Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan uu La Lahaa Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya Soo Gabagabeeyay (Faahfaahin)
Muqdisho (RBC) Iyadoo labo qarax oo ismiidaamin ah ay ka dheceen afaafka hore ee hotelka uu degan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale waxaa goordhow soo dhamaaday kulan ay lahaayeen madaxweynaha iyo wasiirka arimaha dibadda Kenya oo booqasho ku yimid maanta Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kadib markii uu kulanka soo dhamaaday wuxuu saxaafadda u sheegay in dawlada uu dhisi doono ay xooga saari doonto amaanka.
“Ahmiyadeena koowaad waa amaanka, ahmioyadeena labaad waa amaanka, ahmiyadeena saddexaad waa amaanka” ayuu yiri madaxweynaha oo wariyaasha la hadlay goordhow markii uu soo dhamaaday kulankii uu la yeeshay wasiirka arimaha dibada Kenya Sam Ongeri.
Madaxweynaha wuxuu sheegay inuu illaa shalay qaabilay wufuud kala duwan oo ka socota beesha caalamka ayna ka wada hadleen geedi socodka siyaasadda iyo sidii horey loogu wadi lahaa dadaalada nabadeed iyo dib u heshiisiinta.
Kulankan ayaa waxaa ka horeeyay kulan uu madaxweynuhu maanta la yeeshay ku xigeenka wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi.
Wadatashiyada socda
Dhanka kale madaxweynaha cusub ayaa wada wadatashiyo ku aadan magacaabista raysul wasaaraha cusub ee dalka iyadoo kulamo xiriir ah oo aan kala go’ lahayn ay ka socdaan hotelka uu degan yahay madaxweynaha oo maanta la weeraray.
Siyaasiyiinta xildoonka iyo qaar ka mid ah dad raba inay talooyin ka dhiibtaan xulista raysul wasaaraha cusub ayaa lagu arkayaa hoyga uu degan yahay madaxweynaha oo aad mashquul u ah maalmahan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Xulista Pime ministerka waxaan qabaa imaatinka Kenya in ay daba socoto heshiikii Gaas ee shidaal qodista.
Haddii uu u magacaabo Gaas rajadii wey dhimatay,wuxuuna lugta la gali doonaa 2 arrimodd.
1-Puntland oo siyad donto ka yeesha maamulka cusub sababtoo siyaasiyiinta Puntland raggagii soo maray maamulka waxaa ayba aaminsan yihiin somalida kale in ay qashin yihiin,xaquuq aanay lahayn wuxuuna isku koobaa qabiil gaar ah,sidoo kale xafiiska wuxuu noqdaa mid beel gaar ah lee dahay.
2-Shidaalkii Kenya waa ku qasabn yahay in loo saxiixo is-qabqabsi ayaana bilaaban doona aydoo ujeedada ugu weyni tahay in wax fashilmaan haddaanu madaxwenuhu ahayn reer qansax
Mudane madaxweyne ka fiirso Gaas iyo Faroole hadaladooda
taasi waa isak cadahay kenya xita masoo dhawayn madax waynaha somalia, lakin mmanta ayyan helay hoogaan soomlaiyed, wasiirka kowaadan waa in uu ahaadaa nin shcabka taagero kule oo kasban kara taageerda shcabka soomaliyeed,
xulis pm waxaan kula talin lahaa madaweynaha in uu u magacaabo wasiirkii hore dastuurka abdiraxman xoosh
waxaan filayaa hadii xoosh laga dhigo wax badan ayuu ka qaban karaa sababtoo ah waa nin shaqada socodsiinkara yaqaanana soomaalida sida wax looga dhaadhiciyo taasna waxaa markhaati u ah sidii dastuurkii uu u meel mariyay iyo caqabaddiihii badnaa oo uu la soo kulmay.iyo qaabkii lama filaankahaa oo final lagu guulaystay……………….
Madaxweyne suurta gal yey noqon in dal shisheeye ama maamul goboleed ku yeedhiyo cidda aad PM ka dhigayso,waayo ciddaas ayuu daacad noqon doonaa,waa hubaal inaanu noqon doonin ruux si xor ah kuula shaqeeya.
shacabku waxay aad u jecel yihiin farmaajo waa nin si dag dag ah u diyaarin kara ciidan soomaaliyeed oo tayo iyo disibiliin leh oo hanan kara amaanka iyo kala danbaynta waa nin dib u soo celin kara sharafkii umada soomaaliyeed ku dhex lahayd aduunka waa nin tijaabadii ka soo gudbay oo aan aragnay wax qabadkiisa qabiil lama ahi kumana raacin hadii kale 4ta sano waxay kaaga dhamaan is qabqabsi horumar la,aan sidii kuwii hore cidna ha ku ixtiraamin masiirka umadda soomaaliyeed shacabkana niyada ha jabin
meshaan waxaa comment kadhibabanayaa waa dad wadda xanuunsan oo qolo gaar ah u ciil qaba walall illahay haydin caafiyo madaxwaynuhu waxuu u siman yahay dadka soomaaliyeed mamul goboledka aad sheegaysanaa waa dhul soomaaliyed ee maraykan ma ahan marka waxaa idinku iskalal bareera aniga lakiin illahay caafimaad baan idinka baryaye inuu iidinka daweeyo cadifadda Qabiill by