Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dawlada Kenya Ka Dalbaday In La Hakiyo Qorshaha Maamul u Sameynta Jubbooyinka (Xog)
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dawlada Kenya u gudbiyey warqad rasmi ah oo uu kaga dalbaday in la hakiyo qorshe la sheegay inay Kenya gadaal ka riixeyso, sida uu Raxanreeb u dheegay sarkaal ka hawlgala madaxtooyada.
Warqadan uu diray madaxweyne Xasan ayaa sida sarkaalkan uu noo xaqiijiyey, wuxuu madaxweynuhu si cad u dalbaday in Kenya aysan faraha la gelin arimo ku saabsan maamul dhisid isla markaana kaliya lagu ekaado ka saarista ururka Al-Shabaab.
“Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in wixii hawl maamul dhisid ah ay u taalo dawlada Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya oo la hadlay Raxanreeb.
Warqadan uu diray madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo baxday kadib markii dawladu ogaatay in magaalada Nairobi laga qabanqaabinayo shir maamul loogu sameynayo deegaanada Jubbooyinka oo sida hadda la filayo guud ahaan gacanta dawlada iyo AMISOM soo galaya.
Sida sarkaalkan uu sheegay, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu cabiray in dawlada ay rabto inay la tashato dadka deegaanka iyo dhamaan qabiilooyinka sidaasi darteedna dawlada ay ka walaacsan tahay in qalaanqal uu ka dhasho arimaha maamul u sameynta Jubbooyinka.
Doorka Kenya
In madaxweynuhu diro warqadan waxaa gacan weyn ku lahaa ninka aadka ugu dhow madaxweynaha ee la rumeysan yahay inuu yahay shakhsiga go’aanada madaxtooyada ay ka soo fulaan ee Faarax Sheekh C/qaadir oo laftiisa ah nin heysta baasaboorka wadanka Kenya.
Faarax C/qaadir ayaa dhanka kale aad uga gaabsaday in madaxweynuhu soo hadalqaado qorshaha Kenya ee shidaal baarista gobolada Jubbooyinka iyo askarta Kenya ee dadka rayidka ku laayeen deegaanka Janaay Cabdalla toddobaadkii hore arintaasoo si weyn loo cambaareeyay.
Farriinta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata ka horeysay duulaanka ciidamada Kenya iyo dawlada ee wada jira ay ku gaareen hareeraha magaalada Kismaayo ee shalay oo Jimce ahayd bilawday. Waxaana warqada ay ku soo beegantay xilli uu si weyn u soo ifbaxayo walaaca laga qabo in xifaaltan dhanka beelaha ah uu ka abuurmo qabsashada magaalada Kismaayo [AKHRI WARBIXIN] oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ah magaalo deked leh kana mid ah magaalooyinka muhimka ee koonfurta Soomaaliya halkaasoo haatan ay isaga bexeen ururka Al-Shabaab.
Dhanka kale xildhibaano iyo odayaal ka mid ah kuwa ka soo jeeda beelaha dega Jubbooyinka qaarkood oo warbaahinta ka hadlay maalmihii u dambeeyaya ayaa ka digay in Kenya ay ku lug yeelato khilaafaad ku saleysan hab beeleed oo kaaloosma gobolada Jubbooyinka arintaasoo dawlada Kenya ay horey uga hadashay.
RBC Radio












Ileen maato caano leh baan noqonaye, ragg wadankiisii cidka kale siday rabtayo ka yeelayso hadaan noqonay aan iska tuugsano dadka nahaysta.
In madaxweynuhu Kenya ka dalbado ineysan lug ku yeelan maamul u sameynta Kismaayo waa arrin waajib ah, hadduusan sidaas yeelinna ma ahan nin kasoo baxey waajibkiisa.
Midda Faarax Sheekh Cabdul Qaadir lagu durayo uma arko arrin heysata caddeyn iney tahey. Waa tuhmo aan daliil heysan sidey ila tahey.
Dalka Somalia Dawlad rasmiya ayuu yeeshay tamarteedu hayskaba yaraatee, Madaxweynaha dalkuna isagaa Mas’uulka ah Raaskaabooni min Saylac sidaa daraadeed Kenya xaq umalaha in ay gobolada Jubooyinka Maamul goboleed iyada ka amar qaata u samayso. Waa muhiim in maamulkasta oo Kismaayo loo samaynayo lagu saleeyo rabitaan umadda iyo in qabiilkasta oo degan gobolka Jubada Hoose uu dareemo Cadaalad loo simanyahay.
Midda labaad ma wanaagsana in durbaba la yidhaahdo hel iyo hebel ayaa Go’aamada Madaxweynuhu ka soo fulaan, Qolyaha saxaafaddu waxa ay qorayaan waa inay ogaadaan in Damage weyn u geysan karaan Rajada yar ee maanta umaddu qabto.
waa sax hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kenya wax mamul ah kama sameeyn karto gobalada juboyinka qabiil gaar ah in eey kenya gacanta kismaanyo u galiso wax laga yeeli karo maahan wax la aqbali karo maahan mamul u sameynta kismaanyo waxeey u talaa dowlada somalia
Warkan wuu jiray oo madaxweeynuhu warqadan wuxuu diray 2 usbuuc ka hor saan ka akhriyay saxaafada kale, lakin ninkani wuu iska hadlayaa, haduusan arimaha juboyinka gacanta kala bixin ama dadka deegaanka rabitaankooda uusan ku shaqeeynin wadadii Shariif Af-guduud ayuu marayaa, ninkan Farax la’dhahana waa nin reer gedo ah waxaana looga baahanyahay in uu dadkiisa kala qeeybqaato dhismaha maamulka gabo-gabada ah intuu xagal daacin lahaa, teeda kale dadbaa dhiig u daadshay oo shabaab ka xoreeystay juboyinka seey ku dhici in looga danbeeyo dowlada aan xataa is dufaaci karin, dadbaa doonaya in eey ku qaraabtaan shaati dowlad aan awood leheeyn cadaaladna ka shaqeeynin si eey u qasaan mamul ka dhasha juboyinka…hadeey somali qabiil isku dagaali 22 sano ayaan is heesanay, dadna waligood beey dhiig iyo isbaaro gacmaha kula jireen dadna hadeey hurdada ka keceen samirna ka dhamaaday oo diyaar u ah 40 sano oo danbe in eey dagaalamaan…
Hadii an isku dayno xalda hda ka jirta somaliya waa xalad adag oo wxaa moodaa in ay alshababka ay ka siibaxayaan jubooyinka taasna wxaa laga yaabaa in ay soo kororto filimo kale ee baahsan
dhanka madaxwynaha somaliya oo runta aan la heyn dad somali ah oo garab is taaga oo laga yaabo in ay qabyaalad iyo qurunnimo ay kala dirtay ayaa wxaa uu wadaa fadhi ku dirir taasna umaleyn mayo in ay mooqif ragii sanka waaweynaa kenya ay wx ka badaleyso ilaa la tusiyo Power.
Tankale madaxwynaha waa u la so daahay Raisal wasaraha wadanka taasoo ay shaqadii ay fadhiid taahay wxna laga yaba in ay madaxweynaha hysato arimo badan oo laga yaabo in ay sidan u kala baxda…1 maamul goboleed dhibkiis 2 xisbi siyasaded 3 shicibka rabitankoda lkse ay la heyn wx power ah 4 qabyalad baahsan o ku hareysan dhaman somalida 5 beesha calamka sida ay dooneyso . wxna kula talan lahaa madaxweynaha in u madaxa iska daalin oo shicibka wxy jecel yihin u doorto hdii uusan sidaas sameeynin inta uu Raisal wasare cusub laga dooranayo ayaa xaal is badalayaa taasna asaga ayaa sababta u ah. wa mahdsntihin Raxanreeb oo qeeb libaax ah ka qadata warbahinta .
asc,waan idin salaamay aqyaarta raxanreeb intaas kadib,adeerayal waan taagersanahay warqadaan waana in kenya ay arrimaha maamul u sameynta goboladaan faraha kala baxdaa waayo waa meel somali oo dhan qabiil kasta laga helo marka suurtagal maahan mana ogalaaneyno in hal qabiil isku koobo meel somaliweyn ka dhaxeeysa marka waxaan leeyahay wax kasta oo kenya meeshaas ka sameyso waa gacan ku rimis aanan aqoonsaneen oo sharci darro ah waliba.
Madaxweynuhu wuxuu ku hadlaaya fikraddii iyo hadaaqii ‘Odayaasha Dhaqanka’ ee beelaha Muqdisho haysta. Kama hadlaan maamulka Dhuusamareeb, B/weyne, Baydhabo, Marka iyo wixii la mid ah. Maxaa Kismaayo ka galay? Qoladan waa ka samri la’an yihiin Kismaayo, waxaana ka daadegiweyday in dhulkaas ay leeyihiin qabaa’il ay cadawgooda u arkaan.
Hungurigooda Jubbooyinka ku aaddan wuxuu bilowday isla markii la riday xukuumaddii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre. Waxaasna waxaa sabab u ah qolooyinka Daaroodka oo halkii ay dhulkooda iimaansan lahaayeen oo caqliga ka shaqaysiin lahaayeen, ayey wax doorbideen inay u kala-dhuuntaan Xamar iyo dad toodiiba gabay oo Soomaalina halkaas dhigay. Dib u xusuuso ina Jees, Barre Hiiraale, Maxkamadihii iwm.
Maantana sidii oo kale ayey ku socdaan. Waxaan aamminsanahay in xitaa magacaabista ra’iisal wasaaraha lagu xiriirin doono arrintaas in coloodda iyo dagaalladda Jubbooyinka lasii wado.
Dhagxumo weynaa! Awooweyaashiinna boqollaal sano kahor ku shahiiday inay gaalo-madow dhulkaas ka furtaan oo ka kiciyaan, sow taasi tacab-khasaar iyo sinjidhaannimo kuma aha?
Ha la idin kala-dullaalo sidii dibiyadii kala midabka duwanaa. Kenya ayaa dhaanta kuwa Xamar u yeealay muuqaalka maanta ka muuqda.
Waa arrin sax ah in loo daayo maamul u samenyta dowlada somalia iyo madax deeda aad iyo aad bau u wanaagsan tahay ..somaliya somaali baa leh kenya banaanka ka joog
waxaa maanta mar qura soo if baxay colaadii iyo isqabyaaldayskii oo isku shareeray cirka .
waxaan filaynay in sidii looga hadli jiray meelaha soo gala gacanta dawlda iyo shacabka soomaliya looga hadalo oo waliba tan ay u muuqato guul lagaaray..waxase soo if baxaya xasadkii iyo ceebihii mamulka cusub qabyaaladii iyo beenta iyo belada ku dhisnaa.
kismaayo maaha degaan aan cidi lahayn mana aha dhul hada la helay ..haddii wanaag la diido waa lagu fashilmayaa dawladnimada gacanku rimiska ah.
waxaa qabtay maamulkii ciidanka soomaliya waa in loo dhaafa dadka gacanta ku dhigay sida ciidamada afgooye iyo jooga jawharna looga hadlaa inay ciidan soomaliyeed yihiin.laguna kal danbeeya ….xasan sh maxmuudan waxaan uga degaunaa inuu noqdo c/qaasim salaad xasan…
oo xilgiii carta ku fashilmay Kismaanyo.
Goaanka madaxweynaha waa midka kaliya ee lagu baajin karo dhiig Somaaliyeed oo daata maxaa yeelay beelaha qaarkood ayaa hub uruursi xoog leh bilaabay kuwaas oo hardankii labaatanka sano ee deegaankaas lagu hayey fiirsanayey, laakiin maanta diyaar u ah in ay xuquuqdoodii qori caaradiis ku doontaan sida aan wararka ku haynana sheegayaan in ay gadanayaan tignikadii Al shabab.
Waxaan ku talinayaa in aan dhiig danbe oo Somaliyeed la daadin.
Nimanka is mooday in Kenya dhul aanay lahayn u qabanaysow been baad isu sheegteen ee ku ekaada deegaamada beeshiinu dagto.
Kismanyo waxaa iska leh dadka magaalada iyo tuulooyinka ku xeersan dagan.
maamulahan xaafada wardhiigley cid wax weydiinaysaa ma jirto, maxaa ka galay kismaayo. puntland iyo somalland waxba ma weydiin ninkan ku xayndaaban wardhiigley. hadii noqday wadada markasta kooxdan muqdisho kismaayo ku ugaarsato ha ogaadeen in aduunku is bedeley. gabanka waxan filayaa in xukunkankiisa ay kismaayo galaafan doonto. xasan jileec waa la ogyahay in dooxatadii galguduud kugu wareegsan tahay, waxanse kuu sheegayaa iyo wada socda hadaad ka hortimaadid malagaagaa galay.
Kismaayo waxaa iska leh inta magaalada Kismaayo laftirkeeda degan, kuwa tuulooyink ku xeersan degan waxeey leeyihiin tuulooyinkaas eey joogaan, maxaa iska galay magaalo iyo tuulo!
Hala joojiyo propagandhaha been beenta ah ee lawado oo lagu doonayo in xaaraan la xalaaleysto, ama si cadaalad ah oo nabad ah wax halagu qeybsado, ama 21 sano oo kale oo dagaal & gaajo ah diyaar haloo noqdo, soomaali waa anigiiye, waanana isnaqaanaaye, ogoow dal shisheeye waxeey soomaali raali ka aheen ma dhalin karo, waxeey qasaan mooyaane, ee ninka raba inuu gaal madoow usoo qabto dhul uusan qabsan karin, ha iswiidiiyo yaa uheyn doona dhulkaas markuu gaal madoowgu kulaabto caradiisi????
Waxaasaa Dawlad lagaa dhahaa yaakheey. Waan taageersanahay warqada uu Madaxweynuhu diray oo ah mid ka turjumaysa GOBANIMADA SOOMAALIYEED.
Ma doonayno wax Kenya iyo dabaqoodhiyadeedu malmalookeynayaan. Wixii nidaam ah oo ka hirgalaya dalkeenna Waa inay noqdaan wax ka yimid umadda Soomaaliyeed ee uusan noqon wax ka yimaada Sankadhuudhi iyo Dabaqoodhi.
Kismaayo ma’aha meel ka dhexeeysa somali weeyn ee waa deegaan Daarood. Intaas ka dib Muqdisho oo ah caasimadii somaliweyn iyo hantidii somaliweyn qabiil baa looga samray , hargeeysa oo casimadii labaad ah qabiil baa looga samray, sidoo kale Bosaso iyo Garowe qabiil baa looga samray, Baydhabo qabiil baa looga samray, marka maxaa kismaayo ka dhigay meel somaliweeyn isku riix riixdo, somali hadii eeysan meel joogin waxaa loo ololeeynayaa in juboyinka kenya lagu daro, sidaasna bada ku xalaaleeysato. kenyatiga ayaaba idan dhaamo noo ogol noolal iyo xilal meesha eey somalida igala dhamaan la’dahay isqarxin, barakicin iyo dhul balaarsi. hadana somali weey iska hadashaa ee ficilkoodu wuu yaryahay, dadbaa u soo jabhadeeyay oo al-qaacida ka kacsaday, dadbaa u dhashay deegaanka oo maamul u sameeystay, inta la garab maro dowlad qabyaalad ka buuxdo ha ii dhisto maamul waa sheeko dumar, dowlada aad sheegeeysaan xataa kama eeysan hambaliyeeynin guusha ciidamada Huwanta iyo AMISOM balse weey ka nexeen ayadoo wasiiradeeda soo dirtay ka dibna yiraahdeen “kismaayo huwanta ma gali karaan ilaa amar danbe”, ma kuwaas baan kasugnaa maamul, xageeyse jireen intii eey howlaha sodeen, ciidanka huwaanta ma ku caawiyeen hub, waa maya, ma ku caawiyeen dharka ciidanka, waa maya, kharashkooda miyeey bixiyeen, waa maya, sideey rabaan in looga danbeeyo maamulka juboyinka ayaga. Anigu waxaan taaganahay ficil iila imoow hadal wax ma taraya, maamulka jubaland wuu dhisan yahay, inta hartayna madaxweeyne Gaandi kismayo ayuu ku dhameeynayaa, cidii ka soo qeeyb galeeysa iyo kii sheeganaya xaq gacmo furan baa lagu soo dhaweeynayaa. Dowlada aad sheegeeysaan waxaa lagu soo dhisay Kenya, Puntland iyo somaliland waxaa lagu dhisay AdissAbaba caqli ahaan ilaa maantana looga taliyaa siyaasad ahaan oo siyaasad eeysan raali ka eheeyn itopiya kuma kici karaan, maxaa ku jaban juboyinka hadeey nabad, xasilooni helayaan…..Soamlidu mar-mar indhaha iyo xaq tiraan
MA WALAASHIIS BAA LEH KISMAANYO WAA DHUL WAR KAN WAABA QABYYAAALADAYSTE QURMAY MUXUU UGA HADLI WAAYAY BALADWEYN SHABELADA HOSE IWM XATAA SHACABKI LA XOREEYAY HAMBALYO MUUSAN ORAN TUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUG
dhisida maamulka Kismaayo uma taalo ay isku urur sadeen xamar taas la soacda,meeshan soomali kama dhaxayso ee waa gobol waxba yaan been la isku sheegin.xamar amaankeeda uun raadiya.
a/c bacda salaam xasnoow adna matanaad la timid adoonwali dabaal baran ma filaayo xassan sheeq inuu saas u,hadlay laakiin waxaan hubaa wasaq badan ineey hoos yaa ceeyso anagu waxba oran meeyno inta aanu afkiisa wax ka maqleeyno ilaa iyo hada waa madax weeynaheenii alahana ha xafido waa nin wanaagsan oo badweey dhex da baalanayo laakiin kuwa xamar ka hadaa qayooow kismaayo kaalaya midna waxaanlee yahay iimaam axmed madoobe maanta hadaad na tiraahdo kismaayo aan aasno waanu kula aa,seenaa kiinya halagu daro itoobiyo halagu daro sabcan wadaacan cidii kaa hor timaado gudo iyo dibadba seeftaa dulsaaran
AWW bahda RR iyo akhayaarta kale oo commentska dhiibtayba,
Marka hore RR aad baan idiinkugu bogaadinayaa wararka degdeg ah aad ka soo tebineysaan arimaha somalia, waxaan keliya oon idiin leeyahay noqda professional oo yaan la dhiiqeeyn shaqsi aan wax wac idinku ku heyn. Mar dhow ayaan bilaabay inaan bogiina akhristo wuxuuna ii noqday isha wararka somalida aan kala socdo waxaanse idiinku adkeynayaa inaadan noqon tabloid qora wax kasta.
Warqadda uu madaxweynaha qoray, waxey ila tahay inuu qof walba og yahay iney tahay waajibkiisa saaran madaxweyne ahaan, ciddii aan caadifad kale heynna wey taageereysaa. Somali waxaa baabi’iyay oo indhaha tiray oo xaqqii ka daboolay qabyaalad aan meelna lagu gaareeyn. Dad baa leh Kenya ayaa somalida dhaanta, waa wax aad looga xumaado waxaanse filayaa ineysan qoraal internetka lagu qoro wax dhaafsiisan ayyan war u heyn lana socon waxa ay qorayaan. waxaan idiin sheegayaa iska daa dowladnimadiiye xitaa 20kii sano ee uu wadanku burburka ku jiray Jubbooyinku waxey ka horumarsan yihiin Northeat kenya oo dhulkii somalia ah, wuuna ogyahay qofkast oo dhulkaa yaqaana marka yaanan waxba caadifad na qaadine aan dhulkeena iyo dadkeena isku duduwano kana soo saarno qaran la jaanqaada waayaha cusub.
Ninka Faarax la leeyahay ee aflagaadada lagu haayo waxaan leeyahay ummadda ha idiinka ammaan hesho, waa qof u soo istaagay inuu ummaddiisa u shaqeeyo marka dadka waxgalka ah yaan la ijaafeyn, RR-na ha iska ilaaliso war aan sugneyn hana ka shaqeyso wanaagga.
Dadka yiri nin baa dhiig kismayo u daadshay, inta kenya ku daba dhuuntay, ogow rag baa diyaar u ah in ay dhiig u daadshaan in ay kaa xoreeyaan dhulkooda adiga iyo kuwa aad kusoo daba dhuumatay. Qabiilada daga kenya oo ugu horeya ee teedsan ilaa kenya ilaa hobyo iyo konfurta gaalcakyo iyo kan baydhaba daga dadkiisuna dago ilaa kenya jubooyinka bay bakool ilaa hiiraan xaduud maleh, adigoo qarnigii 18 soodagay afmadoy iyo gedo waliba lagugu soo dhaweeyey dhul aadan laheyn ayaad rabyaa in aad umadii laheyd horboodo, ogow dhici meyso, ninkii dhiof kuyimi ayaa geeridu dhibtaa.
Kkkkkkkkkkkkkkk. Kenya kismayo kaxoree alshabaab Anigu Kama xorayn Karee kamana Hadii kartid maamul keeda. Ilayn waxan ahay madaxwaynaha soomaliyeed oo Wadani ah. Hadii Aadan wax xorayn Karin. Nin kii xoog leh oo wax xoraystay baa xaq u leh hadalka ee aamusnaanta amaad kufiicantahay. Waa su,aale reer gedo ma waxay Dan uu jirtaa maamulka juba land AMA Kenya hadhisto AMA ethopiye mise inay beelaha xamar lasiyasad noqdaan Hadii sidaa ay u fekeraan maamulka juboyinka gedo halaga saaro oo awalba waxay katirsanyd. Alto juba oo Ahaa baay,Bakool, gedo ee sidaas halasameeyo.
Puntland = juba land !!!!!!!. Always , Forever. Insha Allah.
Gundid sxb horta ad bad ucade fade san tahay kenya gobol ka ehesato aye ku amar ta dadka dagan ninka gobol ka hesto wa madow taliyaha cedan ka wa madow tasa kadha hay kenya no fcn mida 1 kenya mesha waku go e hade san noqan sida yugan dha okale reyada ka bax ana iska leh kismayo mida kale anaga zuju dhul ku amine may no e ader san tuje hadad ku fanesa amereka iyo itobiya har cad qus tay mana doneno qabka somaliland itobiyo uhesato in lo qab sado dhul kas marke farole iyo silanyo is qabtan u cara rayo adis ababa wano gun nimo rer kofur sxb war koda wa cad yahay
2jubba mamul haloo sameeyo gedo bay iyo bakool hala raaciyo kismaayo degmo beel s0maliyed degto waaye sida degmoyinka kale meel s0mali weyn le dahay ma ahan. Taada kulalihi teydana anaa leh wax soconayo ma ahan .ilka yar gedo iyo cabudwaaq ayey ledahay juboyinka wax kuma lahan waa dhulkii markey so qaxeen shidaalka uga go,ay.
Madaxweynaha waxan kula talinayaa af qapiil inuu san ku hadlin uu af qaran ku hadlo oo uu n0qdo madaxweyne qaran .
Kismaayo baa iska leh dhanna uma dhaxayso xoogaa oo raaca ee dadka iska leh wax halaga waydiiyo .
Madaxweyne soco oo shaqadaada wado. U sheeg Kenya inaysan Somalia nidaam u sameynteeda shuqul ku laheyn aysana gali karin. Hadii ay dhaga adeygto waxaan kaa rabnaa in aad ku dhawaaqdid Difaac Qaran. Jubbada Hoose illaa Gedo Waxaa ku teedsan wiilal marmarsiinyo raadinaya oo jeclaan lahaa inay ku durduriyaan maxasta Meelaha cancanbarraaqa ee ah Sankadhuudhiga iyo Dabaqoodhiga.
Halmar kaliya kusoo celi hadalkii uu yiri Madaxwenihii hore Maxamed Siyaad Barre (AUN) ee ahaa, “Hadaad hadalkeyga u dhaga fududaan weydaan Sarta Dalabta leh iga fiirsha”.
Hadalkaas Kenya baa loola jeeday waxaana lagu xoreynayay Dabaqoodhiga Maantay. What a History!
Asc .m/weynuhu maahan nin wax badan og waxuuna u muuqda inuu marayo wadadi sharif juboyinka iyo gedo dowlad gobaleed baa loo samaynaya waana ogahay qof kaste oo xamar jooga iyo jabuutiba in jubooyinka walwal ku hayo maamul ka hanad qaada oo fadaralisim ah wadanku waa fadaraal taas yaqiinsada kenyana dadka gobalada dagan baa deegan ahaan kalabar dagan taladuna waa ka dhaxaysa
Afkaarta sumeysan oo qabyaaladda miyaan weli laga daalin? Haddii madaxweynuhu Kenya u daayo iney Kismaayo u dhisto maamul ay iyadu soo sameysatey muxuu madaxweyne ka yahey?
Magaalooyinka B/Weyne,Afgooye iyo Baydhabo waxaa ka shaqeeya raggii dowladdu u magacowdey ee kama shaqeeyaan maamul lagu soo dhisey Kampala iyo Addis Ababa. Taas miyaad illowdeen? Muqdisho maamulkeeda ma Kampala ayaa soo dhistey?
Waxaan soconeyn inaad waqtiga iskaga lumisaan oo caadifad yar oo raqiis ah been idiin sheegto looma baahna?
Ninka leh Kismaayaan Kenya ku wareejineynaa haddaan naloo oggolaan in Kenya maamul noo dhisto hadalkiisu hadal xikmad leh ma ahane waxaa kaliya oo ka hadalsiinaya waa caadifad iyo qiiro qabiil!
Qiiro qabiil looma baahnee wax dadka dan u ah oo lagu xasilo oo lagu nastaa loo baahanyahey. Dowladnimada danteeda iyo danta Kismaayo isma khilaafsana oo hal meel ayey u wada socdaan. Laakiin taas waxaa ka geddisan dadka caadifadda qabiilku waashey oon ogeyn waxey ku hadlayaan iyo waxey sameynayaan toona.
War sheydaankaan idin fuushan iska naara oo iimaanka is geliya oo intaad Neyroobi iney Kismaayo u dhiibto nin aad isku qabiil tihiin u dudeyso dalkaaga dowladdiisa isla ninkaas kasoo sharciyeyso.
kkkkkkkkkkkkkk waa arkayay in aan reer kismayo ay khary ka soo socon mxaa yalay dadka dhurwaagi xitaa cafin waayay miyaa dowlad cafinaya sunta ha laga siibo oo dadkaas ha lagu sameeyo dhaqan celin dowladana intaas ayaan ka codsanayaa tankale madaxweynahaa wxn u sheegayaa somalida ninkii laaya ayaa hogaanka u qabta mrka iga daa jil jileeca cidan jileec wax kuma lahan iyo qaboow iyo walal midna toona qaab militiri ula dhaqan kuwan qabyalada ay qalbiga ka gashay allaha ka saaree lolololololololol
soomaliya wax duminaya ee dhibka ku hayaa waa maamul goboleedyo iyo federaal ah dhib cusub ilaa soomaliya 18 gobol ay ahayd loo maamulana dibkaasay ku jiri waa musiibo aan dhamaanayn marka la yidhi qabiilada soomaaliya oo is dhax dega ayaa xuduud maamul goboleed loo samaynayaaa sidee dadka qabiil ahaan dhulka loogu kala qoqodi waa mustaxiil war soomaalaay federaalka iska qabta hadaad qaran rabtaan
Gobollada Soomaaliyeed oo dhan waxaa
loo wada sameeynayaa maamullo hoos
yimaada Dowladda cusun oo imaaneysa
oo uu Madaxweyne ka yahay prof. Xassan
Shekh Moxamud. Gobollada kale oo dhan
dowlad ama shirkado daba socda ma jiraan
aan ka ajayn Jubooyinka.
Waxa loo danleeyahay waa batroolka ku
jira dhulka iyo badda oo hadda qudheedu
Shirkado shisheeye ku mashquulsanyihiin
in aay soo saartaan imta aan la magacaabin
R.Wasaare. Kenya ha joojiso fara galinta
joogtada ah aay ku hayso dhulka iyo badda
Soomaaliya, kuwa la sasabanayo oo la
leeyahay maamul baa Nairobi la idiinka
sameynayaa ha ka waantoobeen.
Arrintaasi wax horay u soconaya ma ahan.
Kismaayo waa sida Mudisho oo kale, cid
gooni u leh ma jirto .
Sxbyal kismayo jubada hoose ayay kutala wamagal madaxda jubada hoose waxaana mamulkeda ukaimanaya dadka daga duloyinkeda iyo nawaxigeda marka halaiskadayo riyada beenta ah oo mediaga laisladaxmarayo iyo afara qaabilk guracan
kismaayo waxaa iska leh dadkii xamar laga soo qaxiyay oo ay kamidyihiin dadka ay ka dhasheen barre hiiraale, axmed madoobe, general morgan , cali qalf galeyr, reer gaas dhagool dadkaas oo dhan waa wada waloolo oo maamul kadhexeeya ayey kismayo jubooyinka iyo gedo usamaynayaan sanku neefle ka hor istaagi karana majiro. caydiid oo hubkii qaranka soo xaday ayaa kismaayo heysan waayey maxaad moodaa xassan hurdahye oo ilaa hada xukuumad ninkii u dhisi lahaa goaankeeda gaadhi la cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib!!!!!!!!
RAXANREEB KUWAANA XADISTA KU DARSADA WAA AY IDINKU BILAABEEN IN WARARKIINA IDINKA XADAAN MANA IDINKU XUSIN
http://www.galdogobpress.com/2012/09/29/xogmadaxweyne-xasan-sheekh-maxamuud-oo-dawlada-kenya-ka-dalbaday-in-la-hakiyo-qorshaha-maamul-u-sameynta-jubbooyinka/
http://www.carmaale.com/2012/09/30/madaxweyne-xasan-sheekh-maxamuud-oo-dawlada-kenya-ka-dalbaday-la-hakiyo-qorshaha-maamul-sameynta-jubbooyinka/
Runta qaraar
Haddii maamulka Kismaayo loo dhiibo beelaha aad sheegtey rag u dhashey waxba ma ba,ayaan. Guddoomiyaha gobolka, kan degmooyinka,airportiga, dekedda iwm. Waa dad soomaaliyeed oo shaqo ka heley waddankoodi meel ka mid ah. Waxeyna u adeegayaan bulshada inteeda kale. Laakiin ka warran adiga shakhsi ahaan ma jagooyinkaas kuwo ka mid ah ayaad rajo ka qabtaa oo aad dooneysaa inaad risqigaaga kasoo saarato?
Mise waxaad dooneysaa inaad magaalada inta degto dukaan ka furato, ama dhulka beerato ama meherad kale ka sameysato, ama guri degaan ah ka sameysato ood ku noolaato noloshaadana qurbaha ka xoogsato intii muddaa?
Midda danbe ayey u badantahey oo uma maleynayo inaad jago ka rabto, aniguna kula mid ayaan ahey.
Haddaba haddaad kooxdaas danbe oo loo badanyahey aad tahey waxaad haddii nabad aad ku heleyso ka sameysan kartaa meel kasta oo soomaaliya ka mid ah. Maxey tahey haddaba mushkiladdu?
Mushkiladdu waa mid innaga maskaxdeennaa ee ma ahan mid real ah.
kkkkkkkkkkkkkk waxan is weydiiyaa marwalba soomalida dhulkooda maxay itoobia iyo kenya u qeybsadeen ayagoo afrikan ah ileen soomaalida ayaa dadxun ah oo qabyaalada ayaba waxa walbakaga mihiimsin bal nin baa waxow sooqoray kismaayo kenya hoosgeyneynaa ayagaa wax noo ogole walaal kismaayo iskadhaafe muqdisho oo calooshee wadanka ah hadaad kenya gacanta u geliso u malayn maayo iney keenyan wax weyn kuu diibanaayan adiga uunbaa isduleeyey maaahee mise wasiir gaashandhig iyo gedoomiye kuxigeen baarlamaan ayaa wax weyn kula noqday war wadankaaaga ayaad madaxweyne kanoqon kartaa hadii ilaahay kuu qoray lkn keenyan weligaa madaxwene u noqon meysid tankale madaxweynohu hadow dhahay dadka deegaanka dega maamul ey u simanyahiin ayaa loo sameynaa mahadal xunbaa mase dad aan deegaanka degin ayaa diyaarado lagusoo daabulaa oo dadkaas ayaa deegaanka lagu wareejinaa? tankale soomaalidu waa islawadagaan runta hadii laga hadlo waxa maamulka loo sameynaa kismaayo kaliya maahan ee waalabada jubbe marka jubboojinka hal qabiil miyaa dega waa maya war soomaaliyey saan iskudhaama oo qabyaalada nagadhafa waan ku aduun iyo aaqiro seegnee
[...] Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labo usbuuc ka hor dawlada Kenya u diray warqad uu ku codsanayo in Kenya faraha kala baxdo qorshe maamul loogu dhisayo gobolada Jubbooyinka kaasoo shir arintaas looga hadlayo uu ka socday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. [AKHRI Madaxweynaha oo Kenya Ka Dalbaday In La Hakiyo Maamul u Sameynta Jubbooyinka] [...]
Waa sax waana arrin wanaagsan in Dawladdu gacanta ku dhigto maamulka Jubbooyinka inta laga dhisayo maamul dadweyne oo dawladdu abaabulkiisa leedahay,haddii kale dagaal qabiileed siyaasadaysan ayaa golladaas ka dillaci doona kaasoo ah waxa ugu dambeeya ee dadka soomaaliyeed iyo dawladda cusubi u baahan yihiin. Waan fahmi karnaa in Kenia doonayso inay degaannadaas ka dhisto maamul dhab ahaantii Nairobi looga taliyo ayadoo taas uga dayanaysa Itoobiya oo dhulka soomaaliyeed ee ay haysato ka dhisatay maamul ayadu dhab ahaan leedahay soomaalina lagu tilmaamo shidaalna ka qodanaysa. Dadka soomaaliyeed arrintaasi way u caddahay waxaan rajaynayaa inay Dawladdana u caddahay.
asc mansha allaah soomaaliland ilaahow dhoor oo ha dhibaaten ileen kuwaan oo badan ayeey arag tay waxeey usoo noqon waysay waa ba waaba waaba ileen xaalku waa sidaan alloow soomaaliland dhow oo ha dhibaatayn habeen iyo maalin wixii dhibayn dhibkii ayaguu mantay ku danbeeyaa waxaa la yiri god walaal ha qodin hadaad qodana ha dheereyn waxaan idiin sheegayaa aduunyo haday qiimo lee dahay ku quusta waxaad soo aragteen ee dhib iyo halaag ahaa ma hadana maantad u sii ciil qabtan dhiig walaal oo daadta? taas waxeey dhibay saa wix ii idin suga waxaa la yiri inkastoo loo baqoo loogu baaqo barwaaqo nin bay meeli bugtaa nin bay mili bugtaa hada waaxku waa sidas
Waxaad moodaa inayna soomaakiya lahayn dawlad dhexe oo awoodleh waxayna qaadan doontaa
Wakhti sababtoo ah imisa maamul goboleed oo qabiil kusalaysan ayaa kajira soomaaliya
Tusaale aan usoo qaato gal mudug puntland somaliland x iyo xeeb ehlusuna waljamaaca
Iyo qaar kaloo badan markaa siday aniga ilatahay dagdaga halayareeyo wali
Soomaali heshiis rasmi ah kama dhicinee. Waxay xaafadi xaafad ugu gudub tana
Xxasarad ayaan u arkaa
[...] wuxuu bishii hore warqad uu u diray dawlada Kenya kaga dalbaday inay joojiso qorshe maamul loogu dhisi lahaa Jubbooyinka oo laga waday magaalada [...]
WARYAA ninka la baxey Wiil Gedo uma maleynaayo in aad tahey ee sheegato ayaad tahey wiil Gedo Wuu tashadey maanta Tolkiis ayuu wax la qeybsanaayaa mardambe Xamar ma tagaayo kuuman baahna ee magacaaga soo qaado oo Dheh Wiil AMA waan wada sheekeysaneynaa kadib Aduun & Akhiro waa ma kugu dhacey wiil oo dhihi jirey Muruq Maal & Media soo Aniga ma ihi (). Somali kubaratey Aduunkana kubarey 4 Sano kadib ayaa noo balan ah Aniga Iyo Adiga Ina guriceelow, tan labaad madaxweynaha Xamar waxa uu xukumaa meesha u joogo Puntland & Jubaland wey tashadeen waxii la siiyo Somaliya oo macaawino ahna waxaa loo qeybsanaayaa 4 Qeybood oo kala ah 1-Puntland 2-Jubaland 3-Somaliland 4 Muqdisho marka halkaan Muqdisho jooga ha iska had hadlo Intaas ayadana ceeb ugu filan 4.5 wey dhamaaneysaa Somali waa la tirinaayaa ee la soco Magaala Madexdana waxaa laga dhigaayaan Kismaanyo Insha Allah 4 Sano kadib la soco.
[...] ayaa sheegaya dooda ka taagan habka loo samaynayo maamulka cusub ee goboladaasi ay yeelanayaan ayaa si aad ah uga hadleen Kibaki iyo Hailemariam. Hase yeeshee shirka jaraa’id ee labada nin ay [...]