Madaxweynaha Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Midowga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Midowga Yurub ay u soo magacaawday dalka Soomaaliya.
Kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh La qaatay ambasadorka cusub ee midawga Yurub u qabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada Qaranka waxaana goob joog ka ahaa xubna ka socday midowga yurub iyo madaxda dalka.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Xaamud Cali Maasheeye oo kulanka markii uu dhamaaday warbaahinta la hadlay waxa uuna sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ay uga wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen.
Michal Caravan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ugu horayntii shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay isbadelada ka dhacay dalka iyo madaxda cusub ee la doortay waxa uuna tilmaamay in midowga Yurub ay ka go’an tahay in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya kala dhexeya midowga Yurub.
Kulankaan ayaa wuxuu imaanayaa xili maalmmihii ugu danbeeyay madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo la qaadanayay xubno kala duwan oo ka socday wadamada Beesha caalamka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See the original post: Madaxweynaha Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliya [...]
dadkii waa dhamaadeen isagiina qaabilaad iyo xaflado ayuuu ka bixi la yahay walee xamae waa lagu hoobtay bisinka subxaana laah
Waa arrin lagu qoslo ninka Madaxweyne isku sheegaayo oo meelna xukumin.
Ergeygan cusub dhowr sacadood ka hor wuxuu sidoo kale laa kulmay Madaxweynaha maamuulka Somaliland Axmed Siilaanyo. Halkee lagu arkaay wadan dhowr madaxweyne leh?
Maamulaada Somaliland iyo Puntland waxaan idin leeyahay halka ka wata horumaarka labadeena maamuul iyo nidaamka aad abuurteen ha ku ciyaarina. wax dowlad kama jirto Xamar.