Maxkamad Ku Taalla Kenya Oo Xarig 59-sanno Ku Xukuntay Nin Qirtay Inuu Ka Tirsan Yahay Al-Shabaab
Nairobi (RBC Radio) Maxkamad ku taallo dalka Kenya maanta oo khamiis ah waxa ay xukun 59-sano oo xarig ah ku riday nin u dhashay dalka Soomaaliya, kaasoo qirtay in uu ka mid yahay Al-Shabaab Soomaaliya ee xiriirka la leh al Qaeda.
Cabdi Maajid Yaasin oo 26-sano jir ah ayaa lagu xiray toddobaadkii hore caasimada Kenya ee Nairobi kaddib markii uu ka daganaa xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii laga helay hub iyo wax yaabaha qaraxa oo aad u badan.
Mr. Yaasin ayaa maxkamadda ka hor qirtay 10-dambi oo ka mid ah wax yaabaha lagu soo eedeeyay oo ay ka mid yihiin weeraro iyo qaraxyo uu ka geesto gudaha Kenya, sidoo kale waxa maxkamadda ku heshay dambi ah in uu dalka sharci daro kusoo galay.
Qofka kale ee lagu soo xiray howgalka ciidanka Booliska ayaan qiran wax dambi ah maadama ay isku dacwada ahaayeen ninka la xukumay.
Toddobaadkii hore ayaa booliska waxa ay sheegeyn in ay aaminsan yihiin Cabdi Maajid in uu yahay qofka sitay wax yaabaha qaraxa ee laga helay Islii Nairobi, laakin wax faah-faahin ah ma bixin xilligaas.
Ammaanka dalka ugu dhaqaalaha badan bariga Africa ayaa aad loo adkeeyay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamo ay u direyn Soomaaliya, kuwaasoo hadda dagaallo kula jira Al-Shabaab oo labo weerar sannadkii 2010-ka ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Uganda.
Safaaradaha reer galbeedka ee Kenya ayaa ka dilay weeraro lagu qaado Nairobi sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











