Madaxweyne Musefeni oo Qabanaya Kulan Deg Deg ah oo Looga Arinsanayo Saameynta Ay Yeelan Karto Shidaal Baarista Kenya (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Ilo wareedyo ku dhow Midowga Afrika ayaa u xaqiijiyey Shabakada Raxanreeb in dawlada Uganda ay si weyn uga careysan tahay hindisaha Kenya ee ku wajahan shidaal baarista gudaha Soomaaliya kaasoo dawlada Uganda ay u aragto qorshe fashilin kara hawlgalka Amisom ee Soomaaliya. Akhri warbixin ku saabsan qorshaha Kenya

Sida lagu daabacay wargeysyada wadanka Kenya, Kenya waxay dejisay inay shidaal ka baarto illaa 8-goobood oo afar ka mid ah ay ku yaalaan xeebta Lamu. Waxaana afartaasi ka mid ah illaa labo goobood oo ku teedsan xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ku beegan qiyaastii 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Musefeni ayaa qabanqaabinaya kulan deg deg ah oo looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa qorshaha Kenya ee ah in shidaal baaris ay ka sameyso deegaano ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana kulankan uu ka dhacayaa xarunta wadanka Uganda ee Kampala.

Sida xogta sheegeyso, Musefeni aad ayuu uga careysan yahay damaca Kenya ee shaaca laga qaaday, wuxuuna madaxweyne Musefeni saraakiisha Midowga Afrika u sheegay inuusan rabin inuu arko dagaal waji cusub leh oo gudaha Soomaaliya ka bilawda haddii Kenyanku bilaabaan baaritaanka shidaalka ku jira dhulka Soomaaliya taasina ay dhalin karto in dadweynaha Soomaalida ay kacdoon sameeyaan, Arintaasoo ay la qabaan saraakiisha sare ee Afrikaanka, gaar ahan wadamada ciidamada ka joogan sida Burundi iyo Jabuuti.

Sidoo kale dawlada Ethiopia oo ciidamadeeda ku jiraan Soomaaliya, kuma faraxsana qorshaha Kenya walow Ethiopia aysan ku jirin hawlgalka Amisom.

Danaha is diidan ee gobolka

Ciidamada Kenya ee ka dagaalamaya Jubbada Hoose

Ilo wareedyada Raxanreeb u waramay ayaa sheegaya in ay jiraan dano iska soo horjeeda oo wadamada gobolka ka dhexeeya oo ku wajahan xaalada wadanka Soomaaliya.  Uganda oo hormuud u ah ciidamada ajnabiga ee jooga Soomaaliya waxaa mashruucooda uu ku jiraa guusha hawlgalka Amisom oo caadiyan ku wajahan dagaalka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida kaasoo gadaal ay ka taageerayaan Mareykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska isla markaana lacag badan uga soo xarooto dawladaha ciidamada Amisom ka socdaan.

Madaxweyne Musefeni ayaa ka walaacsan in dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay fursad ka dhigan karaan haddii Kenya ay bilawdo inay qodato dhul Soomaaliyeed sidaasna dagaalka Soomaaliya isugu rogi karo mid u dhexeeya “wadaniyiinta Soomaalida” iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga oo loo arko inay kheyraadka wadanka boob ku yihiin damaca Kenya darteed.  Dawlada Uganda si toos ah ayey arintan ugu sheegtay dawlada Kenya, sida ilo wareedyada noo sheegeen.

Waxaa jira xiriir aan aad u fiicneyn oo haddaba ka dhexeeya Uganda iyo Kenya, kaasoo sii xumaanayey tan iyo markii saraakiisha Kenya ay diideen inay hoos tagaan taliska Amisom oo Uganda ay horboodeyso.  Waxaa kala duwanaanta u dhexeysa labada wadan laga dareemayaa hawlgalada Soomaaliya ka socda, tusaale ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanada Miido iyo Afmadow, Taliska Amisom iyo kuwa Kenya si kala gooni ah ayey uga hadlayeen halka uu jiray warar iskhilaafsan oo labada dhinac ay kala bixiyeen.

Kenyankan ka dagaalamaya Jubbada Hoose waxay toos ula hawlgalaan maleeshiyo beeleedyo lagu soo tababaray gudaha Kenya, kuwaasoo danahooda gaark ah wata, halka taliska Amisom ay ka walaacsan yihiin in maleeshiyo beeleedyadaasi ay gacanta u gasho Kismaayo halkii ciidan dawladeed lagu wareejin lahaa.

Beelo kale oo iyaguna ka xanaaqsan maleeshiyo beeleedyada la socda Kenyan ayaa iyaguna hadda bilaabay inay maleeshiyooyin u dirsadaan Jubbada Hoose si ay danaha qabiilka u difaacaan, taasoo ka dhigeysa dagaalka Kismaayo mid ujeedo badan ah.

Si kastaba, saraakiisha xog warankan bixiyey illaa hadda ma hubaan in Midowga Afrika uu arintan soo faragelin karo walow loo arko madaxweyne Musefeni nin saameyn ku leh Afrikanka dhexdiisa, waxaase cad in Amisom aysan marnaba rabin in hawlgalkeeda Soomaaliya loo rogo waji kale oo markaasna uu fashilmo qorshaha.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

21 Responses for “Madaxweyne Musefeni oo Qabanaya Kulan Deg Deg ah oo Looga Arinsanayo Saameynta Ay Yeelan Karto Shidaal Baarista Kenya (Warbixin)”

  1. Abwaan Xassan (Timacadde) says:

    Runtii Kenya aad bay ugu khaldantahay boobka ay la doonayso dhulkeenna, madaxwayanaha uganda Mudane museveni wuu ku saxsanyahay hab fikirkan uu wado waayo khassab waxaa iman doona hadday kenya bilowdo hawlaheeda dagaal shacbiga iyo ciidamadan u dhexeeyaa maadaama boob khayraad uu muuqdo.

  2. nabadon says:

    ILaahow u hiili dadlkan iyo dalkan aan cid kale laheyn adiga mooyaane

  3. Sama_Kataliye says:

    Kenya and Uganda are fighting over the spoils of war, which is unfortunately us, Somalis. Oh Allah, what kind of ummah are we?

    Somaaliyeey nin ciil dilay baan ahay kana xun shilalka aan isa saarnay haddii aanaay soomali!!

  4. gundiid says:

    Uma maleeynayo Kenya in eey awood buuxda ama karti u leedahay shidaal ka soo saarida Juboyinka lakin dana is burinaya ayaa ka socda juboyinka…Mid waa qbiilada qaarkood oo doonaya in lagu jabiyo awooda al-shabaab maamulna eey dhisaan, Midna waa qabiila doonaya dhul balaarsi oo ku socda magac Shabaab iyo maaleeshiyo beeleed, midna waa kenya oo hunguri uu ka galay shidaalka juboyinka…….Dadkii dumiyay qaranimada somaliya ayaa ka mas’uul ah hungurinmada shisheeye ee shidaalka somaliya.

    Haduu maamul ka hir galo juboyinka waan ku kalsoonahay in eeysan kenya shidaal ka qodan karin juboyinka sababaha soo socda awgeed….Kenya ayada heshiis ma’aha oo dhexdeeda khal-khal in laga abuuro wuu fudu yahay si loo xagal daaciyo hungurigeeda, waxaa ku filan dhowr maaasjid, kaniisado iyo wadaado oo la’qarxiyo…qabiilada kenya oo uu ka dhexeeyo lolan awoodeed iyo muslimiinta oo mideeysan….dhibka jira waxaa weeye nimankii sujuuka ahaa ayaa hunguri yeenaya shidaalka juboyinka….Kenya hada waxaa jira xukun dhexe oo awood eey gacanta ugu jirto dowlada dhexe, 2013 ka dib waxaa hir galaya nidaam cusub oo fedraali ah oo gobol kasto asagu is maamulayo…shidaal ka qodita juboyinkana eey miraheedu gur bisan karaan marka lagu dhawaaqo nidaamka fedraaliga ah, waa seey ayagu aamin sanyihiin…waxaa la’isla dhex yaacayaa in shirkadaha shidaalku eey qaadanayaan 60%…Nimankii Sujuuga ahaana eey taaganyihiin 25%…kukaanyadiina eey saluuk santahy 15%….meesha Odinga iyo qabiilkiisa ayaguna cadkoodi wali la’yihiin sidaas daraadeedna eeysan dan u arkin kuukaanyada nidaamka fedraliga ee hirgalo, sababtoo ah awooda eey hada ku leeyihiin kenya ma helayaan hadhoow….bur cad badeed ka hir bgala juboyinkana waa turub kale oo la ciyaari karo …..Dowlada Fedraalkana hadeey wadaniyadnimo ku jirto ciyaarta gees beey ka gali kartaa in kasto ee yihiin kuwa 2009 kenya arbaabkan u furay….Kenyanku markeey isku dhacaan waxaa dhex galo oo la’aaminaa nimanka sujuuka…Gudiga doorashadana ayagaa gacanta ku haya oo inteey musuq maasuqiyaan beey cideey doonaan ugu shubayaan hadeey dantooda ka waayaan si eey u dhacdo qalalaaso cusub oo la mid ah tii 2007…..dadka juboyinka janis beey heeystaan eey kaga faa’iideeystaan si maamul u sameeystaan…..ka dibna waa ciyaarta iyo lugooyada arimaha shidaalku ha socdo….taasna waa teey hiigsanayaan nimanka sujuuga hadii eeysan dhaxlin 25% eey damac sanyihiin si eey u hor marsadaan deegaa madooda awood dhaqaalana u yeeshaan…Anigu shaqsiyan aad baan uga murugeey sanahay dhicitaanka lagu hayo hantida somaliweeyn shacabkiina xeryaha qoxootiga daadsan yahay shishee’yahuna doonaya in uu daaro dhadheer ka dhisto hanti qaran soamliyeed lakin anaga ayaa meeshaa is dhignay….Markaan ka hadlo gobonimo iyo qaran oo aan edeeyo jabhadii masuulka ka ahaa qaran duminta Somalia(SSDF iyo SNM) dadbaa inta shaati qabiil soo huwadaan dufaacayo kuwa noo horseeday qaran la’aan iyo qoxootinimo….waana meesha aan daciif ka nahay cadowguna bar-til maameeysto mar kasta si uu noo kala qeeybiyo(waa qabyaalada)……Somalia Somali baa leh……..

  5. gundiid says:

    Barlamaanka Somaliya ee cusub ayaan ka war suga yaa waxa eey ka dhahaa ama ka qabtaan arimaha shidaal baarista juboyinka, waxaa igu maqal ah in jawari iyo Norway eey xiriir hoose leeyihiin oo uu la’gor gortami karo, maadaama eey ayagu yihiin kuwa kenya ku dhiira galiyay arimaha shidaalka somaliya….Waa in aan shirkadaha shidaalka baaraya aan xageena u soo leexinaa oo tusnaa dhulkan taladooda in eey anga naga go’do oo eey anaga nagala gor-gortamaan shidaalka meel eey u soo maraan la’yihiin oo aan tusnaa in aan anagu nahay asyaadii iyo milkii leeydii xaqa ah ee kheeyraadka dhulkeena hooyo….Somalia Somali baa leh

  6. Rooraaye says:

    Soomaaliya waxay noqotey halaq mareen kenya awalba waa la ogaa ujeedadeeda dagaalka soomaaiya wuxuu isu bedelayaa siraac u dhaxeeya kenya iyo etoobiya oo meel ah soomaaliya iyo kenya iyo weliba ugaandha iyo kenya sababtoo ah kenya soomaaida madaxda ka ah waasidii hore loo sheegay call box weeye

  7. Barre says:

    Beelaha kale oo aad leedahay weey xanaaqeen oo maleeshiyo ayeey u dirsadeen Jubbooyinka! Dageen ma,aha miyaa iyaga? Diyaarad miyaa lagu qaadayaa sidii dhowr maroo hore dhacday.?

  8. prof piccolo says:

    War Adoomey Somali adaa iska leh ee karbaasha oo kala cayrsha tuugada somali dan u mahaayaan

  9. Warsame says:

    Jabhadii. USC. Ayaa. Soomaliya. Gaarsiisay. Xornimo. Iyo barwaaqo inay Kenya. Shidaal ka barato soomaliya waxaa. Sababay. Jabhadii. Ssdf ee putland, USC. Meelkasta waxay ka dhistay. Dabaq iyo wasarad. Iyo. Jamaican iyo iskool, iyo. Isbitaal.

  10. Hassan says:

    Horta waxaa fiican in layswaydiiyo Uganda iyo Kenya danta ay kaleeyihiin Soomaaliya iyo fahamka dadkanaga Soomaaliyeed. Labadan wadan iskuma dhacayaan waxkasta oo lasheego, laba arimood aawadood. 1. Danta ay reer galbeedka kaleeyihiin labadooda ayaaba ah mid aanan sinayn mustaqbalka dhow iyo kandambaba. Tusaale. Uganda waa sida Ethiopia oo kale waa Jabhad, waa wadan burbur soomaray, ciidankiina shaqo loowaayay, maadaama wadanku uu yahay sea locked, oo uusan lahayn dhaqaale kufilan oo uu kudegi karo. Tan labaad oo ah siyaasada reer galbeedka oo ah balanqaad, dantaada markii lagaa gaarana lagu tuuro, taasina waa mida ay Uganda ladamacsanyihiin mustaqbalka dhow marka Alshabaab lawiiqo lagana saaro cariga Soomaaliya.

    Kenya. Danta ay kaleedahay Soomaaliya waa kaduwantahay tan reer Uganda, saaxiibokafarabadan kany Ugandana way laleedahay bulshada caalamka. Kenya waxay rabtaa in xasilooni iyo nabad ay kadhalato gobolada sooxiga, si dhaqaalaheeda uusan uburburin, taasina waxaa kutaageersan dowlado badan oo shacabkooda usoo dalxiis taga xeebahooda. Tan labaad reer galbeedka oo aana marnaba ogalayn in Kenya ay burburto, iyo Kenya oo kahoraysa wadamada dariska xaga dhaqaalaha, amniga, infrustucture, iyo safaaradihii Africa laga xukumayay oo kuyaala Nairobil.

    Tankale iyana waxay tahay in jaziiradaha ay leedahay ee kuyaala Lamu lagaqodo shidaal si taasina usuurta gasho waa in amaanka lasugaa oo Kismaayo cid ay iyada rabto xukuntaa, dowladaha reer galbeedkana way kutaageerayaan, madaxweyne kasta oo Soomaaliya yimaadana kamahorimaan karo. Sababtoo ah Kenya kuma dhiirateen arintan lagu tuhmayo.

    Uganda waxaa loo qoondeeyay inay kahowlgalaan Muqdisho iyo gobalada dhexe, taasina waa mid Museveni ogyahay, uusana kahadli karin. Marka sheekadaan ah shir buu qabanayaa waa mid lagu naasnuujinayo Soomaalida. Museveni iyo Kibaki way isleeyihiin namana kalaxigaan, qofkii Kufakaraya in ay nookala sokeeyaan wuu riyoonayaa. Kenya ayaaba ladhihi karaa atleast way nasoo dhawaysay maadaama ay hayso qoxooti badan oo Soomaali ah iyo Maalgashi labadaba. Hadii Kenya iyo Soomaaliya xiriirkoodu xumaado waxay kadhigantahay 20 sanoo kale oo dagaal sokeeye ah dhac iyo boob. 20kii sano ee lasoodhaafay wixii aan Kenya kutabcaynay oo ladhaco, masaafuris, iwm. Soomaaleey gaal namakala jecla ee danteena meesha ay kujirto aynu garano. Ma awoodno in Uganda Kenya, iyo Ethiopia ay noohorseedaan burburkale.

  11. sirmaqabe says:

    kenyatigu hadii ey baroool rabaan pp eyba dal kale dhulkiisa ka qodanayaan mey carabaha oo uu ka buuxoka qotaan maxey dhulka somaliyeed ka soo doonayaan?somalidu waa iney kacdaa oo Kenyatigaan waashay iska dhicisaa,lama joogo xiligii qabiil iyo ururo somalida u ficiltami laheed ee waa iney Ugandha garab istaagaan oo kenyatiga laab lagu qaadaa:D

  12. kkkkkkk.waa yaabka yaabkiis,ma kenyaa na damaaciday? Bal aan eegno uuraysataye waxaad dhalin.

  13. Oday Nuur says:

     ENOUGH is ENOUGH

    Si loo xakameeyo iskudayga joogtada ah ee markasta aay soo baxayaan shaqsiyaad xil u haya hogaanka sare  ee Dowladda oo ku kacaya
    KHAYAANO QARAN, waxaa haboon
    in Baarlaanku uu sharci kasoo
    saaro si loo marsiiyo ciqaabta
    aay leeyihiin kuwa ku kaca khiyaano qaran.

  14. wadaad yare says:

    Waxa jookarka ah waa qabiilka maadaama qaran soomaaliyeed oo xoog leh oo danaha qaranka ilaalin karaa jirin.

    Qabiilku hadduu dantiisa ka arko maamul looga arrimiyo Neyrobi oo xulafo la ah Muqdishana la gor gortama oo la xisaabtama waa meesha xisaabtu ka qaldameyso!

    Sida qaar kaleba ay Addis ugu xiranyihiin.

    Iskuma heli kartid inaad Neyrobi ama Addisna aad ku xirnaatid lana xisaabtantid, iyo inaad Muqdisho ku xirnaatid lana xisaabtantid sidii adigoo soveregn ah oo kale!

    Labada xiriir waa in uu midkood ahaadaa mid adag oo la hoos tagaa caasimadahaas middood.

    Haddaadan Muqdisho si dhab ah u hoos tegin waxaad si dhab ah u hoos tegeysaa Addis ama Neyrobi.

    Qabaa,ilka soomaalidu haddey u suurtoobeyso waxey mid kastaa jeceshahey intey iyagu is hoos tegi lahaayeen oo is maamuli lahaayeen in ay shisheeyaha hoos tagaan.

    Arrintaasna waa dhammaantoode qolo gaar ah ma ahan. Ee maxaa talaa?

  15. khadija says:

    alloow xaqeena wax noo badbaadiya noo adeeji alloow naga qaba inta dhulkeena siinaya cadowga ammin.

  16. qoono says:

    kala tagga somalida ayaa damaca cadowgooda shaley,ilaahayaow madaxweyne daacad ah,
    ummadeena u garo,u sahal.gaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaas maya.gaaaaaaaaaaaaas maya

  17. Puntlandboys says:

    Afkaga caano iyo malab lagu qabay @gundiiiiiiiid!

  18. zack-london says:

    waxaa dhihi lahaa………..qof walba Janaaso ku tukada Somalia………..waa hore ayey dhimatey 22 sano ka hor………….malintaas reer gelbeedka waxey balan ku qaadeen..iney somalia dambe aysan jiri doonin……….ilaa Mid ayaga Farta ku xukuma….

  19. [...] shidaal baarista gudaha Sooomaaliya  [Akhri warbixin] kaasoo Musefeni uu ku tilmaamay inay “wiiqeyso muhimada hawlgalka“ AMISOM ayna iska horkeeneyso shacabka wadaniyiinta Soomaaliyeed iyo ciidamada [...]

  20. [...] Waxa la ogyahay in dowladda Kenya qorsheysay islamarkaasna bilowday meelmarinta ceelal shidaal oo laga qodayo xudduud badeedka Soomaaliya [Akhri warbixin] taasoo Soomaaliya baarlamaankeeda uu diidey islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ka goos adeygtay meelmarinka heshiis meel dhaxaaad ah oo laga gaaro arrinkaa isaga ah.  Uganda waxay fahamsan tahay haddii dhulka iyo ilaha dhaqaalaha Soomaaliyeed faraha lala soo galo iyada oo waliba la isticmaalayo muruqa AMISOM maadaama Kenya ka mid tahay AMISOM, ay keeni karto in wadaniyiinta Soomaalida ay kici doonaan oo ka hor iman karaan AMISOM maxaa yeelay sheekadu waxay isu rogeysa dalal usoo shaqo tagay dhulka iyo ilaha dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed leeyahay. Sidaa darteed bay Uganda rabtaa in ka hortagto damaca dheeriga ah ee Kenya.  Akhri Madaxweyne Musefeni oo ka tuhun qaba qorshaha Kenya [...]

  21. [...] iyo markii Kenyanka ay ku biireen AMISOM ayaa waxaa soo laalaabanayey su’aalo ka imaanayey hogaanka sare ee AMISOM gaar ahaan saraakiisha Uganda oo leh ciidamada ugu badan ee Soomaaliya ka jooga AMISOM, kuwaasoo aad u diidan in Kenya ay magac [...]

Leave a Reply