Maxa dhacay?! W/Q Bashir M. Hersi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Maxa dhacay?!
Bashir M. Hers
brdiraac@hotmail.com
Sabteembar 13 2012

Beri hore, waxaa jiray nin aqli badnaa, oo dhacda walba wax ka dhaha, saadaalin iyo sadar muuqda mid ay tahayba.

Rag waa balaayee, maalin maalmaha ka mid ayaa ninkii loo tashtay in la shirrabo maankiisa, loona maleegay dabin ay is lahaayeen wuu ku dhici doonee, si dadka loo tuso inuu maangaab aan caqli lahayn yahay.

Ninkan la jirrabayaa wuxuu caan ku ahaa wax garadnimada iyo caqliga badan, haddaba si looga salgaaro ayaa Neef Hal ah la laqsiiyey Masaar! Ka dibna loo geeyey, oo lagu yiri: “Hashaan baan bixin waynnay waxa ay qabto, ee bal noo sheeg sida xaalkeedu yahay?”.

Maaniyihii inta dhan walba iska taagay Hashii, oo doc walba ka eegay, oo gees walba ka taabtay, ayuu isagoo fajacsan oo fara taagaya, yaab awgiis la yiri: “Hashaan meermeeray oo meel walba ka eegaye, aniga maankeyga gaddaye, ma Masaaray laqday?!” xilagaa la joogay xataa “scan” ma jirin, in Geel la saarana loomaba hindisin!

Maxaa dhacay?

Tobankii bisha sagaalaad ee sanadka 2012 maalin taarikhi ah dheh, dadka qaarkii maalmo aan maamuus iyo magac lahayn bay taariikh u sheegaane, maalin ay is badashay saadaaal siysaaded kasta oo la filanayey, maalin ay dhacday sidii la filayey si aan ahayn, maalin wax kala wareegeen.

Horaa loo yiri: “wax aadan filanayn iyo fallaariba waa kaa fajaciyaane”  hadda, fajaca ka sokow, maxaa dhacay? Sidee wax u dheceen? Halkee wax ka kala wareegeen? Yaa kala wareejiyey? Maxaa ka dambeeya kala wareegga? Ujeedkee laga leeyahay muxuu ahaa?.

Ogaalka warcelinta weydiimahan wax badan ayey tarayaan, waxay wax ka taraan ogaalka dhacdada, diiwaangalinta sooyaalka iyo in la taariikheeyo wixii dhacay, taa ka sokow, waxay wax u taraysaa inta ogaal doonka ah, ama inta u dhuun daluula inay wax ka ogaadaan sidii wax u dheceen, maxaa yeelay dadku isku dooq ma ahan isku aragtina ma ahan, sidaa awgeed, in helo warcelinnadaa waa muhim.

Dhanka kale, ogaalka warcelinnadan waxay naga caawinayaan inaan wax badan ka ogaanno Madaxweynahan cusub mudane Xasan Sheekh, hadda magac qura un baan haynnaa, balse, haddaan helno kuwaa, waxaan awood u yeelan karnaa inaan celcelis samayn karno, si aan u ogaanno siyaasad ahaan waxa ka imaan karaa ama aan ka sugi karno, ee go’aan iyo talo ah.

Waxaa kaloo jira weydiimo muhim ah oo kale, sida: Mudane Xasan Sheekh Siyaasadda hore uguma jirin, mudda yar ayuu ka soo dhex muuqday, haddaba, maxaa ku dhaliyey inuu siyaasadda galo? Yaa ku dhiirragliyey inuu masraxa siyaasadda ku biiro? Hubaal inuu aragti yeelan karo, uuna u madax bannaanaa karo, taa oo aan cid diidi kartaa jirin, haddana, way dhici kartaa in la wadaajiyey oo uu la falgalay, mise sida Yuusuf Garaad ayuu dhihi doonaa: “Dadkaygayga baan u damqaday!” damqashoow ba’!

Dhan kale, yaa maalgaliyey ololihiisa doorashada? Weydiintan murashax kasta ee aan hanti qaran lunsan ayey hor oolli lahayd ee guulaysta. Hubaal inuu xaq u leeyahay inuu helo cid maalgalisa oo gacan siisa? Balse, ogaalkeedu wax buu noo tarayaa, sidoo kale, dhacdadii Isniintii ma waxay ku dhacday si kama’ ah mise waxay ahayd mid qorshaysan? Micnaha guushan uu gaaray mudane Xasan Sheekh ma iska timid isagoon ogayn kana soo shaqayn mise waxay ahayd mid laga soo shaqeeyey? Dhacda iska dhacdaa ma jirto, oo aan sabab iyo lahayn wax keena.

Hubaal in labada Shariif  la nacay, Allaw Karaahiya ha naga dhigin!, sida loo nacay miyaa loo soo dhaweey Xasan Sheekh? Mise wax kale ayaa jira oo naga qarsoon? Labada Shariif inay is raaceen xaq bay ahayd, inaysan kala harin hanuun bay ahayd, waa meeshaan ka dhihi jiray Shaydaanba ha badalee inay baxaan way ahayd! Balse, maxaa noo xiga? Weydiinta madaxa daalinaysa waa middan oo aanba is leeyahay kuwii hore waa ka sii adag tahay, maxaa yeelay ka wercelinteedu waa fashal ama guul!

Meerisyo ka mid ah maansada “Quduro” ee Abwaan Maxamed Isbraahim Warsame “Hadraawi” ayaa waxaa ka mid ahaa:

Maxaa ruux qaldhebayoo

Qormadii rugtiisiyo

Qudha laga toleeyoo

Misna quusan waayoo

Nafta quudhi waayoo

Qarandida sideedii

Qodanaaya booraan

Godka meel qarkiisa ah

Qoobley ordaysiyo

Fardo qaxay ku jiidheen!

Hambalyo haaf ah!

Horta Aadane lama qancin karo, lagamana eed bexi karo, balse, in eber laga dhaqaaqay iyo in kale, maalmaha baan u daynayaa Abwaan Cabdilaahi Suldaan TimacadeAUN” ayaa Calan saarkii koowaad ku maansooday:

Kanna siib kanna saar

Haddii waaqica lagu dabaqo ma noqon artaa:

 ”Kanna dir, kanna dooro!

Mid waa xaqiiq inaan wali KMG laga bixin, aqriste, bal sii goob qoramadii ahayd: “Ku mee gaarkii ma laga abxay?!” in ciidan shisheeye wadanka gees ka gees joogaan, haddana, madaxweynaha hawlo badan baa horyaal, marka laga soo tago waxyaabaha tecnic ahaan la isku maandhaafi karo.

Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh, waxaa horyaal miliq badan oo ay daadsheen Wadaad iyo Waranle, ay ugu muhimsan yihiin qodobbada kala ah: DAMACA DARISKA & DUNIDA, AMISOM, XABASHI, KENYA, ALSHABAAB, JOOJINTA XASUUQA KA SOCDA KOOFRURTA DALKA, BADDA iyo BERRIGA BELEDKA, MUSUQA, MAAMUL WANAAGGA, WADA SHAQAYNTA HAY’DAHA DAWLADDA, DHAMMAYSTIRKA HANNAANKA, DAWLADNIMO AWOOD QAYBSIGA IWM!

Ani ahaan waxaan is dhihi karaa qodobaddan waxaa ugu muhimsan saddax kala ah:

  1. A.   QAAB DHISMEEDKA GOLAHA WASIIRRADA, gaar ahaan Ra’isul wasaaraha.
  2. B.   JOOJINTA XASUUQA KOOFURTA DALKA KA SOCDA.
  3. C.   XADAYNTA XILLIGA CIIDAMADA SHISHEEEYE WADANKA KA BAXAYAAN.

Waxaa la yiri isbadal baa dhacay, hubaal in wali dambeeyaan xertii: “Bislaami wa kafaa!” isbadal wuxuu keenayaa in wixii hore la gooyo, waxaan uga jeedaa, haddii isbadal dhacay, madaxweynuhu waa inuusan xil noogu dhiibin mudanayaashii xilal ka soo qabtay dawladihii hore, gaar ahaan kuwii musuqmaasuqa ku caan baxay, heer dunidu soo bandhigtay, liilkan hoose ka daawo heestii: “Waa inaan dib loo arag!” ee kooxda Qaylodhaan:

http://www.youtube.com/watch?v=MRylNacjOoY

Bal aan ka hordhaco dhismaha Xukuumadda imaan doonto, oo aan isku dayo inaan magacyo sheego, la dhihi karo waa ka mid noqon karaan Golaha Wasiirrada:

Prof. Axmed Islaaciil Samatar, Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Prof Axmed Muumin Warfaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo isgaarsiinta.

Cabdi Shire Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka.

Magacyadaa dadku aad bay u hadalhayaan, go’aanka waxaa iska leh Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha uu magacaabi doonee, kaliya ujeedku wuxuu ahaa in dareenka dadka la wadaajiyo.

Mar kale aan ku laabto meerisyo ka mid ah maansada “Quduro” ee Abwaan Maxamed Isbraahim Warsame “Hadraawi” ku leeyahay:

Qaybdiid haddii uu

Qado wadari leedahay

Qoondaystay keligii

Gaariyow nin qadanaa

Qiimeeya noloshoo

Weligii qadderiyee

Qaska iyo colaaddiyo

Kama naxo qulqulaadaha

Qarfihiyo abaaraha

Rati qooqan baan ahay

Maskaxdaydu qayliyo

Qiiq baa ka baxayoo

Bulsho qawqab diidaan

Bal inay qamaamaan

Qabqabaha u tumayaa

Nin qab ii dhigaayaan

Anna qool u xidhayaa

Qoortaydu waa iib

Wax ka qaaya-weynoo

U qalmaan u hurayaa.

Ugu dambayn, waxaan ku soo gaabinayaa, hawsha qabyada ah, hardanka muuqda, halganka dhimman iyo hilowga nabadda loo qabo, isu gaynteeda waxay muujinayan sida arrimuhu u kala fog yihiin, haddana nolosha yaaba rajo ehe, la’aan waa nolol duugide, aan ka wardhawrno maalmaha iyo tallaabooyinka Madaxweyaha cusubi qaadan doono.

Qormada waxaan ku soo af xirayaa meerisyo ka mid ah maansada “Quduro” ee Abwaan Maxamed Isbraahim Warsame “Hadraawi” ku leeyahay:

Maxaa iga qabyo ah hawl
Wax ka qabashadeeduna
Qayrkay ku xidhantahay

Muxuu qalinku sheekiyo

Qubanaha dharaartiyo

Kolba qodob la yaabliyo

Mahadhooyin qorayaa!

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

7 Responses for “Maxa dhacay?! W/Q Bashir M. Hersi”

  1. [...] More: Maxa dhacay?! W/Q Bashir M. Hersi [...]

  2. Gaarhayeen says:

    Cidda maal gelisay ayuu u shaqayn doonaa Soomaaliduna marka ay laab la kaca ka soo baraarugto ayay isweydiin doontaa maalka doorashadu meesha uu ka yimid iyo danaha ka dambeeya. Anigu waxaan tuhunsanahay Masar oo dano ka leh Soomaaliya, danahaas oo qaar la xiriira biyaha webiga Niil iyo Itoobiya. Waxaa xusid mudan in dagaalkii ’77-dii markii dalalkii Africa iyo caalamku Soomaaliya uga digeen dhibaatooyinka ka imaan kara, Masar ahayd dalkii dhiirrogeliyey Soomaaliya, ka dib na markii arrintu talo beeshay ku yiri isaga soo baxa!

    Marka maxay tahay danta Soomaaliya laga lahaan karo iyo cidda maal gelisay hoggaanka siyaasadda ku cusub ee sida lama filaanka ah u hantay talada dalka ugu sarraysa? Maxaa loo waayey su’aalo iyo jawaabo dheellitiran? Waad ogsoon tihiin qorshihii Baadiyoow ee laga hagayey Masar, marka Xasan Sh. Maxamuud ma dhabbadaas ayuu qaadi rabaa oo dalka ku hagi doonaa mise?

  3. garyaqaan mpls says:

    waligaa maantaad su aalo macquul ah la timid.
    waa run in la is weydiiyo yaa maal galiyay?
    MISE NACEYBKA LABADA SHARIIF BUU JAANIS KA HELAY.
    WAA SUAALO LA IS WEYDIIN KARO.

    BALSE WAXEY AHAATABA ILLAHAY KHEYR HANOOGA DHIGO KOLAYBA HADA WAAN LAWADA DHCSANAHAY.
    WAR JIRAABA CAKAARUU IMAAN.

  4. runta says:

    Kan wuxuu jecelyahay in uu wax iska qor qoro kkkkk wasiiradan aad qaybinayso qaar ka gadan maaha soomalida adiga iyo yuusuf garaadna waan ognahay in hal mad-hab haystaan halagu arko. Bashiir

  5. Mohamed Ali says:

    Qoraalka wax badan ayaan kugu racsanahay balse nimnaka aad tiri wasiirro halaga dhigo. kow Axmed muumin waa oday in uu hawlgabaa u fiican markii uu adduunka ka soo hawl gabay Somaliyana ha ka hawl gabo. Yusuf-garaad ka dhig af-hayeenka dawladda ama madaxweyha ha gaadhsiin wasiir waa nin aad u qabyaalad badan… Cabdi shire maareyaha wasaaradda Murtida iyo madadaalada maad ka dhigtid. Axmed Ismciil waa nin wax weyn soo kordhin kara dhibaatadiisu waa nin islaweyn oo cid kale in ay wax garanyso aan ogeyn balse isaga waan kugu raacsahay in wasiirka arrinaha dibadda laga dhigo. waa intaas uu aqoontiisu wax ka beddesahhaye.
    Mahadsanid

  6. wadaad yare says:

    Madaxweynaha cusub isagu ma ahan xubin, laakiin wuxuu taageero ka heley kooxda “al damul jadiid” oo ah koox ay isku baheysteen dhallin yaro ka fallaagowgey Islaaxa. Islaaxa waxaa u sharraxnaa Cabdi Raxmaan Baadiyow. Islaaxu waa urur la mid ah Ikhwaanka Masar hadda xakuma, Xamaasta Ghaza xakunta iyo Nahdada Tuunisiya xakunta.

    Madaxweynaha cusub wuxuu kaloo taageero ka heley ururrada bulshada rayidkaa oo uu ka tirsanaa.

    Markaan arrimahaas eegno waa nin aan ku imaan taageero qabiile ku yimid taageero dad si kale oon qabiil aheyn u abaabulan. Cabdi Qaasimna sidoo kale ururka Islaax ayey ahaayeen kuwii u sahley inuu madaxweyne noqdo.

    Dadka qaar ururrada diinigaa sas ayey ka qaadeen, aniguse kuwa wax dilka iyo xoogga wax ku raadinaya unbaan col la ahey laakiin kuwa miyirka qaba sida Ikhwaanka saaxiib ayaan la ahey.

    Haddii qofku hayo is abaabul kale oo xisbi oo ka hufan ururrada diinigaa wuu taageeri karaa. Laakiin haddey noqoto inaan kala dooranno siyaasi qabiilkiisu soo dirsadey iyo siyaasi ay soo dirsadeen dad soomaaliyeed oo kala qabiil ah oo is baheystey, daacadna u ah dalkooda oo wanaag la doonaya keen taageereynaa?

    Bishardi inuusan qofku na dileyn, waxa naga dhaxeeyana uusan dooneyn inuu naga boobo sida Salafiyada oo kale.

    Hadda Sheekh Shariif waa kaas oo si sahlan ayuu iskaga wareejiyey taladii? Ma laga helayaa sidaas wadaad Salafi ah ama Wahaabi?

    Mayee Wahaabigu wuxuu isku heystaa hadduu kursi ku fariisto, taageerayaashiisuna u heystaan inuu Ilaahey meesha u fadhiyo Ilaahey kaliyana uu ka qaadi karo” macnaha inuu dhinto”!

    Ikhwaanka iyo Wahaabiyada farqi macno sameynaya ayaa u dhaxeeya xagga siyaasadda!

    Fikirka Wahaabigaa oo siyaasadda ku wajahan waxba ugama geddisna kan Shabaabka ood aragteen.

    Wuxuu ku saleysanyahey kaligi talisnimo magac diineed huwan oo sharciga Islaamka loo adeegsado in xukunka la boobo xoogna lagu heysto.

    Waa in caammada iyo carruurtaba la baraa kooxaha fikirkooda siyaasadeed oo ku wajahan bulshada.

    Fikirkaas siyaasadeed ayaa ka muhimsan kana saameyn badan dhanka bulshada qofka caqiidadiisa diineed oo u gaarkaa iyo cibaadadiisa. Taas isaga iyo Ilaahey ayey ka dhaxeysaa. Laakiin bulshada maxaad ka aamminsantahey, sideed ula dhaqmeysaa ayaa khuseysa.

  7. cawaale says:

    waxay ila tahay in la sugo jawaabaha madazwaynaha

Leave a Reply