Marwo Caasho Geelle: Saddex Berri Ka Hor Ayaan Iscasilay Una Gudbiyey Waraaqdii Iscasilaadeyda Xukuumadda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Marwo Caasho Geelle Diiriye

Garoowe [RBC Radio] Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ahayd Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole digreeto uu soo saaray lagu sheegay in xilkii looga qaaday ayey ka dhawaajisay in Saddex maalmood ka horba ay Iscasishay una gudbisay Warqadii Iscasilaadeeda isla Faroole, kuxigeenka iyo Guddoonka Baarlamaanka xili ay ku sugneyd magaalada Gaalkacyo.

Waxay ay tibaaxday in Warqada Iscasilaadeeda ay ugu faah-faahisay Xukuunadda Puntland gaar ahaana Madaxweynaha,kuxigeenka iyo Guddoonka Baarlamaanka in hawshii ay ka haysay Xukuumadda gaar ahaana Wasaaradda ay baneysay,waa sida ay sheegtay.

…”"Saddex maalmood ka hor Madaxweynaha,Madaxweyne Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxan usoo Scan-gareeyey anigoo jooga magaalada Gaalkacyo warqad is casilaad ah oo aan ugu sheegayo in aan baneeyey xilka aan ka hayo dawladda Puntland…”"ayey tiri.

Marwo Caasho Geelle ma aysan sheegin sababaha ku kalifay Iscasilaadeeda balse waxa ay kusoo koobtay in Waraaqda ay u dirtay Xukuumadda ay ku qortay in aysan diyaar u ahayn in ay faah-faahin ka bixiso sababaha iscasilaadeeda.

..”"Rruntiina marabo inaan Faah-faahiyo sababaha Warqadaad arki doontaan Saddex maalmood ka hor usoo Scan-gareeyey ayaa waxa ka muuqata inaanan diyaar u ahayn in Sbahaba is casilaadeyda keeney aan Warqadeyda ku cadeeyo…”"ayey tiri mar kale.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Warqadeeda Iscasilaada ay ku xustay in Wasaaradda Haweenka ay ka socdaan Mashaariicyo kala duwan,waxayna tiri,,,”"Runtii waxa kaliya oon ugu soo qoraya waxay ahayd oon Warqadaas ugu soo bandhigay in ay Wasaaradda ka socdaan mashaariic badan oo ilaa 16-ah iney yaalaan ku dhawaad lacag Milyan ku dhow, inaan Wasaaradda deyn lagu lahayn,in maxay ahaayeen Mashaariicdaas waa weyn ay kamid yihiin Guriga Haweenka oon muddo runtii daba joognay,6-xarumood oo laga dhisaayo gobolada oo iyaduna Todobaadyada soo socda bilaaban doona,qalabeyn lagu sameynayo 6-da qeybood oo
guriga haweenku ka kooban yahay,Wasaaradda Haweenka oo hadda lagu sameynayo dib u hagaajin iyo qalabeyntoodii oo dhan.

Ugu danbeyntii Marwo Caasho Geelle waxay mahadcelisay guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda iyo haweenka reer Puntland ee la soo shaqeeyey mudadii ay haysay hawsha Wasaaradda.

________________________

RBC Radio
Xafiiska Garoowe

Share

10 Responses for “Marwo Caasho Geelle: Saddex Berri Ka Hor Ayaan Iscasilay Una Gudbiyey Waraaqdii Iscasilaadeyda Xukuumadda”

  1. [...] Read the original: Marwo Caasho Geelle: Saddex Berri Ka Hor Ayaan Iscasilay Una Gudbiyey Waraaqdii Iscasilaadeyda Xukuu… [...]

  2. marwo caasho waxa ay hayad qof wanaagsan oo shaqadeeda garanaysah lakiin maamulka punland kan usareeya ayaa wax ka khaldan yihiin cidna lama shaqankarto gabadhaan taariikhda ayaa sheegaysah byyyyy jalabi caasha geelle noolow hormarka umada ayay kashaqaysaah

  3. F.B.I says:

    aad iyo aad ayaan uga xumahay iscasilaada marwo ex. wasiirad caasho geelle

  4. puntlander says:

    Arinka wax laga naxo,ma-aha waxaa loo baahan yahay qofwalba oo dowlada u shaqeeya intaana
    ay dawlada is qabasan in aay resignation ka dhiibaan intaana lagaaring warqadaha is dhaxyaacayaha
    ee kasoo baxaya madaxtooyada.

  5. KHAATUMO says:

    CAASHO KA IMOOW GAROOWE OO DHULKAAGA TAG MAMULGOBOLEED SAMATSTA VIIVA MUDUG STATE

  6. Real PL says:

    Marwo Caasho waxaa lagu xasusan doonaa waxqabadkeedii iyo kartideey muujisay inteey shaqada gacanta ku heysay. Yaanse la ilaawin in PL gabdho badan oo nooceeda ah iyo kuwo ka karti badanba laga helayo, waana xaq ineey u baneeyso booska si iyaguna maskax cusub ula imaadaan…… Waxaan u rajeeynaya caafimaaad iyo nolol fiican, mustaqbalkana meel ineey uga soo baxdo umada Soomaaliyeed. Gabadha cusubna waxaan ku soo dhaweyneynaa gacmo furan, waxaana leenahay Ilaah ha kuu fududeeyo xilka laguu dhiiibay…

  7. Reer mudug ha isku tashado dibna ha iskugu laabto

    Thank u marwo caasha adoo gaalkacayo jooga hadad waraaqdii iscasiladaada u soo scangereysay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. caaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaashow cibaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaadayso waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa janis aniga waaaaaaaaaaaaaaaa iga talo

  9. caasha jama says:

    xagee iska casishay waa la casilayee ma waxay ka xishootay xilkii ba laga qaaday taasi waa cadi qofkasta mar uun baa xilka laga qaaday,inkastay mud badan haysay hadan gabdhaha kale ha u banayso bahashu wreegto ha noqto ma ah in qof ka dhigto gurigiisii mar haray ahayd nin laga qaado,waain qof weliba ay mar soo martaa.

  10. Fayod says:

    waa dhoocilo walaahi! Cayrtii buu Faroole ka jaray! Ha fogaanina dhaqaalaha yara xun laakiin mar dhowbaa la idiin bilaabin!

Leave a Reply