Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa u Guuray Villa Soomaaliya Iyo Sheekh Shariif oo Weli Codsanaya Hoy iyo Dhaqaale In La Siiyo (Xog)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Villa Soomaaliya

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa fiidkii ka guuray hotelka Jasiira ee ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasoo maanta qaraxyo ismiidaamin ah oo ay ilaaladiisa qaarkood ku dhinteen lagula beegsaday.

Sida ay caawa Raxanreeb u sheegeen saraakiil la shaqeeya xafiiska madaxweynaha cusub wuxuu madaxweynuhu caawa fiidkii si rasmi ah ugu guuray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo qeyb ka mid ah guryaha deegaanka ee madaxtooyada uu ka dagay inta si rasmi ah uu ugala wareegayo dhamaan xafiisyada Villa Soomaaliya oo weli uu degan yahay madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Il wareedyada ayaa u sheegay Raxanreeb in amaanka dartiis madaxweynuhu uga guuray hotelka Jasiira kadib markii maanta qaraxyo ismiidaamin ah oo ay Al-Shabaab sheegatay lagula beegsaday.  Waxaana guurista madaxweynaha ka dambeeyay talooyin ay soo jeediyeen saraakiisha AMISOM ee gacanta ku haya amaanka madaxweynaha cusub kuwaasoo ku taliyey in madaxweynaha la dejiyo Villa Soomaaliya maadaama ay tahay goob xiran oo aad loo ilaaliyo.

Codsiga Sheekh Shariif

Madaxweynaha cusub oo la kulmay madaxweynihii hore

Maanta ayaa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu ku dhawaaqay in maalinta Axadda ee 16-ka Sebtembar ay dhacayso xil wareejinta rasmiga ee madaxweynihii hore [Halkan ka akhri warbixintaas].  Illaa 24 saac ee la soo dhaafay waxay dood ka taagneyd halka uu u guurayo madaxweynihii hore ee dawlada KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo weli degan xarunta Villa Soomaaliya isla markaana codsaday in la siiyo hoy iyo dhaqaale uu kaga guuro madaxtooyada.

Il wareedyo naga codsaday inaan la magacaabin ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in Sheekh Shariif uu ka cudurdaartay inuu deg deg uga guuro madaxtooyada sababo dhanka amniga darteed iyo inuusan heysan guri uu u guuro maadaama uusan isaga shakhsiyan Muqdishio guri ku lahayn.  Wuxuuna Sheekh Shariif codsaday in mid ka mid ah xaasaskiisa iyo carruurteeda ay sii deganaadaan madaxtooyada halka xaaska labaadna la sheegay in loo wareejinayo goob aan la sheegin.

Waxaa jiray dalab kale oo madaxweynihii hore uu soo jeediyey oo ahaa in loo qoro lacag gaareysa $1,000 (kun doolar) maalintii si uu ugu daboolo baahiyihiisa dhanka amniga iyo kharashaadka kale ee uu u baahan yahay maadaama ciidamada AMISOM ee ilaalin jiray madaxweynaha ay ka wareegeen sugida amnigiisa wixii ka dambeeyay markii la doortay Xasan Sheekh.

Kulan ayaa xalay madaxtooyada ku dhexmaray madaxweynaha cusub oo booqday madaxtooyada iyo madaxweynihii hore (Daawo sawirada kulanka). Sheekh Shariif wuxuu sheegay in mudadii uu xafiiska joogay lacag gaareysa $30,000 doolar bil walba uu siin jiray madaxweynihii isaga ka horeeyay Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo ku noolaa dalka Yemen lacagtaasina uu ku dabooli jiray noloshiisa, sidaasi darteedna uu doonayo in sidaasi oo kale loo yeelo.

Ilo wareedka ayaa Raxanreeb u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u ballanqaaday in dib loo fiirinayo hab maamuuska madaxweynihii hore Sheekh Shariif isagoo sheegay in dawlada cusub wixii karaankeeda ah ka qaban doonto codsigiisa gaar ahaan in hoy Muqdisho looga raadiyo iyo in baahiyihiisa dhanka amniga ay damaanad qaado dawlada cusub .

Xasan Sheekh oo hotelka Jasiira ku qaabilay wafdiga Kenya maanta

Kulanka xalay waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isaga laftiisa sheegay in dawlada Turkiga uu u weydiin doono madaxweynihii hore inay hoy ka siiyaan wadanka Turkiga si isaga iyo qoyskiisa ay ugu noolaadaan.  Prof Jawaari ayaa isla galabta la kulmay safiirka Turkiga ee Muqdisho u jooga danjire Kamaaludiin iyadoo arinta dibu dejinta madaxweynihii hore la isla soo qaaday, laakiin gudoomiye Jawaari oo Raxanreeb ay weydiisay arintaasi wuu diiday inuu ka hadlo.

Saaxiibo ku dhow Sheekh Shariif waxay noo sheegeen in Sheekh Shariif uusan aad u jecleyn inuu dalka ka baxo, inkastoo uu qorsheynayo inuu xaasaska iyo carruurta dibada magangelyo uga raadiyo.   Waxaa jiray codsi uu horey ugu jeediyey wadanka Sacuudiga oo shirkii u dambeeyay uu kaga soo qeybgalay bishii hore kaasoo aan la ogeyn halka uu ku dambeeyay.

Lacago laga xayiray bangiga dhexe

Habeenimadii xalay [Talaada] wuxuu madaxweynaha cusub Xasan Sheekh u yeeray gudoomiyaha bangiga dhexe oo hotelkiisa kula qaatay kulan irdaha u xirnaayeen, iyadoo sida xogta nagu soo gaareyso uu madaxweynaha cusub amray inaan wax lacag ah laga saari karin qasnada dawlada maalmahan kala wareega uu socdo.  Il wareed ka tirsan xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Raxanreeb u sheegay in kulankan gaarka ah uu ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha cusub lagu soo wargeliyey in lacag dawladu leedahay lagala bixi rabo bangiga dhexe.  Gudoomiyaha bangiga dhexe ayaa aqbalay amarka madaxweynaha cusub.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

36 Responses for “Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa u Guuray Villa Soomaaliya Iyo Sheekh Shariif oo Weli Codsanaya Hoy iyo Dhaqaale In La Siiyo (Xog)”

  1. Warsan says:

    Shariif. Dhulkaa lagu jiiday. Laakiin. Amankiisa iyo guri halasiiyo AMA. Turkiga AMA Qatar magangalyo haloo waydiiyo.

  2. Fiqi Xaaji says:

    Arinta Shariif iyo dalabkiisa badan in wax lagu darsado ma aha. Waa macquul inuu hubiyo hab-maamuuska Madaxweyne hore Maxaa yeelay hab iyo Qanuun degsan ma leh. Hadda Baa la isku aadinayaa oo la hubiyo dhnac walba siiba Dhaqaalaha Madaxweyne Hore.

    Sharifna waxaa haboon inuu u fududeeyo Madaxweynaha Cusub xil-wareejinta, si howsha badan ee taal loo gudo- galo. Raisul-Wasaare hadaanan laga fursaneynin, waxaa haboon in Madaxweynaha magacaabo nin cusub oo Aqoonyahan ah, xilkana kasoo bixi kara. Way isla jaanqaadi-doonaan si Fiican. Laakiin Hadii magacaabo ragg ka mid ah dadkii hore usoo qabtay, isaga imagekiisa iyo clean- sheetkiisa bay waxyeeli doontaa. Good Luck to him.

  3. Qardhaawi says:

    asc dhamaan bahda raxanreeb bacdal salaan, hadaan ka hadlo fikirkeeyga ku aadan gunada madax weeynaha ee uu ku dabaraayo xaaladiisa abni iyo midiisa kale ee nolol maalmeed. waa wax uu xaq uu u leeyahay in lagu sharfo waana mid waajib ku ah doowlada cusub in eey daboosho wax kasta oo qarash ah ee ku baxaya madaxweeynihii hore ee dalka mr sh shariif abnigiisa iyo biya cabaalkiisa.
    [mahad sanidiin]

  4. amiin says:

    madaxweynaha waa nin fiican wale allaha ka dhigo kii umada ku nasan laheed insha allah wuuu ka qabdoonaa waxa aan dooneyno in uu umada u sameeyo , in uu sheydamada ka saaro guryaha islaameeyd iyo goobaha dowlada iyo meel kasto oo xaraan lagu heysto in uu ka saaro , markaas ayuu imaan karaa nabad buuxda lkin intii lagu jiro dhac iyo kufsi iyo booob hooyadeed ay ka tahay in ey xamar dagto xamar jaraaa’im waa weyn ayaa lagu galay illah ayaa ka carooday waxa ka dhacay xamar markaas ayuu masaaim waa weyn tusay illah , alxamdu lillah wali waa la noolyahay wixii dhinta allaha u naxriisto wixii noolna illahow naxriistaada siii , madaxweynihii hore adigane hortaada hor allah , mesha wuu dhamaday lacagtaa macna darada u isticmaaali jirta allaha kaa awaal mariyee wajigeena dhaaaf adiga iyo saaxiibkaaga sakiiin

  5. zack-london says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk…alaa mazaan qosley…waa beentiisa lacag badan ayuu dhacey ninkaan………………gaajo miranaa Millions of dollar intuu dhacey waliba soo taaganyahey………………indho adakaa…………..Jaale Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud waxaan kaa codsanyaa ninkaa banaanka u saara………..please…..cabaadkiisana dheg jalaq ha u siin

  6. Sama_Kataliye says:

    Waxaan anigu dhihi lahaa Shariif cida uu u shaqayn jiray sida aabihiis Meles Zenawi iyo Ethiopia lacag iyo guryo hawdoonto. Intii uu musuqmaasuqa ku qaatayna ilahay baan raacinay hadii aan nahay ummada soomaaliyeed oo ku tabalaysan dunida dacaladeeda.

    Adeerow na dhaaf, meeshaad rabtid aade fadlan Shariif Sakinna ha katagin, duf ku baxa!

  7. cadaalah says:

    rbc waad ku mahadsantihiin xogtaan maba ogeyn inta lacag ey madaxdaan qaadato, ninkii xilka ka tagtay hadii la siinayo lacag saas u badan maxaad u maleyn kan jooga. waxaa fiican lacagta madaxweynaha in la jaan gooyo si ay xadkeeda u dhaafin sida wadamada hor marayo kale

  8. Omar says:

    The man is our former president, and we all have respect him for the sake of the office he once served. He obviously has a lot of his former terrorist fiends who would love to have their hands on him so we must protect him and provide him enough money for personal security. Puntlander boy

  9. Cadaado says:

    ASC, kkkkk, :) Raxanreeb tani waa dacaayad raqiis ah “cheap shot” oo aad laso shir tagteen adinkoo raba in aad “topic” u bilowdaan dadka idinku taxan, kuwaasoo sida kor ka muuqato qof walba garaadkiisa ka hadlaayo xumaan iyo samaan. Su’aasha waxeey tahay, beentaan iyo quraafaadka aad meeshaan kusoo qorteen umada Somaliyeed dan iyo faa’iido ma ugu jirtaa? Aniga waxeey ila tahay MAYA. Arrinkaan oo kalena badanaa waa la arkaa website yada Somalida iyo dadka raba in eey xirfad wariyayal ku shaqeeystaan amaba eey hobby ka tahay. Laakiin waxaan idin xasuusinaa in aadnaan fahamsaneeyn doorka wariyaha kaga aadaan u daacad ahaanta dalkiisa iyo dadkiisa. Oo asagoo/iyadoo qofka wariyaha shaqadiisa wata ayaa hadana waxaa shardi ah in uu “loyal” u yahay dalkiisa iyo dowladiisa sida idaacadaha iyo reporters aduunka oo dhan. Kuwiinaan Somalida waa idinka maqantahay taas. Waxaadna tihiin qeeyb ka mid ah problemka Somaliya. Sababtaas ayaana wariyaasha Somaliya aad loogu xadgudbaa oo loo laayaa. Waxaa kasoo baxay isha umadaan masaakiinta ah.
    Ugu dambeeyn Madaxweenihii hore iyo kan hada waa dad walaalo ah, saaxiiba ah, iskuna baahan. Waligoodna saaxiibo ahaanaya sida uu Madaxweeyne Hasanba horteena ka sheegay. Taas badalkeeda cadowga iyo qabyaaladiistayaasha sida Gaas iyo Xoosh iyo Qaswade Faroole waqtigooda waa dhamaaday. Ninkaana baryo iyo jiljileec laguma yaqaano oo meel ayuu saarayo burcada iyo tuugta pintiland ka yimid ee nagu dhex jira. Jaajuusin waaxid.Thanks

  10. Puntland boy says:

    Shariifka ex president ama inta wadanka madax weyne ama parliamentarian soomartay Hadii aay nool yahiin ama katageen ilmo yar waxaa fiican in loo qoro pension Plan, shariifka ex madaxweyne maahan inuu Amaro gud centeral bank manahin dowlad military lacagtaan waxaa leh shacabka maahan taadii , parliament waa ineey u vote daan kuna cadeeyaan qofkii wadanka ka soo qabtay maamul waxuu xaq uleeyahay , Viva Puntland & Soomaalia

  11. ayaan jamac says:

    a/c arinta shekh shariif uu ka dhawaajiyey waxan u arkaa arin siyaasadeed oo ah yaan lagula xisaabtamin wayo sahriif turya ayuu kuleeyahay guryo waana arin laganoxo wayo umaduu ka dhaadhicinyaa jeebkayga maran sidan horay u ogayn UN waxay soosartay dabagal maaliyaded taasna hadaaday u furantahay in UN shariif ladoodan waxanku talin lahaa xitaa haduu walalka yahay inay xisaabi danabayso

  12. ali says:

    see lacag loo siinayaaa wadankaba taaariikh kuma lahan, nin dugsi kabiik ka ahaan jiray war shariiif waa dagaal ooge oo maxkamadihii ku jiray oo ka mid ah nomakii 2006 xamar jijibiyay isagaa danbiile ah waa in maxkamad lasoo taagaa , labo wijiyoole waayr qaain ah , wax laguma siinaayo ma adigaa askari ahaay waa maya , ma adigaa sarkaal ahaay waaa maya .intaaa xilka heysay wadankii wa ku dheeshay lacagta aad heysato waa in lasooo baraa horta , wax lagu siinaayo ma jirto . intasi tiisa ayuu ka hadlaa mida umada dhibaateesan uma danqanaayo waa wax waalan oo ku imaaday sharci daro oo marecan keen saday awalba hadane dhukey ku jiiidaan dabaal waa lagu baroobeeyay in uu dhacaayo lacag wuuna dhacay doqon wuxuu mooday in la qaarinaayo wuxuu ka qaatay oo $ ah inta uu heeyay hilka , na dhaaaaaaaf waxaa dhaaftidaa dhur leh wixii ku taaageero waa tuugadii lacagta iska qeyb san jirten sida tarsan iyo mangaab kale kula dhaqeyn jirtay shit

  13. suuban says:

    marka hore waxaa wanaagsan waxa aad wax ku dhaliilaysaan inaad taqaanaan sideedana marka aad adoon illaahay abuurtay wax ka sheegayso ama aad necbaanayso inaad u fakarto in berri adiga lagu waydiin doono jawaabna aadan u heli karin

  14. khadija says:

    sharciyan madaxweyne kassta waa sharci in uu helo degaan ma dalka ama dibada lacatisii madaxweyne waa u soconeysaa weliba gunada u dheertahay iyo amaankiisa oo la ilaaliyo waa wax sharci ah madaxweynihii ugu horeeyey aadan cabdulle cismaan waa qaadanayey siyaad bare reerkiisa ayaa la siinayey c/llahi yuusuf kamaa naas sheekh sariif sidaas oo kale ayuu xaq uleeyahay ee baryo maaha aadan cade dibada umuu bixin sheekh shariif haduu dhaho waan joogayaa xaq buu u leeyahay meel amaana la dejiyo xaaska dibada loo geeyo waa sax.

  15. Talokeen says:

    Ninkaan yuu Madaxwayne u ahaan jirey?
    Cayaarta naga dhaafa ekhyaareey.
    War Ninkaan All-shabaab is barta ha layiraado.

    Madaxwayne ku lahaa Km 4 iyo madaxtooyo AMISom kaare ku qufushay ma Soomaaliyaa mise haystay xataa 5 miles.,
    Inaas buu millions ku qaatay , Gabdho masaakiin ah loogu soo xulay
    Qaarkood istaagga ku suuxay.
    Shariif Sakiin meel ha geeyo.
    Mundane madaxwayne ninkaan waxba ha naga siin maalin waxba nooma qaban.
    C/hi yuusuf malaha heshiis hore baad gasheen laakiin adiga Shiikhoow Cod iyo caddaalad baa bannaan ka lagu dhigay.
    Ka xaab xaabi qabyaaladdii cirka ku gaysay waa adiga harsan Kari waayey maantee .
    Allow ha na dullayn . Aamiin

  16. libaax says:

    Marna ma aqbalayno in dambiile dad xasuuqay kusii noolaado mogdisho!!! dawlada hada jirta iska daaye AMISOM xaq umlaha inay amaankiisa ilaaliso madaama uusan hada qaranka wax hawl ah u haynin. waxaa kale oo jirta sida dastuurku qabo iyo sharciga dawlada soomaaliya uyaalaa dadkuu danbiga ka galay shariif madaxwaynihii hore ee soomaaliya ee muwaadiniinta ahi way dacwaysan karaan ee daha uu galay iyo xasuuquu gaystay kadib markii rayid badan uu ku laayay soomaaliya gaar ahaan jubooyinka iyo kismaanyo isagoo diin ku gabanaya xiligaa. dacwaa loo haystaa dawlada xaqa ahina sharciga jabin mayso mana awoodo inay difaacdo danbiile.

  17. wadaad yare says:

    Kolley arrintaas amniga madaxweynihii hore Sh. Shariif iyo noloshiisa waa wax u yaalla qaranka ragga hoggaaminaya. Mana ahan wax dhib leh. Sh. Shariif madaxweynenimada uu hayey waa in lagu ixtiraamaa oo loola dhaqmaa hab maamuuska uu mudanyahey.

    Isaguba madaxweynihii ka horreeyey markuu noolaa iyo markuu dhinteyba hab maamus wanaagsan ayuu ula dhaqmey iyadoo dagaal soo dhex marey.

    Waxaan sidaas uga gudbeynaa is xumeynta iyo is karaamo darreynta dhexdeennaa.Isagaana Sh.Shariif billaabey in la is karaameeyo oo kuwii ka horreeyey ulama uusan dhaqmin si cuqdad ka muuqato.

    Innaga shacbkaana inaan waddadaas karaamada iyo is sharfidda ku raacno oon is xurmeyno madaxdeenna xurmeyno waxey noo tahey ku dayasho fiican.

  18. abdulaahi says:

    waxaan dhihi lahaa madaxweynaha cusub waxba sooma kordhin karo habayaraateee?

  19. Mursalow says:

    Madaxwayne kasta adduunka xaq buu u leeyahay Hoy iyo mushaar ku filan laakiin shariif asgayu wax ma hambayn.

    anigu wsaxaan ku talin lahaa in guri looga kireeyo magaalada laba nin oo waardiye ah na loo qoro iyo mushaar aan ka badnayn kan hal xildhibaan qaato.

  20. Xuseeney says:

    A s c kadib run ahaanti shabakadani waa shabakad ku can baxday beenta iyo barabaganka somalida/koofur wayo nin asalkisi hore rer muqdisho ahaa oo ehel iyo tol ku leh in ay yirahdan hoy kuma laha muqdisho dacayad iyo wax la isu kenkenay weye teda kale waxa ad dhahden madaxweynaha cusub aya amray in bankiga dhexe la xayiro hadalkasna wa ben wayo ilaa inti laga calema saro amar ma bixin karo madaxweynaha cusub inta waxa u si dher shabakada naceybka ay u qaban rer koofur qasatan rer xamarka iyo rer jawhar mana jirto cid ama qof rumeysana madaxweyne nin aha jiray aya la, mel u xamar ka dago waryada ilah ka ßaqa benta wa xaram sharif hotelo ayu xamar ku leyahay guri ayad shegeysane anugu warbahinta rer p/land saman kama aqrisan cimrigey wax san hadi ay shegayan p/land area haku ekato wixi xuna xamar ka shega aya lagula dadarmay

  21. Mursalow says:

    Anigu waxaan ahaa raggi ku ducaysan jiray inaan sh. shariif ilaah nagu soo celin. TAAS macneheedu ma aha in uusan xaq u lahayn in la maamuuso. anigu waxaan aamin sanahay in mushaar, guri, iyo ammaankiisaba la sugo. xaq buu u leeyahay.
    laakiin xaq uma laha in reeerkiisa bannaanka loogu hayo oo waddanka laga saaro. wadankii aad madaxwwaynaha ka ahayd iimaanso. farsamaddaadii imaanso, karintaaddii imaanso, futo aadan lahayn laguma xaaro (sorry about my language)

  22. Xushmo ..iyo Xisaab says:

    Waa leeyahay madaxwaynihii hore Xushmad iyo guno sidoo kale xisaab iyo xog ogaan meelihii ay mareen lacagihii la sheegay in la musuqmaasuqay….
    Waxaana ku talin lahayn in madaxwaynaha hore intii mudo ah dibada looga raadiyo hoy isaga iyo xaaskiisa si amnigiisa iyo kan qoyskiisa loo dhawro dawladan culayska aminiga looga qado.
    waayo,xaalada wali uma saamaxayso gudaha haduu jecel yahay iyo hadiikaleba.
    waxaana maqaale nagu ah in guri wayn oo qasriya uu ka iibsaday Turkiga .islamrkaa haday jirto isna dawlada aan dhaqaalaha buuran hayn kirada ha ka kor qaado run costigan ha lasiiyo…
    gunada dabcan way wada lee yihiin raguu dawlad u shaqeeeyay ee madaxa sare ah haddii aanay wax shaqo ah hada gacanta ku hayn.dalku waa qani inka badan dhaamaanteen sidaan jeclay.
    yaynaan isu xaasidin xoolo liita oo dhamaanya…tixgalin waxaa leh qaxoontiga iyo dadka barkacyaasha ah sii dib u dajin balaaran loogu sameeyn lahaa…waan in qofkastaa ku qancaa xasba duruufta.

  23. Xaq ayuu u leeyahay waana waajib in ladhaqaleyo sh.sharif our f. Pres ..

  24. Omar says:

    Even if he has money he should still get pension and personal security for the rest of his life. If anything happens to the ex pres and his family it be will black mark on our natiion forever. It also means win for the filthy terrorist. Ina salad boy should also get pension . Personally, I don’t think sharif is a bad guy, but he is not a presidential material. Puntland boy

  25. Gundiid says:

    @ mr mudane mataan ciideed?
    Sxb maxaad magacaas ula baxda? SOW MA OGID MATAAN CIIDEED INUU AHAA NIN KIBIR BADAN? OO UGU DAMBAYNTII KIBIRKIISII EERSADAY? waa uun iga su´aal ee si kale ha u qaadan…

  26. Dott Atoore says:

    waa dameer iyo labadiisa dhagood ragaan meesha isku baneyey marka waxba sooma kordhinkaraan oo aan aheen qabiil u xaglis biijole xoolahii uu dhacey buu ka baqayaa in maxkamad ay kadab timaado marka ha dhageysan afguduud lacag buuxadey oo uu geystey dubai

  27. Oman says:

    Asc, shariif cidna wax matarin ee been laakiin nin saas ku Haryana am aha lakiin la arki Odonata
    Nin ku dhaqan xumaaa….. Meesha kabax tan kale cabdulaahi tug am Ahayn laakiin shariif yalu lacqg
    Baden oo ay dhaceen way haystaan…..marks hadii la taageerayo lacagtaas ha soo ceshaan.asc

  28. Faroole says:

    Shariif nin xun Ma uusan ahayn ee siyaasad Ayaan isku haynay ee hala dhaqaaleeyo odayga Hana la cafiyo

  29. Faroole says:

    Ma ogtihiin in Shiikh shariif uu cabdilaahi yuusuf Axmed siin jirey lacag joogto ah kuna dawaynjirey isbitaal ku yaal abu Dubai marka isaga waa in la dhaqaaleeyaa wuxuuna la mid yahay madaxdeenii hore anigoo Reer Puntland waxen aaminsanahay shariif in la dhaqaaleeyo Lana damaanad qaaado amnigiisa

  30. deeqa says:

    waan idin salaamaya dhamaan tiin hadaan kahadlo arinka madaxweeynaha cusub waxuu sameeyay arin wanaagsan waan uhambal yaynayna arinka ah inlacag guna ah lasiiyo isagaiyo xaaskiisa loona raadiyo meel uudago waa arin aan macquul ahayn asaga iyo shariif sakiin wadanka dagdag halooga saaro waana beentood lacagahaan ay cod sanayaan wayo wadad bangiyadoodu buuxaan wadad caalamka marhore kacod saday meel aykunoolaadan qarixii shalay dhacayna waalaog yahay laba doodaaka danbeeyay labadaaaaaas musiibo ilaahay naguma soo celiyo kuhalada wada koofida dher oo asal koodina aan lahayn barnaamij fiican malintii doorashadana umada soomaliyeed ayad wada tuuk day ilahay ninkaan maskiin kah oo aqoon yahanka ahna ilaahay hanoo calfo

  31. herow says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkk weli ma aflagaadadii xafida ullah mudane sh.shariif shiiq axmed miyad wadan war ileyn ceeba rag wax kama dhinto war isla xishooda mudane shariif gurigiisii buu joogaa buste iyo gona lama imaan muqdisho meel uu degana rabi uma waaynin cis iyo sharaf ayuu iinka mudan yahay markuu guryihiinii idinku soo celiyey

  32. zack-london says:

    Cadaado

    waligaa Puntland magaaridoontid ee……orod oo is dil…………..aqlixumadaada waxaa tahey ninkii Qanyare difaacayey…markaaa iska badaa Sheekh shariff…………..sheekh shariif banaanka yaa la utuurayaa…………..Maxakamadna wa la saari donaa ….lacagtii qaranka ayuu dhacey…………..

  33. NINA says:

    dawacaa tidhi walee reer aan aqaan ma guuro meesha waxaan ku arkaa dad aargoosasho iyo hadidaad iyo kala firdhin ka hadlaya waar ninkii sheekh shariif ciil u qabow abuukaato sameysoo sharciga aad madaxwaynihii hore xaq buu u leeyahay inuu helo ciidan ilaalya iyo pension ba waa qaanuun caalami ah taasi dastuurkuna waa qoray

  34. [...] Maxamuud aysan “wax lacag ah” ugu imaanin bangiga dhexe markii uu xafiiska la wareegay, waxaana la qiyaasayaa in boqollaal kun oo doolar ay ku jirtay u qasnada bangiga dhexe maalmihii ugu … taasoo aan la ogeyn halka ay [...]

  35. [...] Sheekh Maxamuud aysan “wax lacag ah” ugu imaanin bangiga dhexe markii uu xafiiska la wareegay, waxaana la qiyaasayaa in boqollaal kun oo doolar ay ku jirtay u qasnada bangiga dhexe maalmihii ugu … taasoo aan la ogeyn halka ay [...]

Leave a Reply