Madaxweyne Xasan Sheekh: Wareysi uu Siiyey Raxanreeb Bishii April 2011 (Dhageyso)
Muqdisho (RBC) Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa wareysi madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay la yeelatay shabakada Raxanreeb bishii April 2011 markii ay ku dhawaaqeen xisbiga Nabadda iyo Horumarka”Peace and Development Party” oo laga furay Muqdisho.
Haddaba halkan hoose kadhageyso wareysigan oo aan dib ugu soo celinay xusuus darteed.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
(RBC Radio) Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Horumarka Eng. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraysi gaar ah waxa uu siiyay Shabakada RBC Radio waxa uuna ka hadlay sababta loo aassaay xisbigaan.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in xisbigaan loo sameeyay sidii loo badali lahaa nidaamka siyaasada wadanka Soomaaliya iyo waliba sidii loo hormarin lahaa Bulshada Soomaaliyeed.
Eng. Xasan Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in isbadal la sameeyo waxa uuna tilmaamay in xisbiga Nabada iyo Hormarka uu u taagan yahay sidii uu isbadalkaasi uu kaga qayb qaadan lahaa.
“anaga waxaan diyaar u nahay in aan tartano hadii ay xibiyo tartamayaan anaga xisbigaan kow ayuu ka yahay tartankaas, sidoo kale hadii dhowaan doorashayo laqabanayo xisbigana go’aan ayuu ka gaari doonaa”Ayuu yiri gudoomiyaha xisbiga.
“Xisbigaana waa mid u taagan oo kaliya nabada iyo Horumarka mahan xisbigeena xisbi dagaal mid lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed”ayuu dahalkiisa ku siidaray gudoomiyaha xisbiga Nabada iyo Horumarka.
Waxa uu sidoo kale uu sheegay in umada Soomaaliyeed ay xiligaan ka daaleen dagaal iyo waliba rabsho isla markaana ay arkeen in aanan hormar lagu gaari karin dagaal oo kaliya.
Eng. Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu cadeeyay in xisbigaan ay qayb ka yihiin masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo waliba xukuumada iminka jira.
Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Hormarka ayaa ugu danbayntii waxa uu sheegay in uu rajaynayo in dadka Soomaaliyeed ay kalsooni buuxda siiyaan xisbigaan cusub.
AMA HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSI
RBC Radio
Muqdisho Soomaaliya













guuleyso madaxweyne
Anigu hadaan fikirkeyga ku cabiro, jagada Raysalwasaare Masuulka qabanaya waxaa lagarabaa inuu noqdo ruux xil kas ah, leh karti sare, somalinimadu kuweyntahay, cidina dabadhilif u aheyn. Sidaas daraadeed hadii larabo isbadal lajaanqaadi kara Madaxweynaha cusub waxaa xilagaan ku haboon 3 nin oo ay dhaleen rag qaali ku ah Qaranka Soomaaliyeed. Kuwaasoo kala ah;
1. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo kasoo jeeda Khaatumo State.
2. Mr. Siciid Jaamac Qoorsheel oo kasoo jeeda Maakhir State.
3. Prof. Cabdirisaaq Cismaan Juriile oo kasoo jeeda Gobalka Bari gaar ahaan Bosaaso.
Ragaan aan kor ku xusay midkood hadii Raysalwasaare loomagacaabo soomaalida oo dhan taageero ayuu ka helayaa maamul gobaleedyada hada dalka ka jirana kama soo horjeesan karaan Raysalwasaaraha cusub.
Prof. Cabdirisaaq Cismaan Juriile liiska waan kasaaray maadaama uu remote control u noqdey shaqsiyaad gaar ah.
Great work
Our new president is idealistic and professional
Good job Raxanreeb..
Inleyn Hore baa u wareysateen Madaxweynaha cusub, xaqiiqdii aad iyo aad baan uga helay habka uu u hadlay. Waa markii iigu horeysay oo aan maqlo isagoo hadlaya ama la wareysanayo. Marka wax badan baa iiga baxay siiba Af-Somaliga ama lahjadiisa waa the best of Somali, waa nin meel fog wax ka fiirinaya, waliba raba isbedel badan in wadanka iyo dadka Soomaliyeed u sameeyo. Sidaasna waa inta la rabo. Sidaan ka dareemay waa nin diyaar ah, qorshe badan soo diyaarsaday. Insha allah, ilaahay ha u garab-galo. Waligey sidaan oo kale rajo weyn ma ii gelin, aad baan ugu faraxsan nahay isbedelka cusub. Good luck to him.
Once again, Good job Wareysiga !
aqoontaa kugu yar jaahilbaa tahay maxaad maamul ka taqaan awoowe xijigii aad waxaad u baahantahay maamul xijigii boowe maamul waxaan wax aad ka taqaan maaha ma garatey yaan lagu iibsan maxaad shirka la timid war kan wuu habaartamayaa acuudu bilaah qumey
Titleka qofku qaato waxaad moodaa in Soomaalidu eeysan fahansaneyn qiimaha uu leeyahay iyo maqaamkeey kala jooogaan darajooyinka. Su’aasha aan qabo ayaa ah, maalmahii la soo dhaafay waxaan xusuusan kara in madaxweynaha cusub lagu kala sheegay, Eng, Prof iyo Dr. Keebuu yahay sideese ku gaaray? Markaan aqristay CV:giisa inta websiteyada looga soo qoray waxaan arkay inuu ka soo baxay SIDAM, Waxbarasha kalena ku soo qaatay India. SIDAM iyo Engineernimo kala fog ee maxuu ku soo qaatay India?
[...] Kamaal Daahir waxaa kaga horeeyey Jamaal Maxamed Baaroow oo ka mid ahaa xubnihii xisbiga PDP (Xisbiga Nabadda iyo Horumarka) ee madaxweyne Xasan Sheekh. Jamaal Baarow waa suxufi caan ahaa kana soo jeeda beelaha Shanaad, [...]
[...] Kamaal Daahir waxaa kaga horeeyey Jamaal Maxamed Baaroow oo ka mid ahaa xubnihii xisbiga PDP (Xisbiga Nabadda iyo Horumarka) ee madaxweyne Xasan Sheekh. Jamaal Baarow waa suxufi caan ahaa kana soo jeeda beelaha Shanaad, [...]
[...] Kamaal Daahir waxaa kaga horeeyey Jamaal Maxamed Baaroow oo ka mid ahaa xubnihii xisbiga PDP (Xisbiga Nabadda iyo Horumarka) ee madaxweyne Xasan Sheekh. Jamaal Baarow waa suxufi caan ahaa kana soo jeeda beelaha Shanaad, [...]
[...] Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadka dambe markii ugu horeysay dalka dibada uga dhoofi doona tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada Soomaaliya bishii hore tobankeedii. [...]
[...] O.I.C ayaa lagu tiriyaa ururada sida dhow u taageeray ololihii doorashada madaxweyne Xasan Sheekh waxaana ururka xubno ka ah xafiiskiisa Soomaaliya qaar ka mid ah xubnaha hadda ku dhow [...]
[...] C/kariin Xasan Guuleed oo ka mid ah aas aasayaasha kooxda Damu Jadiid ahna xubin ka tirsan Xisbigii Nabadda iyo Horumarka ee madaxweynaha uu hogaamin jiray. Waa nin ka soo jeeda beesha Sacad/Habargidir oo horeyna [...]