Madaxweyne Shariif Oo Ka Qeybgalaya Aaska Meles Zenawi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Addis Ababa [Radio RBC] Madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday ee DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia, halkaasoo maalinta barri ay ka dhaceyso aas loo sameenaayo ra’iisal wasaarihii hore Meles Zenawi.

Madaxweyne Shariif ayaa ka mid ah madaxweynayaal gobalka ka socda oo lagu casuumay in ay ka qeybgalaan aaska Zenawi oo bishii hore ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo waxa ay ka dageyn garoonka Bole ee Addis Ababa.

Waxa kaloo magaalada Addis Ababa ku sugan madaxweynayaasha Somaliland, Puntland iyo Galmudug, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Cabdi Raxmaan Maxamuud Faroole iyo Cabdi Qeybdiid.

Meles Zenawi, oo xukuumaayay Ethiopia 21-sano ayaa xanuun in muda ah hayay waxa uu u dhintay August. 20.

Madax badan oo ka socda caalamka ayaa ku qulqulaya magaalada Addis Ababa kuwaasoo ka qeybgalaya aaska Meles oo bari ka dhacay halkaas, waxana ka mid ah madaxweynayaashaaas madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.

Geerida Meles Zanawi ayaa si weyn looga dareemay dalkiisa iyo kuwa caalamka, waxana uu ahaa hoggaamiye gobalka miisan ku leh, gaar ahaan dagaalada ka socda Soomaaliya oo door ku lahaa.

Waxa uu noolaa 1955 ilaa 2012, ilaa hadda lama shaacin wax yaabaha uu dhintay 57-jirkii dalka ka arriminaayay.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Share

Tags:

10 Responses for “Madaxweyne Shariif Oo Ka Qeybgalaya Aaska Meles Zenawi”

  1. Cilmi says:

    War Sow Tii La Lahaa Waa Sheekh……Waa Maxay ka qayb galka AASKA GAALADA… Hayaay

    War bal noo weydiiya culimada waxay ka qabto arinkan.

  2. zack-london says:

    bal ninkaan eega ……………shaley iyo maanta……….

  3. [...] More: Madaxweyne Shariif Oo Ka Qeybgalaya Aaska Meles Zenawi [...]

  4. AK47 says:

    ASC bahda raxanreeb salan kadib waxa aan aad oga xumahay in ragan daquutka ah o hadana madaxda noo ah ay ka qayb qataan aaska malez o hadana ay la muru godaan marka u gaalka muru gonayo ayaadka alle way cad yihiin mar hore ayaana naloo ka digay gaalo qurun lay lkn muc jizada soo if baxday waxa ay tahay marki uu malez nolaa na way adeeci jiriin hadan ma bakhtigiisii baa laga celin wayey ku wakan waxa ay ku fiic naan lahayeen in biyo kulul o la kar kariyay lagu guro dhaman tood

  5. prof piccolo says:

    AUN C/llahi Yuusuf waa lagula dagaalmey Ethiopian markii uu la shirye ninkani oo ah nin dameer wadi jirey oo ahaa mooryaan waa loo sacaba tumayaa,marka sheekada waa qabiil

  6. Samawade says:

    Malez Kamuusan qayb galin aaskii C/llahi Yuusuf laakiin Faroole, Shariif, iyo Siilaanyo way ka qeybgalayaan aaska Zenawi.

    Sidoo kale, Siilaanyo, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Madaxda Galmudug Kama aysan qeybgalin aaskii C/llaahi Yuusuf Laakiin hada waxay ka qaybgalayaan aaska Zenawi.

    Barri hadii uu raggaan midkood bakhtiyo, hal askari oo iyoobiyaan ah aaskooda kasoo qaybgali maayo iyaguna isu tacsiyeyn mayaan. What a History!

  7. muna says:

    sheikh shariif ma baqtigii ayuu aaday alloow alle

  8. sheeko sheeko says:

    asc…..marka hore ninkaan sheydan shariif madaxweyne ma ahan ee ka joojiga magac madaxweyne aad soo qoreysaa raxanreeb..waa ex madaxweyne. madaxweynihii hore ee somaliya shaydan shariif .waa murtad waa gal gal ah ayadii quranka ayuu beeniyey oo lawada ogsoon yahay faroole iyo silaanyona waa lamid…..

  9. Kaafi says:

    Shariif iyo Shikh kaladaaa dag dag allaha noo dhaafshee

  10. Kaafi says:

    Shariif iyo shiikh kaladaaa sharafta allaha kaqaadeee

Leave a Reply