Madaxweynoow Wasiirka koowwaad haka dhigin? W/Q Maxamed Cabdiraxmaan
Madaxweynoow Wasiirka koowwaad haka dhigin?
Maxamed Cabdiraxmaan
wdaacad@gmail.com
Sabteembar 12 2012
Bulshadu qofba meel ayuu wax ka eegaa sida aad la socotaan waxaa dhawaantaan isbadal ka dhacay dalkeenii hooyo, dad badan oo aan anigu ugu horeeyo waaay ku qanceen isbadalkaas waxaase ii muuqdey in ay haboontahay in aan ilaashano sumcada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed taasoo aan uga jeedo in aan madax waynaha kaliya lagu haleyn wax qabadka dalka iyo dadka sidaa awgeed dhamaanteen waajibaad ayaa inaga saran in aan u soo jeedino Madax-weynaha Umadda Soomaaliyeed talooyen wax ku ool ah si uusan ugu dhicin dabino badan oo rag is haya ay dhigeen.
Marka u horeysa waa aan kuu hambalyeeynaa, waana ku soo dhaweynayaa waxaana ku leeyahay noqo kii ay umadaan ka faaiido.
Sidaas awgeed waxaan kuu soojeedinayaa talooyin kooban oo aan is leeyahay wax tar ayay kuu tahay.
Shabaab:
Waa aan la soconaa in shabaab shido yihiin waxaan ku xasuusinayaa in aad fursad fiican oo la taaban karo aad siiso ,lahadasho, fartiin farto, gogol ufidiso tusto umada Soomaaliyeed in aad tahay qof xaldoon ah oo aadan noqon sida ragii kaa horeeyay oo aan kala jecleyn in la gubo magaalooyin iyo dagmooyin ay dagen yihiin maatada Soomaaliyeed.
Wasiirka Koowaad
Ha u dooranin Wasiirka Koowaad in uu noqdo ragii siyaasada ku soojirey oo iskuhayay oo aan ognahay in ay ifka isku naceen, taas micneheedu yahay. Waa wax hanoogu dhiibin nin xanaaqsan oo u xanaaqsan gobol iyo qabiil iyo waliba shaqsiyaad.
Sidoo kale nin xil soo qabtey 5 sano ee ugu danbeeysey wax ha noogu dhiibin haba fiicnaado hadii uu doonee ,wixii cusub caalamkaa jecel .
Mudane Madax-weyne hanoogu dhiibin Wasiirka Koowaad shaqsi laguu keensaday, nooga dhig mid ka xor ah Maamul Gobaleedyada dhamaantood. Noogu dhiib shaqsi aaminsan Soomaalinimo.
Noogu dhiib mid daafaca danta shacabka soomaaliyeed oo dhan.
Waa in aad ka codsataa Wasiirka Koowaad in uu soo xulo rag iyo dumar aan dalka danbi ka galin dagaal siyaasadeed iyo mid goboleedna aan kujirin dadkuna usimanyahay .
Ugu danbeyntii waxaan kugula dardaarmayaa inta aad madax-waynaha tahay in aadan raali ka noqon dulmi qof Soomaaliyeed.
Mohamed Abdirahman
wdaacad@gmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] Read more here: Madaxweynoow Wasiirka koowwaad haka dhigin? W/Q Maxamed Cabdiraxmaan [...]
Asc waxaa aad u haboon in qolooyinkii hada ka hor soo qabtey jagada aay yara nastaan oo kolkaan aan doorano xildhubaan cabdulqadir xaashi, waa muwaadin somaliya aqoon iyo karti kaga saari Kara marxalada wadanka hada ku jiro, Puntland ka maamul ahaan iyo sgacabba arinkaa xooga ha saaraan, sidoo kale raggii suura kaliyey heerka haatan Wadanka uu marayo taariikhda Baal dahaba ayey ka galeen sida abdiwali, xoosh jabril, ina garjex, ina ugaas, jaahweyn iyo ina goodax barre.
Julbis Ali
Garacaf Somalia
Waxaagu talo ma ahan ee waa amar Madaxweynana lama amro. Madaxweynuhu wuu garan karaa waxa wanaagsan iyo waxa xun asaguba ee maad ku qanacdid oo aad asaga hawsha u deysid kana warsugtid? Maxaa kaa hiraanhirinaya?
Waxaad u muuqataa nin walwal badan meel kale ka haysto e, ha dagdagin howshana Madaxweynaha faraha oga qaad.
Hadii aad leedahay talo ayaan bixinayaa oo xikmadbaa iga buuxda mana aamusi karo, waxaa dhooban Malaayiin soomaali ah oo talooyin u baahan cid ku biirisana aan haysan. Iyaga ka biloow oo la tali. Fiiri hareerahaaga iyo tuulada aad degantahay ama ka timid. Ehelkaaga fiiri iyo asxaabtaada. Iyaga latali intooda talada u baahan.
Warka Caddee Maxamadoow. Waxaad u danleedahay Cabdiwali Gaas oo ah nin nadiif ah oo halkii sano ee lasoo dhaafay qabtay wax aan horay loo arag. maqaalkaaga inaad ka dhigtay ahayd hanoogu dhiibinGaas iyo nin kasoo jeeda ciddiisa.\
Gaas anigu haloo dhiibo ma dhahaayo laakiin in loo dhiibo ayay maanta 100% ku fiicnaan lahayd maxa yeelay waa nin sanadkii lasoo dhaafay khibrad u yeeshay dallka.\\
Halayska daayo nin jeclaysiga, kii wax qaban kara dalbo ilaahoow haka dhigee kii adiga aad ugu nebcayde…
soomali denbi aan lahayn ma jirto waayo mid dagaalkii soomaliya taageero ku bixin jirey iyo mid ka qeyb galey weeye, qabiilka hadaanu ka hadalno soomali wax goboleysi ka buuxo oo aan ogoleyn in dad kale jiraan baa jira ee maxaanu yeelnaa iley odagii asaga ah haduu bilaabayaa mid aan isagu wadan kan ma dhici karto waan goosaneynaa mid aan anaga ahayn yeeli meyno maxaan ka yeelnaa meel mauga soo wada jeesanaa si uu u arko soomali iyo isaga iney xaaladu mareyso oo uu far taagan nagu noqdey saas ayaa looga badbaadi karaa odagaas.
waatalo habayaraateeh waa talo mugdi hakujireeh waatalo dhab ah oo lataaban karo udhow xaqiiqda dooro danta soomaaliyeed dooro aqoonyahan leh waayo aragtinimo buuxda aamin ah daacad u ah dalkiisa iyo dadkiisa walow hasooshaqeeyo haduu rabeeh shaqsi fiican haku diidin gobalbaa neceb
Wasiirka kowaad waa in uu noqdaa nin khibrad iyo waayo aragno siyaaseed leh madaama uu madaxweynuhu siyaasada ku cusubyahay waxaan ku talin lahaa c/weli ama farmaajo waa niman hawlkar ah shaqo fiicana soo qabtay waayo aragnimo fiicana haysta.
Arinta Shabaab waxaan kula talin lahaa Madaxweynaha inuu go’aan cad ka qaato, kaasoo ah, ineey xabad ka dhaxeeyso oo kaliya. Waqti kalena isaga dhumin, oo shaqada umada ee hor taal wax ka qabto. Digniinta aan kuu soo diraayana waxeey tahay in aan lagugu dagin wax la yiraahdo gogol dhig, maadaama eey nimanku gogosha taal isku qarxinaayaan si janooyinkeey raadin jireen u raadsadaaan.
salaan all umada somaliyed mellkasta oo ay joogan kadib dhab ahaanti waa laga baxay xili la difaaco qabiil ama lugu kaftamo
bulsha waynta somaliyed gaar ahaan qurba joogta waaka xishoodan afaro qabil iyo gobolayse xoga gudaha baa laga sheegayaah wana wax laga gudbi karo waxan so jeedinayaah 1) in madaxwaynaha lala shaqeeyo meelkasta oo lajoogo 2) in qaybta media yaha lugu tageero luguna gudbiyo qoraalkasta oo wax ku ool ah fikir kasta oo quseeya misiirka dalka dadka mahadsanidin
http://www.gubta.com/2012/09/12/madaxweynoow-wasiirka-koowwaad-haka-dhigin-wq-maxamed-cabdiraxmaan…..Mohamed abfirahmsn maad si toos ah u dhahdid puntland nin ka yimi ha dhibin intaad mamul goboleedyo kale aad dusha iska saaraysoh
walaahi waxaad moodaa maqaalka ninka qoray in uu yahay nin jiran ,waayo waxaa ka fiicnaan lahayd noo gu dhiib nin xilka yaqaana una qalma ama ha soo shaqeeyo ama ha cilmi ha lahaado. Nin aduunka nagu xiri kara anagana na hogamin kara. intaas baaba kaa filnayd ee waxaad noqotay SAGAARADII BADA KU KAADISAY***** OO MOODAY IN KAADIDEEDU BADA NAJAASAYSAY, BALSE KAADI SAGAARO MAXAY KA DHIMAYSAA BADA INTAAS BAAXADA LEH.***** SAAXIIB KU DAYO QOFKA AAD GAARIN QABIILKUU DOONEE HA AHAADEE EE CADOWSAN EE KU DAYO KU DAYO KU DAYO.
Madax waynaha cusub Wax kaa cadsanayaa anoo afka reer puntland ku hadlaya === ha noogu dhiib === hannogu dhiibin shilimaad bay na dhaafsane
midkaan warkiisa waa iska khasaariyey sxb yaaba wax ku weydiinayaa adaa iska hadalaye hanoogu dhiibiin hebel noou dhiib hebel war wax la imoow hadal meesa kama socdee rabaa ninkaan madaxweynaha a la shaqeeyey ama inuu maxaweyne noqdo u suurta galiyey ee siyaasad wala bartaa maalin walbana waxbaa qortaa aan macxno ku fadhiyin ee wax hubso hubso sxb
waxa aad kutalisay waa burbur dib haloogu noqdo talana mahaysid .waxaan hubaa boqolkiiba boqol haddii sidaad kutalisay laraaco oo masalan madaxweynuhu taladaadaa qaato inuu fashilmaayo marka waa in madaxweynuhu tixgaliyaa maamulgoboleedyada waa inuu shiishada saaraa inuu laheshiiyo shabaab waa in madaxweynuhyu cid kasta oo siyaasadda soomaaliya khuseesa soojiitaa, tixgaliyaa awoodaha wadanka kajira oo uu tagaa meelaha sida puntland oo ah dadkiisa iyo dalkiisa …..scww
horta nin jeclaysiga hala iska daayo yaa ku haboon meeshas halayirahdo aniga waxa ay ila tahay prof axmed ismaaciil samatar
ASC, bravo Puntland4, dawlad baryo laguma dhisikaro, horene uma dhicin mana dhicidoonto haddaysan codsashadu iyyaga ka imaan. WBL-TOWFIIQ
anigu waxan ku fikir ahay mr jilbis@ waa in loo dhiibaa abdulkadir abdi hashi oo runtii aad usoo dadaalay ilaa puntland diaspara-forum ilaa xiriirkii adkaa ee dhanka caalamiga iyo wiliba tii shidaalka marka odagaas waasoo dadaalay waxayna ilatahay asaga shacabka puntland xilkaas ka mudan
waqti haiska luminina dr cali ciise cabdi ayaa qabanaya jagada wasiirka koowaad waana nin kasoo jeeda khatumostate….guul somalia ayaan u rajaynayaa
anigu anoo kasoo jeeda maamulka khaatumo, waxaan taageeri lahaa inloo dhiibo nin kasoo jeeda dadka dega hargeysa ama guud ahaanba Beesha == sababtoo ah waxaa soo afjarmi laheyd waxan ay ugu yeedhaan somaliland, == naceybkuna hawada ayuu ka bixi lahaa sababtoo ah waxa sidaas inoo burburiyey waa == naceyb, wax kaloo somaliyi bubburkaas baaxada weyn ku tilmaami kartaa ma jirto, somaliyina is ogaatoo qof ama qabiil hal taako oo dhul ah laga riixi karaa najiro
Waxaan oo kale talo maahan, ee waa ruux hows qaba, adduunka horumaray waxaa shaqooyinka muhiimka ah loo dhiibtaa qofka experience-ga leh, xattaa aqoon kaliya looma baahna ee waxaa loo baahan yahay qof ku darsaday waaya aragnimo,
markaad ku talisay yaan loo dhiibin qof shantii sano ee lasoo dhaafay xil qabtay, taas macnaheedu waa qof aan waxba la socon halloo dhiibo si uu ula kuf kufo!!!!
Walaal howska iyo isla hadalka iyo nacaybka iska saar, mahadsanid
Salaan dhammaantiin Bahda Raxanreeb; Qoraagga maqaalka iyo walaalaha Comments ka iyo faalooyinka qoraya dhamaantiin. A.C
Anigga waxay ila tahay in Raysal wasaaraha uu u magacaabo Cabdiwali Gaas sababtana waxaa weeye asagoo hawl fiicana qabtay, isla markaana ay is barteen beesha caalamka iyo Soomaalidaba. Haddii aysan taasi dhacayn anigga waxaa ila haboon inuu ka dhigo Raysal wasaare Xoosh jabriil; waayo waa nin ay neutral ama dhexdhexaad ka wadda noqon karaan beelaha daaroodka oo dhan, dhanka kalana waa nin Puntland ay soo dhawaynayso. Beelaha mareexaanka iyo Ogaadeenka oo hadda xinif jubooyinka ah ka dhaxaysana waa ku wadda qancayaaan choicekaas. Mida kale waa nin sumcad aad u wayn ku dhex leh qurbaha iyo dadka qurbaha wax ku bartayba. Ma filayo in Khaatumo State xataa ka didi lahayd Xoosh waayo ragga qurbaha ka tagay ee deegaankaas xataa saaxiibo baddan ayuu ku leeyahay. Sabab kale oo uu Xoosh Jabriil muhiim u yahay waa asagga oo ah nin si hufnaan iyo dadaal ola shaqeeya qofka ay markaas hawsha wada hayaan. waa siday anigga ila tahay, balse muhiimaddu waa inaan soo dhawayno qof kasta oo uu madaxwaynuhu magacaabo. Alle ha Guuleeyo Soomaaliya.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk warka cadeeya raxanreebey ma waxaad ua jeedaan farmaaaaaaaaajo
warar hoose sir la halay rasulwassare waxa lo wada
siciid cabdilahi dani
waa nin wadin ah somaliyadd
hadi warkan romo waa nin aqoonyahan ah mamul yaqaan
Sida Ceeesha Bilaa dhandhan ah ayaan ka daalay Madaxwayne === ah iyo Ku xigeen === ah.
Madaxwayne ==ah iyo ku xigeen K soo jeeda === .Haba noqdaane meelna iima wadaan 52 laso ayaan daalaadhacayaa hadaan ahay Somali.Gaajo,hraad,darxumo aduun ka igu wiirsada ayay i gaysiiyeen madaxda 2badan reer ee cunaya wixii soo gala.
Kaaga darane,maba garayaan meesha ay soomali marayso e waliba way ku sii socdaan meeshii lagu dhintay.
Madaxwayneha Cusub,waxaan ka codasan lahaa inuu magcaabo Raysalwaraare ka soo jeeda umada kale ee Soamliyeed,:Ha noqdo cida uu doono ee ahaayn === oo iga batay aan khayrna ii soo wadin.
So maliya qayrkeed ayay ka hadhay 2 badaa reer ==== . Bilaa caleek madaxwayne cidaan ==ahayn noo magcow
ASC dhamaantiin. Aniga waxaan uga digayaa Madaxweeyne Xasan in uu ra’iisal waseer ka dhigo ninkaan qabyaalada kuwaashay ee xildhibaan abdi wali gaas, sababtoo ah waa nin cudurka qabyaalada lafaha kaga jirto, wax uu yaqaanano eeysan jirin, Zero weeye. Gaas waa nin Xamar u yimid danaha qabiilkiisa iyo reer pintiland. Waxaan ku dhaaranayaa magaca ilaaheey hadii ra’iisal wasaare laga dhigo Gaas iyo qof pintiland ka yimid, in aan ahaay dadka ugu horeeya ee kalsoonida kala noqonayaa Madaxweeyne Xasan, waliba waa dagaal iyo in aan afar sano kabacdi barta aan taaganahay iyo meel ka xun aan taagnaano. Waxba kama qabo in Farmaajo laga dhigo, amaba qof kasoo jeeda Khaatumo state, amaba Somaliland, amaba qabiilada kale ee beesha ==. Laakiin never ever ma aqbalayno wax pintiland ka yimid ilaa eey daahir inta noqdaan qabyaalada iska daayaan. Thank you.
gaas meesha halaga cayriyo waayo maahan nin shacabku jecel yihiin
talo muhiima oo aan gaarsiin lahaa madaxweynaha soomaaliya ,taladaas oo ah runtii ah muhiima waxaad raysalwasaaro udooranaysaa sadex waxyabood raysalwasaaraha lagu yaqaanay 1-geesi aan cabsan oo kaqaybqaatay hormarintii muqdisha soona istaagay meelo badan ee muqdishaa naftiisana u huray magaala madaxda muqdisho shirqoolna kudhiman garaay oo ah kii tiyaatarka ,iyo caawintii dadkii abaaraha ,2-hirgalintii roodmabka iyo tastuurka 3-isku xirihiihii wasiiradiisa aysan maalina dhicin inay iska horyimaadaan oo shaqadoodu ahay mid wanaagsan ahaana tiim isku xirnaa ,wax badana aay qabteen haddaba waxaan kusoogabagabaynayaa raysal wasaaraha u qalma waa cabdi wali gaas oo ah nin horseedi kara dhamaystirka hawlaha dawladnimo oo dhiman iskuna wadi kara isu soojiidka dawladda dhexe iyo dawlad gobileedyada …..scww
kkkkkkkkkk qoslobaad haysaan ,horta ragbadanbaa iska nin jeclaysi hadlaaya, cabdi weligan aadsheegaysaan ma ninkan dalkaba saxiixaya ee ajaanibta ushaqaynaya ,teeda kale cabdiwali maaha nin qaran waa nin qabiil !! nimankii maxaydhaheen abdi weli gaas dooro waa faroole dooro kkkkkkkkkkkk !!!!!! maa maah caanayba noqotaye …
Cali Ciise Cabdi haloo dhiibo
waryaahee qoladiinan @ilma raxan reeb maxaad qoraalkeygii ukala dhantaasheen oo uga saarteen wixii macnaha sameynayey u samaynayey
ee dadka lagu kala garanayey, waar magacyada qabiilku waxey xunyihiin marka laysku caayayo ama leysku dilayo, laakiin marka leysku tilmaamayo dembi mahandee balmeeshii aad ka masaxdeen magaca qabiil een ku calaamadiyey hada maxaan geliyaa wey haawaneysaayoo nuxurkii qoraalkana laba fahmimaayo bal idinku wax noo geliya
Dawacaa hada kahor, waxay soo hoos istaagtay hilib iyadoo waliba aad u gaajaysan, hadayse hilibkii eegtay waxay aragtay inaysay gaari karin. markaasay uf tiri, marka hadalkaagaas waxaan kasoo qaadnay inaad tahay inangumeed cuqdadaysan oo kaxun Dr. Gaas hormarkii iyo wax qavadkii uu mudadaa yaraa ku qabtay, mida kale markaad leedahay hanoogu dhiibin adigu maxaad tahay yaaadse matashaa dameeryahow? Su.aal kale, ma isweydiisay qofkaad lahadlaysid inuu yahay madaxweynihii umada soomaaliyeed oo marka aad qoraal u qoraysid u baahan inaad eegtid baratakoolka hadalkaad qoraysid’ oo hadana ah nin academic ah oo aan laga gadi karin hadaladaaas meelaha isbaarooyinka ah oo guntu ku hadasho…….
Gaas gaaaaa gaaas, wuxuu istaahilaaa inuu madaxweyne ahaado the commig twenty years… Ugu danbeyntii Madaxweynahayaga sharafta leh waan ka raali galinayaaa hadalkaas diciifnimadu iyo cuqdadu ku jidho oo inangumeedkaasi yiri… Waxaana leeyahay mudane madaxweyne nahogaami waana ku qanacsanahay goaankaaga khalad iyo saxna shacabkaaga ku jecel baanu nahay…. Ilaahayna hakuu sakhiro amuuraha iyo masiirkaas laguu dhiibay……:
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa war culus oo dhawaqiisa wata jaamac aad ban kugu racsanahay fikirkaga waxaabad moda kan qorilaha inad qortay thnks bro somali alaha danteeda tuso inay iskudan yihin iskuna danaystan alaha garansiiyo madaxwaynahan alaha noobarakeyo haan aad u wayn ayaa looqaba qofkasta oo somaliyan uu cawa uhaya kunafaraxsanyahay inshaa alaah dawlad aya noo soocarfaysa
digniin digniin dgniin …….
qofaadan aqoon ha u jawaabina oo aad ujeedaan hadalada iska horkeenka iyo isku dirka kaliya kashaqeeya sida sida cadaado ninka sheegtay oo aan u malaynayo inuu gobolada goosadka kasoojeedo iyo darwiish ninka labaxay oo asna aan ahayn nin darwiish laasacaanooda waayo waxaan idin ogahay oo jira dad nabadda soomaaliya iyo hogaanka inay qabtaan siyaasi kasoojeeda puntland aay aad u dhibayso si aay gooni isku taag u helaan iyo .nacas wax nala wadaaga oo digirta iyo moxoga kasoojeedana haloodulqaato waayo dad bay u yihiin taayir lagu socdo laga soobilaabo 1991 ……scww
jamac subxano ilaah ha ku xaafiyo waayo waa cudur kugu jiray waxa kaa soo baxaayo waayo cabdi wali gaas meesha lagama sheegin ee madaxweyne ayaa lala talin hayay iyo aqoon weydaarsi iyo maxey kula tahay ayaa meesha ka socotay ee qabiilka iyo qurunka illaah ayaa kaa bogsiin karo hadii aad rabto in laguu duceeyo codso kana codso somalida in eey kuu duceeyaan waayo waxaasi waa cudur
Waxaa qabaa in aan loo dhiibin Gas iyo kuwa lamid ah sab too ah waa qabiliste aan xishoon , daneyste dareen dadnimo iyo wadaniyad midna ma leh Aqoontuna waxba matarto hadii shaqsiyadda dhimato waa ninki kursiga ugu fadhiistay hab-qabiil marki laga kiciyay walaal kiis oo ka soo kexeeyay America kana dhigay wasiir walee farmaajo wax lagu duro lawaa (ceeb laga waa) haddaan qabiil lagu naceyn wadni halyeey shaqadiisa yaqaan waxaa isu baheystay qooleystayaal sida Faroole+sakiin+mahiga =daneysi calooshood u shaqeyste yaal weeyaan
gaas saaxibadiis ha raaco labada shariif waxan haysanaa labo wanaagsan sida dadku isku raaceen waxaa ka dhiman ninkii bulshada soomaliyeed u dhaxeeyay wadaniga ahaa oo ay iskugu midka yihiin muqdisho bosaaso hargaysa iyo kismaayo kaas hadaan helno soomaaliya waa istaagtay isku reerna maahin oo qabiil kuma raacin waa shaqsi daacad wadani ah go,aan adag FARMAAAAAAAJO
Ninka qoraalkiisa Waxaan ku raacay in la magacaabo qof cusub. Teeda kale haduu yiraahdo Shakhsi cusub ma waxaa loo qaadanayaa nin kale meeshana u xiran tahay. Yaa aaminsan inay jagadaas isaga AMA qabiilkiisa u xiran tahay lol ?
Hadiiba jiraan dad sidaas aaminsan Waa wada maangaab, jaahil wax walba ku cabira qabyaalad, danta guud iyo maslaxad wanaagsan midna wax ka ogeyn.
Ninka qoraalkiisa xumaan ma leh, siduu jecel yahay buu sheegay. Marka in la af-lagaadeyo ma aha.
Madaxweynaha Waxaan leeyahay Good Luck,.nin cusub Sida adigoo kale oo clean-sheet wata, xilkana mudan, kasoo bixi Kara waajibaadkiisa fadlan usoo magacaab. Wada shaqeyn cusub iyo result deg-deg loo helo.
reerka faanka jecel waxee isko seexshaan sheeko xariir war nili nac qof wax idin dhibaneysana majito ee sheekada raqiska mesha kala taga hada tihiin pintiland qabiil oo umadi katagtay ayaa wali ku dagantihiin waxaana waa jahliga iyo daqanka xon oo aad ledihiin qabil waxa oo keno somali wey aragtay intii dagaal so aragtay wee la socdaan dhibka oo leyahy pintiland wixii ayaa kucusob oo waligood dagaal meysan galin oo wa lo dagaalami jiray marka is qaad qad iyo ana reer hebel ah dowladii siyaad aya ku burburtay tariqda wax ka barta iyo dunida meshe mareyso baraanbur iyo faan hadu wax tarana somali aduunka dalka ugo liito ma noqdeen
Ninka maqaalka soo qoray waa aan wacyiga lasocon inta kalena badankood qabyaalad ayaa ka dhex guuxaysa miyaadan ogayn waxa qabyaaladi tahay ninbaa laga sheegay walee sagaaro ima barato oo aan uga danleeyahay miyaydan baran waxa qabyaaladi tahay miyaadan arkayn soomaalida haadku wada diirtay miyaadan arkayn waxa nagu dhacayo maxaa sababay waa qabyaalad dhalinyarow dhalinyaroy baraaruga runta dareema xaalku maanta masahlana loolanka aan macnaha keenayn hala iska dhaafo markii hooyooyinka iyo caruuraha baaba’ay labadbaadiyo loolanku markaas ayuu imaan karaa maanta ninkii lakeenaba shaqadu masahlana wadadu waa dheertahay wadanka mareykanka waxaa jirta oraah ay adeegsadaan oo dhahaysa what ever is our difference we all American oo ah wax kasta oo inoo dhaxeeya dhamaanteen mareykan ayaan nahay hadaba wax kasta oo inoo dhaxeeya wadanka badbaadadiisa waa inaan hal mid ah kanoqono madaxdana kii qaloocda si soomaalinimo kujirto ula talino wixii nacuryaaamiyayna aan kaleexano allow natoosi aamiin
walaal soomaliya maanta waxaa xora waa puntland oo ah dhulka soomaliya ugu wayn soomaliya 3/1/50 waa puntland ku tasho afka dagaari ilaa cumaan miskiin amison ma ilaliso laandhere baa kunool taaku tala gal madaxwaynaha cusub dabcan waa nin ku cusub siyaasda soomaliya waxaa uu mudanyahy inagoon Qabiil ufiirin danta guud in laga shaQeeyo raysal wasarha dawlda puntland Qof puntland baa noQon insha allh laakiin dadka koonfur jooga dhulkooda waa inay shabaan saran kadibna ciidanka amison . markaa ka baxaan laakiin waxba maQabsanyno hebel ku xumee hebel xumee wax fiican maahan sidaa ula socda
Waa su’aale, baarlamaanka soomaaliyeed ma sameeyeen wax isbedel lagu tilmaami karo? Hadday saas tahay oo ay isbedel keeneen, maxaa keenay inay wareeggii koowaad shan nin oo isku reer ah kala galaan: #1, #2, #4, #5, iyo #6. (shariif, xasan, cosoble, baadiyow, iyo caddow). Taas micnaheedu sow maaha ninkii baarlamaanka ka mid ah oo aan dooran reer muqdisho, meleggiis baa galay. Tan labaad Soomaaliya ma muqdiho keliyaa. Isku soo wada duuboo arrintu sow maaha: dan u baxay Soomaalidii hadday duudsi qaayibtay.
Afka day, markii madaxweyne laga dhaariyey bay raysalwasaare caato ah isku wada haysataa. Quus iyo xaalkeed.
Mudane madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa in aad ra”iisul wasaaraha kadhigto nin aqoon sare leh oo dawaniya oo daacad ah sida eng.maxed Axmed saalax, oo uqalma jagadaas,
talo xumadu waa baaba ee reer kuma dego bal iila eega tala xumada ninkaan maxamed la yirahdo gogosha la yimid. Madaxweynuhu asagaa xaq u leh in uu doorto ciddii munaasab u ah in helkaasi loo dhiibo marka maxmadow reer naceebkaadu meelba kuma gaarsiin ee tii Ilaahay uun baa soconaysa.
waxan illahay ka baryayaa xaasinimada inuu qalbigaaga ka saaro.
wa bi laahi towfiiq
xog muhima mudane madaxweyne waxan kushega dadki dalkan wax u qaban laha waxan ku arkay nairbi wa dhalin yaro nadifa o xalala waxey iskudayen wax madaxdi kahoreysay isku dayin isbadalka dhacayna waxey ka ahayen 1 waxey kakobanyihin shanti somaliya runti ano joga canada ayan jecladay inan kamid noqdo dhalintan wan wareystay adan oga naxay marki la igawaramay safirka somaliya u fadhiya kenya iyo dowladaha dariska ah qarkod aya dhabarka kajabiyay waxey raben kacdon iney kuxoreyan wadanka waxan kudhihi laha u noqo hogan ayaga horn youth united waxan dhihikara waxa wadankan ey uqabten en ciduna u ogeyn marka larebo xidhibano yar on kamid aheyn kuwi tugada aha waxa kahoreya mafiya ku horgudban o u diday iney talabo qadan
talo aniga waxa iga in madaxweynuhu inuu doorto xukumadii badbaado qaran oo an cid laga reebin raysulwasare ilaa wasiir. niman kaas wax dhama anigu ma arag dhan kasta aqoonta , waxqabadka, wadaninimada, hufnaan ta iyo daacidnimada. waa rag talada dalka lagu amini karo runtii.
Marka hore wa salaamn yihiin wariyeyaasha raxanreeb sida ay u iftiimiyeen qorshihii maleegnaa ee ay wadeen labada shariif ad ban uga mahadcelinayaa ,intaa hadan uga baxo ninkagan maxamed ee qoraalkan soo dhigay ,adigoo iska dhigaya nin dacada baad hadana hadalkaagu meel u socdaa wana garankarnaa munaafaqaagaas oo kale hadadladadana waxay abarayaan beel weyn oo somaliyeed ,oo intaa u soo taagneyd danweynta somaaliyeed , hadan u so noqdo waxa wanaagsanayd inaad toos afkaaga ugu qabato oo aad tiraahdo abdiweli . waxanse ku sheegayaa hadii madaxweynuhu uu soo doorto raiselwasaare abdiweli wa muwadin somaliyeed nabadan iyo waxqabadkan manta la harsanayana isaga iyo madaxweynihii sheeq shariif iyo dowladiisa iyo wasiradiisa ayaa halkaa keenay.maanta cid uga haboona inay jirto uma maleeyo abdiweli waa nin wax soo bartay hogaamin karana umadiisa una horseedi kara inuu soo celiyo sharaftii iyo karaamadii qaranka soomaaliyeed .mida ka hoos baxsana waxay tahay dowladan inay ku dhisan tahay nidaamkii 4.5 oo loo qeybsadey beesha aad afka ku dhufanaysana ay tahay beel weyn oo nabada iyo isku duubnaanta somaaliweyn 20sano u soo taagnayd ,marka yeysan ka hos bixin ,marka waxan ku sheegayaa ninka daacad iska dhigayoow waxad tahay munaafuq abdiwelina kartidiisa iyo aqoontiisa ayaa mesha keentay keenaysana hada ..
Waxaa ila haboon in qofka lagu qaddariyo ra’yigiisa ee aan la xag xagan hadalkiisana laga fiiriyo dhanka wanaagsan.
ninkaan waxa uu sheegay sida ay isaga latahay. marka waa mahadsanyahay, aniguse waxaan qabaa in hadalka lagu soo koobo waxaan rabnaa shaqsi xilkaan qabankara oo leh kartideeda oo soomaali ah, nadiif ah, ummaduna u simantahay meeshuu doono hakla yimaado.
annaguna aan soo dhaweyno ee aanaan oran meeshaas ayuu ka yimid , sidii aan u soo dhaweyney guddoonka barlamaanka iyo madaxweynaha waa in loo soo dhaweeyaa . madaxweynaha waxaan ka codsaneynaa inoo noo soo xulo shaqsi soomali ahoo xilkaan kabixi kara
wa billahi towfiiq
Asc, Af-hayeenka Baarlamanka reer baa qaatay, Shariif Xasanna sidaas buu loolanka uga haray. Madax-weyne waxaa kusoo baxay reer Somaliyeed oo aan heli karin ama aan xaq u lahayn inay Raysal-wasaare helaan, haddaba walaalow kama aadan hor-imaan labadaa mas-uul ee maxaad hadalka uga keenaysaa haddii Abdiwali Cali Gaas oo Ilaahay ka sokow sababteeda lahaa meesha maanta la joogo, wuxuu qabtay aanay cidina xaqiri karan. Cadiifad qabiil iyo nacayb cidda Puntland dagta baa waxaan kaa keenaaya? Ogow walaalow dadka aad farta ku godayso darajo iyo dano kale ma rabaan ee waxay doonayaan sidaan wax u noqon lahayn, somali oo dhan, adna cudur aad ogtahay oo dib kuu dhigay baad ka daawoobi la’dahay!!!!!
markiiba reer pintland hanjabaadii iyo qabyaaladii xumayd ama keligii doonimadii ay caadaysteen oo
dhowr jeer oo hore loogu il duufay bay weli dabada hayaan dawacaduna meeshay macal idaad ku barato ayey macaluul ugu baqtidaa taa waxaa ka dhigan wax dana ka lahayn qaranimo somaaliyeed ee
dantooda keliya ka fekera cid inay wax la qaybsatana aan ogolayn weli waxay goobayaan raisal wasaare oo kaalay ma dhaqtar baa u qoray waar anagaa yaab aragnay laakiin rabbiba wuxuu ku sahley lawada arag oo toosh baa lagu ifiyey, anigoo ka soo jeeda khatumo waxaan raali ka ahay in rw loo magacaabo
ninkii u qalma gobolkuu doono haka soo jeedee xataa somali/-waxba kama qabo,
waxaan la yaabanahay dad hada bilaabey iney qoraalo geliyaan warbaahinta kadib markii la doortey madaxweyne cusub!!. sow ma aheen in markii hore la yirahdo 4ta qabaail ee waaweyn ha laga ilaaliyo jagooyinka sare iney qabtaan . maxaa hada keeney qoraaladaan looga dan leeyahay arimo kale oo hadii la qeexo ah yaan laga soo dooran wasiirka kowaad beelaha == ama aan si cad u dhigo —. meesha awood qeybsi ayaa jira ninkaan hadafkiisa iyo qadiyadiisa cadeesan karin oo doonaya inuu dad kale ku daba feelo ha iska aamuso!!!
laangaab sidiisba wxaa lagu gartaa puntland iyo faroole oo la ogyahy waxy kasoo qabteen dowladan cusub ayuu aflgaadeeyaa adeer yaa la tixgalinyaa hdaan madaxwaynaha ka fakarin dadka majooratiga ah kkkkkkkkkkkkk adeer dhowr degmo oo masuul laga yahay ayaad kasoo jeedaa markaas ayaa dadka kaawaawayn cag xaganaysaa khaatumo seeg kuwa sheeganaya ma wali mashruucii cali xildhibaan ku helay ayay buuhoodle la war wareegayaaan war howdka gaajo hawgu dhimaninee towbada keena mida kale xaasid horumar gaara xagee lagu akay war go,aanka waxaa leh madaxwaynaha adana meeshaada ayaa masuul lagaagag yahay kkkkkkkkkkkkkk ilay war dowladan dad u soo halgameen naf iyo maal loo huray baa dadka wax u yeerin kara adoon degmada reerkiinu ka dago soomaaliya aadan ka war hayn wxaa ka jiraaa adeer tirada yari waa in u hogaansataa tirada badan
Asc maqaalkan waa wAax FICA wana talo mideeda kale markaan ayuutada waxa leh
Ummatu Rasuul says:
September 14, 2012 at 3:20 am
War Cabdiweli nacaybka, puntland nacaybka iyo qolo la colloobidda iska daaya. Soomalinimadaan iyo talooyinkaan xaggee la fadhideen intii doorashadu socotay.
Madaxweynaha ha loo doorto maxa u dhihi weydeen, Guddoonka baarlamaanka ha laga dhigo maxaad u dhihi weydeen. Haddaa leedihiin markii kursiga Raiisul Wasaaraha ee harsan aad ogaateen cidda ugu muda, yaan cid la soo celin iyo reero cusub ha la raadsho.
Kii dhuumanayee dhabarku muuqdow dadkaaga dhinac ka raac oo yaanad dhumine dhinac ka raac.
Wallee Soomaali inta xasad iyo reer hebel nacayb ka buuxo, walle reerku ma dego.
Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu islaamnimada aad afka ka sheegataan qalbigiina u daadejiyo oo iftiinka iyo nuurka diintu qalbigiinna ka dhammayso gudcurka madow ee weli hadhsanaya.
Aammiin Allahayow Aammiin
asc waxaan aad ugu farax sanaha ninkii somali isku raacday in uu noqaday . madaxwaynaha soomaaliya in kasta oo uu yahay labadii reer oo aan hore u idhi waxaay ka dhigeen kursigii soomaaliyeed ( diin god god goray gel diin god gorey gel ) waxaan kula talinlaahaa in aanad wasiirka kowaad in adan ka dhigin puntland in aad ka dhigtid beelaha laga tirada badanyaha meel soomaali lagu tiriyey garanmaaye ilaahay waan kaaga rajaynayaa in ilaahay howsha kuu fudaydayo