Marka: Hawlgal Dad Lagu Qabqabtay oo Ciidamada DKMG ah Ka Sameeyeen Degmada Marka
Muqdisho (RBC) Ciidamada DKMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Marka ayaa saaka markale hawlgal dad badan lagu xirxiray waxay ka fuliyeen degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Hawlgalkan oo ay ka qeybqaateen ciidamada nabadsugida iyo kuwa Amisom ee ku sugan magaaladaasi ayaa lagu beegsaday guryaha ku yaalla dhowr xaafadood oo magaalada ka tirsan halkaasoo tobaneeyo ruux laga soo qabqabtay.
Saraakiisha DKMG ah faahfaahin kama bixin hawlgalka hase yeeshee wariyaasha ayaa soo sheegaya in dadka la xirxiray ay u badnaayeen dhalinyaro aad u yar yar oo laga qabqabtay guryaha iyo goobaha ganacsiga kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabaab oo toddobaadkii hore magaalada laga qabsaday.
Hawlgalkan ayaa dabajooga hawlgalo baaritaano ah oo maalmahan ay wadeen ciidamada nabadsugida DKMG ah iyo kuwa Amisom kadib markii todobaadkii tagay dhamaadkiisa bambaanooyinka gacanta lagu tuuray saldhigyo ay ciidamada ka degeen magaalada Marka.
Dadweynaha magaalada oo qaarkood carruur ay dhaleen la xiray ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamada aysan dadka kala soocin oo ay xireen dad aan dembi lahayn, waxayna dadka ka cabanayaan hawlgalada weli magaalada ka socda.
Dhanka abaanduulaha ciidamada DKMG ah Gen C/kariin Yuusuf Aden Dhagabadan ayaa maanta baaq u diray dhalinyarada weli ka tirsan ururka Al-Shabaab ee isku qarinaya degmada Marka iyo degmooyinka kale inay ciidamada isu soo dhiibaan si loo cafiyo, sida uu sheegay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













[...] xogta ku helnay in doontan ay ka soo baxday meel u dhow xeebta magaalada Baraawe ayna saarnaayeen rag ka mid ah ururka Al-Shabaab kadibna badda dhexdeeda ay ku galeen dagaal [...]