DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Madaxweynihii Hore iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynha cusub ee Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah wuxuu la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo waliba gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaan uu ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa wuxuu ahaa mid u gaar ah masuuliyiintaan waxaana adag in  la ogaado wax yaabaha sida rasmiga ah looga hadlay, maadaama masuuliyiintaan aysan saxaafada u shaacin waxyaabaha ay kulankooda kaga soo hadleen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaan uu ahaa mid looga hadlayay qaabka ay u dhacayso xilwareejinta iyo waliba xiliga ay dhacayso iyo arimo kale oo ay qayb ka ahayd halka ay haatan wax u marayaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo uu ku wareejinayay madaxweynaha cusub.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in uu halkaasi ka balan qaaday in uu la shaqayn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla markaan uu siindoono talooyinka wanaagsan ee uu haayo.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in madaxweynaha cusub uu asna sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay sii wada shaqeeyaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna ku amaanay haatan halka uu wax soo gaarsiiyay.

Waxaa la tilmaamay maalmaha dhow in munaasabad aad u balaaran lagu qaban doono magaalada Muqdisho taasi oo ah mid xil wareejion ah, waxaana dhici karta in ay munaasabadaasi ka soo qayb galaan masuuliyiin caalami ah oo ka socda wadamada dunida.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

16 Responses for “DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Madaxweynihii Hore iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya”

  1. [...] See original article: Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Madaxweynihii Hore iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliy… [...]

  2. hashi says:

    mansha lah walle ninkaan madaxwayne waa u qaab egyahay waxana ka muuqata sharaf iyo karaamo madaxwayne nimo allow guulle shacabka somaliyeed guud ahaan amiin

  3. [...] See the original post: DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Madaxweynihii Hore iyo Gudoomiyaha Baarla… [...]

  4. khadija says:

    maansha allah ha iska sii deyn sheekh shariif asagaa kuu haya arimo badan oo hadii aad la tashato howshu kuu fududaan doonto shekh shariifna maaha xaasid allaha idinku guuleeyo howsha idin sugeysa.

  5. abdukadir says:

    masha alaah allow dalka noo hagaaji

  6. Eng Ahmed Yabarowe (SIMAD) says:

    Waxaa haboon inuu Madaxweynaha Cusub Magaacabo sidu aqoonyahanka iyo raaisul wasaarahi hore Dr Abdi Wali ku taliye inuu ka dhigo Raaisula Wasaare ama Prime Ministerka Somalia Haween.
    Waxaa talo uu jeedin lahaa Madaxweynaha Hassan Sheikh Mahmud inuu magaacabo Haween ka soo jeedo Puntland ama inuu ka dhigo Wasiirka Kowaad Beelaha Laga Tiro Badan Yahay.

    Sidaas Calaamka Madaxweynaha cusub way kuu soo dhawenayaan qunyaro socodne waa uu arkayaan.

    Wabilaha Towfiq
    Former SIMAD Student
    Eng Ahmed Yabarowe

  7. Dahabi says:

    Soomaaliyeey ma indhahaygaa in sheekh shariif foorjo iyo ceeb ka muuqato qaabka uu u fadhiyo

  8. Abdulhakim says:

    wili madaxweyne miyuu ismoodaa kkkkkkkkk ninkaan xukun jecelaa war booska banee caku mooryaan sahal madaxweyne ku noqday lool

  9. qoono. says:

    Allaaa mahadleh,hambalyo baarlamaankeena ayaa qabtey allana ku
    duway.hambalyo,baarlamankeena daadka ku darey worloradii iyo sakiin,
    hambalyo marka sedaxaad wabsidka RAXANREEB,,,,oo si daran uga qayb qaatey ololaha doorashada madaxweyne karti leh raadintiis iyo run ka sheegida xalkii markaas socdey,

    madaxweynaha waxaad ku timid baryadii shacab alle baryeen ogoow waxa la jooga meel wax laga wadi karo,shaqaa kuu taal balantii aad qaaadey ka soo bax,,,,,,jalalaqsi ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

  10. hussein says:

    sxbyaal sheikh shariif doorashada asaa suurta geliyay lagana guuleestay si.sharfle ayuuna uga degay ninkasta kursiga ku baaqi noqon maayo soomali ayuuna kadhexeeyaa oo kii ladoorto ayaa le. kursiga ciddiidi kartaana majirto kan hada ladoortayna in lacaayo looma baahna ee waxaa loo baahanyahay wax qabadkiisa in laga warsugo dheefta xamar kabuuxdana soomali oo dhan waagaaree in shalaah waayo xamar boqlkiiba 70 waa dhaqaalaha somalia mugdisho ninkii shalay diidaayay maanta bal hadiidyo in ay caasimadii soomalia tahay dastuurkana inta xun oo dhan waalaga saari rabaa noolow m.shriif.kan cusubna soo dhowaw wax qabadkaada aan dhowreynaa inshalaah

  11. Najma Ahmed says:

    asc. Maashaallaah Madaxweynaha Qurux Badnaa wuu I deeqay Formal-kiisa. Weji soo jiidasho leh ayuu leeyahay and wallaahi he is very very Handsom. Ilaah haku xifdiyo

  12. Mursalow says:

    madaxwayne allaah ha ku dhawree markaad xilka ka tirsatid yaan agtaada lgu arkin shariif safraaye, yuusan musuq maasuqiisa iyo nin jeclaysiga kugu daarane

  13. Mursalow says:

    Eng Ahmed Yabarowe (SIMAD

    Adiga miyaan ku maqalnaa mise rasuulkeennii yiri (qawm ay naagi u talisay liibaani maayaan)??

  14. Diirshe says:

    Sheekh shariif Villa somalia wuu ka bixi la’ayahay, oo waa kaa M/weynaha cusub weli uu degen yahay Hoteel Jaziira.

  15. [...] Kulan ayaa xalay madaxtooyada ku dhexmaray madaxweynaha cusub oo booqday madaxtooyada iyo madaxweynihii hore (Daawo sawirada kulanka). Sheekh Shariif wuxuu sheegay in mudadii uu xafiiska joogay lacag gaareysa $30,000 doolar bil walba uu siin jiray madaxweynihii isaga ka horeeyay Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo ku noolaa dalka Yemen lacagtaasina uu ku dabooli jiray noloshiisa, sidaasi darteedna uu doonayo in sidaasi oo kale loo yeelo. [...]

  16. maskiina says:

    waa adunyo nin kasto kursi jecelow ba khuso ma manta shikh sharif oo intii muddo ah ka bixi wayay al shabab soo deyn iyo xaflado u ku soo bandhigayay xasaskiisi oo xijabka u ka turay oo kofiyadaha dhalinyaradu qataan ku labisan iyo sharif sakiin oo u ogyahay meshuu somali ka taganyahay xaflado u dhigasho oo xataa fahmi wayay hadalka u ku yiri oo ahaa takad i dhigtay oo lacagtii qaranka ku dhameyay xaflado ayaa manta ku tugsanaya marxumkii cadullahi yusuf baan lacag siin jiraye mushaar ha la ii qoro gurina ha la i siiyo

Leave a Reply