Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Eedeynta Kenya Ay U Jeedisay Madaxweynihii Hore


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ka hadlay eedeynta loo jeediyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee ku aadan in uu ka danbeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Asagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay tahay nasiib daro eedeyntii loo soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu xusay in ay xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah madaxda dowladda Kenya ayna u sheegeen in warkaasi uu yahay mid qalad ah kana bixin doonaan raaligen buuxdo.

Wuxuu sheegay warkaasi lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta Kenya in uu yahay mid qalad ah, isla markaana madaxweynihii hore uu yahay masuul xushmad ku leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha mar wax laga weydiiday goorta uu soo magacaabayo R/wasaaraha ayaa waxa uu tilmaamay in haatan uu haysto waqti badan oo soo magacaabayo R/wasaare mas’uul ah sida ugu dhaqsiyaha badan.

Hadalkaan ka soo yeeray madaxweynaha cusub ee dowlada Soomaaliya ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ay qoreen in madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ka danbeeyay qaraxaasi.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

7 Responses for “Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Eedeynta Kenya Ay U Jeedisay Madaxweynihii Hore”

  1. Rooraaye says:

    Nin raga waligaa ka fogow mashaariicda kenya waxay doonayaan inay iska horkeenaan dad wada dhashay dhaqan diin iyo weliba waxyaabo badan ka dhaxeeyaan adeer kenya faraha hakala baxdo soomaaliya

  2. [...] More: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Eedeynta Kenya Ay U Jeedisay Madaxweynihii Hore [...]

  3. Galmudug says:

    waaku mahadsan yahay mudane M/wayne Xassan sh,maxamud difaaca muwaadinka soomaaliga ah iskaba dhaaf masuul soomaaliyeed oo heer madaxwayne soogaaraye

  4. Cadaado says:

    Well done, Mr. President Hassan Sheikh, never allow anyone to disrespect our statesmen like Sheikh Sharif, former president and any of our citizens. I also like how our brother Afeey, who is member of kenyan parliament responded about this political blunder committed by kenyan foreign minister. It is absurd how this minister spoke and he need to apologize.
    Somaliya maantay waxaan rabna in aan karaamadeena soo ceshano, mana nasaneeyno oo seexaneeyno habeen iyo maalin ilaa laga xaqiijiyo hadafkeena ah helid dowlad cadaalad, dimuqraadi ah, oo dadka Somaliyeed oo dhan danahooda ka shaqeeysa. Guul, viva Somaliaya

  5. is good opportunity for Somalian community to catch the outside hands , that wants to destroy our nations and i would like to encourage every and any one who want to support our community .
    did you see the outsiders?
    what kind of politics they have?
    what they want? issue, economically or religious or land?
    how we can defend those people? who is behind?
    we need effective strategic , and long time planing?
    what is the our plan?
    where we are?
    where we want to go?
    Somalian people should have to answer these question all of them. if you want to be power full nation .
    look the enemy dont look your brother what ever he had

  6. shakuur says:

    good talk waa kafilanayay geesinimadaas our president of somalia hsan sheikh mohamuud

  7. sdf says:

    wuu kumahad san yahay madax wayneheeno sida uu uraadiyay

Leave a Reply