Madaxweynaha Puntland Oo Xisbi Siyaasi Furanaya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe [RBC RBC] Kaddib markii dhawaan maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in ay bilaabatay diiwaagelinta axsaabta ayaa madaxweynaha maamulkaas Cabdiraxman Maxamuud Farole sheegay in isaga iyo rag ka tirsan xukuumada ay sameyn doonaan xisbi siyaasi oo ka qeybgala doorashada maamulka Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa maalmahan kulamo gooni gooni ah waxa uu isaga iyo xubno ka mid ah maamulkiisa ay la qaadanayeen mas’uuliyiinta Puntland waxana ugu dambeeyay kii shaley ay la qaateen gudoomiyaasha gobollada ,maamulada degmooyinka iyo taliyaasha ciidamada booliska.

Warar lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland uu hadda isbaheesi weyn la yeeshay ku-xigeenkiisa Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac ,wasiir ku xigeenka Amniga Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil iyo kuwa kale.

Madaxweynaha ayaa dhawaan waxa uu shaqadii ceyriyay dhowr wasiiro oo ay ka mid tahay Caasho Geelle oo tan iyo maamulkii kan ka horeeyay ahayd Wasiirka Hormarinta Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland.

Madaxweyne Faroole ayaa goobta ka sheegay in xukuumadiisu xisbi sameyn doonto islamarkaasina ay ka qeyb qaadan doonto maamulada dalka si looga gudbo nidaamka qabiilka oo Puntland ka jirtay tan iyo afar tobankii sano ee la soo dhaafay.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntlad  Maxamed Xasan Barre ayaa shegay in Puntalnd laga hirgaliyay nidaamka axsaabta, taasoo ah mid ka dhigeysa in Puntland ay horrey u sii kacday.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in furitaanka axsaabta aan lagu abuurin jahawareer ee cid kasta oo maamul axsaab furaneysa ay ka shaqeyso hormarinta Puntland.

Deegannada Puntland ayaa waxa hadda ka bilowday isbaheesi taasoo loogu diyaar garoobayo doorashada soo socota.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Garowe

Share

Tags:

9 Responses for “Madaxweynaha Puntland Oo Xisbi Siyaasi Furanaya”

  1. [...] Originally posted here: Madaxweynaha Puntland Oo Xisbi Siyaasi Furanaya [...]

  2. Geedafuul Geedo Kaboode says:

    Faroole waxa uu yiri si “Qabyaalada” looga tago waa in aan Xisbi Samaysto. Faroolow 4 sana meesha fadhidey — baadna maamulkii ku koobtey goormaad qabiil ka tagaysaa. Wiilkaagu waa Lataliyahaaga Arimaha Dowladda isaga Cayrsha Wasiirada keena. haddii Isbadalkaagu uu xaq yahay Faroolow maxaad u badali waysay Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Arimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh oo Ameerika iska dhiibey, Sanad waxa uu fadhiyey Nairobi oo ay ciyaalka dhoofka suga iyo isagu ay safaarada maraykanka u wada kalahayeen. Haddii Isbadalkaaga aad qabyaalad kaga fogaanayso amxaad u badali wayday Cali yuusuf Cali Xooshka Green Card ka sugaya. Faroolow iyo reer Garowenimada nagaa aadan geedna ugu gaban oo aada ka xishoon qabyaalada. ayaad dhigatey illihii dhaqaalaha oo dhan. waxaan la yaabay Wiilka Xoghaynta ka ah WAsaaradda Maaliyadda kaas oo meel kasta ka samaystey Joolaqo Spare Parts and Furniture. ma suragal baa in wiilyar oo secrtry ministry of Finance ah uu dabaq ka dhisto Garowe, Dukaamo waa weyn oo ganacsi ka dhisto, ma suuragalbaa in wiilka Madaxwaynuhu Qasriyo ka dhisto Garowe, Warshad Rooti samaysto, Hotel Samaysto, Maqaaxi samaysto. ma suuragalbaa in Agaasimaha guud ee Madaxtooyadu qasriyo ka dhisto xaafadaha Garowe, ma suragalbaa in Agaasimaha waaxda lacagta Wasaaradda Caafimaadka Xassan SHire Abgaal uu guryo badan ka dhisto Garowe gawaari $40000 oo doolar ah isku badbadalo. Musuq maasuqa ugu weyn ee gayiga Soomaaliya Puntland buu ka jiraa xukuuamda Faroole baana kow lagu arkey. madaxwaynayaashii hore ee Puntland caruurtooda iyo waxay dhaleen toona ma naqaano. Adigana Faroolow baa Garowe loogu heesayaa Nimcaay Soo dhawooow waa habeenkaan yaabay magaaladii oo dhan oo guuraysa maxaa dhacay ma aroosbaa maya gabadha Madaxwanaha Nimco ayaa Baadhi lagu soo dhaweynayo loo sameen Caawa oo waxaa ka heesaayo Fanaan Maxamuud Amoore cajiib!!!! yaa ku dooranaya wacade sida Shariifyada ayaa adigana boorsooyinkaaga wax qaada la wayn doonaa.

  3. xaaji cali says:

    cabdoow khalad xisaab

  4. a/m marka hore, mar kalabaad arintaani wa arin ugub ku ah puntland bay ila tahay marka ani ilama aha
    inay fa iido ukeenayso puntland nidaamkaan axsaabta ah waayo 100% dadka rer puntland ma fahansana nidaamka axsaabta siyasadeed marka faroole si uu,siyasada markale ugusolaabto bu kashaqaynayaa siday ila tahay waayo waa ogyahay in aan baarlamaku markale doranayn shaqsi ahaantisa ama uu ukeeno nin asaga ka amarqaata o wakiil ka ah

  5. SUULDHABAALE says:

    Waa siday tahay. saxweeye in uu madaxweynuhu xisbi furto oo uu dadka rattamaya ka mid noqdo. sidaas ayay dimoqoraadiyaddu ku jirtaa!!!

  6. FARATELO says:

    ASC, Waxaa ceeb iyo imaan daro ah in xukunka loo isticmaalo sidii la rabo midakale waxaa ceeb aan harayn ah in wixii lagu heshiiyey 1998 laga leexdey loona leexdey habdhis sadex sadex ku dhufo ah ama xisbi sameyso ama xoog isticmaal sadex sadex ku dhufo soo laaban mayso midi kale isweydiiya adiga iyo saxdexda walaalahaa ah Zanawi waa baqtiyey Somaliyana Dawlad xoogan bay heshey marka waxaa soo socda qof walboow caasimadda Somaliay ku shaqeey una shaqeey, waxaan hal erey leeyahay dadka ku koray xukun la’aanta wadanka iyo kuwa aan Iskool soo marin waxbarasho lacag la’aan ah iyo asluub celin ayaa laydiin sameynayaa si’aad u ogaataan Dawlad micnaheedii waxaan la hadlayo waa dadka loo meeriyo kuna soo korey fikradii dhamaatey ee Zanawi sc.

  7. buurawadal says:

    maamulkii pintiland la dhihi jirey runtii waxay kusoo uruurtey garoowe kaliya mel kale o faroole laga jecelyahay aan garoowe aheen majirto lacagtii cashuuraha o dhan garoowe ayu kuwada shubey faroole wax lamida puntland masoo marin garoowe dhise aya loo yaqaan tuulo kale o magaciisa laga heeso aan garoowe aheyn ma jirto mel walba aan garoowe aheen waa laga nacay mar aan dheereyna qashinka garoowe aya lagu darayaa isaga iy jaahiliinta u garoowe xaaranta ku naaxiyey

  8. Cumar says:

    Geedafuul inta dhaliilood oo Aad sheegtay kuli waa run intii Puntland la dhisay sadexda maamulba waa Aan tagay, qiiman badan kadib sadexdii nin ee meesha qabtay Faroolaa ugu liita.

    Qabyaalad igama ahoo isagaa labada kale iga xiga oo raas hoose Isla nahay, dhaliisha ugu wayn ee maamulkiisu maaha wiilkiisa foorno rooti furtay ama dawlada ku dhex Laban, dhaliisha ugu wayni waa barnaamijka Sahal ka oo Golis maamusho sidee shirkad dad gaara leeyihiin loo siin karaa Licence to print money without government oversight.

    Faroole oo 1963 bangiga Qardho ka shaqaynayay ma garan waayin qaladkaan ee waa xatooyo iyo musuqmaasuq uu qaybta ugu wayn isagu leeyahay.

  9. hersi says:

    to gedokabatuure

    Walaal Faroole waa Madaxweynaha Puntland waxaanu u dooorannay inuu hogaamiyo qoowimiyadaha kala duwa ee Puntland ku sugaan soo booqo muqaalada maaalooyinka iyo degmoyinka Punttland magaaalooyinkaas biyaha iyo layrku wa 24 saac radiyo iyo tellevitionka teleefoonadu waa ka shaqaynayyaaan horumark ka maqan bal inoo sheeg adoo gedo ka yimi ayaa dhhaliilaya mgaalooyink kale bal rafaadka ku hhaysta ku noqo

Leave a Reply