Madaxweynaha Puntland oo Ku Soo Fool Leh Muqdisho (Maxay Tahay Ujeedada Socdaalkiisa?)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Faroole

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyadoo loo diyaargaroobayo caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga madaxweyne Faroole waxaa ka mid ah xubno ka mid ah madaxtooyada Garowe waxaana ay ka qeybgali doonaan xaflada caleemasaarka madaxweynaha cusub oo maalinimada Axada ka dhacaysa Muqdisho.

Madaxweyne Faroole ayaa lagu wadaa in marka uu dhamaado caleemasaarka madaxweynaha cusub uu kulan la qaato iyagoo ka wada hadli doona dhismaha xukuumada cusub iyo kaalinta maamul goboleedka Puntland oo ka mid ah maamulada saameynta ku leh Dawlada federaalka.

Magacaabida raysul wasaaraha cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Isniintii lasoo dhaafay ku guuleystay xilka madaxtinimada dalka ayaa weli ku jira wadatashiyo ku aadan xulista shakhsiga noqon doona raysul wasaaraha cusub ee dalka iyadoo ay soo baxayaan siyaasiyiin loolan ugu jira sidii ay xilkaasi ku heli lahaayeen oo madaxweynaha cusub kulamo la qaadanaya.

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa kulanka uu la yeelanayo madaxweynaha cusub kagala hadli doona magacaabista raysul wasaaraha cusub iyo shakhsiga uu rabo in loo magacaabo maadaama sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in raysul wasaaraha uu ka imaanayo qof kasoo jeeda gobolada Puntland.

Warar Raxanreeb ay heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Faroole uu sameyn doono talo soo jeedinku aadan magacaabista raysul wasaraha cusub inkastoo Faroole uu shuruud ka dhigayo la shaqeyta dawlada cusub iyo sida ay u dhacdo magacaabista raysul wasaaraha.

Dhnka kale siyaasiyiin caan ah oo uu ku jiro raysul wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo warar naga soo gaaray kulankaasi ay sheegayaan in siyaasiyiinta ay kala hadleen madaxweynaha arimo ku aadan magacaabista raysul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Illaa hadda waxaa muuqata in madaxweynaha cusub uusan rabin inuu ku deg dego magacaabista raysul wasaaraha oo si aad ah looga fiirsanayo shakhsiga loo xulanayo waxaana saacad kasta soo baxaya siyaasiyiin iyo shuruudo kala duwan oo la isku barbar wado kuwaasoo la sheegayo in lagu saleyn doono magacaabista wasiirka koowaad oo ka sokow Soomaalida xitaa beesha caalamka indhaha ay ku heyso.

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

59 Responses for “Madaxweynaha Puntland oo Ku Soo Fool Leh Muqdisho (Maxay Tahay Ujeedada Socdaalkiisa?)”

  1. MAXAMAD says:

    Waxaan kula talin lahaa madaxwaynaha inuu labo shey iska ilaaliyo
    . 1)* waa inuu wasiirka 1baad uu siiyo nn Islaax oo marka madaxwayne iyo PM ka wada yimid hal xisbi ay meesha qabtaan
    2)* Koleey beesha Daarood baa leh booska hayre inuuu ka soo xulo qof karti leh beelaha aan wili qabana ka soo jeeda ..hadii kale waalida ayay tacriif keeda ayaa ah doing the same thing and hopping for different outcome.

    ILAAHOW mid dadka iyo dalka khayr u ah talada noogu dhiib

  2. alla maxaa faan la haya raiisul wasaaraha ma ilaahaybaa u qoray haddi sannadka uu noqodo somali nimo danbe majirto waa lagu kala tegayaa

  3. Axmed says:

    i’m sure he’s going to Mogadishu for President’s ceremony on Sunday.

  4. dsd says:

    aniga waxaan kula talin lahaa in uusan la tashan sheydaan faroole waa kheyr-laawe haduu doono nugaal iyo bari ha goosto cid u baahan ma jirto…
    waa oday waalan ee soomaali RABBI hA dhaafsiiyo waa Qabiiliste aan xishood laheyn ee waxaa magacowdaa ninka asaga uusan wadan…
    sababta oo ah odaygaa haddii tiisa loo yeelo marka danbe guriga ayuu ku dhex xaarayaa.. waa oday nijaas ah

  5. ina bulsho says:

    Faroole ha caga dhigto soomaali uma baahno in faroole farageliyo.waa gudoomiye gobol ka mid ah soomaaliya. Degmooyinka kaaraan iyo wardhiigleey waxeey leeyihiin calan u gaar ah inta ruux ee degana ma degana hadii leeysku daro inta degan puntland sidaas daraadeed cagtii joogsan weysaa mar beey ceeb la kulantaa.

  6. Wiseman says:

    SOOMAALAAY WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA HADDII AAD WAX WALBA ISLA JECLAATID WAX WALBA WAAD WAYDAA!!! PUNTLAND WAX WALBAY ISLA JECLAATAY WAANA TAN SOOMAALI INTEEDA BADANI AY LA YAABAN YIHIIN WAX WALBANA SEEJIN DOONA. WAXAAN U SOO JEEDIN LAHAA MUCTAMACA REER PUNTLAND IYO XUKUUMADOODA IN DAMACU UUSAN ANNAANI IDIN KA DHIGIN OO SIDA WAX LA IDIINKU QUURAYO AAD WAX U QUURTAAN.

  7. Wankamudug says:

    Hadii laka tago. Dadka uguma liidano. Laakin Marhore. Baa Lakala tagey. Oo wadanku. Islama socdo waxaad Arkaa. In. 4sano. Kabacdina. Aan doorasho loo dhanyahay. Aan laqaban doonin oo. Soomaliya aysidaas ugu dhamaatay , soomali land. Sideeda bay ahayn, putland waxaa kahirgalin xisbiyo dooran doona madaxwayne haysta maandhayt shacab. , baxay iyo Barolo waxaa kahirgalin maamul gobbled, juboyinka iyo GeForce waxaa kahirgalin maamul gobbled, hiiraan waxaa kahirgalin maamul gobbled., galmudug AMA sideeda bay ahan AMA way sii licit fin. Madama ay hada 3dex madaxwayne leeyihiin, galgaduud. Waxaa kasoo biding ilaa 3 maamul gobbled. Oo la aqoon San Yahay. Oo ay kala hogamiyaal. Ceyr,marayxaan, salaybaan. Waikiki. Oo dhan intaas markii dhacdna 4sano gudahood sidii doorasho lagu saman lahaa baa larabaa.

  8. shukulaatiina says:

    RAXANREEB YAA IDIIN SHEEGEY IN REYSALWASARAHA UU PLAND KA IMAANAYO?´????????? WAXAS MA JIRAAN ADEERAYAAL XILKA WAA IN LOO DHIIBA NIN AAN FAROOLE KA AMAR QAADAN WAAYO FAROOLE WAA QASWADE MA DOONAYO DOWLAD SOOMAALIYEED OO XOOG LEH AY DHALATO WAA IN MARKAN LAGA DHIGAA REYSAN WASAARAHA BEELAHA KALE EE AAN FAROOLE KU HEYBTA AHEYN SIDA REER GODOGOB SIDA REER CAABUDWAAQ SIDA REER SOOL .

  9. maroodi says:

    kkkk kkk kkk kkk madxweynaha somalia ayan fariin u dirayaa hdi u faroole iyo wajiyadii hore ilaah wajigooda ha gubee uu wx talo ah ka qaato wxa ku imaanaya fashil wiliba foolxun mxaa yeelay wadanku hda waa uu ka baxay ku meelgaar mrka sabab ha u noqon ayan oran lahaa dadkan noocaan oo kale ah oo qabyaalada qalbiga ka gashay oo somalinimo aan aqoon xarigoooda ha tidcin hdii aad dooneyso dowlada ad madaxda ka tahay in ay taariikhda ay baal dahaba kagasho insh,laah waa iga talo waa iga talo

  10. Kilwe says:

    Madaama warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan Raisul Wasaaruhu ka imaanayo P/land????
    What a joke! Bal aynu dhowrno dhowr week.

  11. abadi says:

    Raxanreeb dhex dhexaad ayaa la idinku oga ee maxaa dhacay R/wasaaraha ya Puntland siyay Farmaajo ma Puntaland ayu ka yimid mise xlka waa xil u siman yihiin qoraalka dib ha lo fiiriyo webka waa web aan dhex dhexaad uga baranaye Thanks

  12. farah says:

    asc dsd waceb caydu farolena madan cayine abaha bad cayday maxyelay nebigaa yiri csw qofkii caya qofkale waridkii ogow waridkisbucayey marka abekumadhalin miya tobadken qarigagana ubaq ilayn waxad aduka ku aburato bad kucunine wsc

  13. farahaan says:

    soomaliyay horta ma ogtihiin cida uu xukumo madaxwaynaha fdraaka? wuxuu xukumaa dhorkilomitir oo xamar ah oo uu halhabayn kabadan hotel ka seexanwaayay iyo puntland oo 5 gobol oo amaan kunool ah…hadii kii wadanku kanoolaa caydaan .raqdana rag kusheegtaan .rabi haydiin naxariisto soomaalina maanta dastuur baakadhexeeya hadaad muwaadintahay kaas baan isugu emaanaynaa,hadaaddiidan adigaa rajobeel kusii jiraya………..

  14. Kkkkkkk. Nin baa. Nin kuyiri. Maxaa Iifiirinaysaa. Waxuu ugu Jawabay oo Adigu Hadii. Abadan Aniga Iifiirinayn see igu a ragtag. ,huutuga Hadii Aan Qabiil kabuuxin sidee ku Arleen farole , huutuga sida loo Barry federal ka Waa in loo baraa putland. Oo. Ah. Gaalkacyo ilaa boosaaso Waa 750km, Kuwa leh 2gobol. ,north mudug xisabta ku darsada.raisalwasre Waa Inuu Ahadaa. Nin. Aysan Jeclaysan huutuga. ,reer kuu rabo haka ahaado daarood oo huutuga inay qatan cadkooda Anya keensadan nin daarood ah oo iyaga u shaqeya CID aqbalaysa majirto.

  15. faarax says:

    madaxwene faroole geesi waaye warkiisa ayaa soconayo ninkuu isaga uu rabo ayaa laga dhigayaa faroole waaninka ugu xoog badan soomaliya xaga ciidamada xaga dhaqaalaha mar dhow puntiland waxey ka mid noqon doontaa wadamada gaaska ugu hormarsan ee caalamka

  16. Sama_Kataliye says:

    Anigu waxaan dhihi lahaa nin latashaday Shaydaan Faroole waa nin latashaday Shaydaan Shariif Sakiin oo kale. Puntland kursiga raysal wasaaraha dhaxal ummalaha, marka madaxweynaha waxaan kula talinlahaa in aan dadkaan masaakiinta ah oo meles Zenawi iyo Ethiopia daba dhilifka u ah loo dhiibin kursiga sare ee soomaaliya, Insha Allah.

  17. Jugsodhacay says:

    Farmaajo. Iyo. Gaas. Iyo. 2sharif. Masoo laqaban doonaan oo daadka Ayaa qaday Hadii ay soo labtn sida mdaxwaynaha lays ugu Wada Raacay layskumawada raacidoono.

  18. dhudub says:

    carolled is visionary leader and primeminister will be doctor xaashi

  19. cabla says:

    wa yab somalia inta dadka san u hadlaya oo xanunka wada qaba ku nolyihin ma gareyno nabad iyo horumar ya rabi naga inta xun oo qabila xanunsaneysa hada wa niman rag ah ban filaya dadkan waxan so qoraya xiisab ba idin sugeysa qabrii ba idinsugaya wa gorma gordtad dhimaneyso allah ba garnaya fidmada naga daya

  20. Libaax-libaax DHalay says:

    @ dsd , ina bulsho.

    War nimanyahow waxbaa idinka khaldan, waxaadna u egtihiin caruur yar-yar oo afaar qaabiil keliya lagu soo ababiyay, faroole horta isagoo cidna marti u ah imaan maayo. una malayn maayo hadda adinku caqligiina gaaban baad hadlaysaanee isaga Iyo Xasan shiikh inay is moogyihiin, anigaan hadda idin sheegayeee Faroole waxaan ognahay inuu mar hore yiri annagu nin kasta oo uu madax-weynaha cusub keeno baan soo dhoweynaynaa laakiin hal shardi, ma yeeli doon nin kasta ha ahaado nin fidno huriye ah oo colaad gaar ah inoo qaba.

    Taasna ma haa mid qarsoon oo bulshada Puntland oo dhan baa sidaas qabta, mana aha mid Faroole u gaar ah isagaad magaciisa taqaanan mooyee, waxaana ninka isku magacaabay IN Bulsho u sheegayaa haddee waxaan u malayniyaa Mooryaanta hadda Xamar soo gashay baad ka mid tahayee waagii Xamar nabadda ahayd Kaaraan iyo Wardhiigleey dadna ma deggenayn waabase hadda oo tuugo aad adigu ka mid tahay ay guryihii dadka xoog ku haystaan.

    Faroole waad ka wada cabaadaysaanee muxuu idin dhimay, wixiina qaata waxayga ii daaya ka badan miyuu idin yiri, annagaa yaab aragnay,Faroole ninkii doono ha caayo, waa af adagyahay, waa kibir badanyahay, waa… waxaad rabtaan ku sheega laakiin anigu waxaan marag ka ahay inuusan cidna ku gar daroon, midse waa lagu dhaliili karaa waxba kama tago, taasina ceeb ma aha mar haddii uu qofka xaqiisa raadinayo, anigu taas ceeb uma aqaan, in maalin kasta qof si gar daro ah layska haystana waa laga fiicanyahay ee edeb yeesha hadii kale odayga caruur idinku fac ah waa leeyahay oo Ilaahay ilmuu siiyay, (Maashaa Allaah).

  21. Mohamed53 says:

    Waxay ila tahay inuu Faroole …Muqdishu u imanayo inuu ka qaybgalo caleemasaarka iyo dabalgega Madaxwene Xasan Sh. Maxamuud laaakiiin waxay reer puntland isla dhexmarayaan in Mr. Faroole doonayo Ra’sal Wasaare maadaama uu dhowaan PATROOL helayo haddana uu(already) yahay BOQOR aad loo ixtiraamo Puntland-na ay dhowaan noqonayso IMAARAD(Emarate).
    Hadda ,Waxaan qarsoonayn in shirkadahii baadhayey ay iska tageen oo ay iminka codsi u soo qorteen Khaatumo State si baadhitaan uga bilaabaan dhulkood. Waxaan sir ama qarsoodi ahayn in
    Soomaaliweyn ka daashay… oo ka daashay….. Madaxweyne ama Ra’isal wasaare Reer Puntland ah.

  22. Fayood says:

    Ascw. Alla maxaa dad qaracan ah! War miyeysan Reer Puntland Soomaali ahayn ama Faroole ahayn oday Akhyaar ah oo Soomaaliyed. Waxaan hubaa hadii raajo la idin saaro in qabiil iyo qurun laabtiina kamuuqanaayo! Meeshaan waa gorgortan ee calaacalka yareeya oo ucarooda madaxwaynaha not M/Faroole. xaqiinna raadsada, akhyaaray aflagaadada hala joojiyey. Odayaashiina ma cayno hana caayinna. Beesha madaxwaynaha maxaad uga masayri waydeen oo xilka isku daba maraayo.

  23. rooraaye says:

    fadlan dadka madaxda caynaaya cudur hayaa waa mariid weligeed bogsan maayaan faroole waa oday soomaaliyeed waana madaxweyne dowlada federaalka ka mid ah oo waa doonista shacabka putland adigu ama qayli ama caaya madaxweynaheena anigu waxaan xaq u leenahay nina kala tashanmeyno afxumadii ayaan weli wadaan walaale putland waa laf dhabartii dowlada waana inaad ogaataan faroole waa siyaasi rug cadaa ah wax qof yiri u qabanmeyno anagaa doonayna tuugadii ninkii u dhameeyey weeye wuxuu ku qanco ayaan ku qanacnaa waana hogaamiye soomaali ah oo xalaal ah nooloow dr faroole kanaxoo nafta waa

  24. WAA IN LA SOO MAGACABAA NIN REER PUNTLAND AH HADII KALE MASO CONAYSO DAWLADAAN

  25. suuban says:

    ama hadla ama hadaaqa PM waa Puntland waxuuna ka amar qaadanayaa faroole ee ka naxoow nafta waa.

  26. Puntland boy says:

    Mr Faroole maahan ineey u gafaan qof uu san madax weyniihiisa aheyn , Macnahu maahan inaan wax laga sheegi karin Waxaan is weydiiyaa maxay ka rabaan faroole Dadka aan maamulkiisa kunooleyn ? Qofku Haduu runta sheego maahan in lagu naco ee waa in lagu qadariyaa, Puntland waxaa soomaray madax weynayaal badan ayaa soomaray Puntland kuligoodna waxay kasinaayeen in laraadiyo Soomaali nimo dadkana laga caawiyo Sidii taas lagu gaari lahaa howshaas ilaa iyo hada waa socotaa , Puntland meeshaan lajoogo maanta waxaa kaga baxay naf & Maal uusan maamul kale kaga
    Bixin, Kadaa aflagaadada Mudane Faroole Dadbaa jecel Madax weynahooda yahay Aniguna aan kamid Ahay , Viva Puntland & Soomaalia

  27. M.H.Buraleh says:

    Mogadishu is not Garoowe Mr. Faroole, don’t think your mania of greed,arrogance,selfishness and tribilism will work.

  28. ahamednsir says:

    war anagu reer puntland ahaan dr abdikadir abdi hashi baan rabnaa oo noo ah raisul wasaare waana nin reer puntland ah oo aan aad u jecelnaheey hadaa moodeysaa in aan isku heyb naheey waleee manihin lkn waa qof imatali karah una qalma somali MP.

  29. SomaliJecel says:

    Reer Puntland, walaalyaal hadii aadan Faroole iska qaban runtii sidii labada shariif loo nacay ayaa loo nici doonaa, Xalka soomaaliya hada kuma jiro in loo dhiibo nin ah Ra’iisal Wasaare waa ama .

    Reer Soomaaliya ma ahan Garoowe, mideeda kale, tashada

  30. Barre says:

    Dadka caynaya faroole waa dad cuqdad Ka buuxdo mana garanyaan wanaaga. Adeerayaal faroole wa madaxweyneheena waana nin yaqaaan sida loo karbaasho mooryaanta Iyo dadka xanuunsan anagu hadaanahay Reer Puntland isaga ayaa ah hogaaamiyeheena wuxuusan raali Ka aheeeen Kama nihin waana isku duuban nahay maanta hadey noqoto xag federal AMA xag dowlad goboleed noooolooooow mr madaxweyne anagaa ku garabtaaagan sooomaliya adiga ayaa halkaaas gaaarsiiiyey dadkuna runtaaaada ayey nacaaan oo waxay kaa raadinayaaan jileeec good job we love you cadawga Puntland ha jabo

  31. OBB says:

    Waxaan taageersanahay in raiisal wasaaruhu kayimaado Puntland, maxaa yeelay P/land waa dhul aad u balaaran oo uu kajiro maamul aan dawlada uga baahnayn xasilin iyo xoreyn iyo kharash milatari oo farobadan. Waxaa dega P/land beesha daarood xoogeeda, sida leelkase, majeerteen, dhulbahante, wasangeli, dashiishe iyo qaar kaloo badan, sidaa daraadeed hadii dibuheshiisiin iyo dawladnimo kaamil ah ladoonayo waa lagu sharfaa prime minsterka, hadii kale, aan waxeenii hore qooshano

  32. abdideeq says:

    ANIGA WAXAAN KULA TALIN LAHAA IN UU SOO DOORO NIN KA SOO JEEDA WAAYO WAXAA LOO BAAHAN YAHAY DAD WAX QABAN KARA OO FIITO BAAWAR LEH SIDA LOOGU SOO XULAY IN AY MADAX WEYNE NOQDAAN MAADAAMA AY XARAM IYO AGAAGAARKEEDA DEGAN YIHIIN PUNLAND WAY LA SHAYQAYN KARTAA DAWLADIISUNA WAY SHAQAYN DOONTAA HADII UU KEENA anigu ma ihi ee waa iga talo

  33. ALI JEBIYE says:

    melesSANAAWI waadhintay oo ilaah waanagasiibay musbaar xanuunbadan QOFKASTA OO aragti dheer oo muwaadin xalaala oo jecel dalka iyo dadka somaliyed waa ogyahay waana xamdi ilaah EE ILAAH hanadhaafiyo milasyada u ooyeye gaalkii mujrimka ahaa ILAAYNA SOMALI KUWA KALA DILAY ILAAMAANTANA KALA DILAYA MASIIBO KUWAABERIISATA OO NADHAAFISA MEEL AY JOOGAANBA ILAAH HA U SOODEDEJIYO OO ILAAH DABAYSHA CAAFIMAAD EE WADANIYADEED HANOOHIRGELIYO OO ILAAH KOONFUR BARI GALBEED IYO WAQOOYIBA INTA SOMALI KALA DILAY EE WELI KALA HAYA ILAAH DABAYL NADHAAFISA OO NAGA DHEXSAARA BAANU WAYDIISANAY ILAAHAY IDINKII AMIIN AAMIIN AAMIIN

  34. MANAXE says:

    waxad tihiin dad xanuunsan oo cuqdad iyo jahli uu ka buuxo madaxdana ha caayina .waxad ilowden in dowladan lagu qeybshay 4.5 afarta sano ee soo socota inta lagaarayo tii kale oo loogaga bixi lahaa nidamkan 4.5 looguna gudbi lahaa nidaamka asxaabta badan oo lagu soo afjari lahaa nidamkan qaldan ee 4.5ka ee umadaha qaar lagu dulmiyey .marka puntland iyada ayey u taal ninka ay keensanayaan ee idiinma taalo kuwiinan ay ka buuxdo qabiilka iyo cuqdada fogaatay ee ka shaqeya somali weyn duli fowqal duli

  35. Garsoor says:

    Somaliweyn nin aan ka amarqaadan waa in aan loo dooran Raisal wasaraha wadanka
    faroole waa oday duq ah taas xisaabta ha ku darsado.
    Somaliweyn ninka wadanka nabada ku soo celin kara ayaa laga dhigayaa meel waliba ha ka imaadee faroole iyo wuxuu wato toona waa qashin mrka wxn qabaa in aan lagu soo darin madaxda wadanka.

  36. Ahmed H.Mohamed says:

    ASC, Soomaalidu waxay tiraahdaa si xun wax u sheeg sixir kadaran , war ninka waxan soo qoray muxuu ujeedaa ,beenta iyo arrin aan raadka lahayn muxuu dadka ugu khaldyaa ,durba kuwaa run mooday oo cay iyo dad nacayb hunqaacay . waxay ila tahay in imaanshaha Faroole ee xamar ay dhabtahay inta kalena uu qoraagu ku darsaday si fikirkiisa guracan uu uga iibiyo kuwa aan waaqiciga ama xaqiida jirta la socon ee khiyaaliga iyo beenta run mooda. Ma caalimu qayb baa siduu ku ogaaday wadahal aan dhicin waxa la is oran doono,waxa uu sheegayo waa malo awaal dad aan u fiirsan ayaana iska hadlay oo beentii hore iyo nacab ay qabeen darteed dad walaalahooda oo ay khalad ka fahmeen iska aflagaadeynaya.
    Tan kale waxaan ku raacsanahay si wax loo dheeli tiro in aan doorkan nin majeerteen ah xilka r/wasaare loo dhiibin hadaan la fusan waayin ee loo dhiibo nin jifiyada kale ee ah ama xitaa cid kale hadii door la moodo. waxaa ku soo gabagabayn lahaa dadyohow ka fiirsada waxayaalaha websiteyada lagu qoro oo ha rumaysanina wax kastoo lagu soo qoro hana u malaynin in looxu maxfuud laga keeney .wax shaci iyo xuduud ay leeyihiina ma jirto websiteyadu.

  37. ha moogaan says:

    faroole wuxuu muqdisho ka doonayo miyaa cidi shaki uga jiraa?Faroole wuxuu olole ugu jiraa siyaasiyiinta sidii iyaga kursiga u heli lahaayeen tusaale markii madaxweyne shariif uu soo dhisay dowladiisii faroole wuxuu yiri 3 wasiir laba Puntland ma matelaan kuwaas oo kala ahaa wasiir ah iyo mid ah wuxuuna ogolaaday wasiirkii ka soo jeeday kaas oo ahaa C/wali sidaas darteed faroole muqdishow wuxuu ugu socdaa sidii uu madaxweynaha cusub uga dhaadhicin lahaa in wasiirka koowad laga soo xulo hadii taasi dhacdana waxeey ceeb ku tahay madaxweynaha cusub oo somali badan u han weyneed sababtoo ah waxaa jira aqoon yahayno kale oo ka dhashay ee xaqna u leh in iyaga xilka loo dhiibo laakiinse faroole qabiil dartii uu isaga fogeynayo.anugu waxaan qabaa in kol hadii dowladii hada dhacday 2 R/Wasaare laga keenay faroole markaan beelaha hadhay sida iyo ama ogaadeenka laga keeno.

  38. Yusuf says:

    Aniga waxaan ku talin lahaa Mr Gaas waa ninka hirgeliyey Roadmapka,waa ninka laraby in lagu dilo Teatherka silooga hortago Road mapka isagoo fiiriniaya danta shacabka aan laga hayn one word cidii dili rabtay oo Somali oo dhan ogtahay,si aan loogu mashquulin ama la isu qabqabsan,mar waxaa jirtey Faroole,Caalin iyo sheriif ay isbaaro uwada dhigteen Road mapka balse uu ku midtiday Mr Gaas waana ogeydeen in lagu wada canaantay Adisaba,marka guusha Xasan sheikh alle swt ka sokow waxaa sababteeda lahaa Mr Gaas,sidoo kale Mr Gaas waxuu tageero 100% ka haystaa shicibka puntland marka Mr Faroole sameyn kuma yeelan doono,sidaas ayaana Somaliweyn iyo Puntland dantu ugu jirtaa waa nin strong ah,degan,aqoon durugsan eh sidoo kale beesha caalamkana wax kasoo dhicin kara,sidoo kale waa nin meel wax umarayaan oo sii amba qaadi kara,heshiisyo badan oo caalami ahna soo galay,yaan lagu kadsoomin xariif cusub oo laba bil haysta soo xulida wasiirada cusub iyo nin beesha caalamka ka fiirsato,laakiin Mr Gaas Caalamal carab ,Africa EU and USA first day wey soo dhoweynayaan.

  39. Yusuf says:

    Aniga waxaan ku talin lahaa Mr Gaas waa ninka hirgeliyey Roadmapka,waa ninka laraby in lagu dilo Teatherka silooga hortago Road mapka isagoo fiiriniaya danta shacabka aan laga hayn one word cidii dili rabtay oo Somali oo dhan ogtahay,si aan loogu mashquulin ama la isu qabqabsan,mar waxaa jirtey Faroole,Caalin iyo sheriif ay isbaaro uwada dhigteen Road mapka balse uu ku midtiday Mr Gaas waana ogeydeen in lagu wada canaantay Adisaba,marka guusha Xasan sheikh alle swt ka sokow waxaa sababteeda lahaa Mr Gaas,sidoo kale Mr Gaas waxuu tageero 100% ka haystaa shicibka puntland marka Mr Faroole sameyn kuma yeelan doono,sidaas ayaana Somaliweyn iyo Puntland dantu ugu jirtaa waa nin strong ah,degan,aqoon durugsan eh sidoo kale beesha caalamkana wax kasoo dhicin kara,sidoo kale waa nin meel wax umarayaan oo sii amba qaadi kara,heshiisyo badan oo caalami ahna soo galay,yaan lagu kadsoomin xariif cusub oo laba bil haysta soo xulida wasiirada cusub iyo nin beesha caalamka ka fiirsato,laakiin Mr Gaas Caalamal carab ,Africa EU and USA first day wey soo dhoweynayaan.

  40. Runsheeg says:

    Dad badan baa raba cudur faroolaa in laga gubo. Faroole waa madaxweyne matala shacbi dhan. oo somalia iska daye aduunka taariikh ku leh. Goradana hoos uma rogtee waa nin xaqa dadka uu matalo dhaacsada cidna kuma xad gudbo wixii ku xadgudbana waajibkodu marsiyaa. matasa ceeb noqotay? madaxweynaha cusubna inuu la tashado asagay dan ugu jirtaa wayo xaalku waa (shalaad dhalatee waa la shubi jiray) asagoon madaxweyna ahayn buu ahaa oo uu shuruuc dowladed iyo qeynunked ku dhex jiray.

  41. Somalijecel says:

    Waxaa ay ila tahay reer Puntaland waa somali waxaana ay ka mid yihiin beesha xaggeeda loo wado Prime ministerka.Dadka sida ay hadalka u dhigayaan u fahma waxaa la diidan yahay nin aan daacad ahayn ogolayn koonfurta in ay degto.Puntland SSDF kaliya ma ahan waxaa jira reer SSC Goldogob Maakhir Burtinle iyo beelo kale ama jifooyin kale.Anigu waan qabaa in PM aannu ka iman SSDF sababtoo ah somali oo dhan ba diidan,iyaga waxaa dan u ah in PM aannu ka fogaan oo ay u daayeen Galdogob ama SSC haddii kale dhankaas iyo Gedo/G/gaduud ayuu ka dhici doonaa hadii Afmadow laga keenana waa wax macquul ah laakiin MAYA MAYA MAYA SSDF waqigoodii waa soo qaateen waana soo aragnay wanaag iyo xumaan ee tolka kale ha u tanaasulaan.Haddii kale SSDF waxaa imaan doonta in la yiraahdo koonfur saamayn kuma lahan hana daayo

  42. ina bulsho says:

    Ninkaa libaax soo qaatay waa nin mala awaal badan aan aqoon badan ii laheyn meeshaan ka soo jeedo iyo waxa aan ahay toona waa nin indhaha isku haya ma wardhiigleey oo madaxtooyadii ku taal baan dad daganeyn.Soo kala baro Muqdisho ,geelaagana iska raaco wax kaloon ku iraahdo ma jiraan.

  43. muuse says:

    Mwayne faroole waa nin mudan in lalatashado waayo dhulkiisa ayuu dhisay.dadkiina fikirka gaabanow plz iska aamusa meeshu waa yaa maali jiray.

  44. Runbadan says:

    Dadka Muqdisho kunool abaal malahan, Madaxweyne Faroole waa ninkii xaqooda udoodayey oo shalay lahaa “Dambiilayaashii dagaalka ‘waa qabqablayaashee’ laguma darikaro baarlamaanka” waa su’aalee yey dabiga kagaleen nimankaas uu Faroole udiidanaa baarlamaan, waxa ay kagaleen dambiga waa reer Muqdisho ma’ahan Faroole iyo reer Puntland marka ninkii idiin doodayeyna waad caynaysaan Shariif oo kuwii idin laynayey udoodayeyna waad sharfaysaan, Allow doqoney dabkaa damo.

  45. Daljir says:

    Nin kana magaciisa kukoobay DSD waxaan kuugu naseexaynayaa inaad shakhsi masuul ah meeshaan ka aflagaadhayso mafiicna
    Tankale waxaan filayaa waxaa kaa buuxa cuqdad baa kaa buuxda Alle haku caafimaadiyo

  46. MR HERSI says:

    alla maxaaa dad jiran meshaan codkoda ka dhiibta war Farole iyo puntland labaduba dowladdaan waxay u ahayeen lafdhabar lamana inkiri karo ninka iyo naag waxuu yahay ma aqane DSD la baxay adeer Nugaal iyo bari somalia bay ka midyiihiin farole waa somalia inta aad xaq u leedahay ayuu asna u lee yahay waxaan u mahad cellinayaa dadka aan cuqdadu hayn ee somalida xallalsha ah

  47. Gabal qariye says:

    dhii dhaa dhee hadal kama daalan miyaa oo hadana xikmad yaraa alow yaa kuligood waxbara war hays caayina ee sitartiib ah isu dhaafsada comentigiina idinkoo is ixtiraamayaa bilaahi calaykum..

  48. abu hudafa says:

    kkk warka daaya dadow ee raysalwasarahb waxaa laga soo magacabin madaxtooyada puntland
    waayo waa dadka intaas oo sano dhigooda udadanayey inay somaliyo dowlad noqoto marka wiil
    isbaaro ku koray warkiisa meeshan mayaalo

  49. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. Digniin iyo fariin ayaan u dirayaa Madaxweeyne Xasan Sheikh Mohamud, iska dhaaf in aad ra’iisal wasaare ka dhigta qof reer pintiland ahee, xataa jago ama portfolio wasiir sare ha siin qof reer pintiland ah. Maxaa yeelay, arag, aqlabiyada Somaliyeed ee sample ahaan halkaan kusoo qoray ra’yigooda. Sidaasoo kale, ayaaa forumkasta amaba website kasta, iyo dal kasta, waxaad ogaaneeysaa in majoritiga Somalida eey naceen dadka ka yimid pintiland, amaba burcad land. Waxaana ugu wacan ayagoo dad wax kasta isla raba ah, dad qabyaalada eey ku weeyntahay ah. Nin waalan oo qaswade ahna u taliya.
    Walee hadii uu ka yimaado ra’iisal wasaaraha qof reer pintiland ah, waxuu noqon qof lug gooyo dadka Somaliyeed ee Koonfurta daga, waqtigana inta ka dhameeyo meesha uu ka yimid iyo xaaraantiisa ku noqon doono. Taasna eedeeda waxaa qaadi doono qofkii magacaabay.

  50. FARATELO says:

    ASC, Arinku sidii hore maahan Dawlad baa dhalatay Gobol walba Gofanatoore ama godoomiye gobol baa loo magacaabayaa dhamaan ragii loo magacaabi lahaa gudoomiyayaasha gobolada Jamhuuriyada Somaaliya dhamaantood waxeey kasoo qayb galayaan Xafladaas madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya marka wax kastaa oo kumeel gaar ahaa waay dhamaadeen marka lagu daro waxa loo yaqan federaal marka gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa loo magacabaaya ninkaan hada tagaya Casimadda Somaliya sidaas hala’ogaado mida kale magaca madaxweyne sharaf buu leeyahay yaanan sharafta laga qaadin hadalkayga waxaa fahmaya oo qadarinaya qofkii soo marey Iskool iyo qofkii 1991 waxgarad ahaa waad madasan tihiin salama caøeykum.

  51. Waan NIB CAHAY SSDF says:

    hadduu noqdo ra’iisal wasaare Somalia Alle ha u naxariisto

  52. Puntlander says:

    Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin, kkkkkkkkkkkkk, laba nin oo iku jifo ah ayaa madaxwenanimada lakala wareegay, sharciga diidaya in Puntland mar kale qabato raisalwasaarenimada xagee ku qoran tahay? Qofki jiro heyso ii caloosha ka jiranba loo joojin maayo. Faroole xaaidulaah waqti iyo lacagba waa galiyay in laga baxo kumeelgaarnimada talaabo kassta oo uu qaadana Soomali inteeda kale ineey ku caawiso daayoo najaaseey la daba taagneyd. Maanta marka sidi horey looga bartay maaha inuu talaabada dib u qaado ee waa inuu dharbaaxadii kululeyd meesheeda ka siii wadaa!!!!

  53. caraseedo says:

    Puntland nacaybkeeda iyo caydeeda caano ka dhamimaysaan,horaadna ugu halaagsanteen,Faroolana waa shaqsi masuul ah mana mudna in lacaayo,oo beriba wuu iska tagin,oo doorashuu ku yimid,marka xumaantiina baad na tusteen,awalba waa idin ogayn waxa aad tihiin oo waa waxa Ilaahay uu ibtilada idiinku riday oo 22sano aad ka soo kabsan waydeen inta neceb reer puntland,xaasidkuna ma bulaalo,oo waligiisba wuu dambeeyaa.
    Annagu reer puntland haddaan nahay waxaan jecel nahay somalinimada iyo wadajirka laakiin inta kale waa bukaan Alle ha daweeyo,dawladda cusubna waan soo dhawaynaynaa waxaana leenahay,ha noqoto tii dalka wada hanata Alle haka dhigo,madaxdeedana Alle ha badbaadsho,waxay leeyihiin cadaw dibed iyo gudaba jooga,soomaaliweyn guuuuuuuuuul.
    Kuwa xabadda wata xaqa Alle ha fahansiiyo[[aamiin]]waxaan filayaa iyagaa cadaw noo sameeya,dhalinyaradana hilibkooda haadda u waray,waxaan leeyahay isgarwaaqsadaay waano waa lagama maarmaanne,waar waan gumoownaye, somali oo dhan guuuuuuuuuuul iyo gobanimo ayaan u rajeeyay,Alle hagaarsiiyo[[AAMIIN]].

  54. Ali Soomali says:

    to dsd

  55. Ali Soomali says:

    TO dsd; Bro- you touch the heart of the story, particulary the Demon that stand nothing but evil doing( FAROOLE).

  56. Falaago says:

    Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud Ha Noolaado Aduunka Wakhtigakan Kalsoonidi waa ka Dhamaatay Awood Qaybsi baa ka Jirah Xataa Wadamada Horay U Maray Awood bay ku Loolamayaan Oday Cabdiraxmaan waa in Uu Xininyihiisa Banaanka Soo Dhiga.
    Marin Biyoodka Mihiimka ah iyo Khayraadka la Danaynayoh Degaanada uu Dr Faroole Madaxwenaha kayahay Weeyeh.

  57. buurawadal says:

    faroole waa baqbaqleey sida garoowe logu heeso ayu mel walba mooday hahahahahaha ma isagaa muqdisho tagi kara waa fuley naftisu labaqaya

  58. [...] Faahfaahin dheeraad ah ayaa markii ugu horeysay ka soo baxday sababihii uu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu uga qeybgali waayey xafladii caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh [...]

  59. [...] dheeraad ah ayaa markii ugu horeysay ka soo baxday sababihii uu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Farooleuu uga qeybgali waayey xafladii caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud [...]

Leave a Reply