Madaxweynaha Uganda oo Warqad Rasmi ah u Gudbiyey Dawlada Kenya (Xog)
Muqdisho (RBC) Sida Raxanreeb ay ka soo xigatay saraakiil Uganda u dhashay oo ku sugan magaalada Muqdisho, madaxweynaha Uganda Yuweri Musefeni ayaa toddobaadkii hore warqad rasmi ah u diray xafiiska madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki taasoo uu kaga dalbaday in Kenya ay joojiso shidaal baarista ay ka damacsan tahay “biyaha lagu muransan yahay” ee Soomaaliya.
Warqadan ayaa la sheegay inay toos ugu socotay xafiiska madaxweynaha Kenya ayaa madaxweynaha Uganda wuxuu si xoogan ugu diiday qorshaha dawlada Kenya ee shidaal baarista kaasoo uu ku tilmaamay inay tahay arin khatar ku ah jiritaanka hawlgalka AMISOM ee gudaha Soomaaliya isagoo dalbaday in gebi ahaan hawshaasi la joojiyo.
Sida sarkaalkan uu u sheegay Raxanreeb wuxuu madaxweyne Musefeni la wadaagay madaxweynaha Kenya walaaca Uganda ay ka qabto inay ka dhalan karto haddii Kenya ay ku adkeysato qorshaha shidaal baarista waxa Kenya ay u taqaano “biyaha lagu muransan yahay” ee koonfurta gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya.
“Annaga Uganda iyo AMISOM waxaan u aragnaa qorshan mid sumcada ka dilaya AMISOM, mana rabno in naloo arko dad raba inay xadaan kheyraadka Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalkan oo aan rabin in magaciisa loo adeegsado warbixintan. [AKHRI SHIDAAL BAARISTA KENYA]
Warqada uu qoray madaxweyne Musefeni ayaa la sheegay inay ka dambeysay kadib markii uu suurtagali waayey kulan la qorsheeyey inuu dhexmaro labada madaxweyne. [AKHRI KULANKA MUSEFENI]
Duulaanka Kismaayo
Sida sarkaalkan uu sheegayo, dawlada Uganda iyo AMISOM waxay ka careysan yihiin qaabka sida iskeed ah ee ay dawlada Kenya u maamuleyso hawlgalada Jubbada Hoose kuwaasoo saraakiisha Uganda ee jooga Muqdisho ay u arkaan mid Kenyanka ay iyaga isku koobeen halkii ay wax walba kala tashan lahaayeen taliska AMISOM.
“Kenya marna waxay dhaheysaa AMISOM ayaan ka mid nahay, markay guul gaaraana waxay dhahaan anagoo ah “KENYA” taasina ma ahan wax u fiican hawlgalkan..” sidaasi waxay Raxanreeb ka xiganeysaa sarkaalkan Uganda uu ooga Muqdisho.
Xitaa afhayeenka AMISOM Col Cali Aadan oo ka soo jeeda wadanka Jabuuti ayaa ka careysan qaabka Kenyanka u hawlgalayaan oo illaa hadda aan wax badan ka khuseynin AMISOM walow Kenya ay magac ahaan sheegtaan inay AMISOM ku jiraan.
Saraakiisha Uganda ayaa had iyo jeer aragtri gaar ah ku eegaya hawlgalada Kenya ee Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Kenya ku biirtay AMISOM [AKHRI] isla markaana ay ogolaadeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna Saraakiisha Ugandheyska ay ku soo celceliyaan sababta Kenya ay u aamusin weysay afhayeenadeeda sida Chirchir iyo Oguna oo maalin kasta ka hadla duulaanka Jubbooyinka arintaasoo ay u arkaan inay tahay faragelin Kenya ku heyso shaqada AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Horta Shabaab wixii dilaya oo dhibaya in lagu farxo ma ahane in laga naxo meesha kuma jirtoo waa ilmo sheydaan. Hase ahaatee haddey Kenya wadato qorshe iyada u gaar ah way ku fashilmi doontaa oo dalka soomaaliyeed wuxuu leeyahey xuduud calaameysan oo la wada yaqaanno.
Kolley awlabeysan Shabaab qarannimana difaaceyn, kheyraadna noo ilaalineyne bal horta iyagu hanna dhaafeen aragney waxey yihiine!
Kaddibna Kenya waan arki doonnaa waxey la soo baxdo!
Laakiin qofkii inta Shabaab Kismaayo joogo muran lasoo baxa uu iyaga ku garab siinayo, hadde qofkaasi waa qof iyaga la mid ah oo aan warkiisu wax kasoo qaad laheyn.
Waxaad qabto oo dhan u dib dhigo Shabaabka kaddib, haddii kale iyagaad la mid tahey. Oodo dhacmeed sidey u kala korreeyaan ayaa loo kala qaadaye!
In maanta Kenya isku daydo inee Soomaaliya dhacdo waa ceeb illah ayaa inoo maqan ee qof walbow dalkaga masuuliyad iska saar insha allah
ASC,wadaad yare waxaan dareema hdalkaaga inuu yahay markasta qolo ha i haysato ama shabaab ama cid kasta.ma dhaafsiisna fakrkaaga dabcan intaas,laakiin hadafka qofku waa inu noqdo intaas inka saraysa.koleey anigu waxan dhahi lahaa haddii cid aad rabto ineey ku haysato somalida iska aqbal haku haysatee,kuwa sanka dhuudhiga ah iska ilaali sxb,kkkk.
tusaale hadaan shabaab fikir ku raacsanahay adiga kibaaki maxaa noo dhaxeeya horrta?
mise wxaad leedahay qofku waxuu iska noqon karaa dhex dhexaad?
taasi surta gal maahan inaad dhahdo waxan ahay dhexdhexaad waayo you have to support some one….right?
Ciidamda Kenya waxay bixiyeen mag-dhow dad dhawaan ay ku dileen tuulada Janaa Cabdalla.
Maalin walba ciidamada Uganda,Brundi iyo Ethiopia waxay shacab Soomaaliyeed ku xasuuqaan Muqdisho, Baydhabo iyo Beled Weyne. Reer Muqdisho maxay uga hadli waayeen dadkaas la xasuuqayo??????????????????????????????
Azania waxaa maamuli doona dadka deegaanka, oo gacan ka helaya Kenya.
siyaasi soomaaliyeed oo ku sugan wadanka kenya nairobi.
Wlhi waa arin wanaagasan in
dowlada ugandha ay ka hadasho boobka ay kenya ku hayso khayraadka soomaliya,waana soo dhaweyneynaa talada madaxweynaha ugandha
KU.Jaalle Banaadir Boy.
Saaxiib in ay Kenya soomaaliya iyo soomaaliba la dhacdo madaafiic dhul,bad iyo cirba waxaa ka masuula dadka wali diidan nabadda soomaaliya.Dadkaasoo ah kuwii Xamar moora duugay.Walina ayagii baa isla fiican.Ugu dambeyn kenya ma haysan karto dhul soomaaliyeed.