Madaxweyne Xasan Sheekh Sidee Buu Ka Yeeli Doonaa Ballanqaadyadii uu Sameeyay Doorashada Ka Hor?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (RBC) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ka fekeraya wixii uu ka yeeli lahaa ballanqaadyo culus oo uu si hoose ula galay qaar ka mid ah siyaasiyiintii isaga ku taageeray ololihiisa doorashada madaxtinimada ka hor intii uusan ku guuleysan kursiga ugu sareeya hogaanka dalka, kuwaasoo ay tahay inuu go’aan ka gaaro si dhakhso leh.

Iyadoo madaxweynuhu labadii toddobaad ee u dambeeyay uu ku jiray shaqo aan nasasho lahayn oo uu ku baadi goobayo shakhsiga noqon lahaa raysul wasaaraha dalka oo lafteeda ah hawl aan sahlaneyn go’aan ka gaaristeeda ayaa dhanka kale waxaa sii kordhaya su’aalaha isdabajooga ah ee kaga imaanaya kooxo kala duwan oo ay ugu horeeyaan siyaasiyiintaxildoonka iyo kuwa danaha kale raadinaya ee ay tahay in madaxweynaha iyo la taliyaasha ay u jawaabaan iyadoo weliba ay mudan tahay in shacabkana la ogeysiiyo.

Maamul goboleedka Banaadir State

Maalmihii u dambeeyay ayaa xafiiska madaxweynaha wxaa si xoog leh ugu soo laalaabanayey siyaasiyiinta u ololeeya maamul goboleedka Banaadir State oo ah maamul bishii Maarso ee sanadkan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho hase yeeshee dawladii kumeelgaarka ahayd aysan aqoonsanin.   U dhaqdhaqaaqayaasha Banaadir State ayaa ku gorgortamaya in hadda la joogo xilligii uu madaxweyne Xasan Sheekh u soo gudi lahaa “deyntii siyaasadeed ee ay siiyeen” sida ay Raxanreeb ka soo xiganeyso xubno ka mid ah maamulka Banaadir State, waxa ugu weyna ay tahay inuu aqbalo jiritaanka maamul goboleedkooda oo ka hoos dhisan dawlada federaalka ee degan Muqdisho. [DAAWO SAWIRO DHISMIHII BANAADIR STATE]

“Madaxweyne Xasan Sheekh xilligii ololihiisa anaga waxaan ku siinay garab weyn, baarlamaanka dhexdiisana waxaan ahayn kooxdii ugu horeysay ee codkooda siiyey marka maanta looga fadhiyaa inuu ama na xusuusto ama na aqoonsan waayo..” sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah xubnaha maamulka oo xalay xarunta madaxtooyada kula soo kulmay madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankii xalay iyo Villa Soomaaliya

Hogaanka iyo ragga u dhaqdhaqaaqa maamulka Banaadir State ayaa xalay kulan la qaatay madaxweynaha cusub sida Raxanreeb uu u sheegay afhayeenka Banaadir State.

Sida saraakiishan ay sheegayaan kulanka xalay ka dhacay Villa Soomaaliya iyo kulamo kale oo ka horeeyayba waxay madaxweynaha kala hadleen aqoonsiga maamulkooda iyadoo sida xogta ay noogu sheegeena Madaxweynuhu uu codsaday in dib loogu dhigo maadaama uu hadda ku mashquulsan yahay soo xulista shakhsiga uu u dooranayo wasiirka koowaad ee xukuumada laga filayo inuu soo dhiso dhowaan.

 Siiriin: Banaadir State waxay ka weyn tahay Puntland iyo Somaliland

Waxaa sida muuqata jirta xasaasiyad weyn oo laga qabo dhul ahaan deegaanada uu sheegto maamulkan, oo ka kooban saddexda gobol ee kala ah Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.  Dooda ugu weyna waxay tahay sida caasimada Muqdisho oo marna ah gobolka Banaadir xaruna u ah dawlada dhexe ay u noqoneyso maamul goboleed- waa su’aal u muuqata mid culus. Isla arinmtan ayay ahayd midii keentay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu irdaha ka xirto siyaasiyiinta Banaadir State hindistay!.  Raxanreeb waxay ogaatay in la taliyaasha madaxweyne Xasan Sheekh aysan ku qanacsaneyn hindisaha ah in Banaadir ay ku darsadaan maamulka Banaadir State (xitaa haddii dawladu taageerto maamulkooda) laakiin taasi ma aqbalayaan siyaasiyiinta hogaaminaya maamulkan oo deegaan ahaan ka soo jeeda Muqdisho? [AKHRI DKMG OO DIIDAY BANAADIR STATE]

Madaxweynaha Maamul goboleedka Banaadir State, Maxamed C/raxmaan Cali “Siiriin”

Madaxweynaha maamulka Banaadir State Maxamed C/raxmaan Cali “Siiriin” oo dhowaan Raxanreeb la hadlay ayaa ku dooday inuusan ogeyn sabab loogu diido maamulkiisa saddexda gobol ee uu sheeganayo isla markaana uu qabo in maamulkiisu uu kaabe u yahay dawlada dhexe ee habka federaalka ku saleysan.

“Banaadir waxaa ku nool 3 milyan oo ruux halka labada Shabeelle ay midkiiba ku nool yihiin illaa 1.5 milyan, marka maamulkeenu wuxuu hogaan u yahay lix milyan oo Soomaali ah” ayuu yiri Miudane Siiriin oo ku dooday in tiradaasi xitaa aysan ku nooleyn gobolada Puntland iyo Somaliland marka midkasta gaarkiisa loo tiriyo.

Ragga sida weyn ugu ololeynaya Banaadur State waxaa hadda ku soo biiray xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ahaa musharixii wareega koowaad ee tartanka doorashada madaxweynaha ka helay 27 cod, lana ogaa inuu markii dambe ku wareejiyey codadkiisa madaxweyne Xasan Sheekh si uu uga guuleysto Sheekh Shariif oo codad gaaraya 64 ku hogaaminayey wareegii koowaad.  Dabcan maalgelintaasi C/qaadir Cosoble bilaash uma sameynd ee waa inuu helaa abaalmarinteeda.

Aqbalaada iyo diidmada Banaadir State waa xujo adag oo madaxweyne Xasan Sheekh laga rabo inuu furo.  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isaguna dhankiisa ka dhisaya maamul goboleed uu ku magacaabay “Koonfur Galbeed” [AKHRI WARBIXIN HORE] kaasoo ka kooban lix gobol oo kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Baay, Bakool iyo Shabeelaha Dhexe oo ah Banaadir State sheeganeyso.Markaasi haddii dawlada dhexe ay sharciyeyso Banaadir State waxaa iyaguna weelashooda soo hoorsan doona siyaasiyiita kale ee maamul goboleedyada kala magacyada faraha badan wata.

Maamul u sameynta Jubbooyinka

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu farriin rasmi ah oo uu toddobaadkii hore u diray dawlada Kenya ayuu kaga codsaday in gebi ahaan la joojiyo qorshe Kenya hormuud ka ahayd oo lagu doonayey in “maamul teed u ah”  loogu sameeyo gobolada Jubbooyinka kaasoo Kenya ay u rabtay inuu rasmi ahaan saldhigto magaalada Kismaayo marka duulaankeeda ka dhanka ah Al-Shabaab lagu guuleysto.  Maamul sameynta Kenya waa uu ka gedisan yahay qorshaha Shariif Xasan ee Koonfur Galbeed.

Dhismaha maamulka Jubbooyinkaayaa ad badan u arkeen mid xasaasiyadiisa wata maadaama qabiilada deegaankaasi aysan isku si u wada arkin hawlgalka Kenya iyo ciidamada kale ee wehlinaya ee la rumeysan yahay in qabiilo gaar ah u badan yihiin.

HOOS KA AKHRI BAYAAN BANAADIR STATE KU TAAGEEREEN MADAXWEYNAHA CUSUB

Raadraacyo hore:

http://www.raxanreeb.com/2012/03/maamulka-banaadir-state-oo-sheegay-inay-u-dhanyihiin-dadka-daga-gobalada-banaadir-iyo-labada-shabeele/

http://www.raxanreeb.com/2012/03/dowlada-kmg-soomaaliya-oo-si-cad-kaga-soo-horjeesatay-maamulka-banaadir-sate/

http://www.raxanreeb.com/2012/03/daawo-video-maamulka-dowlada-ee-gobalka-shabeelaha-hoose-oo-ka-soo-horjeestay-maamulka-banaadir-state/

http://www.raxanreeb.com/2012/03/maamulka-banaadir-state-oo-sheegay-inay-u-dhanyihiin-dadka-daga-gobalada-banaadir-iyo-labada-shabeele/

http://www.raxanreeb.com/2012/03/gudoomiyaha-gobolka-banaadir-ma-dhacayso-in-muqdisho-ay-hoostagto-maamul-goboleed-gaar-ah/

 http://www.raxanreeb.com/2012/03/shariif-xasan-oo-goordhow-ka-degay-baydhabo/

 

______________________________________________________________________________

RBC Radio

Share

5 Responses for “Madaxweyne Xasan Sheekh Sidee Buu Ka Yeeli Doonaa Ballanqaadyadii uu Sameeyay Doorashada Ka Hor?”

  1. somali says:

    Maamulka banaadir stat oo muqdishana ka mid tahay wx dhib ah malaha oo adis ababa waxaa ka dhisan laba maamul goboleed magaalo madaxdooda dowlada dhexe ee itobiyana wey ka howl gashaa sidaas darteed dhib malaha in muqdisho maamul goboleed u noqoto magaalo madax dowlada dhaxane dhankeed ka daganaato.laakiin dhulka lagu sheegay banaadir stat in uu ka kooban yahay ayaan saluugsanahay sababtoo ah banaadir stat wuxuu ku saleysan yahay qaab dhismeedkii ka horeeyey dowladii kacaanka ee kuma dhisna qaabka hada maamulada lagu dhiso kaas oo ah dhulka reerku dago sidaas darteed maamulka banaadir stat waa in uu ka soo biloowdaa hobyo ilaa jamaame oo jubada hoose ah ama sida kale dhulka beeshaan dagto oo dhan waax iyo waadi oo u dhiganta min hobyo ilaa jamaame wuxuuna noqonayaa maamulka ugu weyn uguna qeyraadka badna somaliya.

  2. hasssan says:

    waa loo bahan yahay in la taageero mamul goboled banadir lakin magalo madax haka dhigtaa meel ka baxsan casimada muqdisho madama la wada in magalo madax u noqoto dowlada feferalka walow ey ku xiran tahay in sharci gar ah loo sameeyo magalo madaxda sida dastuurta federalka qeexayo…….

  3. Abdulkadir Mohamed Nur says:

    Waa wax marna kaa yaabinaya marna kaa qoslinaya soomaalidu meesha ay maanta marayso, marka dambe waxaan ka baqayaa in qof walba yiaahdo anna bugcadayda ayaan dowlad ka dhisayaa!

  4. ahmed says:

    Waa wax hada mooryaanta ku abtirsada beesha Sheikh Sharif ay ka wadaan Shabeelaha Hose iyadoo weliba hay’ada la yiraahdo CCD qeyb ka tahay. Waxaan shaki ku jirin in wax la yiraahdo “Banadir State” uusan ka socon doonin waa dead and burried. Meel mooryaantii gobolada dhexe ka dhamaadeen bay rabaan iney xoog kula wareegaan. Xitaa waxay ku doodayaan iney Jawhar iyagu leeyihiin. Marka sheekadoodu waa “Day Dreamers” oo kale. Shabelaha Dhexe waa looga tiro badan yahay,wa kadaalika gobolka Banadir waa tan Tarsan ay u diideen in doorasho ka dhacdo Muqdisho loo diyaar garoobe.

  5. Hilaadiye says:

    Asc Akhyaarta,
    Waxaan beryahan aad ula socdey faalada dadweynuhu ka jeedinayeen xulashada Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo mareegta Raxanreeb oo leh saraakiisha ku dhow madaxtooyada ayaannu kasoo xiganey in dadka ugu dhowdhowi yihiin hebel iyo hebel.
    Markaan xogahaas aad ugu baaraandegey waxa ii muuqatay in dadku u badinayaan in booskaas loo wado, waxaan markaa is weydiiyey ummadaha kale miyaan xilkaas cid qaban kartaa ku jirin mise si khaldan baa loo fekerayaa waayo waxaynu ognahay in Caasimadda dalka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynuhuba yihiin koonfurta Soomaaliya sidoo kale beesha ee la leeyahay Ra’iisal wasaarahay leedahay ay iyana tahay reer koonfureed waxaan marka akhristayaasha iyo qorayaasha mareegtaba weydiin lahaa dhismaha cusub ee Soomaaliya miyaan waqooyi inala lahayn, ma waxaynu ogolaanay in xilligan waxa la dhisayaa ay tahay koonfur oo keliya waqooyina mar danbe la xisaabtamayo in ay go’aan iyo in wax la siiyo, ma waxaynu u haysannaa in dadka gobolada waqooyi aysan lahayn dad aqoon, karti iyo waaya aragnimo ku sifoobey isla markaana turxaan bixinkara tabashada Soomaalida dhexdeeda.
    Waxaan odhanlahaa Madaxweyne xasan “Rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaacyey” hoos u eeg dadka degaanada waqooyi kasoo jeeda haddii la leeyahay ayaa booskaas lehna waxa la wada ogyahay in ahi ay kasoo jeedaan gobolada waqooyi.
    Waxaan odhan lahaa taageerayaasha dib u dhiska Soomaaliya in ay madaxweynaha ku dhiirri geliyaan caddaaladda iyo isku wadka dalka halka ay muhiimadda siinayaan Farmaajo ama shakhsiyaad kale oo kasoo jeeda koonfurta dalka si aysan dhicin tabashadii hore ee reer waqooyi in ay sii rumowdo oo ay gaadhaan meel aan lagasoo celin karin beelaha midnimada taageera ee reerwaqooyina aysan u caddaan wixii ay sheegayeen dadka u ololeeya kala go’a Soomaaliya.

    Waad mahadsantihiin,

    Abdinasir

Leave a Reply