Madaxweyne Faroole Oo Magacaabay Guddi Dabagal Ku Sameeya Daqliga Ka Baaqda Puntland


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Faroole ayaa warqad ka soo baxday maanta oo Sabti ah xafiiskiisa , waxa uu ku magacaabay guddi kormeera isla markaana dabagal ku sameeya daqliga iyo miisaaniyada soo gasha maamulkiisa.

Madaxweyne Faroole oo hadda doonaya in uu ku darsado xukunka halsano oo dheeri ah, ayaa maalmahan waxa uu wadaa qorshayaal uu wax badan kaga badalaayo maamulkiisa, taasoo oo uga gun leeyahay in uu la soo baxo isbadallo cusub.

Qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda deegganada Puntland ayaa ku tilmaamay qorshaha uu bilaabay madaxweyne Faroole in uu yahay mid uu ku sii seeto dheereesanaayo maamulkiisa.

Dadkaas waa ka mid ah Cabdiraxman Sheekh Maxamed Xasan (Gablax), oo ka mid dadka uu hadda damaca ugu jiro in ay isku soo taagan doorashada maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Faroole uu la soo baxay qaab aan wax badan ka duwaneyn kii kacaankii milatariga Soomaaliya, kuwaaasoo markii horre sheegay in ay la immaan doonaan demuquraadiyad laakin markii dambe caburin iyo juu-juub la yimaadeen.

Wuxuu kaloo sheegay Mr. Galbax in uu xukunka Faroole uu isaga isku soo koobay iyo shaqsiyaad kale oo la shaqeeya, isla markaana uu afka qabtay saxaafadda iyo kooxaha kale ee mucaaradka.

Si kastaba, madaxweyne Farole ayaa sheegay in loo baahan yahay guddi darsa isla markaana tallo bixin ka keena miisaaniyada dowladda gobaleedka Puntland  sii loo hubiyo mashaariicda caalamiga ah.

Guddiga uu magacaabay waxa ay kala yihii:-

1-Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan –kuxigeenka wasiirka maaliyada.

2-Aaden Cabdiraxman Cali- Xafiiska Madaxweynaha.

3-Cabdirisaaq Xasan Muuse- Xisaabiyaha guud ee dowladda.

4-Khaliif Xasan Ducaale –Gudoomiye ku xigeenka Hantidhowrka.

Waxa soo badanaya dhaliilaha loo jeedinaayomadaxweyne Faroole oo ku aadan qorshaha uu ku doonayo in uu xilka ku sii dheereesto, dhawaan qaar ka mid golaha wasiirkada maamulkiisa ayuu shaqada ka ceyriyay, waxana ka mid ahaa wasiirkii haweenka Caasho Gelle oo ka mid ah dadka aan la dhacsaneyn siyaasadda Madaxweyne Faroole.

Madaxweyne Faroole ayaa xilka maamulka Puntland ka qabtay sannadkii 2009-kii, waxana hadda u dhammaatay afar sano oo ballanka ahaa.

RBC Radio 

Xafiiska Wararka Garowe

Share

Tags:

6 Responses for “Madaxweyne Faroole Oo Magacaabay Guddi Dabagal Ku Sameeya Daqliga Ka Baaqda Puntland”

  1. [...] Read the original post: Madaxweyne Faroole Oo Magacaabay Guddi Dabagal Ku Sameeya Daqliga Ka Baaqda Puntland [...]

  2. Faroole says:

    Afka wa laqabanayaa waliba waalaga jabinayaa hadii loo baahdo CID hor istaagi karta majiraan inta uu madaxweynaha Meel ooga soo harayo HAG Iyo intii neceb Puntland Iyo jiritaankeeda wadankana boqortooyo ayaa katlisa ( aaranjaaan)

  3. FARATELO says:

    ASC, Waxba soo kordhin mayso waxkasta uu sameeyo waqtigu waa Janaayo iyo weji cusub marka ha is daalin ee meesha iskaga tag oo haku cayaarin maamulka dhisan ee cadowga badan leh waana inaad ka fikirtaa arintaas ha isku mashquulin arimaha aan waxba kuu tarayn oo noocan oo kale ah doorashada Janaayo 2013 isku diyaari taasaa daawo u ah PLand sc.

  4. puntland guy says:

    DASTUURKU WAXUU XAQ U SIINAYAAA MADAX WAYNAHA IN UU XUKUNKA HAYO 5 SANO CIDDI DASTUURKA DIIDANA WAA CID DOONAYSO IN PUNKALAND WAX YEELAYSO LOONA DUL QAADAN MAYO WAANA LA ISKA QABANAYA SI WADA JIR AH MIDDA KALE QOLADIINA RAXAN REEB WAA LA IDIN YAQAAAN WAXAAD KU CEEBAWDEEN DAGAALKI GARSOOR KKKKKK DULLI MADAX WAYNE FAROOOOOOOOOOOOOOLEEEEEEEEEEEEEEE JIR OO JOOOG JIR OO JOOG WE LOVEEEEEEEEEEEEEEEEEE UUUUUUUUUUUUUU DARTAA BAAN U DHIMANAYNAA ! MIDDA KALE GABLAX MUXUU YAHAY SOW KII MA AHA BURCAD BADEEDA LA QARAABAN JIRAY ILMA ADER WAA INTI IS TAQAAN ASAGA MA HADLIN EE WAA LAGA DHAX HADLAY NINKAAS !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  5. Somali says:

    Waad ogtihiin halkaan sanoh xukuu loogu daray wax ugu daray barlamaanka puntland iyo 840 qof ee laga soo xulay dhaman gobalada puntland. Waxaana halkaan sano loogu daray si puntland looga hirgaliyo sibiyada badan. Marka ninkii rabaa in uu kaqayb galoh siyaasada ha furto sisbi. Puntland waxay jirtay 14 sano. Waxayna ku taamaysay 14 sano in ay mar yeelato xisbiyada badan iyo one man one vote. Waa rabitaanka shacabka puntland.

  6. Boosaaso says:

    Asc, war shaqsiga wax qoraayow Alle ka cabso oo dadka ha isku dirin, dhammaan dadka reer puntland waa mid, waxaanse umalaynayaa waa qof shaqsiyadiso liidato kan nakala qaada, wixii dadku kaso horjeedana si wanaagsan ha uga hadlo ayadoon wax la aflagadayn.

Leave a Reply