Madaxweynayaal Afrikaan ah oo Muqdisho Soo Gaaray Si Ay uga Qeybgalaan Caleemasaarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Yugandha Yuweri Musefeni ayaa ka mid noqonaya madaxda heerkoodu sareeyo oo maanta ka soo qeybgalaya xaflada caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhacaysa Muqdisho.

Labada madaxweyne ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamadooda joogaan Soomaaliya, waxayna ka mid noqonayaan wufuud heerkoodu sareeyo oo soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaasoo maanta goobjoog u noqonaya xaflad uu si rasmi ah xilka ula wareegayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta waxaana ciidamada amaanka oo isugu jira booliska iyo nabadsugida la dhigay waddooyinka muhimka ah ee soo gala madaxtooyada Villa Soomaaliya maadaama ay xaflada halkaasi ka dhacayso maanta.  Waxaa xitaa la qariyey wararka ku saabsan in labadan madaxweyne ay Muqdisho soo gaarayaan amaanka dartiis.

Labo guddi oo ka kala socda xafiisk madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dhowaan loo magacaabay diyaarinta xaflada caleemasaarka, waxaana giddigu ay diyaariyeen hab maamuus loogu talagalay in madaxda ka soo qeybgaleysa loo casumo.

Wakiilada beesha caalamka

Xaflada waxaa ka soo qeybgalaya wufuud ka socota dawlada Ethiopia, Kenya, ururka Jaamacada Carabta, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD, ururka Midowga Yurub.

Sidoo kale wakiilo muhim ah oo ka socda wadamada galbeedka sida Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa iyaguna goobjoog ka noqon doona xaflada caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha diyaarinaya xaflada.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Madaxweynayaal Afrikaan ah oo Muqdisho Soo Gaaray Si Ay uga Qeybgalaan Caleemasaarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud”

  1. Idris Malaaq says:

    Shaharka Malabka Madaxweynaha markuu dhamaado ka dib maxaa dhacaya?
    Khayr iyo Guul baan u rajaynayaa Madaxweynaha iyo Qarankaba.

    Hayeeshee dadku waa dadkii, Faroolena waa kii dhibka badanaa, wuxuu rabaa inuu xukumo madaxweynaha jamhuuriyadda oo jallaafadii uu ku haayey Madaxweynihii TFG-da ayuu kan cusubna la beegsanayaa. Fawdo, fatoosh iyo faan lagama waayo ninkaas. Acuudu Billaah.
    Waxaan kula talinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu iska ilaaliyo Faroole iyo kuwa la midka ah …

  2. Cilmisabce says:

    Niman yohow faroole maad ka gambisataan. Fadlan siyaasiga faroole Ilaahay ha ka dhigo raysul wasaaraha Somalia.

Leave a Reply