Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Ra’iisal Wasaaraha Uu Soo Magacaabi Doono & Sida Uu Ka Yeelayo Al-Shabaab
Muqdisho [RBC Radio] Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin ra’iisal wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono, isqab-qabsiga dhexmari jiray madaxdii ka horeeyay iyo sida uu ka yeelayo ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha Uu Soo Dhisi Doono
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ka hadlay ra’iisal wasaaraha uu soo magacaabi doono, waxana uu sheegay in sida sharciga ah uu heesto marka la caleema saaro laga bilaabo 30-maalin, taasoo laga doonayo in uu ku soo magacaabo ra’iisal wasaare cusub,
“Waxa jira nidaam iyo qawaaniin marka ilaa 30-maalin ayaan heestaa sinaba xeyndaabkaas uama dhaafi doono”
Isqab-qabsigii dhexmari jiray madaxdii hore waa ay dhammaatay waxa bilowday axdiga is ixtiraamka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka jaraa’id ay isla qabteyn guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sidoo kale ka hadlay is-qabsiga iyo khilaafaadka soo dhexgali jiray madaxdii isaga ka horeysay, kuwaasoo mararka khilaafkoodii ay keeni jirtay in wax badan dib dhac uu keeno/
Wuxuu sheegay in arrintaas ay dhammaatay oo laga gudbay.
“ Axdigii isqab-qabsiga waa uu dhammaaday waxa bilaabatay axdigii is ixtiraamka iyo wadashqaynta, oo wasaarad kasta waxa lagu ixtiraami doonaa shaqadeeda.siiba hey’adda fulinta oo aan la shaqeyn doono”
“Baarlamaanka waxa bilaabi doonaa dabagalka xukuumada taasina waa shaqo u taallo”
“Guddoomiyaha baarlamaanka iyo anniga saaxibo ayaan nahay, waxa aan ku saaxibnay in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad rasmi ah oo wax u tarta shacabka Soomaaliyeed”
Al-Shabaab Ayuu Ka Hadlay Sida Uu U La Dhaqmi Doono
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qaabka uula dhaqmi doono kooxda Al-Shabaab oo dagaallo ay dowladiisa iyo ciidanka AMISOM kula jirto waxana uu yiri
“Al-Shabaab oo waa labo qeybood, waxa ku jira wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed kuwaasoo leh dalkan, laakin waxa laga doonayaa in ka soo baxaan, waan ognahay sababo badan ayey Shabaab ugu biireen, kuwo dhaqaalo ayey ugu bireen kuwa kale oo nabad la’aan iyo ciil dartiis ugu biiray ayaa jira iyo kuwa kale oo aaminsan mabda’ooda, marka waa in lakala qaado”
Kuwa raba dagaal mooye wax kale markaas waa lala dagaalamayaa” ayuu yiri
Ajaaniibta Shabaab ka barbar dagaalama siddii ayuu ka yeeli doonaa iyana
“Kuwa aan Soomaalida ahayn wax naga dhexeeyo ma lahan oo aan ahayn in dalkeena ka tagaan, waa kuwii keenay in la is qarxiyo wax calaaqad ah nagama dhexeeyo in uu naga baxo mooyee”
“Kuwii ka soo laabta Shabaab waan soo dhaweyneynaa oo waa la ixtiraami doonaa dadkooda ayay ka mid noqon doonaan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Ma dhici doonto in qof ay maxkamad soo xukuntay la iska sii deeyo waliba la dhaho waxa lagu cafiyay munaasabad ciid ama kowda luuliyo, qofkii la soo xukumo isla meesha ayaa xukunka loogu fulinaa ma dhici doonto cafis madaxweyne ama mid wasiir ayaa lagu sii deen doonaa, arrintaas haddaba hala taxadiro oo ha ogaadan dadka Soomaaliyeed, ma dhici doonto koox hebel ama urur hebel ama adeer ii soo daa in lagu soo daayo qof dambiile ah”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta barri xafladweyn oo ay ka soo qeybgali doonaan madax badan iyo wakiilo caalami ah lagu caleemi saari doonaa magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Continued here: Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Ra’iisal Wasaaraha Uu Soo Magacaabi Doono & Sida… [...]
Mudane Madaxweyne. .. Ka Fogow Sakiin iyo Faroole dadka ay wataan. Waa labada loogu necebyahay Somaliya
Waxaan Ilaahay kaaga baryayaa inuu kula garabgalo kuna fududeeyo hawsha culus ee ku hortaala.
alllow kii lagu raysto nooga dhig
aaaaaaaaaaaaaaaaaaammmmmmmiiiiiiiiiiiiiin
Alxamdu lilaah.
Somalidu waxay tiraahdaa “Soortaan cuni doono sansaanteedaan ka gartaa” Waxaan filayaa in Somalia
ay Hagaagi doonto. MAdaxwaynaha iyo Guddoomiyahaba ilaahow noo dhawr ayagoon wali shaqo bilaabin ayaan qalbiga ka doogsannnay!
Cilmi, sakiin waan garanay laakiin saaxiib faroole ma waxaad ku dagaashay inuu u shaqeeyo shacabka degan dhulka laga soo doortay? Hadii gobolkasta uu lahaan lahaa hogaamiyeyaal dantooda u dagaalama danta guudna waa hagaagi lahayd aragtidayda.
Cilmi markaad leedahay ka fogoow faroole waryaa faroole asagaa ayaa iskaleh resalwasarahaabgaal haduusan helin nin aan aheen gursikaas waaloo yaabaa hana ku tashtaan waxii dhagahooda maqlaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk dame
Ilaah dhibka kasaar umdaan
@ Cilmi.
Faroole waxaa neceb Mooryaan, qabiileyste, is-baariiste,wax matare iwm meel walba oo uu joogo. Mooryaanna cidna wax weydiin meyso. Faroole ma waxaad ku naceysaa muxuu dadkiisa wax ugu qabtay? ugu doodayaa? noola xisaabtamayaa? Mise Faroole oo meel weerar ku ah oo dhulal islaameed boobaya ayaad aragtay?
Haddaad ku qanceyso kan aad hadda u sheegeyso in uu wax doorto, nidaamka uu meesha ku yimid Faroole ayaa ka soo shaqeeyay ee hadduusan meesha joogin waa horaa sidiinii isbaaro, qashin, kufsi, mooryaanimo isaga jiri laheydeen. Marka Faroole haku caasininee u duceeya!!!
Jaalle madaxwayne wallee nin aad u caqli badan ayaad tahay Shariifka ka horeeyey caqli uu dadka kukala saaro majiro inta aad sheegtay arinta Shabaab waa sidaa oo arimaha aad sheegtay ayey u badantahay garabkaaga jaalle madaxwayne Noolaaw soomaliya hanoolaato
asc,wabacdu,
madaxwaynaha cusubi ha 0ogaado inuu kasoo dhex baxay dal aan haysan madax banaani dhan , oo ciidamo shisheeye ay joogaan, nabadgalyada waddankana ay iyagu gacanta ku hayaan oo ka mas,uul yihiin, sidaa daraadeedna ay waajib ku tahay inuu ka shaqeeyo sidii uu udhisi lahaa ciidamo soomaaliyeed oo xalaal ah oo wadanka nabaddiisa gacanta ku qabta,taaana uma suurta galayso haddii aanu la heshiin kooxaha kasoo horjeeda,waayo adduunka wax xoog ku muquunis xal uu keeno majirto, dadkaan lala dagaalamayaana waa dhallinyaro soomaaliyeed oo ubaahan in iyaga laftooda la badbaadiyo intii lalayn lahaa iyaguna ay wax layn lahaayeen,
kooxaahaan hubaysanna waxaan kula talin lahaa inay nilaahay kacabsadaan oo ay6 naftooda iyo dalkooda iyo dadkoodaba badbaadiyaan,dagaal aan wax natiija ahm keenaynna joojiyaan, ogaadaanna afrikaankaan waddanka lagu soo uruuriyey inaanay kanaxayn dad iyo dal soomaliyeed toona, dhimashuna aanay qiimo lalahayn, lagana yaabee in nin walboo kamid ah diyadiisii dadkiisu qaatay,
waxaan idinkula talinayaa dadkiina laheshiiya haddaad shareecada ilaahay in waddanka lagu maamulo udagaalamaysaanna shardi kadhigta oo heshiiska ku gala,laga yaabee in ummadda soomaaliyeed arrintaa idinku taageerto
Ninkan ha iska dhaafo wareysiga badan inta uu ka fahmayo siyaasadda qabyaaladeed ee Soomaaliya iyo gumeysiga adeegsada ee Xabashida ugu horreyso ama uu ka sameysanayo team adag oo ay isku mabda yihiin.l
waxaan ka baqayaa in Islaax karkaarka ka waydaarin doonto
ASC, Mudane Madaxweyne. Wadada wanaagsan aad hayso haka leexan sidii kuwii kaahoreeyey.
Faroole Iyo Sakiin dadka simayaa kuwo wax kala garanaya maahan.
Faroole, Waa ninka fududeeyey maantay in madaxweynahan cusub kursiga ku fariisto.
nin siyaasiya ayaa garankara, sakiin waa ninka somaliya baabi’iyey
Weji cusub waa in la helaa, Faroole waa gudoomiye gobol oo waayeel ah, waxaa la heli doonnaa qof ka fir fircoon kana aqoon badan, Somalia waxeey joogtaa markii aay hogaamin lahaayeen aqoon yahanka oo aan loo eegin qabiil, Ra’iisul wasaare waxaa lahaan doona shaqsi daacad ah oo dalkaan wax u tari doona lamana eegi doono gobolka uu kasoo jeeedo.
@Cilmi kan la baxay adeer Faroole nin lagu ciyaaro karo ama afxumo wax looga qaadi karo maaha waa Madaxweynaha Puntland Allaha dhawree, teeda kale hadduusan ka tala qaadan ma adoo kale oo akhlaaqdu ka luntay baa wax la weydiiyaa ama kuwa kula midka ah ee Cali Beesateen ka mid yahay iyo qashinka Khaatumoseegyada ah ee Muqdisho ceebtii ugu foosha xumayd kasoo raacday ayaga iyo Garaadkoodii garaad Pintiland. Anigu alaylehe waxaan bintiland u aqaan waxaan waxba iska dhicin karin waxna soo dhacsan karin sida khaatumoseegyada oo misana wax ismoodaya.
Hanoolado Faroole, Hanoolato Puntland, Somaliyana hanoolato
FARMAAJO WUXUU HAYSTAA KALSOONIDA SHACABKA KU DHIBAATAYSAN DALKA IYO DIBADA XERYAHA QOXOOTIGA MARKA HADAAD KA TAGTO OGOW INAAD LUMISAY KALSOONIDII SHACABKA SIDA KUWII KAA HOREEYAY U LUMIYEEN
Masha Allah walalayaal aad baad ugu mahadsantihin madaxda waa loo duceeyaaye haloo dueceeyo xilka aay inoo hayaana Allaha ufududeeyo waa xil aad u adag runtii waana adagtahay xiligaan oo aduunyaduba iska aadkaatay in lahelo qof dacaad ah. Allaha noo barakeeyo Insha Allah.