Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xalay Mudanayaasha Baarlamaanka u Sheegay Inuu Dhowaan Soo Magacaabi Doono Raysul Wasaare Lagu Farxo
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casuumad u fidiyey mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah musharixiintii kula tartamay xilka madaxtinimada doorashadii dhowaan ka dhacday Muqdisho.
Martiqaadkan uu sameeyay madaxweynaha oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qeybgalay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo labada gudoomiye ku xigeen ee baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal uu ka jeediyey xaflada cashada kadib wuxuu mudanayaasha baarlamaanka uga mahadceliyey shaqadii ay soo qabteen tan iyo markii iyaga la soo magacaabay bishii Agoosto ee sanadkan, isagoo ugu hambalyeeyay isbedelka dhanka hogaanka ee dalka ka dhacay kaasoo uu sheegay in baarlamaanka uu horseed ka yahay.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale si hordhac ah mudanayaasha ugu sheegay in weli uu ku gudajiro xulista shakhsiga noqonaya raysul wasaaraha xukuumadda cusub ee dalka ka dhalaneysa, wuxuuna mudanayaasha u sheegay inuu weli heysto waqti ku filan.
“Waxaan rajeynayaa in xukuumad iyo raysul wasaare lagu farxio aan soo magacaabi doono” ayuu yiri madaxweynaha habeenkii xalay.
Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in baarlamaanka uu u taagan yahay sii wadida isbedelada isla markaana mudadada afarta sano ee soo socota ay qaban doonaan shaqooyin dalka iyo dadkaba muhim u ah ayna ugu horeyso in afar sano ka dib qof kasta oo Soomaaliyeed uu awood u yeesho inuu codkiisa dhiibto.
Gudoomiye Jawaari ayaa ballanqaaday inuusan jiri doonin baarlamaanka dhexgala shaqada xukuumadda isla markaana waajibaadka baarlamaanka uu yahay inuu soo saaro ilaaliyana sharciga dalka.
Kulankan ayaa noqonaya is aragii ugu horeeyay oo si toos ah u dhexmara madaxweynaha cusub iyo baarlamaankii isaga soo doortay 10-kii bishan Sebtembar.
RBC Radoi












ILAAHOW guusha ina waafaji kuligeenba if iyo aakhiroba
GUUL, GUUL, GUUL, MASHA’ALLAH, NOQDA MADAX KALSOONIDA SHACABKEEDA KASBATA BEENA AAN USHEEGIN, SHISHEEYAHANA SIYAASAD MASKAX FURFURAN LEH KULA SOCDA. MUHIIMADA UGU WEYN SIIYA INAAD SHACABKA ISKUXIRTAAN, SAFARADII DIBADA LOO AADIJIREY MARKA MADAX LADOORTANA BAL KUBEDELA INAAD WADANKA GUDIHIISA USAFARTAAN OO KALSOONIDII QARANIMO SOO CELISAAN. HADIIKALE MADAX UUN SHISHEEYE U KHASBAN SAWIR AH BAA LAIDINKA QAADANAYAA RUNTIINA DADKA SOOMAALIYEED WAA DAD KHILAAFBADAN WAASE MADAX FURFURAN ISKU DUBARIDIKARTO.
CABDUL MAXAMED SWEDEN
farmaajo uun baan ku farxi karaa sababtoo ah asagaan argnay wax qabadkiisa laakiin nin cusub kuma farxayno oo haduu rabo hadhaw bada iibsada reerkuu doona ha noqdee marka madaxwayne shacabka ka farxi cadawgana ka nixi oo noo door FARMAAAAAAAAAAAJO
mudane madaxweyne “well said” waxaan kaa sugaynaa soo xulidda R/Wsaare TALENT&VITAL leader ah oo more INFLUENCE ah ka soo jeedin beelaha aan dawladda wax ku kordhin karin ciidan iyo calaf toona sida kuwa ==…..
ASC WAR KUMEEL GAAR KA YAA SAARAY? YAA DOORASHADAAN KADAMBEEYAY?YAA U SAMEEYAY TASTUURKA WADANKA? YAA XOREEYAY GOBOLO BADAN? SOW CABDIWALI MA AHA? MAAD TIRAAH DID CABDIWALI HADAAD XISHOONAYSID. WAXAAN HUBAA IN CABDIWALI KA TAGAY TAARIIKH AAD U WANAGSAN. FARMAAJO DHAN KIISA WAA DADAALAY LAALIIN LAGUMA SIMIN WALAALKAY.
farmaajo adeer lagama yaabo inuu soo magacaabo madaxweynuhu wayo waa siyaasigii shalay dalka qaybna duminayay qaybna dhisayay…. nin jeclaysiga iyo laab lakaca jooji adeer farmaajo ina faroole ayaa sidiisii kursiga dhanka kale u rogaya markuu siyaasad sal fudayd iyo caddiifad ka buuxdo laga arko…. taase waxaan filaa hadda inuu kawaayo arkay oo cidda wax u dhimi karta iyo ciidda kale uu kala yaqaano sheekadu hadda waa( MISTAKES+LEARNING= EXPERIENCE/ OPPORTUNITY)
Abdi Maxaa farmaajo oo kaliya aad ugu farxeeysaa somalida waxaa laga heli karaa dad badan oo framaajo oo kale ah ama ka fiican farmaajo uun beey kaaga dhagtay laakiin waxaan kuu sheegayaa in nin cusub la soo wado niyadana kheer u sheeg.
farmaajo waa dadkii hore waxaa larabaa wajiyo cusub intuu farmaajo qabtay 2deed waxaa qabtay gaas laakiin waxii cusub caalinkaa jecel raisalwasarecusub, madaxwaynecusub, gudomiye barlamanoo cusub.
Looma baahna farmaajo, waxaa loo baahan yahay qof cusub oo la
Jaanqaadi kara madaxweynaha cusub. Farmaajo hal cod oo aan ka ahayn reerkiisa
Kama helin barlamanka.
nin dadka ay ku farxeen oo sameeyay sakrifaas in xilkii ku wareejiyo ninkale iasaga oo wax qabadkii ugu xusuusta badnaa iaaa iyo burburkii wadanka 21 sano kahor keenay in alshabaab kabaxaan xamar iyo dhamaan wadanka eeyna sheegeen alshabaab in uu yahay ninka jabiyay farmaajo. shacabka soomaaliyeedna dibada iyo gudahaba siiyeen kalsooni ka xor ah qabyaalad, musuqmaasuq,eex waa FARMAAJO waana wax laga xumaado ninka hada madaxweyne lagadhigay oo isagu kasoo jeeda NGO oo ahaa kuwii umada xoolaheead kula shirkoobay hada asamafalkaa in uu yiraa nin aqoon iyo karti leh oo aan umagacaabo jagada ayaan raadinayaa isaga oo og ninka siiyay in uu xamar madaxweyne kanoqdo in uu yahay Farmaajo. Ninwalba hada waa in oo goosto gobalkiisa maxaa yeelay xaaraanimadii ayaa faraha kabaxday mana jiridoonto wadaniyad danbe.
To Geedi waryaahe reer khaatumo xaqbay u leyihiin waayo ayaga aya mudan way uso halgameen dhiigoday u qubeen xornimada aad ku faanayso aad ku hadlayso iyaga gacantooda ku keeneen taarikhda aqri ilaa hadday isku hayaan somaliya wayna u halgamayaan Waxana lagu layaay waa calanka bulug ah waana muwadinin waxayna dhisteen maamul ay ku midaysanyihiin waxayna kamid yihiin beelaha xaqa u leeh raisul wasaraaha somaliya sumcad iyaga ku leeh kolay waxa tahay somalidiid amaba qolyaha somali oo dhan nacday labadas beelood uunbaa diidan ee galaada jecel ee ku dul barooranayay bakhtigi meles zenawi kursiga raisul wasarahana darood baa leeh ciidna gaar uma leeh mark cidnah wax ku waydin mayso Cuqdada ku haysa adi hakugu eekato Waxaba layaab leeh khaatumo lagama hadleen maxad ku keentay maxay kugu sameyeen miyay ku kufsadeen
kkkkkkkkkkk dalmar kkk sxb qosol ayaa leedahay
midkaan farmaajo ku waashay waaba u jedaan in uu yahay qaabiilkii 22 sano xaraanta ku heystay dadka oo afganbiga suubiyay looma baaahno meshan xukun afganbi ee dadkaaga dhinac ka raa yaa jaaahil
Farmaajo weli kama jawaabin 5tii milyan meeshay martay! Waana nin qabali ah oo qabiilooyinka qaar wax xun ka aaminsan! Kastuumo State shaqo ha uraadsado!
Somali yaa ka farxin karo?R/wasaaraha madaxweynaha soo wado hada ayey Puntland ka qeylisay waxaana muuqato in eysan ku faraxsaneen ninka R/Wasaaraha noqonayo sidaas darteed kolka qolo aga farxiyo mid baa cadaawad qaadeysa.Madaxweyne adigoo koox qabiil iyo maamulna u eegin soo xul somali aad adigu aaminsan tahay inuu xilkaan gudan karo,midse ogoow horay ayaa loo arkay R/wasaarayaal madaxweynihii soo magacaabay ku caasigaroobay ee inta taladu gacantaada ku jirto xulo shaqsi somalinimada wax walba ka hor marinaya oo ka nafiic ah caadifada qabiilka.
koleey raisal waase kastaa aad keentid soomali oo idil kuma wada farxeyso oo cid gaar ah uunbaa ku farxeysa , maxaayeelay soomaldia qalbigeeda wuu kala jedaa ilahay ha isku soo jediyo.
mar hadaa tiri mid lagu farxo macnaheeda waxa weeye mid wax qabadkiisa la arkay oo la yaqaan , kaa uunbaa lagu farxi karaa lakiin mid cusub oo hada in la barto u bahan waxba lagaga farxi maayo ee waa la sugayaa inta laga baranayo oo in uu wax qabto iyo inkale laga arkayo .
waxaan ku talin lahaa inaad kentid mid adag oo si dhab ah wax u qabta maxaa yeelay adigaa ah nin dagan oo jilicsan marka midkaloo jilicsan hadaad keento bahasha dhanba weey isla fariisaneysaa oo hurusocod noqon meeyso
ASC Run ahaantii wa in lagu farxo qof kasta oo uu soo magacaabo Maxadweynaha Somaliya laakiin qofba qof buu wataa ama uu tageerayaa waxaaa loo badinayaa qof cusub oo lagu farxo inuu keeno Madaxweynuhu Barlamanka waalagu farxay madaxweynaha sidoo kalewaa lagu farxay marka ragii hore ineey soo labanayaan ilama aha maxaa yeeley cadiifad ayeey soo celinayaan iyo qori qori kutaag. Hadii aniga aan fikirkayga ka dhiibto arinta Ra’iisul wasaaraha wuxuu ka imanayaa laba meldood 1. Waqooyi siiba Samatar 2.hadaan sedexda buuxiyo waa 3. , waa fikir saalix ah dad baa caroonya ama xajiimoonaya markeey magacayga arkaan walaal aduunku waa jalanji xukunku shacabkuu ka dhaxeeya wax qaas loo leyahay maaha hadii maanta layiraa beesha 5aad ha qabato waa in la tageeraa si somaliya hurumar iyo cadaald u gaarto sc.
asc dhamaan bahda http://www.raxanreeb.com iyo akhristayaasheeda, waxaa oron lahaa akhristaha GEEDI iskusheegay adeer xishood ixtiraam dadka iyo xeerka commentiga warbaahinta, dadkana aflagaadada kadaa. reerkaas boqortooyo waaye waligeedna way ahayd hadana way noqondoontaa, wabillaahi tawfiiq.
Ragaan waxaan layaabanahay farmaajo u diidan wax inuu noqdo waxaan umaleynaa inay kasoo jeedaan dadka shisheeyaha jecel oo wadaniga neceb horta hadii aad rabtid wadani dhab ah waa farmaajo waa hadii soomaali wadani kuharsan san yahay hadii kale wadani maba ku jurors
Faramajo unba lagu farxa , hano kenin madaxweyne.
Samali ha is raacdo@anigaa kugu raacsan Farmaajo qayb ka mid ah somalida uguna dhibka badan ayaa diian qabiil bay ku diidan yihiin iyagaana dalka sidaa yeelay raxanreeb waa in aydin ogolaanin somali diid qabyaaladi dishay
Qofkaan kurabin Soomaali maaha, shisheeyahana waa jecel yahay. Taasi waa maskax yaraan iyo wax lagu qoslo! So simplistic! This is what we know: 5 million dollar is missing and he has not giving us any answer! However, it’s easy for you to be blinded by tribal nepotism and have the courage to use the entire name of Somalia! Shame on you for using this dirty tactic! If you don’t like Farmajo you love shisheeye! So funny!
Wadanka adeerkaa (21sano) iyo Mooryaan (21sano) hala waydiiyo! Wixii intaa kasoo hara nabsi iyo been abuur.
SOOMALIYA DOWLADA KA JIRTO WAA ISKA MAQARSAAR WAA DOWLAD CAASIMADA AY JOOGTO KORONTO BIYO IYO WADO BAABURTA KU SOCOTO MIDNA MALAHA CIIDAMADA WAXEY UBADAN YIHIIN KUWA DADKA KA DHACO TALEEFOONADA MAALIN WALBO WAXAD MAQLEYSAA CIIDAMADA AYAA ISDAGAALAY DHAXDOODA MARKA DADKA MUQDISHO DAGAN UMA BISLO DAWLADNIMO
Guul guul Iyo midnimo an adinku ogahay hala Iska ilaaliyo faroole Iyo Gaas waa tuugo wadanka in ay Kenya Iyo Itoobiya gacanta ugaliyaan ay rabaan
madaxweynuhu wuxuu dhahay nin lagu farxo markaa puntland nin lagu farxo ma lagu arkay oo meesha kursi ka qabtay? jawaabtu waa maya markaa way iska cadahay in soomali ku farxayn nin ka soo jeeda puntland.
gaas waa qofka kaliya oo ku eedaysan inuu badii gaday madax waynaha cusub wuxuu xalay sheegay in qasnad maran lagu wareejiyay oo dawlada dad soomaali ahi 7malyan ku leeyihiin shaqaalaha dawladauna 5 bilood mushaar qaadan xiligii farmaajana 28ka bisha kama dib dhici jirin mushaarku gaas asagaa qirtay in qasnada dawlada7.5milyan uu FARMAAJO KU wareejiyay maantana waad aragtaan meeshuu kaga tagay illow ceeb astur aniga qabiil ahaan waa ii siman yihiin laakiin qaran ahaan waa i kala xigaan FARMAAJAA MUDNAANTA LEH
Xagee ka akhrisay warkaas? Ma gedonet! Been badanaa! dadka aan isku kalsoonayn ayaa ku qaraabta magaca “Soomaali” Adeer cidaa tahay qarmuunkeeda halkanaan ka uruniyaa!
shame on u farmaajo iyo gaas kan wax lunsaday waa la yaqaanaa…..
Al-Kalbu Kalbu walow samaytuhu asadan! Ama Somali labax ama Somalibaan jelahay ku andacood, ciddaad khiyaamin “majidho” Hebel waa tuug oo aan loohayn wax cadayna waa maangaabnimo! Qof walba waa caytami karaa laakiin caqli yaraan uunbaa lagaa arkin!
GAAS AQOONYAHAN MAAHA WAA QABIIL YAHAN XALAY WARKII MADAXWAYNAHA SOO DHAGAYSTA HADAL UMA BANAANA QASNAD MARAN 5BILOOD MUSHAAR LA,AAN IYO BAD LA IIBIYO ILLAAHAY BAA NAGA SOO GAARAY ALLOW UUSAN DADKA IIBSAN
Abdi Somali, Somali Jecel and Somali Run ah: Kuligood magaca Soomaali bay ku qaraaban waxaana u qarsoon erayga Qabiil. Uf calaykum!