Madaxweynaha Puntland Oo Garowe Kulan Kula Yeeshay Wafdi Uu Hooggaaminaayo Wakiilka Cusub Ee Midowga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe [RBC Radio] Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Maxamuud Faroole iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradiisa ayaa maanta oo Axad ah, waxa ay  maagalada Garowe ee gobalka Nugaal kulan kula qaateeyn wafid uu hoggaaminaayo wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya  Michal Caravan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Garowe, ayaa waxa looga hadlay siddii loo xoojin lahaa xiriirka midowga Yurub ay la lee yihiin maamulka Puntland, iyo  Puntland ay kulan la qaataan wakiilka cusub ee u jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Faroole iyo ku-xigeenkiisa Gen: Cabdisamad Cali Shire ,iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe.

Kulanka oo markii hore saxaafadda ay bannaanka ka joogtay ayaa markii dambe waxa saxaafadda la hadlay madaxweyne Faroole iyo danjiraha midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mr. Caravan

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wafdi ka socda midowga Yurub gaar ahaan danjiraha dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya in uu soo booqdo deegganada Puntland.

Isagoo sheegay in uu kulan wax yaabaha ugu badan ee looga hadlay ay ahaayeen in la isbarto isla markaana la kala warqaadasho sida uu hadalka udhigay.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale sheegay in ay soo dhaweynayaan wakiilka midowga Yurub loo soo magacaabay Soomaaliya.

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay danire Michal Caravan oo sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu maanta ku yimid magaalada Garoowe, waxana hoosta ka xariiqay in dhammaan waxyaabaha laga hadlay la isku afgartay.

Isagoo intaas ku daray in la xoojin doono xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Midowga Yurub, in Puntland ay ku taageerayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Mr. Caravan ayaa ku nuux-nuuxday in midowga Yurub ay taageeri siinayeen 21-kii sano ee la soo dhaafay ee dalka Soomaaliya ka jireen fowdada iyo qaska.

Si kastaba, danjire Michal Caravan ayaa shaley warqadihiisa safiir ku wareejiyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla shaley waxa kaloo uu booqaday magaalada  Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Garowe

Share

7 Responses for “Madaxweynaha Puntland Oo Garowe Kulan Kula Yeeshay Wafdi Uu Hooggaaminaayo Wakiilka Cusub Ee Midowga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya”

  1. [...] Read the original: Madaxweynaha Puntland Oo Garowe Kulan Kula Yeeshay Wafdi Uu Hooggaaminaayo Wakiilka Cusub Ee Midowga… [...]

  2. ina Bulsho says:

    Waar nimanyohoow ninkan faroole waxaa ka lumay madaxweynenimo.waa nin gudoomiye gobol oranaya madaxweyne ha leeygu yeero.Waa maquustihii 3aad.Heliwaa iyo yaaqshiid waxeey leeyihiin calan iyo dhul eey degan yihiin in ku laba jibaaranta inta degan waqooyi bari soomaaliya haddii leeysku geeyo.Sidaa aawadeed uma qalmo in loogu yeero Madaxweyne.Madaxweynoow xaal qaado ileen rajistaraha saaran ayaa ah madaxweyne doon.

  3. Faroole says:

    Trio political scheme. That is what is up. South somali Puntland and somaliland. Kkkkkkkk that is good

  4. Ha la badbaadiyo pintiland ha laga qabto wiilasha faroole hadii kale waxaa dhici doonto in la dhaho beribaa pintiland jiri jirtay.

    Reer qardho dareenkooda way muujiyeen laakiin wali waxaa hurda shacabka goboladan.

    Bari
    Mudug
    Nugaal

    Ha la badbaadiyo pintiland !!!!!!!!!

    Marwo caasha geele iyo shacabkeeda reer mudug waa in ay muujiyaan dareenkooda sida jeneral abdilaahi siciid samatar iyo shacabkiisa reer karkaar u muujiyeen dareenkooda in pintiland la badbaadiyo

  5. ahamednsir says:

    @DARWIISH ninka la baxeey adeer kala bax puntland farah meshaad sheeganeysid cadowga ka kacso hal il baa leedahey taasna puntland baa ku aragtaa.talo iyo fikir puntland hadaa u heysid iyo wanaag pintiland madan dhahdeey oo ah hadalkii Garaad binti yiri ileyn caqli kal hara malihidin.

  6. qaloocow says:

    Puntland, galmudug iwm adeer filimadaas waa dhamaadeen. Somaliya waxaa caasumad u ah muqdishu, madaxweyne xasan shiikh, gudoomiye barlamaan jawaari, raisalwasaare waan sugeynaa. Marka riyada inta layska daayo ha laga fekero sidii wadanka loo badbaadin lahaa inta riyada layska daayo.

  7. dirira says:

    qaloocow xaan ku shegaa in puntland ay dhashay dawlada hada jirta wa sida uu caalamka u aqoon sanyahay qorana ilayn qoloda xamar joogto siyaasadii bay qalad ka fahmeen waagii aan kaligeen is qararamsanjirnay waa dhamaatay waana laga saxiixday haday jabiyaan waxay saxiixeena iyagaa ku futa xun waxaa lagaa horeeyaa boqolsano oo qoriqii waqtigiisii waa dhamaaday qalinbaa socda qolada waqooyina waxay adookale kuu rabaan inay wax ka saxiixdaan puntlandna weli way jirtaa

Leave a Reply