Maamulka Gobalka Banaadir Oo Sheegay Inay Wax Ka Qabanayaan Amaan Darida Ka Jirta Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka hadlay xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho iyo waliba dad lagu soo qab qabtay howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen Muqdisho.

Warsame Maxamed Xasan Warsame Joodax oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Maamulka Gobalka Banaadir sheegay  in lasoo qabtay dad badan oo amni darada Muqdisho qeyb ka ahaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada dowlada y gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigleyaal badan kuwaasi oo qaarkood dil u geestay Suxufiyiin ka howlgala Muqdisho.

Wuxuu sheegay in raga lasoo qabtay lagu sameynayo baaritaano islamarkaana iminka ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanka cidii dambi lagu helana maxkamad lasoo taagi doono.

Warsame Maxamed Xasan Wuxuu sheegay inay ku dadaalayaan sugida ammaanka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay xiligaan dhibaatooyin badan ay ka jiraan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe ka dhacaye falal lidi ku ah ammaanka iyo sidoo kale qaraxyo dhibaato ay kasoo gaareysay ciidamada Dowlada Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Share

Leave a Reply