Madaxweyne Shariif: Diinta iyo Dowladda ha la Kala Saaro


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Loollanka loogu jiro xilka madaxweynenimada Soomaaliya wuxuu galay marxalad gabogabo ah. Dadaalka tartamayaasha kuma koobna oo keliya xodxodashada xildhibaannada.

Murashixiintu waxay bixiyeen waraysiyo. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waraysi siiyay wargeyska Il Giornale oo ka soo baxa dalka Talyaaniga. Madaxwyenuhu wuxuu ka warramay guulaha AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Wuxuu madaxweyne Shariif sheegay in uu ku rajo-weyn yahay in madaxweyne loo dooran doono mar kale.

Dad badan waxay la tahay in madaxweyne Shariif weli rumaysan yahay in diinta Islaamku noqoto sharciga ugu sarreeya dalka.

Madaxwyne Shariif waxa uu gabi ahaanba badaley mowqifkiisii ku aadanaa in diinta islaamka ay ku lug yeelato maamulka iyo maareynta Dalka Soomaaliya waxa uu wareysi uu siiyey wargeyska Il Giornale ee kasoo baxa dalka Talyaaniga uu ku sheegay in ururkii maxkamadaha uu dalka burburinayay iyo in uu hadda aamminsan yahay in diinta iyo siyaasadda gabi ahaanba la kala saaro:

Non ho rinnegato la fede, ho solo compreso la necessità di separare religione e governo.) ” Diinta maan beenayn, waxaanse ogaaday in loo baahan yahay in diinta iyo dowladda la kala saaro.

” Hadalkan wuxuu dhabar-jab ku noqonayaa ragga la loollamaya madaxweyne Shariif oo badankood rumeysan in madaxweynuhu yahay siyaasi diinta Islaamka u arka tiirka dowladda. Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Shariif wuu tuuray koofiyaddii Islaaminimada, waana hoggaamiyaha ugu horreeya oo isbeddel 360 degree oo dhinaca siyaasadda ah sameeyay.

Waraysiga Il Giornale la yeeshay madaxweyne Shariif:

«Ora la Somalia sta ripartendo E l’Italia si lascia tagliare fuori
http://www.ilgiornale.it/news/esteri/ora-somalia-sta-ripartendo-e-litalia-si-lascia-tagliare-833698.html

Raxanreeb.com

Share

Tags:

44 Responses for “Madaxweyne Shariif: Diinta iyo Dowladda ha la Kala Saaro”

  1. Cadaalad says:

    Inaa lillaahi Wa ina Ileyhi Raajicuun Mantana ma hadalkaas ayuu yiri Shariif axmed dadka Aduunka korkiisa ku nool waa marqaati manata Bari aya ka danbaysa oo khiyaamihii ah

  2. garoweboy says:

    inaa lilaahi wa ina ilayhi raajicuun.. marka horta madaxweyne maahan waa EX marka labaad na ilaahay mid khayr qaba hanasiiyo insha alah sida GAAS oo kale

  3. wadaniyada says:

    Laa XowLa WaLaa Quwata ILaa BiLAAHIL CadiiM .. Haduu HadaLkaan Yiri Madaxweeyne ShariiF Wuu IS CeebeeYaY Laakiin Waxaan UMaLeeYnaa Waa Dherbaaxsho Kaga TiMid XaGa SaXaafaDa aan Ka MaQaLNaY Marar badan Been .. Hadiise Uu HaDaLkaan Ku CadaadO MadaxweeYne ShaRiiF TOLOoW HaLkuu Ku HoYan DooNaa XiTaa Aniga Taageerihiisaan KaMid Ahaa Wax Yaabaha aan KujecLaadayNe DiiNtaa Ugu Weeyneed .. SubxaanaLAAH .. ALLOOW Hana Ceebeeyn .

  4. Hirabe Mursal says:

    Arrintaa haddi ay dhab tahay ee uu Shariif Ahmed , waa Tallaabadii ugu horeysay ay Somaliya Dhibaatad uga bixi lahayd , Siyaasadda Iyo Diinta wax is geli kara ma ahan waa Dab iyo baasiin.
    Somaliya Haddi laga joojiyo Oor ku kacsiga diinta in ay arrimihiisa hagaagi doonaan.
    Haddi Shariif arrinataa qabo waa istaahilaa in 4 Sanno loo doorto Madaxweyne.
    Waxaan Rajeynayaa in dhamaan Hogaamiyaasha Somaliyeed ku daydaan Sh Shariif Far waa weynna lagu qoro Diinta iyo dowladda ha la kala saaro””

  5. Alle ayaan ka baryey ee dhulku kula go oo Aduunka Cadaabtada ku arag Shiirfow Shiikh kuma dhahayee, ilaahay diintiisi ayaa inta ku dan gaartay hadana saas leedahay, Marna lama kala saarayo allena uguma talagilin in Maamulka Noloshada iyo Diinta Muqadaska ay lakala saaro Waayo waxaa Kitabka Quranka lo so dajiyey in la ku dhaqmo Dastuur laga dhigto asagana loo xukuntago.

    Qof kastow Ogow hadad Shariif, Farole, Silanyo iyo wax la mid ah tageerto in ay Dagaal Kitabka alle kula jiraan waxaana cadayn ku ah Hadaladooda hadalkan Sharif udambeeyey ogowna waxay Qarinayaan ayaa badan, majecla Diinta iyo Kitabka alle mana rabaan in ay dadka ku xukmiyaan

  6. khaatomo says:

    KKK hada khatumo nahay shariif baan dooranayna xitaa hadu macatab qaato

  7. F.B.I says:

    k.k.k.k.k.k.k.k dadkii maxkamadaha ku bakhtiyay iyo kuwii alshabab ku bakhtiyay ha ogaadaan waxan 10sano dhahaynay maaha jihaad ee waa xukun doon in maanta ay taagan tahay qofka bini aadamka ah markuu wax taageerayo aqoon iyo saycology ahaan wax haku baaro viva dadkii caqliga lahaa

  8. dudaye says:

    asc nimanyahaw alla ka baqa oo dadka beenta h u soo qorina waxay moodayaan dadka raligoodu yaryahay ma garankaraan waxay moodayaan wax jira dambigaasna adinkaa iska leh qoowl baa la soo tebiyaa ee waxaad sheegeeysaan waa qiila waqaala ee dadka karamadooda meel ha uga dhicina wbtwfq

  9. Duli ilaahay dusha hakasaro soomaali kasta oo cilmaanayad iyo munafaqnimo wadanka u horseeda.

  10. Abdulkadir Afmaged says:

    Sono molto dispiacente che una persona come il Sherif nega la Fede in questa maniera,alla stessa misura d’una persona di privo di Religione Islamica.in modo che il Sherif raggiunge la meta presidensiale;ove aver detto il Profeta(che la pace sia su di Lui) CHE L’ISLAM E’ POLITICO,MILITARE,ECONOMICO E SOCIALE; cioe’ l’Islam corrispone ogni aspetto della vita dell’essere ed altre tanto e’una LEGGE UNIVERALE EFFETIVA ALL’ESSERE UMANO IN GENERALE…

  11. said dheere says:

    hadba shaati xiro shariif soomali ku baratay cidna ku dooranmayso
    lagu ogaa laguna maqal …………h……………

  12. Hassan says:

    Waa ayaandaro in raxanreeb oo ah wabkii ugu dagdaga badnaa inuu maanta turjumaad been ah ka bixiyo wargayska ,waxaan ka mid ahay dadka afka talyaaniga sida fiican u yaqaan kumana qorna warkaas ee dadka ha gaarsiin beentaas , caadifad qabiil ayaa lagaa dareemayaa ,warkaan iyo xun qor hadaad rabto cidi rooran mayso cabdiwali asagaad riman tahay

  13. Soomali says:

    @garoweboy

    Tankoowaad, Qabiil baa kaa guuxaya, tan labaad, Shiikh Shariif iyo Gaas, Shiikh Shariif baa diin u dhow.. Marka Ilaahay Nin Wadani ah, Dalka iyo Dadka iyo Diintaba lagu aamino karo, Ilaahay wax ha inoogu daro..

  14. prof piccolo says:

    kani waa xoolo ee cid dooraneysaa majiro ee siidaya comments dadka qoran haddii kale waxad arkeysaan iney dadka ka kala caran meeshan oo ay koox baqeysa ay dadka tiraan comments

  15. Manexe says:

    Sckum dhaman bahda dalacata wepsateka ugu afka dher wepsaydada somaida waxan odhankara shikh sharif inu yahay nin ad udadnimo fican beryahandenbana waxa lagujira lolanka siyasaded siqofka sharaftisa lobabi iyo waxa la adegsada saxafada anigon raxanreen durayn hadana dad islama ayeynu nahay waxan odhan laha hadalka halaga firsado malinka qiyamada walaysweydinayaye tedakale denbigu walabo shikh sharif hadu sas yidhi illahay ayu danbi kagalay kawarama gaas o saxixay hanti qaran o dadko cafiya moye an illahay kadhafay dadka u badooda saxixay qarba dhintay qarba bukana qarba nool ninka xaramiga ah wa gaas viva shiikh shariif guul dalkana waxan rajaynaya inu noqdo mid kitabka illahay lagu xukumo

  16. gundid says:

    Ninkan waxaa igu maqal ah Salaadii xataa in waqti u waayay,ku mashquulay aduun iyo Siyaasad….Aduunka waxaa ugu daran qof Muslim oo hanuunsan ilahayna badan Hidaaya, hadana wadadii Lunsaneeyd ka doortay tii hanuun saneeyd….(Dalaal Bacda Hidaaya)…Hadalkan waxaa u arkaa hadal lagu beer laxoowsanayo Reer galbeedka oo ka hela Siyaasad ceenkaas ah…Barina wuxuu dhihi, Gaalada Somaliya iyo Khaniisiinta xuquuqdooda waa in la’ilaaliyo, Raga iyo dumarka waa eey siman yihiin(Subxaana allah)…..Raga iyo Dumarku weey siman yihiin diiniyan oo kii taqwa iyo cibaada badan ayaa kakala ka fiican ilaahayna uga dhow lakin waa kala Mas’uuliyad, Af-guduudna wuxuu rabaa in aan mas’uuliyada iyo noolasha aan ka sinaano taasna waa tan uu islaamku diidan yahay…..

  17. PUNTLAND BOY says:

    sheekh sharif ha isma uusan ceebay ee hada ka hor buu is ceebeeyay waa ninkii u doodayay qabqablayaashii dagaallka mohamed dhere muse suudi mohamed qanyare bare hiiraale iyo kuwo kale oo danbiile yaal ah ninkaan dadku sheekh bay moodayaan sharif sheekhma ahan taa waa inaad aamintaan ajnabi buu u shaqeeya waligis waa layaqaanay lakin nasib daro dadka qaarbaa ku kadsoomaya

  18. Mohammed says:

    Soomaalida qaarkeed lama fahmi karo; Mar Shabaab ma rabaan, marna dowlad diintooda faraha kala baxaysa ma rabaan. Walaalayaal anigu shakhsi ahaan ma rabo dowlad ii sheegeysa qofkii ah muslim fiican ama muslim xun ama wax kale. Qof walba asagaa godkiisa gali doono, saa daraadeed ammaan usii diintuu dooran lahaa. Bal eega dalalka Islaamka, kadibna hala sheego dalka diinta kaliya lagu xukumo, maamulkiisuna daacad yahay . Intaanu ka heleyno dad u diyaara inay u dhaqmaan sida asxaabadii, Illaahey ha u naxariistee, waxaa ila mudan inaanu kala saarno.

  19. runlow says:

    wadaniyada wax badan aa kuu dhiman inaa ka ogaato shariif lasoo gemay gal youtube kuqor shariif
    shalay iyo maanta
    diin lagu qaraabto waxaa ugu danbeeya shariif…

  20. FGDS says:

    HA LA SOO HUBIYO IN UU YIRI IYO IN KALE…HADUU YIRI WAA KU GAALOOBAYAA….HADDII LAGA BEENSHEEGAYNA WAA DENBI QOFKIISA LEH….

  21. Samadoon says:

    Dameer markaad doog u dhigto maxaad ka filaysaa oo aan qaylo
    Iyo dhuuso aheyn?

    Balaayo kula foolxumo badnaatay dulligii biijada lahaayoow.

  22. Fursad says:

    Figrat dadku aysan dhib ku heynin baat soo bandhigteen oo ah, in madaxweynuhu yahay siyaasi diinta Islaamka u arka tiirka dowladda. Dacaayadahaa raqiiska ah, GOOR MAA LAGA TAGAY WARKAA,. Raxanreeb, isku xishooda qoraaladiinana ka fiirsada. Talk about the reality of today, talk about the new hope for Somalia. Shaleydan waxaat soo daabacdeen fikrad ahayd, I DON’T SEE A HOPE FOR SOMALIA, lol,…. War masoomaali baat tihiiin? Mise cadow soomaali? Maya, wey idinka xumaatay,.

    Toobiga hadaan ku soo laabto, Ex Madaxweyshe shariif shiikh Axmed, hadii uu xilka madaxweyne uu waayo, waa arimo issaga u gaar ah, hadeeynu nahay shacab soomaaliyeed, oo barlamaankana aaminsanyihiin shacabkooda in ay matalaan, codka waxa ay siindoonaan insha’allah, nin akhlaaq diin islaam leh, aqoon leh, sharafna dadkiisa ku leh.

    Gabagabo, Raxanreeb, waxaad u hadasheen sidii dad diin soomaali iyo dhaqan soomaaliba war uheyn, ama og laakiin jeclaanlahaa cabirkaa in wax lagu fiirsho, lol, GOORMAA LAGA TAGEY WARKAA,. Casriga la socda, THE NEW SOMALIA,….

  23. maxamed says:

    subxaana laah shaley asago kuqarabanayah magac islaamka wxuu gubey dhaliyaro somaliyeed iyo dhul somaliyeed hadana wuxu leyahey diinta iyo siyaasada halkala saaro kolba anigu waxaan amisanahey in diinti iyo sayasada la islawadikaro li an waxey diintu diindantahey qofka muslimka wa kaxaaran saas dardeedna qof muslima ah inu waxa kuhadlo wa ceeb

  24. Magan says:

    Hadalkaan shariifka ka soo yeray ka dis ma ahan waa hadal wax badan laga sugayay inuu maantay yiraahdo diinta iyo dawladnimada ha lakala saaro nidamkaas oo loo yaqaan “fasludiini cani dawlah”cilmani culumada inta badana mabda aasi way gaalaysiisay cidi rumaysay . Ilahay waxn ka baryaya hogaamiye soomaliya diinta ku xukuma karti iyo cadaalad leh inuu uma soomaliyeed udoorto . Mahadsanidiin

  25. muuse says:

    ninkan diinta inuu ka bixi rabo baan u malaynayaa, isbadalada u sameeyey 5 sano wa yaab, waxa u haray oo kaliya inuu kaniisada fariisto

  26. Diirshe says:

    Ninku ereyga Al Sheekh buu si xun isaga reebaya.Hadda wuxuu leeyahay SECULAR baan ahay!!!!!!! Allow hana Cadaabin.

  27. Hassan Hade says:

    allaah quraankisa wuxuu ku yiri qofkii allaah “swt” lumiyo cid hanuunin karta ma jirto marka shariif haduu diintiisa ku badashay kursi aan lahubin inuu helayo allaah “swt” ayaa quraanka ku yiri asagoo ka hadla qolo aduunyo diintooda ku badalatay ” alla waxa ay naftooda u soo gateen xumaad haday dad wax garanaya yihiin “

  28. cawaale says:

    kkkkkkkkkk awalba diinta waxay ahayd dan ku gaar waana uu ku gaaray

  29. JAma jarmal says:

    Diinta iyo Dawladda hala kala saaro waa fikirka aay ku dhisanyihiin Mabda’ cilmaaginiga oo ah fikir aay ku dhisanyihiin dawladaha reer galbeedka halkaasoo la kala sooro diintooda iyo dawladda marka waa shiikha laf cad ayuu toobin ku hayaa oo wixiisu waa nin daad qaaday xunbo xuskay ee allaha ka abaal marsho.

  30. Ayaanle says:

    Dhibaatadda jirtaahi waxa ay tahay wax walba ee halkan lagu soo qoro Faalo ayaan ka bixinaynaa oo dadka oo dhan waa wada siyaasi. Hadaad tahay qof caqli leh wax walba ee la sheego ama lasoo qoro ha u qaadan dhab caqli ayaa ilaah ku siiyay isweydii maxaa ka run ah? Weligaa ha aaminin wax meel lagu qoray KELIYA aamin AUDIO ama maqal coddeed . Maanta marka aan rabo in aan wax qoro wax kasta ayaa halkan ku qori karaa laakiin xaqiiqaddu waxa ay tahay maxaa ka run ah? Qofka aan waraysanayo hadalkiisa maxaan ku dari karaa maxaan ka jari karaa? Haku deg degin in aad isla markiiba faalo ka bixisid wax aadan hubin misana laga yaabo in dano kale laga leeyahay………..

  31. Omar says:

    Haduu saxsanyahay, hadalkaas uu yiri dartiisna aniga codkayguu helay. Diintu runtii aduukay naga reebtay.

  32. Fursad says:

    Diintayada waa Islam, caqligeena iyo dhaqanwanaageena wuxuu ku salaysanyahay DIINTA ISLAAMKA, hadii doolada soomaaliya tiraahdo hala is amaan siiyo oo yaan la’is dulmin, taasi waa amar Allah, maxaa la’isku wareerinayaa oo inoogu cunjuq cunjuqsiineysaan, dastuurka aaynu soo bandhignay soo aduunka uma cadeyn in aaynu qaadannay shariciga Islaamka? Waxa kale uu jawaari ku darayna sida 18 jir baa lagu qaangaaraa, sixid bey u baahantahay waxa uu ula jeedo,.

  33. NINA says:

    Anigu sidaan aqaan waa in wadaadku ama sheekhu uu dadka u hogaamiya camalkay
    jannada ku geli lahaayeen hadeerna ma jirto dawlad islaam ah oo shareecada100% lagu maamulo markaa waxay ila tahay in dalka lagu xumumo qawaaniin ay ka mid tahay qawaaniinta shareecada sida arimaha qoyska dhaxalka

  34. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. Waa sax in eey qasab tahay in lakala saaro “religion and State” amaba masaajidka iyo siyaasada. Kuwiinaan mucaaradka ku ah Shiiq Shariif una taageerayo qof qabiilkiina ah, ee aan fiirineeyn danta guud ee dalka, dadka iyo diinta, waxaan idiin sheegayaa in uu Madaxweeynaha idinka yaqaan diinta islaamka iyo cilmiga diiniga, asagaana ogow waxa “citizens” kiisa dantooda ku jira.
    Mida kale, diinta aad sheegeeysaan maxeey tahay, waxaan u maleeynayaa badankood shacbiga Soomaliyeed in eey diintooda tahay qabiilkooda. ee maan run isku sheegno. Sida loogu baahan yahay in qabiilka iyo qaranka loo kala saaro, ayaa ayadana waxaa lagama maarmaan ah in “masjidka iyo siyaasada” loo kala saaro. Waa mahadsantihiin.

  35. Samadoon says:

    Ku Cadaado

    Waryaa Cadaado, Maxaa kugu dhacay? Walaal commentiyadaadu way fiicnaan jireen waanan ka heli jiray caawase Waxbaa kaa khaldan. War hooge maanta ma Digir badanbaad soo cuntay? Qoodhiyo xerada ka jab caawa cambuulo badanbuu kasoo haagay.

    War intay Caadifadu ku qaado sida Shariif ha gaaloobin. Maxay tahay Diinta iyo Dawlada ha la kala saaro? War dib isugu noqo Ninyahow waad qumanaan jirtee.

  36. Cali yare says:

    @Cadaado. Waa runtaa dinteenu waa qabiil laakiin Shiikh Shariif wuxuu bilaabay in diinta loo isticmaalo xoojinta qabyaalada. Danta qabiilkiisuu yaqaanaa , ma yaqaano danta dadka oo dhan.

  37. abu hudafa says:

    kkkk war waa gaal waynaaday ninkaan laakin gaas baa noo badalin isha alaahay waxaa u haray magacisa ilaa 4 bari bas mar waa baqtin sidii males sanwi dinta islaamka buu ciyaar ka dhigtay
    to hiraabe markaad amanisid nin dinta islaamka ku dheel dheelin maxaad kawadaa

  38. adoon ilaahay says:

    Hiraabe ogow munaafiqiinta in Ay dukan jiren waqtigi rasuulka sakadane bixin jireen
    Laakin waxa lakala harayaa maalinta dad lasoo wada saaro munaafiqiinta
    Nuurka aya kadamaa jahanama korkeeda marka hadalka ad kuhadalayso ad leedahay
    Diinta dowlada halakal saar ugow ilahay Carabka in kanecer kaaga ridi karo

  39. abdukadir says:

    waan ka naxay eraygaa markaan arkay waxaana leeyahy hadaa aakhiradaadii siisaty aduunyo wa adi iyo kuu ilaahay , gaal xuna meelku geenmayo , waxaa eebe ka baryayaa in uusan kan mardanbe madax noga dhigin insha allah

  40. MUDKA ISSE says:

    Hirabe sidee wax kaa yihiin miyaadan \islaam ahayn sidee loo kala saari karaa Diinta iyo Dowladnimada Dowladnimada Xalaasha sow maaha tii Nabigeenu Aduunka ku soo kordhiyay, tan kale kala saaridda Diinta iyo Dowladnimada waa fikradda Cilmaaniyiinta Shaydaanka Caabuda waryaa Alle u noqo

  41. Munaafaq NECEB says:

    GAAS nin ay naag u taliso..weeye..Soomaaliya miyuu u talin karaa … madaxa isaga oo looga jiro…waar kaniisaddiisii ha aado..

  42. abubakar says:

    Inaa lillaahi Wa ina Ileyhi Raajiuun .who used kafir to killed muslim?.in kiama Allah will ask you why are you muslim dnt want sharia law which is Quran? Allah will put us on hell forever

  43. diiriye Afdhuub says:

    halkaa waxan rabaa in hadal ka dhaho HIRAABE, Qofka jaahilka ah waxaa dhaama ba la yiri Qofka Saaxirka yaqaan, Diinteenu waa nolosheenna Waana waxa qura ee ALLah UGU TALO GALAY IN iN AY BIN’AADAMKU KU DHAQMAAN, hADDAN LAGU DHAQMINNA WAXAA mARKHAATI U AH UMMADA SOOMAALIYEED MEESHA AY MAANTA TAAGAN TAHAY, WAXA HALKAas gaarsiiyeyna waa diin la’aan.ee Hiraabow sidaa ula soco MUGDIGANA ALLAHA KAA SAARO OO NUURKA HA KU TUSO.

Leave a Reply