Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyey Weeraradii Lagu Laayey Suxufiyiinta Kuna Baaqay “Midnimo” Guud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa hadal ka jeediyey idaacadda dawlada ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii isqarxinta ahaa ee maanta lagu dilay 14 ruux oo ay ku jiraan saddex suxufiyiin ah laguna dhaawacay 20 kale.

Madaxweynaha cusub oo weli ku jira toddobaadkii ugu horeeyay ee xafiiska ayaa tacsi qaran u diray ehelada iyo qoysaskii ay ka tageen dadkii faraha badnaa ee ay suxufiyiinta ku jireen ee maanta ku dhintay weerarada ay fuliyeen dad ismiidaamiyey, sida wararku sheegayaan isagoo xusay in dadka la dilay ay ahaayeen muwaadiniin iska faraxsanaa oo iska sheekeysanayey.

Madaxweynaha ayaa falkaasi ku tilmaamay “mid murugo badan” oo dad dembi aan gelin lagu laayey.

“Waxay ahayd atin dembi ah oo Alle agtiisna dembi ka ah, ummada Soomaaliyeedna dembi u ah” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynuhu ballanqaaday in dawladu ay qaadeyso tallaaboyin ay amaanka wax kaga qabaneyso, isagoo sheegay in weerarada noocan oo kale aysan “wax manco ah ku fadhin”. Wuxuu tusaale u soo qaatay in toddobaadkii hore xitaa isaga la weeraray.

“Waxaan u arkaa nimanka falalkaasi sameynaya inay ka dhamaatay wixii macaamil ahaa ee kale, waxaan leenahay wax ay ka bedeleyso in umadaan masiirkeeda la saxo ma jirto, siyaasada dalkana waxba kama bedeleyso” ayuu sii raaciyey madaxweynuhu.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ugu dambeyn sheegay in murugada iyo shalayda ay ku dambeyn doonto, siduu yiri kuwii falkaasi sameeyay, isla maarkana rajo isbedel amni ah ay soo dhow dahay.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay caawa in weerarada maanta ka dhacay Xamarweyne ay fuliyeen dad ururkooda taageersan, laakiin aysan iyaga amrin, sida uu yiri.

Midnimo guud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadweynaha ugu baaqay inay midoobaan ayna dulqaataan, sida uu yiri maadaama ay socdaan dadaalo amni.

“Dadka waxaan ugu baaqayaa inay midoobaan oo ciidamada amaankana la shaqeeyaan. Waxaan waxa u dhacayaan waa dawlad la’aanta dalka ka jirtay” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhanka kale kulan amniga caasimada ku saabsan ayaa caawa ka dhacay madaxtooyada kaasoo lagu go’aamiyey in magaalada gudaheeda laga bilaabo hawlgalo amniga wax looga qabanayo kadib markii ay soo bateen falalka weerarada ah ee magaalada gudaheeda ka dhacaya.  Akhri faahfaahinta

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

3 Responses for “Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyey Weeraradii Lagu Laayey Suxufiyiinta Kuna Baaqay “Midnimo” Guud”

  1. hersi says:

    Eebogaaagi aad legdinta ku dhufatay ayaaa kaaga haboonaa shaqadaan Raiisal wasaarahaadaad magacawdo ayaa ku soossaari kara ama qiyaamo kuu dirikara. Cilmi ha ka raaiinin nin aann kabo wadan

  2. markasta oo aad aragto cadawgaaga oo xumaantiisii isa soo tarayso ogooow waxay arkeen in laga guulaysan doono alshabaab maanta waxay haysay way keentay si ay hal maalin ugu darsato jiritaankeeda lakiin taas dhicimayso , xaqiiqadii ayaa umuuqatay sidaasi darteed ayey wax bini aadan nimada kabaxsan ama qof damiirle , diinle ana dareen le ku kici karin sameenayaan shacab tabaalaysan , dambi laheen qori kuu qaadan in aad layso diinta kuu sheegaysa waa tuma diimaha aan samaawiga ahayni xitaa waxaas may qabaan , waxaa ladhihi karaa lashabaab hogaankeedi waa bani aadam damiir iyo diin iyo dareen ahaanba qayirmay sifo ama calaamad banii aadan nimona mar hore kagoostay iyaga waxaa kasii daran kuwa waxaaas ku raacsan . WAA ADUUN IMTIXAAMAN

  3. hersi says:

    Walee somaali waa dhaaatay Shabaa haaday yiraahdeen anaga shaqo kuma lihin dagaalka may joojiyaa hadii ay naga xanuunsanaayaan Madaxdaan cusub ooo gogosha nabadeed u dhigay may ogolaadaan waa arkaan halaaga socdeee

Leave a Reply