Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Isbadalka Soomaaliya Ku Soo Fooleh


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wanshinton [Radio RBC] Dowladda Mareykanka ayaa war ay ka soo saartay xaaladda Soomaaliya waxa ay ku sheegtay in Soomaaliya maalinta barri ay u tahay maalin taarikhi ah, taasoo markii ugu horreysay in ka badan 21-sano gudaha dalka ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasaarada arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya cagta saartay wadadii lagu heli lahaa nabadda.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in la joogo xilliga xildhibaanada baarlamaanka ay qaadan lahaayeen tallaabo u baahan geesinimo iyo go’aan taasoo salka ku heysa in la doorto hoggaamiye ku haboon masiirka Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Xukuumada Wanshinton ayaa sidoo kale waxa ay tiri waa in musharrax kasta uu aqbalaa natiijada doorashada maalinta bari oo uusan la immaan wax yaabo carqaladeen kara hannaanka hadda socda, isla markaana ay la shaqeeyaan cida la doorto.

Warka waxa kaloo lagu sheegay in uu Mareykanka la shaqeyn doono madaxweynaha la doortay iyo xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee u xilsaaran doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay adkeeyaan ammaanka nabadgalyada isla markaana aysan la safan dhinacyada doorashada ku tartamaya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Xukuumada Wanshinton ayaa sidoo kale waxa ay tiri waa in musharrax kasta uu aqbalaa natiijada doorashada maalinta bari oo uusan la immaan wax yaabo carqaladeen kara hannaanka hadda socda.
Warka waxa kaloo lagu sheegay in uu Mareykanka la shaqeyn doono madaxweynaha la doortay iyo xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Share

Tags:

4 Responses for “Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Isbadalka Soomaaliya Ku Soo Fooleh”

  1. [...] Continue reading here: Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Isbadalka Soomaaliya Ku Soo Fooleh [...]

  2. ali says:

    warkaan waaye warkow ka naxay Mr Faroole aan u maleynaa labadda Shariifna waa heshiiyeen Shariif Axmed waa la dooranaa on Monday balse waxaan dhowrnaa waa waxa Faroole afkiisa ka soo bixi doono hadduu ilaahey yiraahdo. Majeerteenow Faroole waa kaas……………..

  3. mahmed abdikarim says:

    Warkaasu wuxuu odaranyahay kuwii horey u dhaqaajin waayey dowladnimada ee mahiiga kala wareegay waa in lahelaa madaxwayne uqalma sharafta umada iyo dib unoolaynta haykalka dowladnimo ciduu doona hakayimaadee.

  4. Puntlander says:

    Masha Allah waxaan Alleh Uga baryeynaa Somali in ay doorato Nin u qalma meelna gaarsiiya micno ma leh Nin jecleysi Alleh waxaan ka baryeynaa kii Diinta Islaamka Nagu hogaamiyo insha Allah daacadna noqda horumarna Dalka gaadhsiiya kuwii aan aragney laba shariif uma maleynaayo in ay dhaami doonaan Sidey ahaayeen oon horey Ugu baraney Alleh hanaga qabto waji Cusub baan dooneynaa Laba Shariif Alleh shartooda hana dhaafiyo Amiiiiiiiiiiiiiiin, tan kale Somali waa dawlad Fadaral ah macno weyn ma soo kordhin karo Madaxweyne Nin waliba asagey u taalaa siduu horumar ugu qaban lahaa dadkiisa Iyo Gobolkiiisa la isma korsaarnaan doono waa la kala tagayaa xaga horumarka wax soosaarka caafimaadka Waxbarashada horumarita Reer miyiga shaqo abuurka iwl.

Leave a Reply