Ma Xisbiyo Mise Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Puntland? W/Q Cali Axmed Cali
Ma Xisbiyo Mise Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Puntland?
Cali Axmed Cali
Calibaale@hotmail.com
Sabteembar 27 2012
Sidaan la Socono Waxaa Maamulka Puntland Dhawaan ku Dhawaaqay Sameynta asxaab siyaasadeed oo Ka qayb galeysa Tartanka Doorashooyinka Puntland Iyo waliba In la bilaabayo Diwaangalinta Xisbiyada cusub ee la Furanayo Taas oo Shacabka Reer Puntland Saadaal iyo afkaar kala duwan ka bixiyeen Hadalada shacabku isla dhex marayaana ay ugu wayn tahay Ma Dhab baa in Dowladda Puntland ay diyaar u tahay xisbiyo madax banan iyo Doorashooyin si xor ah o xalaal ah uga dhaca Deegaanada Puntland, Mise Sheekadu waaa Sameynta Xisbiga hantiwadaagga Kacaanka Puntland Farooole na u Yahay Gudoomiye?.
Hadaan waxyar iftiimiyo Micnaha xisbiga hanti wadaagga kacaanka Puntland, Waxan Tusaale uga so Qaatay xisbigi Madaxweyne Mohamed siyad barre sameeyey kaas oo uu shacabka soomaliyed na usheegey in Dowladdisu tartan iyo doorashooyin diyaar u tahay, taas oo xisbiyo kale oo la sameeyey ay usuurtagali wayday inay la Tartamaan Xisbigi Madaxweyne Muxamed Siyaad oo marki la codeynayo sanduuqyada lagu soo qori jiray NO iyo Yes, kadibna dadka lagu amri jiray iny codkooda ku Riddaan sanduuqa yes ee xisbiga hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyed, Waxana baxday maah maahdi caanka ahayd ee uu Odaygii Majaajilstaha aha uu baxshay ee la oran Jiray Faarax gololey ( arey Nin Dooran doorta xaad noo dhahdeen”’
Sheekada ka socota maanta Puntland ayaa iila Ekaatay sawirkii Xiligas iyo Dowladii xiligaas nidaamkeedii oo la soo xaday lana rabo in lagu minji xaabiyo Jiritaanki iyo Nabad galyadii Lagu yagleeelay Puntland, akhristayaaloow ma idinla tahay inuu jiri karo qof diidan doorashooyin xor ah iyo Nidaamka asxaabta badan o si xalaal ah u dhaqan gala Degmo iyo tuulo kastana sanduuuq Maran la dhigo masuuliyadana shacabka reer Puntland la siiyo Cida ay dooranayaan? Jawaabta qofkasta uu oran karaa Waa maya!,
Hadaba Dhawaantan sidan la socono Mudaharadyo aya ka dhacay deeganada puntland aqoonyahano badan iyo Umad badan ayaa leh Nidamkani Maahan mid xalaal ah Dooorashooyina qaabka uu u socdo mid ay ku suurtagali karan maahan , sababtu waxay tahay Gudiga doorashada ee Leh asxaab aya la furaya iyo doorasho xor ah aya dhacaysa, ayaanba ahayn kuwa ka madax banaan Dowladda gacanteeda, Tasiilaadka iyo khasharaadka ay ku soc soconayana waxa bixisa dowladda iyo shakhsiyaad ku dhow dhow madaxweyne c/raxmaan faroole Sidee u suurtagali kartaaa in cid kasta Tartano Gudiga doorashaduna dhex dhexad u noqon karaan iyaga oo amarka ka qaadanaya Madaxtooyada Puntland ?
Qodobka kale ee is waydiinta mudan waxa weeye Madaxweyne faroole maalinti la dhaarinayey qofkasta waxa dhagihisa ka sii qaylinayey Hadaladi uu ku galay Doorashada ee ahaa inuu Dib usoo celin doono deegaanada Maamulka soomaaliland ka haysto Puntland iyo sidii uu gacan bir ah ugu qaban lahaa dhinacda amniga iyo dhaqaalaha oo hooseeeyey, hadaba maxaa ka suurtagalay arimahaas? ma kula tahay in nidaamka asxaabta badan loo gudbiyo iyadoo tilaabooyinki ugu horeeyey ee maamulka laga rabay inu ku dhaqaaqo uu ka gaabiyey?
lama inkirayo in maamulku wax qabtay dhaliiiluhuna micnahoodu Maahan wax la qabtay Gabi ahanba ma jiraan ee waxa meesha yaal waa wixi aad qabatay Bogaadin iyo sharaf ayad ku Mudantahay wixi harsana ee aad qaban waydayna si loo qabto xiliga wakhtigaaagu ku egyahay ha isku Dayin inaad la dhaafto Jiritanki iyo nabaddii lagu bartay shacabka reer puntland-na hakala dhantaalin Taariikh madow na haka tagin, Maanta hadii amni la eego wax qabsoomay ma jiraan, dowladdu waxay samaysatay cadow gudaha ah maadama shacabku ku hungoobay wixi ay ka sugayeen ki dibaddu na waa u dheeryahay howlahas o dhan waxay curyaamisay midnimadi dhidibada loogu taagay Puntland.
Caga jugleynta iyo Qaras ka tuurnimada lagula kacayo odayaasha iyo dadka waxgalka ah ee talooyinka soo jeedinaya iyo saxafiyiinta iyaduna waxay dhaawacaysaa Karaamadi iyo sharafki shacabku u hayay dowladda waxayna hoos u dhigaysaa hankii iyo rajadii laga dhowrayey in maamul wanaag iyo nidaam maamul iyo doorashooyin xalaal ah inay ka dhacaan wadanka.Waxay shacabku ka wada dharagsanyihin in meesha laga saaray oday dhaqameedki soo Jireenka aha iyo dadkii aas aaska iyo sal dhigga u ahaa Puntland maamulkana wuxu sameystay xulufo cusub oo qolyo isimo sheeganaya iyo kuwa siyaasin ahba ay ku jiraan kuwaas oo ah dhamantood calooshood u shaqaytaal ah Madaxweyne faroole na talo iyo fikir isagu uusan rabin usoo Jeedin karin, Xulufadaasi waxay abaabul ugu jiraan inay sameeyaan xisbiga hanti wadaaga kacaanka Puntland kaas oo faroole garwadeen ka noqon doono Isimadaan Cusubna ay beelahooda ku qancin doonan inay xisbigan taageeran, taas oo ay garab socon doonto in xisbi dowladu aysan raali ka ahayn uu soo bixi karin maadaama gudigii doorashooyinku jeebka ugu jiraan maamulka masruufka iyo lacagtana ay ka helaan xafiiska madaxweynaha loona soo mariyo wiilasha Madaxweyne faroole awalna Isagu magacowday iyaga.
Hadaba waxan soo Jeedin lahaa in Dowladdu dib u dhigto Nidaamkan ay leedahay waa dhaqangalineynaa iyo Sanad haleygu darada, wadadana ay u xaarto in doorashoyin ay dhacaan bisha january hadii uu guuleysto madaxweyne faroole waxanu Leenahay na daadihi Hadi laga guuleystana cida dambe ee timaado ayan ka dhowraynaa inay isbadal keeenaan wixii ay dowladdu qaban waydayna ay qabtaan, wixi ay ku guuleystay ee ay qabatayna bogaadin iyo xasuus taariikhda u galaysa ayay noqon doontaa, dowladdana halaga saaro hal gacan ee ay ku jirto, dadkana hala dareensiyo dowladdu inay dowladoodii tahay maamulkuna yahay kii ay shalay dhisteen, xorriyada hadalkana la ogolaado Si ay u dhacdo aamineed maamulka la aamino, Sidoo kale waa in dib Taladda Dib loogu celiyaa dadkii Gundhigga u ahaa Puntland Nabadeeda iyo barwaaqadedana ka talin jiray dowladduna ay meel iska dhigto inay Odayaashi dhaqanka ee umaddu ku soo Hiran jirtay maalinta ay xuntahayna samata bixin jiray Ogolaatana in lala Tashado wixi khaldanna ay dowladda la seexaan wixi ay ku saxantahayna Shacabka wakiil uga noqdaan oo Gudbiyaan Si calool xaarni ah, Sida laakiin Hada muuqata oo ah xulufeysiga iyo is bahaysiga ah Shacabki iyo isimadi waligood u taagnaa Midnimada Puntland na meesha laga saaro, waxay Taasi horseed u Noqoneysaa in Dhibaato iyo wax aan la filan karin dhacaan,
Si gaar ah iyo si Guudba waxan u leeyehay war maanta meesha la maraya wa meel halis ah in laga bad baadana ay muhiim tahay bur bur iyo inaan dib uga so bilowno 1998 illaahayna wax uu nagu kalifay mahan ee inagu yeynaan is kalifin Shacabka iyo dowladdu siday u kala xir xiranyihin iyo sida wax usocdaan waxay u muuqataa wado gudcur ah inay wax ka sii hoobanayaan, caqliga iyo fikir saliimka ah inta la adeegsado lana madoobo hala ilaaliyo Midnimadi koley waa booreysantahay oo wasakheysantahay lkn boos wax laga Qaban karo aya la joogaa iyo meel wax laga bad baadin karo, Dowladdu ha yeelato nidaam soo jiidasho oo ay dadka ku qancin karto cid kastana kula hadli karto, Hanjabaad iyo Hadi saas ay dhacdo saas baa la sameynaayada ha jooojiso dowladdu Shirweyne cuqaasha iyo waxgaradka Puntland la isagu keenayana ha iclaamiso wixi dowladdu ku khaldantahay ha qaadato wixi sharci iyo nidaam lagu heshiiyey ahna Yeysan jabin dowladdu oo aysan noqon ” shimbiri maalin bay dab qaadayoo buulka hooyaded bay gubtay”’
Wabillaahi towfiiq
Waxaa Qoray
Cali Ahmed Cali
=========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












WAAD ISKA HADASHAY PUNTLAND QORSHEHEEDU WAA SIDAY MADAXDEEDU UDHUGTAY.
DIRADIRAALE LASOO DIRAY PUNTLAND WAXBA LAGA WEYDIIN MAAYO.
[...] See original article: Ma Xisbiyo Mise Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Puntland? W/Q Cali Axmed Cali [...]
Faroole halkii uu dadkiisa rer puntland uu ku qancin lahaa ama kusoo jiidan lahaa wax qabad iyo wada tashi waxuu ku badashay inuu kusoo jiito qabyaalad taas oo ah inuu dad kisa maqashiyo baan wax idin kaga soo dhicinayaa iyo meel naga saaraa iyo ku hadlida warar Soomali kala fogeynayo waxan walalaha rer puntland kula talin lahaa iney iska qabtan oo shaqsi qalbi nadiif ah u doortan hogaaminta puntland waxa hada caden u ah inuu waxyabo xun idin qabtay masiirka uu idinka dhex istaajiyay bulsho weynta Soomaliye duko canbaar leh ayuu ka dhigay waayo hada Soomali oo idil waxay kasoo horjesten in shaqsi rer puntland ah madaxweyne noqdo hadana wali dadka waxay kasii simanyihin in raisul wazarana laga dhigi karin shaqsi rer puntland ah dhibkas dhan iyo sharaf dhacasna waa farole
sxb warkaau waa badan yaay wax wanaagsana waa ku jiraan wax aan macquul ayna waa ku jiraan pl anagaaa joogna waxan kusiina ya talo pl faroole maahan waa dadka iyo dalka adaladadana waxan ka dhansaday nin jago laga qaaday ama raadinaya dadkii pl ee dhistay wadanka waxay sugayeen 14 sano maalinwalbana waxaan sugaynay in xisbiyo la furo waxana la ansixiyey dastuurkii oo shansano ah adaad xusuustid 475 eray aya ansixyey waana laaga udbayaa qabiilkii wax lagu qayb san jiray waxana umalaynaya raii falanyta dekada ka qaadan jiray ama kunoolaa beenta innad tahay waayo waxa lagaa rabay nin dhaliyaro ah haadaad tahay inad ku faraxdid horumarka laga shaqaynayo ee lagaga gudbayo qabiilka tabarta daran waxaa kuu aboon inaad waxii talo iyo tusaale aad haysid inaad kudarsatid shacabka pl waaxaan kuu balan qadaynaa inuusan faroole dhaafin 2014 bisha january ee dastuurku qororayo sxb maadsanid
scww al miidaan waasac soo socda waayadaanba waa uu socday dagaalka afka ah ee lagu hayo ee buntuland waa naqaan laabiyada waliba si fiican waana ka hortagaynaa soo qora waxaad qori kartaan qalinku yuusan idn ciilin
Waan kaaga mahad celinayaa walale fakarka fiican ee aad soo qortay warbaahinta raxanreebna sidas si lamid ah pl maanta waxay ubaahan tahay in la bad baadiyo
Salaan kadib sxb mr.Ali waxaan kuleeyahay oo keliya fariinta aad gud binaysid hanoqoto mid aan cadaalada dheerayn, hadaad cid dureysidna waxaan kuleeyahay( cadaawada aad qolo ama qof u qabtid yey kudhaxalsiin inaad caddaalad samay)
intaa kadib aniga difaacimayo faroole iyo inta kuxeeran midna lkn hadii ay puntland burburto ama qalalaase kadhoco yey kaburburtay ? jawaab umahaysid runtii , marka hadii wado laynoo furay oo layiri hadaad rabtid inaad wax maamusho adiga oo aan gaban iskeen umadu hakugu qanacdo codkana hakusiiso , kuwaan meesha hada joogana Boorsooyinkooda bay qaadan iyadoo raali ah ,
tankale waa runtaa isimadu waa dad sharafiyo karaamo mudan lkn waa inaan laysku qaldin odeyaal dhaqameedka doorkooda iyo doorka dawladnimada yey arintu kaa hoosbixin caliyow.
.
Puntland waxay u baahan tahay in Faroolaha laga badbaadiyo. Waxay u baahan tahay qof siyaasad wanaagsan iyo hoggaan wanaagsan muujiya. Haddii kale waxay mari doontaa tog madow oo habaabiya.
Waxaan u malaynayaa cadaalad daradii iyo kalsoonidii luntay ee maamulka faroole godka kusii wado in ay halkaas dhibaatadu ka bilaabanty wax wayn maah dad walaalo ah ayaa wax wada samaysty hada sool tagty buuhoodle tagty mudug iyadaa daneheeda ka tashta dad caqli badan ayaa ku nool oo runtii yaqaana waaya aragna u ah colaada waana ku amaananyihiin qabaailka daga mudug ee iyo waa dad jira xaalada adagna u soo joogy intii maamulakan fashilman xilka hayay 4sano intaa kadib mxaa dan u ah reerbari reer qardho maadama ay dhamaaty 4 sanoi labo biloodna ka harsantahy cid lagu eersanaya aysan jirin ee faroole faraha looga qaaday 4 sano dhamaaty laga bilaabo isag oo hada sheegta madaxwayne aysan dadku la dhacsanayn wax qabadkiisa waa in reer ahaan ay talo kasoo jeediyaan waxa xiga hada labo bilood kadib waa in aysan dhib kale lagu garabgalin 4 sano oo xaalado adag lasoo mary kadib mxaa la saadaalin karaa oo beelaha puntland hada kusoo fool leh runtii hadii afroole ku dgaganaado meeshiis anuu waxaa filyaa waxaa dhacaysaa nasiib daro wayn oo oo soo ewajahda wadanka gabi ahaan marka talada uu qaato faroole maanta waa mid noqondoonta talo saamanwaynyeelata ciyaalada ku qaraabnaya dadka dagaanadooda haka xishoonina samacad xumada faroole uu soo hoyay garoowe taageeraha indha adayga ahna ee aad uga raadinaysaan dad dagaankiisa ma hada ayuu bilowday faroole waxuu noqday puntland gudeheeda iyo dibadeeda ninka loogu necebyahy wadanka wax kalena maaha waa siyaasadiisa isdabakawareega ah ee ku salaysan dib u socodka m
puntland waxey ku socotaa wadadii burburka faroole gacantiisa ku burburinaayo xukun qalafsan boob hanti dil dhac iyo musuqmaasuq beey noqatay puntland
EX-Muslim
———————
puntland badbaadadeeda iska dhaaf oo adigu is badbaadi waad dhunsantahaye!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Puntland labo bilood kadib halaysu diyaariyo doorasho faroole meesha looga tuuro ama dagaal sokeeye oo faraha looga gubto masuuliyadana uu qaado faroole mida kale faroole waa hanjabayaaye sow maahakaan ogaa oo bossaso ilaa qardho garab aan qabanjiray markuu kala firdhiyay dadkii ee qaarna dagaal uu la galay qaarna maamulo ku dhawaaqeen ka gaara puntland kkkkkkk samatar waa nin birta calashaday oo manaxaan ah looma rabo madaxwayne mana rabno waqti xaadirkan xiisona uma ahyo lakin waxuu rabaa ku xigeen waxaa loo wadaa waa qotshe balaaran oo la rabo in lagu hufo faroole waana oganahy faroole in hadii xabadi yeerto uu garoowe fariisanayo ogow hal san ayaa ku filan gaariga uu wato mxaa yeelay sabanka waa halis wax guba marka faroole sheekada ciidannimada ha ku guban ayaan leenahy samatar waa waa nin soo gubty
ala maxaa dawoco meel la iska hadshay foroole hortii waaba ay dayacneed buntuland 5sano oo danbe waan dooranaynaa qabyaaladiiste haba u darnaadee waa laba xaniiyood aan agtiisa wax laga goosan lana xisaabtami kara koofurta iyo waqiiyi galbeed
Caliyoow hadaad tahay nin dhalinyaro ah oo qalbigiisa aysan ku jirin qabyaalad iyo nin jecleysi ina adeerow maad tageerteen inaan ku dhex jirno awoodqaybsiga xaaraanta ee qabiilka lagu saami gooyay iyo tuugta 66nin ah ee aan cidna ma telin ee jeebkooda ucodeeya .
ina ader shacabka reer puntland waxay ubahaanyahihin in ay awooda iyo talada yeeshan oo qofka iyo xisbiga ay doonayaan ee waxqabanaya ay doortaan si taas lagu helaa waa doorasho in ay dhacdo aniga faroole iyo kooxdiisa ma taagersani balse waxan rabaa isbdel iyo axsaab in dalka ay ku tartamaan shacabkana awooda sare uu yeesho .
halka sano ee faroole loogu daray waa xaq cidna kama hadli karto cidii jecel in puntland ay gaarto horomur iyo isbedel way ku qanacsantahay waxyna halkaa sano ka qiima badantahay 4sano oo tuug qabqablayaal ah ay na hogaamiyaan oo ay cod ka helay 66 nin ee aan shacabka unaxin balse jeebkooda unaxa .
puntalnd way jireysaa puntland way ka weyntahay faroole iyo nin kaleba puntland waxaa iska leh bulshada degan ee ko nool 5gobol iyo dfegamada buuhoodle maslaxadiooduna waa axsaab iyo doorasho xalaal iyo dhalinyaro aqoon leh oo dalka loo dhiibo .
viva puntland horomur cadaalad iyo barwaaqo ayan urajeynayaa shacabkayga puntland
Qoraaga waxaan isku dayay inaan fahmo Qadiyadaada & Waxa kugu Qasbay inaad Puntland & Nidaamka (Shuuciga) Is bar bardhigto , Puntland diyaar bay u aheyd doorosho free and fare 1960 , Puntland waxay rabtaa ineey shacbkeeda helaan Full wrights oo ku fadhiya one vote inaad labarbar dhigtid ( Shuuci) ama communist ? Reer Puntland Naf & Maalbadan baa kaga baxay la dagaalan kii Xisbgii Kacaankii , Waxaan kula talin lahaa Soomaalida caa deysatay ineey kabeen sheegaan qofkay yihiin iyagoo raba ineey jambal tuuraan Ku waas waxaan Leeyahay we are Puntlanders thanks (Good) Raxanreeb Plz Qofkii Qoraal soo galinaya website kiina oo Raba in laga doodo Qoraalkiisa / Keeda, Weydiiya ineey soogaliyaan Sawirkooda oo aay Soomaali tusaan Si loo ogaado ineey xaq u leeyihiin ineey kahadli karaan ajandahaas, Viva Puntland &
Soomaalia
warkaagu ma qabiil wax halagu qaybsadaa mie nin kursi doonayaad u daneeysaysaa meeshaan in ay gaadho one man one vote maxaad dadka ugu celinaysaa.
Banaadirboy soomaliya waxaa u yaqaan xamar oo awalba xamar 4faataxo kamanaan heli jirin Hadii Aad garawshiiyo leedahay dadkii xamar laga soo qixiyay oo wali hantidoodiina lahaysto Ayaa u garaabi lahayd waxaa wali Dana socotaa dadkii Aad soo qixisay adoo ka xun sidee maamul u samaysateen soomaali iska dhaaf xataa Ilahay waxuu nacay mooryaanta xamar joogta marna isbaaro,marna cimaamad,marna alshabaab iska dhigaysa. Shekadiinu ma ahan farole kaliya ee waxaad kasoo horjedeen cademuuse oo waliba guryihii sii xamar lagu haysto. Waxa kaso horned ay c/laahi oo Aad lahayd amxaro ayuu wataa. Maanta a waxa kuu jooga amxaro,ugandhees xataa gab dhihin limo ka dhalay kamana hadlaysid markaa. C/laahi,cade, farole. Waxa uga soo horjedaa Waa. Sidee wax ku noqotay oo maamul u leedahay sida beelaha qaarkood maxaa xamar u imanwaysay oo isu dhibi waysay taas a hakayaabin inaan kuu sacs iyo AMA isu kaa dhiibo, waxaa iska dhigtay dad jecel farmaajo doorashada ins waxu Helay 13cod,adeer kiis cabdixoosh hantidiisii xamar aa lagu haystaa oo maalinwalba idacadaha ka ashtakoodaa ee Hadii jecel soomali kugu jiro dhaqankeda halagaa arko.
BANAADIR BOY HA LA BIXINE ISA SHEEG TUUGYAHO LASO ADEEGSADAY LAGUNA LAA LUUSHAY INUU DADKIISA QARXIYO.
maahmaah baa waxay ahayd hashu maanka gaddaye ma’masaar’bay liqday ,waan yaabanahaye maxaa saxaafadda kaqaldan soomaalida oo aay kamid tahay RR sababtoo aay tahay waa su’aale nabar dhaawaca hadduu kugu yaalo ma’qori danqinaya baa lagu mudaa mise waa ladhawraa oo ladhayaa ,haddaba jawaabtu waxaa weeye waa maya waxaana lamida dadka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka puntland oo aanan haysan nidaam dawladeed oo saxa oo adduunka ka heli kara taageero buuxda iyo amni buuxa , haddaba aniga ilama haboona in lahordhaco hawlaha dawladda puntland saxaafadduna kashaqayso waxa maslaxadda dadka iyo dalka oo aanan ahayn iskudir iyo xamaasad kicin ,waxaana shacabka walaalahaa ee puntland oo wadadhashay aan leeyahay nabad baa caano lagu maalaaye nabada ilaashada oo dawladda madaxweyne cabdirixmaan faroole wallaahi wax dhaama inaysan soomarin ee halala shaqeeye ……….
midda kale waxaan kaloo dawladda puntland talo uugusoojeedinayaa waarimayside war hakaa hara oo wax fiican baad sooqabateen oo runtii la’arki karo waxaase la’idinkaga baahanyahay in waqtigiina markuu dhamaado aad qabataan doorasho xalaala oo aakhiro iyo adduun la’idinku xasuusto ,hal yaanan la’iloobin qof kasta waxaa kadambeeya qabri iyo waxii camalkiisu ku khatimay ,waxaan leeyahay mar labaad madaxweynahayaga dr cabdirixmaan baal dahaba noogatag oo aan madaxweyne kugu xasuusano oo noosamee doorasho xalaala ,iskana ilaali wadamada shisheeye laqdabadooda gaar ahaan wadamada saaxiibkaa oo lagayaabo inay jeclaystaan inaad siijoogto halkaasna damac aanan kugu jirin madaxweyne uu yimaada taas oo haddii dadkaagu raali ka ahayn aan u fiicnayn dadkaaga iyo dalkaagaba ….scww
Iska hadloow ina igare. Nidaamka dimoquradiga ee adxaabta iyo tiro koobka waa waxaa dawladihii kala danbeeyay ay ku fashilmeen mid walbana ay u dhacday. Hadii faroole uu lee yahay anaa fulinaya mudada yar ma jirto Sabab aan ku mucaaradno waa waxaan sugaynay 14 sano sidaan ogahay waxaa jira dad badan oo aad u xisaynaya siyaasada puntland inay galaan waxaa ku adkaatay siday isu fami lahayeen odayaasha dhaqanka waxay hada bilaabeen inay siyaasada ku galaan nidaamkaan xisbiyada badan bulshadana fikradahooda xagaa u mariyaan. Afart wiil ee meelahaas cayr ka qaata oo oday calool Wayn oo horay wax usoo musuqmaasuqay warkiisa puntland loogama baahna runtaan idiin sheegaya asbuucyada soo socda waxaad maqlaysaan xisbiyo kala duwan wadaada qaarkood dhaqdhaqaaq urur bay bosaaso ka bilaabeen mudug mid baa laga wadaa xukumada faroole midbay garoowe hawshiisa wadaa. Marka kooxda yar ee ku waalatay faroole wakhti baa ka dhamaaday ha iska sugto halka sano hadii uu ku dhamayn waayo wakhtiguu qabsaday markaas ayaa hadal iyo in la yiraah imtaxaanka waad ku dhacday ee iska tag. Guul puntland
Banadir boy waa aragti khaldanyahay, waxaan weydiinayaa Soomaalida uu sheegayo sow ma ahan kuwa Ugaandheysku kala celinayo, Soomaalida uu sheegayo sow ma aha kuwa uu ku dhacay cudurka qabyaalada kansarka ku noqday, Soomaalida uu sheegayo ee Puntland wax u sheegi kara waa Kuma? Puntland waa qaran leh Dastuur ciidan iyo shacab horumaray, Puntland waxay ku socotaa wado sax ah iyada oo u hogaansan talada Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman Faroole. Raiisal wasaaraha iyo madaxweynaha Xamar yaal adigu qaado hadii aad haysankarto, hadii ay Soomaali jiri karto Puntland la,aanteed bal ha la,ogaado, waxaan nahay lafdhabarta iyo maskaxda Soomaaliya waxay Xamar ku khasbantahay in ay Dr Faroole talada ka dhegaysato hadii kale daadka ayaa latagaya.
14sano Ayana sugaynay ee 1sano Hadii uu rabo farole haku darsada oo reer mudug Hal xisbi Aan fura no , sharuucda xisbiguna Waa Hadii Aan. Guulaysano madaxwaynaha iyo kuxigeen inaan Wada .qaadano reer mudug aw waxbadan baan dhib ku jirnay oo bahashu halka bay ka dhawdahay Hadii Ilahay farole afkiisa kayeersiiyay. Xisbi yo hala fur to.
puntland awalba reerbaa lahaa iyaga haku heshiiyaan cid kale wax laga weydiinmaayo
Faroole oo laga nacay 5 gobol iyo buuhoodle bay taageero u raadinayaan ordaya riyihiina maala indha adayg iyo qabyaalad aan laga xishoon waa tan faroole fashilsay puntland dib u dhac ku wada inta caana riyaad laga soo dhergo ayaa faroole ugu horaysay madaxwayne ay maqlaan waa hate full faroole ciyaalka faroole ee wax ku qora meesha hadaa karbaash rabtaan iyo in laydin hufo labo bilood kadib waan arkaynaa hal sano kororsi ah soo tii laga diiday halyaygii geesiga ahaa ee burjiga badnnaa alla how naxariistii kororsi ma dawacada garoowe ka qalaadaysa ee fashilanty ayaa wadanka lagu siidaynayaa no no faroole waa fulay waa ogahy waa gariiraa markuu qardho bossaso yimaado halka madaxwaynayaashii ka horeeyay iyagoo dagaal ku jira halagaari ama labo gaari kusoo gali jireen adeer mudo kororsi majiro waa dagaal ka dhan ah farooole firdhiye hade hady dagaal noqoto yaa kugu haynaya meesha awlba damiin baa lagaa ahaaye garoowe jiir haan ku kory ku dagaalami mayo dagaan kale wadnahy dhag lee yaa kusoo kaxaynaya
Puntland hadi ay degan yihiin 1 milyan iyo bar qof, maxa 66 nin siiyay hogaanka gobolka? Yaa doortey 66 nin? Mise codka Milyan iyo bar qof macno ma laha? 66 nin hadi ay doorteen Faroole oo madaxweyne gobol ka dhigteen horta ayaga yaa doortey?
Faroole oo qura ma aha kooxdan Jammu-dadiid ee qabsatey Muqdisho iyaga waxa doortey barlamaan, barlamaanka yaa doortey, gaalo baa niman ku shirisey dal shisheeye oo yiri barlamaan baa tihiin, meeye codki dadka soomaliyeed??
Walla faroole walla ninkan jammu-dadiid ee Muqdisho madaxweyne ka sheegta baa aqoonsanahay. Codka dadka meeye, doorasho run ah ha la qabto, ninkasta hal cod baa leeyahay!
Sxb puntaland way dhaqaaq doo waxay la tar tamaysaa adunka wayna ku habsaantay say kuf xal oogu raadinaysay hadaba wariye ilaali warar kaaga