Maraykanka Oo Sheegay Al-Shabaab Inay Ay Sii Wadi Doonaan Dagaalka
NEW YORK (RBC Radio) Kaddib markii ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda ay gudaha ugaleen magaalada dekadda leh ee Kismaayo oo ahayd meesha kaliye ay ku xooganaayeen Al-Shabaab , ayaa dowladda Maraykanka waxa aaminsan tahay in kooxda xiriirka la leh al-Qaida ay wali yihiin kuwa Qatar ah oo sii wadi kara dagaalka.
Al-Shabaab ayaa habeen hore isaga baxday Kismaayo oo ahayd magaaladii ugu weyndeed ee gacanta ugu jirtay taasoo shanti sano ee la soo dhaafay ka arriminaayeen, isla markaana dhaqaale badan uu ka soo gali jiray.
Kaaliyaha arrimaha dibedda Maraykanka ee Africa U Johnnie Carson ayaa amminsan in dagaalka ay sii wadi doonaan Al-Shabaab maadama ciidanka AMISOM ay gudaha u galeen Kismaayo.
“Ilaa hadda gabi ahaan lagama adkaan , waxa aan fileynaa in ay sii wadi doonaan dagaalka iyo howgalada ka dhanka ah AMISOM iyo ciidanka dowladda ,laakin waxoogaa culeys ballaaran ayaa fuulay,”ayuu yiri danjire Carson.
Al-Shabab ayaa dooneysay in ay xukun adag ku soo roggaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ku jirto caasimada Muqidisho, laakin 18-kiii bilood ee la soo dhaafay ay lu misay dhul badan.
Wareysi uu siiyay VOA , Carson ayuu yiri guusha ciidanka AMISOM oo ay wehliyaan kuwa Ethiopia, Kenya iyo ciidanka Soomaaliya waxa ay guul weyn u tahay dowladda cusub ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa bishan yeelatay hoggaamiye cusub, Mr. Carson ayaa sheegay in beesha caalamka laga doonayo in ay gacan siiyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si uu soo celiyo adeegyadii buslashada u baahneed sida Iskuulada, adeeg caafimaad oo tayo leh iyo in la tababaro ciidan milatari oo horseeda in dadka ay doortaan qofka ay doonayaan mustaqbalka
Wuxu yiri “ Ma jiri doono dagaal ooge, ma jiri doono maleeshiyaad qabiilo, ma jiri doono ciidan gobaleed, laakin waa in la helaa ciidamo milatari oo wanaagsan kuwaasoo awooda si fiican u siiyay dowladda cusub,”.
Maraykanak waxa ay iska fogeeyeen in ay wax lug ah ku lee yihiin dagaalka ka socda Kismaayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi













[...] Read More: Maraykanka Oo Sheegay Al-Shabaab Inay Ay Sii Wadi Doonaan Dagaalka [...]