Maamulka Jaamacadda Alpha ee Hargeysa oo bilaabay tallaabo amni-darro keeni karta
Hargaysa(RBC ):- Maamulka iyo Masuuliyiinta Jaamacadda Alpha College qaybteeda magaalada Hargeysa, ayaa bilaabay inay ka ganacsadaan Kaadhadhka casuumadda Xafladda qalin-jebinta Dufcaddii u horreysay ee ka qalin-jebisa Jaamacaddaas oo 29-ka bishan oo ku beegan Sabtida lagu qaban doono Huteelka Maansoor.
Waxaa maalmihii ugu danbeeyey laga dareemayaa Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa dhaq-dhaqaaqa iyo diyaar gararowga loogu jiro ka qaybgalka Munaasibad loo samaynayo Ardaydii ugu horraysay ee ka qalin-jebinaysa Laanta ay Hargeysa ku leedahay Jaamacadda Alpha University College oo ay xarunteeda guud ku taallo magaalada Addisababa ee Dalka Ethiopia.
Dufacadan xafladda lagu sagootiyayo diyaar-garawgeeda lagu jiro ayaa noqonaysa ardaydii ugu horraysay ee ka qalin-jebisa Jaamacadda Alpha qaybteeda Hargeysa, ka dib markii ay muddo saddex sano ah baranayeen Culuumta kala duwan ee kulliyadaha ay ka kooban tahay Jaamacaddu sida Kulliyadda ICT, (Tignoolajiyadda), Bussines (Ganacsiga), Economy (Dhaqaalaha), MIS (Habka maamulka Casriga ah) iyo Law (Sharciga).
Maamulka Jaamacadda Alpha waxay sameeyeen Guddi heersare ah oo isugu jira Macallimiin iyo Ardayda Jaamacadda, kuwaasoo iyagu diyaarinaya habka ay u dhici doonto xafladda qalin-jebinta oo loogu talagalay in ay ka qabsoonto Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Masuuliyiinta Jaamacadda ayaa u qoondeeyey sidii ay u dhici lahayd Xafladdu in Arday kastaa inuu bixiyo lacag dhan $ 95 Ardaygii aan bixin lacagtaana aanu ka qalin-jebin doonin Jaamacadda.
Sidoo kale, waxay Maamulka Jaamacaddu Ardayda qalin-jebinaysa u sheegeen, isla markaana ku wargesheegeen in arday kastaa helo oo loo qorsheeyey laba kaadh oo ah kuwa xafladda lagu galayo oo mid Ardayga qalin-jebinaya ee Shahaadada qaadanayaa ku galayo Xafladda kaadhka labaadna mid ka mid ah Waalidiinta Ardayga ama ciddii kale ee Ardaygu ku casuumo.
Hase-yeeshee, arrinta layaabka iyo fajicisada ku noqotay guud ahaan Ardayda Jaamacadda Alpha ka qalin-jebinaysa iyo qaybaha kale ee bulshada-ba, hab-dhaqan ugub ku ah xafladaha qalin-jebinta ee Jaamacadaha dalku ay sameeyaan ha ahaato kuwa Dawladdu gacanta ku hayso iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ka dib markii ay Maamulka Jaamacaddu ardayda ku wargeliyeen in ciddii u baahan kaadhadh dheeraad ah oo ay kaga qaybgalaan Xafladda qalin-jebinta inay ka iibsan karaan xarunta Jaamacadda iyo meherado Suuqa Hargeysa ku yaalla, kuwaasoo sheegay in halka kaadh lagu iibsan karo lacag dhan $10 (toban Doollar) oo Lacagta Maraykanka ah ama 60,000S/Land Shilin ah (lixdan kun oo lacagta Somaliland ah) oo Sarrif ahaan u dhiganta tobanka Doollar.
Waxay Maamulka Jaamacaddu ardayda u sheegteen sida laga soo xigtay Ardayda Jaamacaddaas iyo qaar ka tirsan Macallimiinta Jaamacadda, inay suuragal noqon karto in qiimaha halka kaadh hadda lagu heli karo ee tobanka Doollar ahi inuu ka kordhi karo, isla markaana gaadhi karo $20 Doollar ama 120,000 (boqol iyo labaatan kun) oo lacagta Somaliland ah Jimcaha illaa Sabtida oo ay Xafladdu qabsoomayso. Waxaanu warku intaa ku daray in Maamulka Jaamacadda Alpha ay Ardayda ku wargeliyeen in Ardayda doonaysa inay dad badan ku soo casuumaan qalin-jebintooda ay ka faa’iidaystaan inta qiimaha kaadhku tobanka Doollar joogo ee aanu kor uga kicin sicirkiisu.
Tallaabadani waxay noqonaysaa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ay ku kacaan Maamul Jaamacadeed oo ka tirsan Maamullada Jaamacadaha kala duwan ee dhawr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey laga hirgeliyey magaalooyinka kala geddisan ee gobollada dalka Somaliland, waxaanay ardayda iyo dad badan oo arrintan maqlay aad ula yaabeen ku dhiirrashada ka ganacsiga kaadhadhka munaasibadda qalin-jebinta oo ujeeddada loo sameeyaa tahay inay goobtaa ku tagaan Ardayda Shahaadooyinka la guddoonsiinayo, Waalidiintooda, Masuuliyiinta dawladda iyo Mudanta kale ee ay Maamulku Jaamacaddu ku marti-qaadayaan Xafladda qalin-jebintooda koowaad.
Si kastaba ha ahaatee, Ardayda ka qalin-jebinaysa Jaamacadda Alpha College Waaxdeeda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayey arrintan kaadhadhka Xafladda qalin-jebinta ee Suuqyada Caasimadda lagu iibinayaa ku abuurtay wel-wel iyo walaac badan oo ay ka qabaan sida la isugu hallayn karo ammaanka munaasibadda loo samaynayo farxadda qalin-jebintooda, isla markaana lagu guddoonsiinayo Shahaadooyinka ay mutaysteen, waxaanay Ardayda qaarkood kuu sheegayaan inay ka cabsi qabaan falal amni-darro oo soo food-saara Xafladdaas, maaddaama oo kaadhadhkii marti-qaadku noqdeen kuwo qaab ganacsi suuqyada loo dhigay oo cid kastaa heli karto.
Haddaba, waxaa is waydiinleh arintani saamayn intee leeg ayey arrintani ku yeelan kartaa dhinaca Aminiga ku dhawaad 400 oo Arday oo ka qalin-jebinaysa Jaamacaddaas, Waalidiinta, Marti-sharafta, Madaxda iyo Masuuliyiinta ugu sarraysa Somaliland ay ka qayb-galaan xafladaha noocan oo kale ah? Iyadoo ay dhici karto in ay iibsadaan kaadhadhka Xafladdaas dad aan oggolayn ama ka soo horjeeda horumarka Waxbarasho ee ay gaadhay Somaliland, kuwaasoo ay ka suuroobi karto inay ku kacaan falal cadowtinnimo oo ka dhan ah bini nabadgelyada iyo degganaanshaha sidii qaraxii ka dhacay 03/12/2009 Hoteel Shaamow ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, qaraxaas oo sababay dhimashada inta badan Ardaydii, Waalidiintii, Aqoonyahaniintii iyo madaxdii ka qaybgashay Xafladdaas oo loo sameeyey Arday qalin-jebinaysay.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.












[...] Read the original: Maamulka Jaamacadda Alpha ee Hargeysa oo bilaabay tallaabo amni-darro keeni karta [...]
Alpha oo ah majliska lagu qayilo oo hargeysa ka furan oo lagu dhamdey oo ilkaha lagu beeley bay jaamacad ka dhigayan war beenta naga joojiya waxba muqayilka ilkaha beeley hanaga daba wadinee
shame on u kaga warkan soo diray waar beenta dadka kadaa jamacada fadeexada kadaa wa jamacad sharaf lee mida kaleh amanka dalku wa suganyay aduu habarka kadaa ada xumaha la jeceleh hargeisa maha muqdisho oo kaleh wa magalo ka aman badan xataa washingnon oo maraykanku is bido quwada calamka guulban urajaynaya aradaydaa qalin jabinaysa iyo macalimiintooda iyo dabcan dalkayga qaligee somaliland God bless somaliland anad somalilanders