Labo Ruux Oo Dhalinyaro Ah Oo Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Wararka imaanaya xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqsiid ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in labo ruux oo dhalinyaro ah lagu toogtay halkaasi.
Kooxo hubaysan ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen labadaan dhalinyarada ah ka dibna ay toogteen, ayadoona ilaa iyo iminka aanan la garanaynin kooxahaasi.
Goobjooge ku sugan xaafada Suuqa xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay inuu arkay maydka labo ruux oo dhalinyaro ah oo la toogtay, kuwaasi oo aysan garanaynin haybtooda.
Goobta lagu arkay meydka wiilasha dhalinyarada ah ayaa lagu sheegay inay udhawdahay masaajidka Sheekh C/raxmaan ee xaafada suuqa xoolaha Degmada Hiliwaa.
Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in labadaan ruux ee ladilay ay ka tirsanaayeen nabad sugida dowlada Soomaaliya, inkastoo wararkaasi ay yihiin kuwo aanan lagu kalsoonaan Karin.
Ilaa hada si rasmi ah looma haayo sababta ka dambeysa dilka labadan wiil ee dhalinyarada ah, hayeeshe Degmada Hiliwaa gaar ahaan xaafada suuqa xoolaha ayaa maalmihii dambe waxaa kusoo badanaye falalka dilalka qorsheysan ah.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheesan iyo waliba qaraxyo kuwaasi oo aanan la garanaynin rasmi ahaan dadka ka danbeeya
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho












[...] View article: Labo Ruux Oo Dhalinyaro Ah Oo Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho [...]
Horta, mid baan dareemey oo ah, siilaanyo muxuu wax allaale wixii Faroole uu sameeyo ugu daydaa? Waxaa hore looga yaabi jirey khudbooyinka iyo arimaha faroole inuu ku daydo, ninkani siilaanyo ma nin fiyoowbaa mise kalsoonidaa ku yar?
kooxo aan heybtooda la kaaseynin ayaa lagu jiraa see loo garan wayay dadka umaada dilayaa illahow noo gargaar, al sheydaan allaha naga qabto dhamaantooda illahow gacan bir nooga qabo iyo wixii dadka dhibaaya .
Yaasiin sxb dad dhintay iyo tacsi baa laga hadlooyaa waa maxay siyaasadan iyo farool iyo siilaanyaha aad ka hadlaysaa, war dadkii naxariistii baaba ka guurtay baryahan, maalin dhexena waxaan arky ku mayd wada oo iska qoslooya.