Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Amaanay Dowlada kenya Taageerida Shacabka Soomaaliyeed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowlada Kenya ku amaanay sida ay u taageerto dadka Soomaaliyeed eek u nool gudaha wadanka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in dowlada Kenya ay abaal wayn ku leedahay dadka Soomaaliyeed isla markaana gacanta ay u fidisay Soomaali aanan la hilmaami Karin.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Kenyaay Soo dhaweyn wanaagsan ay kala kulmeen Soomaalida ku sugan dalkaasi taasina ay tahay wax lagu ammaani karo kenya Dadaalka ay arintaasi u gashay.

Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in Shacabka Soomaaleed ay haatan ogaadeen in ay san u furneyn waddo kale oo aan ka aheyn in ay qaataan Nabadda isagoo tusaaleahaa u soo qaatay Fulinta Road-Map-ka waxaana uu sheegay in uu bilaawday isbadal Cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu balan qaaday in dhowaan uu soo magacaabi doono Raysal Wasaare soo dhisa xukuumad tayo leh uu dalku yeesho sidoo kale waxaa uu sheegay in uu ugu mahad celinayo Wadamada Deriska ah IGAD iyo Beesha Caalamka taageerada ay siiyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Maalintii Isniinta ee Isbuucaan ayaa la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana si rasmi ah uu xilkaasi ula wareegi doonaa todobaadka soo socda.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

5 Responses for “Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Amaanay Dowlada kenya Taageerida Shacabka Soomaaliyeed”

  1. Dott Atoore says:

    Kismaayo dhulka ayaa la dhigey ayuu ku amnaaya m,arka maxaa iga galey waye marka ninkani xamar ayuu u dhashey waxa dhimanya waxba kama galin waa nin qabiil ku yimid marka waa u dhamneysa somaliya ogaada duli kasta marka uu madaxweyne laga dhigo ayuu sidan u hadlaa

  2. nabadon says:

    Madaxweyne
    kenya wanaagii hore xumaan bey rabaan iney ka danbeysiiyaan oo badaheena boobaan inteynaan tamareysane inaga ilaali kenya aadna ha usii amaanin, iyaguba lacago badan bey aduunka magaceena kaga qaateen dollarka bankiyadooda buuxaana inta badan wuxuu ku yimi magaca somalida sidaas la socda

  3. Sama_Kataliye says:

    Kenya samaan badan iyo xumaataba way leedahay gaar ahaan waxay ku maanan tahay sida ay wadankeeda ugu soo dhawaysay millions of Somalis. Ayadda oo aan ogahay in Soomaalidu ay tahay dad aan la soo dhawaysan qurun iyo musuqmaasuqna galisa meesha ay ku badato, haddana Kenya way noo dulqaada tahay. Midda kale Kenya in ay dhulkeena iyo baddeena naga xaddo xaq uma lahan….Insha Allah, waxaan rajaynayaa in madaxweynuhuna arrintaas ku baraarugsan yahay!!

  4. [...] Visit site: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Amaanay Dowlada kenya Taageerida Shacabka Soomaaliyeed [...]

  5. Amina says:

    Kenya waanba ku baxsanay markay kuwii ila dhashay ee Soomaalida ila sheeganayey qabiilka igu cayrsanayeen anoon waxba dhimin waa meeshii Ilaah nagu badbaadiyey ee ii daaya dad badan bay ii dhaamaane, inkastoo aan aad uga xumahay hada iney Jubooyin ku soo duulaan iyo Badahayaga.

Leave a Reply