Madaxweyne Siilaanyo oo Wakaalado madax-bannaanaa hoos-geeyey Wasaaradda hawlaha guud
Hargeysa(RBB):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa amray in Wakaaladaha Korontada magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo hore gaarkooda ugu madax-bannaanaa ay hoos-tagaan maamul ahaan Wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne, sidaana waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasoo maanta ka soo baxay madaxtooyada waxa uu u qornaa sidan.
Waxaana qoraalka Xeerka Madaxweynaha lagu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo u cuskaday qodobbo dastuurka Somaliland ka mid ah go’aanka uu Wakaaladaha korontada ee Berbera iyo Hargeysa ku hoos-geeyey Wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka.
“Markuu arkay;In baahi weyn loo qabo dardargelinta, maamulka iyo hawlaha
horumarineed ee Hay’addaha Korontoda, markuu tixgeliyey;Talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan, markuu Tixgeliyey;Ahmiyadda weyn ee Hay’addaha korontadu ugu fadhiyaan
dhismaha dawladda.
Wuxuu soo saaray Xeerkan In Hay’addaha korontada ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa la hoosgeeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta; xisaabta iyo dakhliga wakaaladdahaasina ay ku dhacayaan qasnadda dawladda Dhexe, kharashkuna u soo noqdo si waafaqsan nidaamka xisaabaadka dawladda dhexe.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Somaliland.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











