Madaxweynaha Somaliland oo isku-shaandhayn ku sameeyey qaar ka tirsan Masuuliyiinta Xukuumaddiisa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isku-shaandhayn ku sameeyey qaar ka tirsan Masuuliyiinta Xukuumaddiisa, isaga oo Afhayeenkii Madaxtooyada Cabdillaahi-Cukuse u magacaabay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, halka uu Wasiirka Wasaaraddaas-na u magacaabay La-taliyihiisii arrimaha siyaasaddabulshada Abiib Timo-cad.

Sidoo kalena Afhayeenka madaxtooyada u magacaabay Axmed Saleebaan Dhuxul oo xilka Agaasimaha TV-ga dawladda uu toddobaadkii hore ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta ee isagana Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday Arbacadii inna dhaaftay Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ka dib markii uu Madaxweynaha ku diiday inuu xilka uu ka qaaday dib ugu celiyo Agaasimeyaasha TV-ga iyo Wargeysyada Dawan Group ee afka dawladda ku hadla.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu magacaabay La-taliyaha arrimaha siyaasadda, Guddoomiyaha gobolka Gebilay iyo Maareeyaha madaxa-bannaan ee TV-ga dawladda Khadar Cali Gaas, inkasta oo haddana Wareegtada lagu sheegay inuu hoostagayo Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland.

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxa hadheeyey Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland qilaaf u dhexeeyey Masuuliyiinta qaybaha Wasaaradda, qilaafkaasi sababay in Wasiirkii Warfaafintu uu xilka ka qaado Agaasimeyaashii TV-ga iyo Wargeysyada Dawan ee afka dawladda ku hadla, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul, kuwaasoo ka tirsan dadka ay qoyska Madaxtooyada sida weyn isugu dhaw yihiin, isla markaana ay Marwada Madaxweyne Siilaanyo aad u tix-geliso, mar walbana la jeceshahay inaanay xil waayin.

Sidaa daraaddeed-na waxa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Marwadiisu u yeedheen saacado ka dib markii uu Wasiir Boobe labadaa Agaasime xilka ka qaaday, waxaanay Wasiir Boobe ka dalbadeen inuu ka noqdo xilka qaadista labada Agaasime, isla markaana dib shaqadoodii ugu celiyo, taasoo uu ka diiday Wasiirkii Warfaafinta oo ku dooday inay magacaabista iyo xilka qaadista waaxaha Wasaaraddu shaqadiisa tahay.

Hase-yeeshee, Waxaanay diidmadaasi sababtay in Wasiirkii Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaado maalin ka dib markii uu labadaa Agaasime eryey, waxaana labada nin ee uu eryey Wasiirka la eryey mid ka mid ah loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, kaasoo ah Axmed Saleebaan Dhuxul.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

1 Response for “Madaxweynaha Somaliland oo isku-shaandhayn ku sameeyey qaar ka tirsan Masuuliyiinta Xukuumaddiisa”

  1. prof piccolo says:

    Madaxa ciida ka cesho sheekadii dhamtey ee beentii lagu qayili jirey somaliweyn baa timid iyo dowlada adag oo dagaal ka dhan ah lagu qaado kuwa ku qayila maasakinta dhiigooda ay hargeysa xaran ku heystaan oo hadda heeryada ay iska tuureen reer waqooyi oo beentii waa dhamaatey ragga ku caiyilwey xoolaha xaranta ah somaliweyn baa timid ee hala baneeyo gurya dowlada somaliye ay laheed sida guriga Moorgan uu daganyahey dhiigyo cab Siilanyo Bankiyadii,Dekadda,Airporka hala baneeyo mardhow gaardis ayaa bilaabanya muqayilka u dhamtey

Leave a Reply