Ma rabbno doorasho! ee maxaad rabtaan? W/Q Eng. N. D. Qumiye
Ma rabbno doorasho! ee maxaad rabtaan? Adinku kala doorta.
Qalinka Eng. N. D. Qumiye
Sabteembar 30 2012
Akhristow waligaa ma maqashey nin ku leh ma rabo in la igu doorto caqligeyga iyo aqoonteyda ee waxaan rabaa in tolkey ii hiiliyaan oo i caleemo saaraan?
Waxaa la yaab leh kuwo ku hamiyaya iney doorasho la’aan maanta oo aan rabno inaynu horey uga talaabsano halkii aan joognay, kursigana ay ku fariistaan iyagoon haba yaraatee wax doorasho ah ku imaan.
Haddaba yey yihiin dad aan tilmaamayo?
Dadkaan xukun marooqsiga raba iyo taageerayaashoodu waxey uqeybsamaan sedex:
1)- Waa qolo rabta inaan lala xisaabtamin oo ay dhacaan hantida u dhexaysa dadweynaha reer Puntland,iyadoo 14-kii sano ee maamulka Puntland uu jiray wax xisaabtan dhab ah oo lala galey xukuumadii dalka soo marey aysan jrin. Lacagaha, heshiisyada iyo kaalmada caalamiga ahna ay gasho jeebadaha shaqsiyaad gaar ah.
2)-Qolada labaad, waa kuwo aanay ka dhab aheyn iney Puntland xukumaan laakiin wata afkaarta Centralism-ka ee ka soo horjeeda Federalism-ka. Kuwaasi waxay rabaan iney kolkey xukunka helaan burburiyaan Puntland oo ay arinta ku celiyaan halkii laga soo guuray dhibkii Soomaaliya soo martayna dib ugu celiyaan.
Puntland-ta hadda jirtaa waxay u taagantahay astaanta Fedelismka ah ee maanta ka jirta Soomaaliya,waxaa jira dad badan oo ka soo horjeeda iney afkartasi socoto,kuwaasi oo gacansaar la la leh dadka maanta doorashada diidan ee u dhashay reer Puntland.
3)-Qolada sedexaad, waa kuwa jecel iney wax xukumaan laakiin aan lahayn karti iyo aqoon ku filan oo ay dadka kaga dhadhiciyaan rabitaankooda kursiga,waxayna inta badan wax ku raadiyaan hayb qabiil.
Qaybtan ugu danbaysa ayaa hadaaqooda ugu badan waxaa weeye haddaan fikirkooda la qaadan ama sidey wax u rabaan la yeelin in burbur iyo kala tag uu ku imaanayo maamulka Puntland ee mudada soo jiray,waxayna ku cel celiyaan looma dhama ama dadku diyaar uma aha doorasho waqtigan.
Maant Puntland waxay leedahay Parliament ka kooban 66 xildhibaan,waxaana ku jirin oo aan ka muuqan aqalkaas 36 qabiil reer puntland ah,waxana iyana in la xuso u baahan Xildhibaanada maanta jira nin aqoontiisa iyo wax qabadkiisa ku yimid uusan ku jirin ay ku yimaadeen qabiil sooc.
Kooxahan aan kor soo sheegnay waxaan rabnaa in aqoon la’anta iyo reer hebel ayaan nahey ay dadkeena iyo dalkeenu la hayste u ahaadaan,iyadoo dadka aqoonta leh ee ka soo jeeda qabiil kasta oo reer Puntland ah ehelna u ah inay xukunka majaraha u qabtaan ay arrintani jid gooyo hortaal ay noqoto.
Napoleon Bonaparte oo ahaa boqorkii France 1804 to 1815 ayaa waxa laga hayaa inuu yiri “A leader is a dealer in hope” hogaamiye waa beeciyaha ama iibiyaha rajada. Kuwa doorasho diidka ahi waxay caadeysteen iney ku doodaan haddan weyno sidaan rabno Puntland wey burburaysaa, waa la dagaalamayaa, waa la baaba’yaa, waa, waa iyo waa. Bal akhristow sidee loogu hiilin karaa qof balo iyo dhibaato kaliya saadaalinaya oo aan marnaba barwaaqo, rajo iyo doog ah saadaalineyn.
Sadex waxba lama heli karo oo bani’aadamka waa ku dhib, Cimri inagu filan ma heli karno, Waqti munaasab ah oo sideynu rabno wax u hagaagaanan maheli karno,dad isku wada caqli iyo aqoon ahna ma heli karno.
Hadddaba Waxaa hubaal ah inaan waxba hal mar la dhameystiri karin oo wax kastaa waqtii u baahan yihiin.
Ilmaha maanta dhashaa bari ma socon karo,hawl kastana dhibaataa laga maraa oo sahal iyo adoo sariir jiifa waxaad rabtid ma heshid, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa (xusulo laaban xoolo kuma yimadaan) meyd waxaa u danbeeyey kaas la sii sido. Tusaale waxaa kuugu filan Road Mapkii (wadadii nabada) dowlada Soomaaliya ee maanta jirta lagu soo yagleelay, miyey daan xassusan dhibkii iyo tacablkii laga soo marey?
Miyeydaan xasuusan wixii balan la isaga baxay? Ma ilowdeen haddaladey ku hadaaqi jireeen kuwo diidanaa in Soomaaliya ay dastuur yeelato? Waxaad ogaataa wax kasta haddii loo sabro waqtina lagaliyo dad u heelanina jiraan had iyo jeer waa hubaal in la gaarayo laguna guuleysanyo.
Waxaa maanta reer Puntland horyaala inay kala doortaan in xukunka ay ku soo noqdaan oo ay hayaan, Jahli, Musuqmasuq iyo Eex qabiil hadda sii dabar go’aya waqtigoodiina sii idlaanayo ama ay doortaan, Aqoon, La xisaabtamid iyo Uqalmid oo hadda meesha geediga loo yahay.
Adinku kala doorta.
Qalinka Eng. N. D. Qumiye
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












Best ever real life comments I’ve ever read.
Thanx Engineer N. D. Qumiye.
[...] Read the article: Ma rabbno doorasho! ee maxaad rabtaan? W/Q Eng. N. D. Qumiye [...]
puntland rabbigood meel fiican wax ha umariyo kolay bini’aadam kala hannaan quruxsan oo haybad kala roon nin xun iyo nin wanaagsan badow iyo prophessor iyo caabud iyo caamo intaba dadku waa wada leeyihiin
Uma arko ninka Soo qoray in uu fahmay dadka diidan Doorashada hadda la qaban qaabinayo Sababaha ay u diidanyihiin .
Xisbiyo in la furto oo la gu hawl galo laba bilood gudahood doorashona ku dhacdo wax suurta gal ah ma’aha dad baa doonaaya in Reer Puntland la afduubo.
Hawlo badan ayaa ka sokeeya sida : Tiro koob aqoonsi loo sameyo qofkasto u dhashay Puntland gudo iyo dibad ba , dad martiyaa ina la degan .
Gudiga hawlahaa qabanaaya aaway inteese Kalsooni ka heli karaan.
Meel fog yaan la aadin Deriskeena Somaliland Dersi ha la ga qaato Inteebey hawlaha ku soo afjaren .
Warkeyga waan soo koobay intaa ka badan ayeey u baahneyd in aan saxiibkay u gu jawaabo laakiin waa wax qofkasta oo wadani ah ama xaq soor doonayaa uu fahmi karo.
Qoraagu aad ayuu u mahadsan yahay mawduucana qof meel dheer wax ka arka uun baa fahmi kara waxaan anigu ku kordhinayaa Dadka reer Puntland wey wada tashan ama wey kala tashan waayo meeshii waxay ku sifowdey meel iyagoo xaq u leh hoggaaminta dadka iyo dalka oo aan loo diidaneyn ayey haddana ki sifoobeen isbarbar yaac horumar la’aan musuqmaasuq maamul xumo isu-quuriwaa iyo rabshada dhexdooda oo joogta ah haddaba maadaama walaaluhu hoggaaminta dalka iyo dadkaba ku fashilmeen hagbadiina soo meertay waa in umadda idinla dhalatay hoggaankana idiinka awleysan talada loo daayaa maxaa yeelay ma aqbali karno in aan masiirka umadda ay ku herdamaan caqiimkaan ini saciid samantar faashilkan sirqaga ah ee gaagaab iyo ninka hanjabaadda isku soo caanbixinaya ee gob-lax lagu sheegay
Waxaan idiin sheegayaa waqtigii qaraaba kiilka waan ka daaley xukuumadanina halkaan sano xaq bey u yeelatay in loo kordhiyo sababtoo qorshe umadda u dan ah ayey waddaa cid ka hor iman kartana malaha kolley annaga reer bosaso raalli ayaanu ka nahay cid kale wax diidi kartaahuna maba jirto
Waxaan ka digayaa in aynu gacmeheena isku burburino waxaa jirta xasad iyo xiqdi badan iyo weliba quuriwaa aan la ogoleyn horumarka iyo nabadda dhulkaas ka jirta waxa u midoobey in iftiinkaan la demiyo shisheeye iyo sokeeye tusaale mooryaanta xamar xaad diiriye shariifyo tarsan ibbi armaajo garaad binti cali biijo ama khaatumo fadlan lacag ku shubo iyo kuwa kale oo badan waxa ayaan darra ah in ayba ina haweystaan iskaba daa in ay wax inoo dhimaane
Hibo Ilaahay kusiiayay habeen la iskama qaado. Inta ciil qabta oon walk codkooda ku ciil bixin waxay u ooman yihiin inay burbur tuugada qolka mugdigaa isku xirata oo hadba kii ugu lacag badni soo baxo. Waa og yihiin sadexda malyan oo puntland inaan codkooda lacag lala gaari karin iyagu ay yihiin shakhsiyaada horay loo nacay. Hadal waxaan ku soo gayn ninkii wax isku hayaa hayimaado garoonka cayaanta ee sadexda malyan. Laga soo gudub. Xiligii 65 qof oo qaymaha raqiiska lagu gadan jiray. Vivi
walaale horta midd iga qor maqaalkaagaa totally waan kugu raacsanahay puntland maaanta maalin ay ka barwaaqo badan tahay ma soo marin allahaa noo siyaadiyo midda kale ani aaad baan u tagersanahay madax wayne faroole waayo waa nin aaaaaaaaaaaaad ugu dhagan federalismka annagu centralism waxaan ka xignaa in aan goosano runti !!! ragga hadda qaylinayana waxaan u sheegaynaa waagi qaylada iy qoriga wax la isku fahan siin jiray waaaaaaaaaaaaaa laga soo gudbay GABLAX GAAGAAB IYO SAMATAR UMMADU WAY IDIN TAQAAAAAAAAAAN RAAAAALI AHAADA haddaad dorasho rabtaan xisbiyo furta haddii kale raaaaaaaaaaaaaaali ahaaaaaaaaaaada
Runta markan ka hadalno wax kasta oo dani inoo ku jirto waxa wanagsan inan dulqadkeda yeelano wax hagagaya malahan hadaynu kabta karinta usaar kaga dhigno dowlada waa in wakhti la siiya mahan in aynu dhegaysano nin wax uu ino qabanaya jirin oo markasna taagerno hadalkisa wixi aynu ka soo gudubnayna dib inoo ku celiya markasta waa in aynu ka fekerno sidi aynu uga gudbi lahayn nidaamka wax qaybisga beelaha