Maanso: Baarlamaanka u sheega. W/T Cabdiraxmaan Shaacir
Maanso: Baarlamaanka u sheega
Cabdiraxmaan Shaacir
Sabteembar 09 2012

Cabdiraxmaan Shaacir
Nin bariis u ordaayoo,
Badar meesha u aadiyo,
Baaddiyow kala roone,
Baarlamaanka u sheega.
Mid qabyaaladi boobtoo,
Badweyn ay ku dhex tuurtoo,
Bulshadii ka takoormiyo,
Baaddiyow kala roone,
Baarlamaanka u sheega.
Xukun ruux u basaasayoo,
Kursigaas u bestiis ah,
Baahideense ogayn iyo,
Baaddiyow kala roone,
Baarlamaanka u sheega.
Aqoontu waa bilyan nooce,
Barofeysar shisheeye,
Asalkiisa barbaarshoo,
Mabda’ooda bareenoo,
Barax ay ka dherjeen,
Teennase beyd ka aqoon,
Baqbaqaanni ciyaaya iyo,
Baaddiyow kala roone,
Baarlamaanka u sheega.
Eex intuu u bareero,
Beel ninkii wax u doortoon,
Han ballaaran lahayn,
Ama beeso la siiyoo,
Ummaddaan basanbaastee,
Bur-bur waayo ku raagtay,
Rajadii u bidhaantay,
Bohol manta ka tuura,
Barigan oo mid adduuniyo,
Barroon aakhiro joogno,
Bankaa loo fadhiyaaye,
Barlamaanka u sheega.















masadaan waa maaso qaali ah hadii dadku waxmaqlayaan ama garanayaan
ana waxaan ku darayaa baarlamaanka cusub waxaa loo doortay inay dadka iyo dalka badbaadiyaan way garanayaan nimanka suyaasada ku fashilmay ee hada wali doonayah god, inay ku shubaan shacabka soomaaliyeed ee 22 sano dhibaatadu kadaashey waxaan ku latalin lahaa inaysan wax barito dhamaanayah dadka iyo dalka god ugu ridin.
nin qabiilka buuxo yaan ladooran nin,aan dadka isku wadikarin yaan ladoonar nimanka dadka xoolohoodii cunay doorashadana ku galaya hanoo dooranina niman 3 sano ummada wareershey hanoo dooranina waxaan noo doorataan nin aqoonleh dhex dhexaada hanoo dooranina ninmanka beenta lagu bartay dadka iyo dalkana soo lugooyey shacabkana sii kala fogaynayah.
Ragaas waa kuwa aduunku ku sheegey inay musuqmaasuqeen shacabka soomaaliyeed last 3 year waa kuwa cunay dhaqaalihii loogu deeqay shacabka ku tabaalobey abaarihii ku dhuftay sandadii lasoodhaafay marka hanoo dooranina fadlan doorta khiyaarta ku jirtah musharaxinnta u damqanaya dadkooda iyo dalkooda.