Ma Dhacoow Farmaajoow! W/Q Timacadde & Baarleex


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Ma Dhacoow Farmaajoow!
Xassan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde)
Maxamed Jaamac (Baarleex)
Sabteembar 07 2012

Asc, Dhammaan Umadda soomaaliyeed , salaan dabadeed halkani waxaan idinkugu soo gudinayaa labo tixood oo kooban oo aniga iyo saaxiibkay Maxamed Jaamac oo loo yaqaan Baarleex aan ku taageerayno Wadaniga dhabtaa ee Soomaaliyeed Maxamed Cabdulahi Faramaajo.

Waxaan ka codsanaynaa Xildhibaanada sharafta leh inay codkooda siiyaan Musharax Faramaajo oo ah nin badbaadin kara, midayna kara Soomaaliya Ilaahay ka sokow. Aniga iyo Saaxiibkay waxaan xushmad wayn u haynaa Murashixiinta kale oo aan qabno inay xilkaan qaban karaan, Waxaa kale oo aan ku dooranay Faramaajo waa asaga oo aan aragnay inuu is baddal muuqda dalka ka hirgashay.

Waxaa intaas dheer in Faramaajo iyo xisbigiisa ay gudoomiyaha ka tahay Drs. Maryam Qaasim uu yahay Xisbi Sumcad wayn ku dhex leh shacabka, lehna yididiilo Mustaqbal oo dalka anfici karta, waxaan kale oo ku dooranay in Faramaajo yahay nin ay ku wada kalsoon yihiin qaybaha kala gadisan ee Siyaasadda ku loolamaya iyo shacabka badankiisa.

Maxamed Jaamac (baarkeex) Wuxuu yidhi :

Musharaxiintu Badanaa
Magacooda naynaas
Mataan loogga dhigay iyo
Maxaa hebelo Xamar tagay
Maqaawiir aan kala dhicin

Maskax maal aan daayicin
Maalmihiisi soo maray
Soo miirtay buugtii
Master iyo Dhigrii kale
Maahiriinti qaatoo

Macaamiisha dunidiyo
Macaanida Siyaasada
Marag looggu furaybaa
Muqdisho joogga maantee
Maxaa nala gudboonoo Bulshayahay Malaynaa????

Markaan tayda daakhilo
Maankayga aan furo
Maalik waa Ilaahoo
Mulkiga iyo Maqaamkaba
Maamulkiisa Eebaa

Makaansiiyo Ruuxuu
Adoomada la Maagoo
Marna aan la diidayn
Marka Garo sidaasoo
Macnahaas bal ila fahan.

Mid kalana an raacshoo
Musharaxaan aniggu rabo
Miiskaas an soo dhigo
Muwaadinimaddu waa dahab
Mas’uuliyaddi Xil weeyaan

Malab weeye shiniyoo
waa Miid da’aysoo
Cadaaladi waa Macaantahay
Macaash ma leh qabyaaladi
Mushkilaadka naggu dhacay

Middii sababtay weeyaan
Maxsuulkeeddu waa hoog
Mur iyo Sun weeyaan
Miisaalka ila garo
Mar haddaan sidaas iri

Maantay ruuxan doortaa
Midabadda qabiiligi
Nin ku xeershay maba ihi
Mawqifkana an raacshee
Maxamed Faramaajaan

Maandhow ka doorbiday
Musharixiinta Xamar tagay.
Mida aan ku doortana
Waa Maamulkiisii
Siddii uu u miradhalay
Oo loogga marag furay.
Hussein Baarleex
(I am proudly supporting Mohamed Abdulahi Faramaajo)


Anniguna waxaan Idhi:
Waa meeris gobanimo
Waa maanso quruxloo
Maskax tii irmaaniyo
Aqoonyaha ka maaxdaye

Sidaad marisay weeyaan
Alleylehe mug weyn oo
Xilku waa makaab adag
Waa masuul la qaadoo
Mid walbaa aqoontiyo

Ku maareeyo garashada
Ma bartena an loo hurin
Mooryaanna gali karin
Waxaa Maamul gali kara
Waa muunad bixin kara

Waxaa shacabka Mayraca
Waxaa Mudan Codkaagaas
Ma Dhacoow Farmaajoo
Gobanimada Miidda
Maashaa Allaahuye

Waa magac u gaaroo
Isagaa Na mariyee
Mahad Eebbe weeyaan
Afartaa micneeyaye
Mudanoow Farmaajaan

Maantiyo hadhowtiyo
U codeyn markaygee
Gobanimada Miidda
Maashaa Allaahuye
Waa magac u gaaroo
Isagaa Na mariyee
Mahad Eebbe weeyaan!

W/Q: Xassan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde)
(I also am proudly supporting Mohamed Abdulahi Faramaajo)

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

27 Responses for “Ma Dhacoow Farmaajoow! W/Q Timacadde & Baarleex”

  1. Soomaali says:

    Insha allah dadka FARMAAJO waa madaxweynaha jamahuuriyadda federaalka soomaaliya ee 4ta sano ee socota.
    VIVA FARMAAJO ILAAH IDANKIIS

  2. [...] Read More: Ma Dhacoow Farmaajoow! W/Q Timacadde & Baarleex [...]

  3. abdullahi says:

    farmajo waa ninkii fartiisa malabka lagu dhuuqay.
    10 kii milyan ee farmaajo uu ka soo qaaday shan milyan meel ay martay lama garanaayo.

  4. Qadar says:

    Iyaah abwaanka inaba caadi mahan muusan labalabayn

  5. goosan ari ah says:

    maansha lah maanso aad u qiimo badan weye abwaanada waan idinsalamay

  6. sir maqabe says:

    waa run farmaajo in somali oo dhan u gil gilatay xiligii sida qaldan xukunka looga qaaday,waana run in uu somalida qeybo badan oo ka mid uu taageero ka heysto oo uu noqday siyaasiga aan qaab qabiil lagu taageerin ee somalinimo lagu taageeray weyna dhici laheed hadii codeyn dad weyne la dhaho uu ku soo bixi lahaa laakiin taas maanta ma joogto,rajo waa halkeeda laakiin farmaajo malaha tartaran uga imaanayo musharixiinta kale oo keliya ee wuxuu leeyahay cadaawad caalami ah oo uu hor boodayo Mahiga sidaas darteed farmaajo somali oo cidii ey doonto u madax banaan ayuu kusoo bixi lahaa hadane rajada eebe lagama quuso aniga farmaajo ku qolo maahi mana ahan musharaxa aan taageero kaasna qolonimo kuma taageero ee waxaan ku taageeraa ma daalanimadiisa wadaniya ku dhisan iyo somali jecelka waana Dr Sakariye haduuna ku soo bixina waxaan qbaa in madaxweynaha hada joogo uu joogo sababtoo ah isaguba farmaajo ayuu keenay isagoo itobiya ku cadaadineysay inuu keeno qof ka soo jeedo reerka faroole hadii isagu ku soo bixi waayo farmaajo ayaan la jiraa anigoo og caqabadaha hor gudban hadii uu ku soo bixi waayo waxaa qabaa inuu ku soo baxo Axmed Ismaaciil samatar,waxaane la yaabay sababta uu farmaajo Xildhibaan u noqon waayey maxaa ka hor isataagay?

  7. gundid says:

    Farmaajo waan taageersanahay in kastoon ka dhex arkin danaheeyga hoose hadana wadanka bad-baadadiisa ayaa wax kasta iiga muhiimsan….gaas waa nin bukaan ah, ushana aan u hayay danaheeyga hoose waan ku gaari karaa lakin wadani ma’aha, sidaas daraadeed kalsoonideeydii waan kagal Noqday, Gaas wuxuu qabaa Mood Dissored, Disassosiation Order iyo Menthal damage, Waligii saxaafada la’mahadlin 10 daqiiqo ka badan,sharad ayeey iga tahay hadaan iisoo gudbisaan wareeysi 15 Daqiiqo ka badan…..Af-guduudna waa sac, sacna cooskii loo dhigo ayuu iska daaqi…..Bari waxaad arki asagoo qaba Koofiyada Cow boys ama asagoo u labisan Ciyaal Yoow-yoow ama sida looga yaqaan Kenya oo ah Micna Ma’laha

  8. faysal says:

    Waa maanso cajiib waa gabay wadaninimo ka muuqto
    boowe farmaajo la isla sheeeg ilaahay ha noo dooro
    bal meel hana geeyee way ila tahay inuu dhaamayo
    kuwii hore
    Winnner farmajo

  9. prof piccolo says:

    ninkani cid dooraneysa maba jiraan ama u baraaburi laheed ama u gabyi laheed waa nin xisbi qabiil furtey waxna maba baran sida la sheegey

  10. Fiqi Xaaji says:

    Hadii aan Qiyaaso doorashada, waxaa macquul ah natiijadan soo socota.

    Wareega Kowaad:

    1. Shariif Ahmed = 69 cod
    2. Farmaajo = 65
    3. A/Weli Gaas. =49
    4. Ahmed Samatar =40
    5. Ahmed Caddow =35
    6. A/Rahman Baadiyow =30
    7. Mohamed Oomaar = 25
    8. M. Xaaji Yaasiin =25
    9. Maslax M. Siyaad =20
    10.Yusuf Garaad = 15
    11.Zakariye Xaaji. =15
    12. A/qadir Cosble =15
    13. A/Weli Goonjeex =10
    14. maxamed A. Gacal =10
    15.A/Rahman M. A. Xaashi =10

    Inta kale waxay heli doonaan wax ka yar 10 cod.

    Wareega Labaad:
    1. Shariif Ahmed. = 90
    2. Farmaajo. =85
    3. A/Weli Gaas. =76
    4. Ahmed Samatar =74

    Wareega Sedexaad:
    1. Shariif Ahmed = 130
    2. Farmaajo. = 145

  11. Fiqi Xaaji says:

    Wareega Kowaad xisaabteyda Waa ka badan tahay 275 Laakiin Wareega Labaad baan ku saleeyay.

  12. mohamed says:

    masha Allah Abwaniinta waa ka baxsateen.
    VIVA farmaajo for ever!
    better leader and bright future.

  13. puntlander says:

    farmaajo dadka diidan waa dadka qabyaalda ay dilootay oo kaliya waa nin shacabka somaliyeed oo idil ay uqirayaan hufnaan iyo daacadnimo

  14. allaale says:

    waa ninka ugu shacbiyada badan farmaajo waa musharax aan qabiil laaluush gaalo midina wadan inta daacadaa baa wadata.

  15. goosan ari ah says:

    Fiqi Xaaji @ kkkkkkkkk wlhi aad baan ugu qoslay sida aad u qaybisay wareegii sadexaad ayad odagii daaqada kala baxday looooool

  16. Qoor dheere says:

    Masha Allah: viva Faramaajo iyo Abwaanadda Timacade iyo Baarleex.

  17. yibaayil says:

    haddii lays warsanayoo ,nin walbaaba weedh yiri, aniguna waxaan oran ,wadanigaas farmaajaan wixii aan codleeyahay waaxidow ku doortaye ,waxse roon adaa oge,waxsan nooga soo door.

  18. Rooxaanta says:

    (Jawaab ku socota Gabayada kore.)

    Abwaannada Gabyaayoow, Ahlan iga gudoomoo, Oraahdeyda aamina. 

    Axadka aad u doorteen, Amiir inuu istaahilo, Aheey waad asiibteen. 

    Arligeenoo idilbaa, Afka labadi yeeroo, Asagaa Arxana yiri. 

    Aabe iyo Awoow iyo, Ubad iyo Ayeeyaba, Inanka way Arkoodeen. 

    Abaayooyinkoo idil, Marna kuma asqoobaan, Alalaaska quruxda leh. 

    Abwaanaduna Arartiyo, Aflaan Kama Abaadaan, Sidaad idinba Yeesheen. 

    Ahlu diinka oo idil, Eebe waxay ka tuugaan, Aafo inuu ka nabadgalo. 

    Ardadiyo Askaruhuna, Aartiskay barteen iyo, Oobjac wada Agaasime. 

    Arligeena Idalkii, Ammaanbaa u taalloo, Aqalkiisa weeyaan. 

    Afmadow iyo illaa Ayl, Axmed lagu tilmaanyoo, Akhlaaqdiisa laga sheeg. 

    Afartaas sidii Oday, Ku Ababay Abwaanimo, Afka ma isu saaroo, Alif ood ma oga dhigay. 

    Afar kale Abwaanada, Isku Eeynigaa baan, Axwaashooda ku Asteyn. 

    Akhyaarnimadu waa hibo, Aadmiga Eebe siiyee, Asxaabtaan Bal ila arag. 

    Adin iyo Afkoodaba, Aayaha dadkoodiyo, dalkay ugu Adeegaan. 

    Aaladooda Gabay bay,U adeegsadaanoo, Aqoon badan ku faafshaan. 

    Arag Alifyaduu dhigay, Timacade Ayaan dhexe. 

    Ardaayada dalkeenuu, Ka af ka af asteeyoo, Arartiisa ku cabiray. 

    Aminkaan Aan joognana, Asaga iyo Baarleex, Aayahay ka taliyeen. 

    Aragtidooda wacan bay, Amiir noogu dooreen, Anana noogu yeereen. 

    Aqbal weeye saaxiib, Anigaa masuul ka ah, Inta nala Afkaarta ah ee aan Arag tixdiinaan. 

    Anana waan idinku raacnoo, Abwaanadii dalkeenoow, Farmaajaan la aag nahay.  

    Wasalaamu Caleykum

  19. Faramaajow noolow. Abwaanadoow noolaada, sharaf iyo caafimaad ku noolaadda.

  20. Atoore23 says:

    Kan la baaxay FIQI ma duul Shaydaan baa kuu soo wariyey beenta ad soo maleegtay?Tan kale doqonnimadaada maxaad u tari kartaa Shariif Jawhar iyo Ina Farmaajo?Waxaa madaxweyne loo dooran doonaa kii uu Allaah (swt) u garto.Nacayba C.Walina waxba kama tari kartid oo waxaad ka mid tahay shacabkiisa.Haddii ad tahay Fiqiga reer Gaalkacyona waxaa ku haysa doqonimo kale oo dheeraada.

  21. Atoore23 says:

    Ku.Sir Maqabe.
    Saaxiib Ina Farmaajo isagaa shaqadiisii iska eryey.Waxuu isu qoonsaday shaqadiisii markii uu VOA-da uu ka yiri ma aqoonsani wax la yiraahdo Puntland.Markaas baa Ina Faroole oo an xumaan loo tilmaamin ka dabo qaatay.Waxana tii la yiri saacado gudahood ku wareeji xilka.Oo waliba lagu yiri ka baxa Xamar.Ina Farmajo kursigii waxuu ku helay magaca Daarood.Daaroodna waxaa ugu codweeyn reer Puntland.Reer puntland-na wuu inkiray.Saas buu shaqadiisii ku waayey.Walina taas baa hortaagan inta noloshiisa ka hartay illaa uu tago puntland oo uu dadkisa la xaajoodo.

  22. Allow nabad says:

    Guuleystow farmaaajo geesigii nabadow farmaaaajo gaajada adiga ka bixin kara alle ka sakow adiga isku keeni kara umada qaxotiyaasha qurbaha kala daadsan guul farmaajo

  23. Somalijecel says:

    Ku:ATOORE23 IND Puntland waan wada nahay cayrintii farmaajo wax saamayn ah kuma lahayn faroole haddii aad xasuustaan faroole markii farmaajo la magacaabay wuu taageeray farmajo waxaa dhibsaday 1-Mahiga sababtuna waxaa ay tahay in farmaajo uu ku qasbay in UN oo dhan ay ku yimaadaan 48 days in muqdisho ku yimadaan.
    2-UN Mahiga waxaa sharci ahaa in airport logu tago farmaajo arrintaas wuu diiday
    3-UN marna lama weydiin Somali air space taxes iyo cadaha waxaa arrintaas mar soo qaaday UA Col:Abdullahi yusuf waan isla markiiba lagu kacay
    4-Itoobiya oo ka codsatay farmajo inuu u tago oo wasiiro ugu soo daro dadkii la socday waxaa ay xaqiijiyeen in uu u diiday isagoo isla markiiba loo hanjabay
    5-In ciidanka Ugandha oo 1700 ku jooga wadanka kuna qaata lacagta 4500 la soo dhamaystiro
    arrimahaas oo dhan ayaa isugu tagay.Rajada uu lee yahay wey ila yar tahay sababtoo ah dabadhilif ayaa la rabaa YES MAN ah haddise MP ay somalinimo muujiyaan waa suuro gal.Tan ah beesha aad sheegtay ee daarood anigu waxaan ahay reer Puntaland waliba waxaan ku dhashay Burtinle awooddii iyo karaamadii puntalnd maanta ma jirto mana filayo in nin kale oo daarood ah uu u baahan yahay in jilib ka puntland iska leh tahay muhiim in lala xaajoodo waa un matter of days in reerkiisu isuguna maamul samaysto sababtoo ah puntland maanta waa just half g/kacyo ah garowe iyo qardho
    meeye Laas ka iyo ssc meeye galdogob,meeye dadka intiisii kale? marka ma qabo sida dadka ay iska dhaadhicieen in ay wax u jiraan

  24. Fanaaniinta masha Allah, waa ka baxsateen. Guul Faramaajo. Nooloaada wadaniyiinta.

  25. Abwaaniinta Guuleesta wadaniyiin baa tihiin

  26. Fayood says:

    Atoore ===== oo aan qiimo lahayn ayaad tahay! Adeer adaa dad ugu liita. Yes anaa ku leh Farmaajo waxaa xukunka ka qaaday Xiniinya wayne Faroole! Oo ah ———– muujiyeyna Kalsooni iyo Isku filaasho siduu doonana asagoo xor ah u hadla! Faroole maanta kor ayuu ukaadshaa! ===== dhanna intay isku tageen sow ayagoo ku ooyey Shariif oo yiri Faroolaa adiga iyo annagaba na bahdilay! Waxaa ballan ah hadii Farmaajo la doorto inay dowladiisa kacin oo aysan dhaafin Balcad! ====

  27. Fayood says:

    Atoore raali ahow waxaan u jeeday ruufyaanka Muwaadin labaxay!

Leave a Reply