Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Dardaaran Siiyey Soomaalida Iyo Madaxda Cusub, Ballana Qaaday Inuu Garab Istaagi Doono Dawlada Cusub


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta hadal hambalyo ah ka jeediyey xafladii caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in dawlada Jabuuti ay garab istaageyso madaxweynaha cusub iyo dawlada cusub.

“Waxaan leenahay ummada Soomaaliyeed haddii aad taageeri weydaan, haddii aad garabgeli weydaan, haddii aad u sabri weydaan hawsha aad ka sugeysaan inuu gaari karin inaad ogaataan baan rabaa” ayuu ku yiri dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ismaaciil wuxuu amaanay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo sida uu sheegay suurtagaliyey in doorasho xor ah ka dhacdo Muqdisho kadibna uu aqbalo natiijada markii isaga looga guuleytstay.

Madaxweyne Geelle wuxuu Soomaalida kula dardaarmay in waxa ugu weyn ee lagu garabgali doono madaxweynaha cusub ay tahay amaanka waayo ayuu yiri madaxweyne Geelle “haddii amaanka la waayo in maalgelin la heli doonin, carruurtuna aysan sugsiyada nabad kaga soo laabaneyn isla markaana dhismaha wadanka aan laga shaqeyn karin”.

Taageerada hiil iyo hoo

Madaxweyne Geelle wuxuu ballanqaaday in wax kasta oo tabartu ay ku qaado ay diyaar u yihiin inay la garab istaagaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo shacabka, isagoo sheegay inuu og yahay in Soomaalida garab ay u tahay Jabuuti.

Wuxuu ku booriyey in Soomaalida ay guuleysan doonto madaxweynaha cusubna uu horumar gaarsiin doono isagoo heysta xariga Illaahay.

Wuxuuna beesha caalamka iyo AMISOM ugu mahadceliyey sidii ay ula shaqeeyeen Soomaaliya isagoo haatana ka dalbaday inay sii wadaan taageerada xukuumada Soomaaliya ee cusub.

 

RBC Radio

Share

3 Responses for “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Dardaaran Siiyey Soomaalida Iyo Madaxda Cusub, Ballana Qaaday Inuu Garab Istaagi Doono Dawlada Cusub”

  1. Runsheeg says:

    waa ninka somaliya burburiyey oo aan u ogaleen iney lugaheeda isku taagto Ismaaciil Cumar Geele oo la shaqeya Somalidiidka haddba sidey ku suuro galeysaa inuu somaliya la shaqeyo waa hadal oo ah shinbirayohow heesa somaliya waxaa iska leh dowladaha kala ah Ethiopia,Kenya,Jabuti,Uganda marka sidey ku suurobeysa ragaan meesha jooga oo iska leh iney xukumaan ninka aan waxba kala garneynin ninka dilaya iyo kan burburinaya mooryaanta oo loo adeegsado oo ka faaideysaneysa guryaha ay dhaceen inaan lagu soolaaban oo aysan rabin nabad maxaad ka sugeysaa ninka hadly majiraan xoolaha xaaranta ah ee ladhacey waa maya marka sheekadu waa dowalad la’aan iyo mooryaanta oo ku naaxda xoolaha islaameed marka waxba ha u sacabo tumin xoolala iscaleemo saarey oo ah mooryaanka ugu weyn oo dhacey schoolaadii wadanka uu lahaa kana dhigtey hooy uu isga iska leeyahey

  2. khadro ahmed says:

    ninkaan waa xaasid dadku waxay umalayaan inuu wax uqabtay shirka muqdihso lagu qabanayo wuu ka xunyahay midowgeena iyo midnimadeena majecla, wuxuu jeclaan lahaa inuu cagto hoostiisa ugu jirno waligeen.

    markii gudoomiyaha baarlamaanka ladoortay hambalyo uma soo dirin car yaa itusi kara hambalyo uu udray. waa xaasid gaws dambeedka nooga dhaaranaya ninkaas siyaasad cadaawad waa in loola dhaqmaa sidii jabuuti ayuu rabaa koronto la’aan inuu nagu rido..

  3. wadani says:

    @Runsheeg & khadro ahmed:- Waxaan aad ula yaabay halka ay xumaanta uga keeneen ninka wanaagiisa maahee aanan arak wax kale maha arrin kaloo qarsoon ayaa idinka dhaxeeysa ninkaan waxaan markaati ka ahay oon ilaah la hortegaa in Mudane Ismail Omar Gelle uu wanaag badan uqabtay dalka somalia waana ninka kaliya ee ay dhibisay dhibaatada somalia, ma xaq illah baa in Jabuuti lala simo Ethiopia Iyo Kenya waxaan illah ka baryaa in uu bogsiiyo labadan qof ee xanuunsanaya ee uu haayo cudurka Xaqqa ka indha tiray amiiiiiiiiiiiiin

Leave a Reply