Madaxweynaha Yemen Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In Ay Caawiyaan Soomaaliya
NEW YORK (RBC Radio) Sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Yemen ee Saba madaxweyne Cabdu Rabuu Mansuur Hadu oo ka hadlaayay shirka loo dhan yahay ee golaha ammaanka QM ayaa ka dalbaday beesha caalamka uu waajib ka saaran yahay siddii ay u garab istaagi lahaayeen Soomaaliya si ay uga baxdo xilliga dhibka badan ay ku sooo jirtay.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay shir yaraha lagu ag qabtay shirka guud ee loo dhan yahay ee 67-aad ee golaha ammaanka QM ee ka dhacay New York .
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku booriyay beesha caalamka in ay indhaha ku hayaan Soomaaliya si ay u soo ceshato sharaftii ay ku lahayd Caalamka, isla markaana ay awood ugu yeelato in xasilooni iyo ammaan ay ku soo celiso dalka.
Madaxweyne Hadi ayaa soo dhaweeyay isbadalka ka dhashay Soomaaliya, gaar ahaan in laga baxo xilliga KMG ah iyo dalka uu yeeshay dastuur ku-meel gaar ah, iyo la doorto madaxweyne cusub.
Madaxweynaha Yemen ayaa ugu dambeyn sheegay in tahriibka iyo dadka magangalyo doonka ah ee soo gaaray dalkiisa xaqiiqo ahaan Qatar ku yihiin ammaanka, xasiloonida iyo nabad galyada gaar ahaan dalka Yemen, waxa uu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahaya barnaamij lagu maareyn karo dadkaas.
Yemen waxa ay ka mid tahay dalalka ay u carareen qoxootiga Soomaalida ee ka cararay dalkooda tan iyo 1991-dii markaasoo dagaallo ay ka bilowdeen dalka ku yaalla geeska Africa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi













[...] Read More: Madaxweynaha Yemen Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In Ay Caawiyaan Soomaaliya [...]