhowr mitir u jira afaafka laga galo xarunta madaxtooyada iyadoo sidoo kalana laga hadlay weeraradii madaafiicda ahaa ee xalay lagu duqeeyay degmooyinka Shibis, Cabdicasiis iyo Boondheerkuwaasoo ay sheegteen Al-Shabaab masuuliyadooda.

Intii kulanka uu socday ayaa saraakiisha amaanka waxay ballanqaadeen in talaabooyin cusub la qaadi doono si wax looga qabto xaalada amaanka ee magaalaa waxaana saraakiishu cadeeyeen in hawlgalo xoog leh magaalada laga bilaabi doono.

Saraakiisha kulanka ka soo qeybgashay oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud, wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye, taliyaha nabadsugida Axmed Macalin Fiqi, abaanduulaha ciidanka xooga dalka Gen C/kariin Yuusuf Dhegabadan iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa markii kulanka ay ka soo bexeen kadib ka hadlay warbaahinta dawlada iyagoo cambaareeyey falalkii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay makhaayad dad badan fadhiyeen oo ku taalla agagaarka guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne halkaasoo ay ku dhinteen 14 ruux oo ay ku jiraan wariyaal Soomaaliyeed. Akhri faahfaahinta

Saraakiishan ayaa si wadajir ah u sheegay in tallaabooyin cusub oo isbedelo dhanka amniga ah ay shacabku dareemi doonaan maalmaha soo socda iyadoo falalkii qaraxyada ee maanta dhacayna ku eedeeyeey inay geysteen ururka Al-Shabaab.

Goor sii horeysay oo caawa ah ayaa wakaalada wararka AFP wareysi kooban oo ay ka qaaday afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere wuxuu ku sheegay inay weeraradii maanta fuliyeen dad uu ku sheegay “qaar la dhacsan taageerada Al-Shabaab” oo ka careysan xaaladaha ka jira Soomaaliya.

Suaalaha amniga Muqdisho

Kulankan ayaa dhacay saacado kadib markii labo qarax oo ismiidaamin ahaa lala beegsaday dad fadhiyey makhaayada Village ee ku taalla guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.  Waxanaa ka horeeyay weeraro madaafiic looo adeegsaday oo xalay saq dhexe lagu garaacay xaafado dad rayid ah degan yihiin oo ku yaalla Shibis, Boondheere iyo Cabdicasiis halkaasoo tobaneeyo ruux ku dhaawacmeen qaar kalana ku dhinteen.  Waxaa si buuxda loo heyn halka ay madaafiicdaasi ka yimaadeen maadaama dawladu horey u sheegtay inay xaqiijisay amaanka 16-ka degmo ee Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa su’aalo badan ka qaba amaanka magaalada oo sii laciifaya beryahan dambe iyadoo hay’adaha amaanka iyo saraakiisha gudaha ay u muuqdaan inay waayadan dambe ku mashquuleen ololihii doorashada madaxtinimada oo dabcan dad badan saameyn ku yeeshay taasoo meesha ka saartay taxadarkii laga qabay dhanka amaanka gudaha.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “HADALHEYNTA QARANKA: Kulan Amaanka Muqdisho Ku Saabsan oo Goordhow Lasoo Gabagabeeyay”

  1. hersi says:

    Waaa masuuliyad daraddas waxaa leh Wasiirkiii hore ee amniga duqa magaalda dad intaas tirro leeg maqaayada ay iskugu imaanayaan yaa siiyay shatiga.
    HA LA WEYDIIYO

Leave a Reply