Miyuu Madaxweyne Xasan Sheekh laaluushay xildhibaannada qaarkood?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Borfessor Cabdi Ismaaciil Samatar

Raxanreeb (Minneapolis) Borfessor Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota oo maqaal fikradeed ku qoray wabsaytka Al Jazeera ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in madaxweyne Xasan Sheekh laaluush siiyay qaar ka mid ah xildhibaannada Soomaaliyeed si uu u noqdo madaxweyne.

Borefesor Cabdi Samatar, oo walaalkiis ka weyn, Axmed ismaacil Samater, u loollamay jagada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in afar ka mid murashixiinta helay codadka ugu badan wareeggii koobaad ee doorashada ay ka soo jeedaan ” Caasimaddii hore” Old capital” waa sida uu borefesarku u qoray hadalka. Seddex baa ka soo jeedda ‘caasimaddii hore’ oo waxay kala yihiin madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha cusub, Xasan Shiikh, iyo Cabdulqaadir Cosoble. Murashaxa afraad wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wuxuu borefesor Cabdi Ismaaciil Samatar ku baaqay in fursadaha dhaqaale iyo siyaasadeed oo ka jira Muqdisho laga dhigo kuwo loo siman yahay si caasimaddu dib ugu hesho kaalintii sharciyeed ee xuddunta siyasadda Soomaalida.

Madaxweyne Xasan Sheekh

Warkan wuxuu dhaliyay dood ku saabsan waddada madaxweyne Xasan Shiikh u maray inuu ku guulaysto doorashada xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Seddedxda qodob oo uu borefesor Cabdi Ismaaciil Samatar ka hadlay oo mid kasta ay la socoto tarjumis kooban waa kuwan:

Afarta murashax oo helay codadka ugu badan waxay ka soo jeedaan reer caasimaddii hore dega (Abgaal):

“A clear manifestation of the depth of the sectarian political disease is the fact that three of the top four candidates in the second round of the presidential vote came from a relatively small genealogical group that populates parts of the old capital.”

Afar murashax oo laaluush badan bixiyay baa helay codadkii ugu badnaa wareeggii koobaad:

“Four of those candidates who paid handsomely for the votes ended as the top vote getters in the first round of balloting.”

Ha noqoto Muqdisho meel siyaasadda ka socota ama dhaqaalaha ka jira loo siman yahay:

“Opening up the economic and political landscape of Mogadishu for all Somalis is essential if the city is going to reclaim its position as the legitimate political center of the nation.”

Raxanreeb

Tixraac:

Somalia’s fleeting opportunity for hopeful change?

http://www.aljazeera.com/indepth/opinion/2012/09/201291612255832176.html

Share

Tags:

26 Responses for “Miyuu Madaxweyne Xasan Sheekh laaluushay xildhibaannada qaarkood?”

  1. Ali soomali says:

    I believe tha is a cheap proboganda, otherwise proof me wrong.

  2. soomaaali says:

    duli weeeye odagaaaan awalbaaan aljasiiira u nacay hada ayuu madax waynihii oo talaaabo qaaadin mucaarad ku bilaaabay waxaaaas ka jira malahan aduunka ayuuu beeen walareegayaaa

  3. Sama_Kataliye says:

    War horta Abdi Samatar nin walaalkii laga raayay oo caraysan ka soo qaad mida kale haddii booska lacag oo kaliya lagu gadan karo Shariif Afgaduud nina kama lacag badnayn madaama lacagtii qaranka iyo tii sadaqaddaba uu lunsaday asagu.

    Ugu danbayntii ninkan haddii uu waxtar leeyahay way soo bixi doontaa mardhow ee anigu waxaan dhihi lahaa chance hala siiyo – war jiraaba cakaaro buu iman e.

  4. [...] Read More: Miyuu Madaxweyne Xasan Sheekh laaluushay xildhibaannada qaarkood? [...]

  5. axmed says:

    Hadee in Laaluush La Bixiyay Miyaa Shaki Ku Jiraa? Hadaas muxuu kaloo kusoo baxay lamaba aqoone?

  6. somali says:

    Cabdi Ismaaciil Samatar iyo walaakiis Axmed smaaciil Samatar waa dagaal oogayaal af iyo qoraal waana nasiib daro somalida ku habsatay kol hadii dadkii wax barashada lagu sheegayey ey sidaan u dhaqmaan.labadaan walaalo weli wax faacan afkooda kama soo bixin waana walaalo wanaag kasto ka soo hor jeedo.hadalkaan Cabdi Ismaaciil Samatar ka soo yeeray ee ah 3 ka mid ah musharixiintii wareega labaad u soo gubudtay isku qol yihiin wax micno ah ma sameyneyso mar hadii 275 xildhibaan oo somali oo dhan laga soo xulay codkooda siiyeen oo sidaa ey ku soo baxeen lacag hala bixiyo ama yaan la bixine ,prof ayuu sheegtaa Cabdi Ismaaciil Samatar hadane sanduuqa wixii lagu riday qaab dimuqraadiyad ah in ey tahay ayuu dafirayaa sidaa darteed maxey tartay aqoontiisii?mise wuxuu rumeysan waayey in walaalkiis cod yar ka helay doorashadii?Cabdi Ismaaciil Samatar hadalkiisu qabasho malaha kol hadii uu caqligiisu ka badin waayey inuu somalida qabiil qabiil u kala saaro.

  7. khadija says:

    aniga qeybta waalida ayaan ku tiriyaa ninka waxaan sugaayey inuu sidan u hadli doono waayo ma jecla in dalku dowlad ka dhalato wuu aamini lahaa caasimada hadii walaalkii heli lahaa ma sidan buu walaakii ku rabaa inuu raisal wasaare u ordo mise wasiir ilma samatar lama aamini karo weligood saas ayey ninkii madax noqda u cabaareeyaan ama cay ugu raadshaan tusaalle c/llahi yuusuf, farmaajo ma garan dantooda balse hadaan maskaxdeyda ka shaqeysiiyey waxaa ii soo baxdey iney rabaan in soomaliya aysan ka dhalan midnimo dowlad wanaagsan, hadalada iska hadalka ahna wuxuu ka shabahaa Fesel Cali waraabe saas wax laguma raadiyo magaala madaxdana hadii walaalkaa heli lahaa waxaad cadeysey inuu Hargeysa geyn alhaa wakhti fiican ayaad hadashey.

  8. herow says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk raxan robow ma howlihiinii baad bilowdeen waa iga talee dibu dhiska dalka ka qeyb qaata oo fidnada joojiya

  9. takar says:

    runtii prof Abdi S. Samatar waxa uu sheegayo waxabaa kajira waayo qaabka dorashadu udhacday wareegii kobad wa qaab laga dhehan karo in laalush jiray sidokale samater hadalkisu ku ma eka in uu laalushka kaliya kahadlay ee wuxuu kula dardaarmay dolada in ay kashaqayso cadaalada iyo sinaanta
    taasina waxay u muuqataa taageerada u uhayo dawlada iyo madax waynaha cusub

  10. Suubantii Sanaag says:

    Waa aragti fariid ah oo ka timid maskax aqoon & soomaalinimo ku weyn tahay. Dadka qaar baa laga yaabaa in ay colaadiyaan aragtidan , waxaase hubaal ah in ay tahay xaqiiqo jira oo aan la dafiri karin.

  11. wadaad yare says:

    prof Samater markaan way ka xumaatey. Mindhaa walaalkiis in la dooran waayey ayuu ka xanaaqey. Markaas ayuu xildhabaannadii dhammaa ceebeeyey.

    Maxaa dhacey Abgaalnimada ma lacagbaa lagu helaa oo ninkii Abgaal ah unbaa lacag heysta? dadka baarlamaanka ku jirana waa ari beec ah oo ninkii lacag leh unbaa iibsanaya?

    Bal waxaasoo kale haddey professoradeenni ku hadlayaan maxaa caammada loola yaabayaa?

  12. Iyo iyo says:

    Waligey maantaan arkey isgoo ka hadlaya wax saxa. Lacag wuu bixiyey Waliba mid aan yarey oo laga keeney wadanka yar ee khader.

  13. maroodi says:

    Samatar meeshan lacag ayaa ka shaqeyneysa adigu walalkaa waxaa soo dirtay asagoo lacag wadan mrka halkaas ayey ku dhigtay oo calaacalkaga uga jeeda mida kle anigu ma ahi dadka laga yaabo in aad igu tabeyso halkas lkse wxn ku sheegaya prof. Arintan wxy aheed xalka kaliya ay barlamanka somalia ay u arkeen in lagu xalin karo somalia 3 Abgaal ah. wan ognahay ninkale oo aan aheyn hawiye in uusan ka shaqeeneynin Mudisho ilaa la helo dageenka.,, mid na xisaabta ku darso prof. 1000 manaan qof ayaa wadanki ku geeriyooday mudada aad adigu America ku baashaaleysay mrka barlamanka caqli ayey meesha keeneen ilaah ha la garab galo adiga iyo walalkaana suga doorasho shacab taas ayaa laga yaaba in aad wx ku heshaan.waxana jeclahay in aan u baaqo puntland iyo somaliland wxna ahay shaqsi labadaas mid ka soo jeeda . wxna idin sheegaya wadanku wxuu la dagi layahay waa madaxbananida iyo hadalada cantaataca ah oo aad mrwliba somalida u so jeedisaan xornimo iyo lacag aya radisan maato iyo caruur somaliyed aya ku nafwayay Waa iga talo madaxwyne wxn ka codsaneynaa in u so dorato Raisal wasare shacabka ay jecel yihin somaliland iyo puntland dhib kama jiro wxna loo bahan yahay in xal loo helo Koonfur muwadanin naxa qaswadayashana quursiya ayaa wadan ku u baahan yahay .wxna ogaatan 1000 qof ayaa dariiqyada iyo xabsiyada yaala qaarna saxara ayey lafahooda yaalan kuwana qarax ayaa la tagay oo cawa ay ka mid tahay mrka prof wan ogahay oday somaliyeed aya tahay lkse xiligaga sugo.insh,laah

  14. dalmar says:

    Waxaan la yaabay odaygan Borfessorka sheegta ,Abgaal cid miyaa ku haysata madaxnimada somalia
    muusan ogayn intii ku kala dhimatay abgaal iyo habrgidir,adeerow waad taqaan halkaad ka timi iyo boorama .
    halkaas ka raadso somaalinimada aad robto iyo madaxweynaha adiga iyo kan kula dhashay madax martay.hassan sheekhna waxa doortay xildhibaanada intii runta ku noolayd waxa laaluush ah uu baxshayna ma jiro.

  15. Atoore23 says:

    Hadalka ninka kor ku qoran uma qabanayo madaxweynaha cusub,laakiin hadiiba waxaa madaxweynaha lagu hayaa dambiyo dhawra oo uu galay.Waxaana ka mida in uu shalay.Odayaasha uu la shirayna qaar baa DAGAN dadkii ay dileen GURYAHOODII.Ninka la doortay dhawr bari ka hor oo shalay la shiray Xaad iyo Axmad Diiriye way adag tahay in uu soomaaliweeyn isu keeno.
    Tan kale daraad markii la caleemasaarayey ma uu soo hadal qaadin magaca Dawladda Federalka ah.Waxaana ku qabsaday QM oo yiri waxay ahayd in aad sheegtid magaca Fedraalka ah ee soomaaliya.
    Waxuu kaliya oo uu ammaanay Shariif oo uu yiri waxaas iyo waxaas buu qabtay.RW iyo madaxdii kale sooma uusan qaadin.Marka ninku kama foga meesha uu yahay.

  16. axmeey says:

    asc sama kataliye waa runtaa thanks bro.

  17. hussein says:

    waligeesba mucaarad ayuu ahaa waxuu taageeraba waligey maarag aflagaado ayuu mareekanka lajoogaa bax dhe,

  18. Birqalax says:

    Doqon iyo Jaahil baa ka indho la’ in Laaluush lagu kala hormaray. Waa runtiis Professorku Madaxweynuhu wuxuu ahaa ninkii labaad oo laaluushka ugu badan bixiyay. Hadii aad arrintaas ka indho la’dahay bal arrimahaan ka fikir;

    1, Qabiilbaa wax lagu qeybsaday, qabiil kastana Musharrax buu watay.

    2, Codka meesha yaalla 275 buu ahaa ugu badnaan.

    3, Tartanka Waxaa ku jiray 24 Murashax, Xasan Sheekhna kumuusan jirin top 5ka ( Shanta ugu cadcad).

    4, Shariif iyo Xasan midkiiba wuxuu helay 64 iyo 60 siday u kala horreeyaan.

    Bal u fiirso beesha ay Xasan iyo Shariif ka dhasheen afartooda ugu horreysa oo kaliya isku dar waxey heleen 173, Murashaxiinta inta kalena isku dar waxay heleen 83 ama wax ka yar. Meeye qabaa’illadii kale iyo codadkoodii? Jawaabtu waa inay iibsadeen oo kaliya. Lacagta wax lagu iibsaday oo laaluushka lagu bixiyayna Waa lacagtii qaranka oo uu Shariif horay ugu qaybiyay beeshiisa.

    Professor Cabdi wuu saxanyahay wuuna ku mahadsanyahay inuu dambi qarameedkaas muujiyo. Raxanreebna aadbay ugu mahadsantahay inay soo bandhigto xogtaan.

    Dhinaca kale, marba hadii ay ka fursan weyday in musuqmaasaq meesha lagu yimaado, shacab ahaan waxaa noo roon Xasan Sheekh intuu kii Afka guduudnaa ama mid ka xun noo imaan lahaa. Waxaan Madaxweynaha cusub ka rajeynayaa in uu hada wixii ka dambeeya isi sixi doono cadaaladana ku toosi doono.

  19. Gaalkacyo Puntland says:

    MId aan idiin sheego!

    Wallaahi RBC waxay ahayd websiteka aan ugu hor akhriyo. maalin walbana 3-7 waan furaa raxanreeb. lakiin lilaa iyo maanta iyo xalay madaxwaynihii oo aan wali shaqo bilaaban ayay shaqo ka dhigatay.

    Ninkaani 20 sano xamar kama bixin, macalin miskiin ayuuna ahaa ee xaggee lacagta ka keenyaa. Nimanka lacagta baxshay ee haddana wax waayay waa la yaqaannaa!

    Ilaahey baan idinku dhaarshaye madaxwaynaha u hiiliya oo ogaada inaad naftiina u hiiliseen markaas.

  20. Ku dayo Cadaado says:

    SCW/ ilaahi ku abuurtay ka cabso ruuxa labaxay Sama_Kataliye waxaa midaa kuuleeyaha M/Weyne Sh Sharif waa midkii sabab u noqoday in Magaalada Mogdisho lagu qabto Dorasho
    Fadlan Aflagaadada ka daa M/Weynahaada waana dinbi in aad caayso shaqsi aan kaa mudneyn
    Walaalka labaxay Sama_Kataliye is waafaji magaca aad labaxday iyo waxaad ku hadleyso
    intaas waa iga waano raalinoqo walaal hadey ku jiraan qoraalka waxaad dhibsatay
    MAHASANID

  21. maxamed says:

    waxay aniga igu muqata madaxweynaha cusub ee somali dr.xassan shiikh maxamuud,in usan ahan nin ku guleysan kara hogaminta wadanka sabab to ah durba waxa so baxay goldalolo ween,markuu lashiray koxda qaswadayasha iyo asagoo talo kaqadanaya shiikh shariif,sido kale asagoo dawlad u’aqonsaday mamulka gobolada waqiyi galbeed ee somaliya,oo aan so hadal qadin dhibatoyinkii logeystey dadka ah,oo wali radinaya qaran somaliyed,wax iyo waxyalo lamid ah oo aan laso kobi karin.

  22. wadaad yare says:

    Muhimku wuxuu yahey in dhibka iyo dheefta la wadaago. In magaca iyo magac xumada la wadaago. Qofka leh “waa la iibsadey dadkii soomaali matalayey oo dhan” horta ha ogaado ummadda dhan ayuu u gefey.

    Kan wax iibsadey iyo kan la iibsadey keebaa xaq u leh inuu madax noqdo weeye su,aashu?

    Taasi waa mid

    Tan kale sida dad iga horreeyey sheegeen dhibka ugu badan wuxuu ka jiraa gobollada Bartamaha iyo Koofurta dalka. Waxa xalka ugu badan markaan rabana waa iyaga. In iyaga xoogga la saaro xal u heliddoodu waa lagama maarmaan.

    Haddii iyaga la hagaajiyo uunbey midnimada kale ee Puntland iyo Somaliland suurto geli kartaa. Haddii lagu fashilmo waxaa fashilkii looga tegayaa waa dadka degaannadaas ka soo jeeda,eeddana iyagaa la saarayaa oo la leeyahey “kuwaasi awalba dowladnimo ma aysan rabine iyagaa diidey inaan saacidno”!

    Haddii inta la garab galo uu ku najaxana waa laguugu manno sheeganayaa oo waxaa lagu oranayaa “innagaa masaakiintaas markey wax qabsan waayeen wax u qabanney”!

    Sidaas darteed ayeysan macno u laheyn in Koofurta iyo Bartamaha oo ah dalka aqlabiyaddiisi aysan ugu tashan awood aan aheyn tooda markey doonayaan iney wax hagaagsadaan.

    Daliilkeeduna waa kan idin hor yaalla Professorkii loo hanweynaa sidaan u hadlaya. Hadduu madaxtinnimada ku guuleysto oo ku fashilmo adiga unbuu eedda kugu reebi lahaa. Hadduu ku najaxana guusha isagaa isi siin lahaa!

    Markaan lugaheenna isku taagno inteenna rafaadsan aan ciddii kalee wax nala qabsan karta wax wada qabsanno. Laakiin biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.

  23. dr xuluuliye says:

    Madaxweynaha fursad hala siiyo samtar waxan uu sheegay caqliga ayaa diidaya.hadii meeshan qabiil
    Wax lagu dooranayo qabiilka samatar ayaa ka xildhibano badan qabiilka abgaal ee madaxweynaha markaa sidaa ha u ogaado ina samatar.

  24. shakuur says:

    nin laga badshay xumbo cuskay

  25. mohamed says:

    caasumadda haloo sinaado waa run haddi kale meeshaad wax gaysaan ayaan arkayna.

  26. Muktar says:

    Waan taageersanahay fakirka Prof. Samatar waayo lababa qaadan mayno, ta koobaad: soomaali Wayne ayaan raadinaynaa, ta labaadna: Muqdisho Iyo madaxweynaha anaga ayaa iska leh. Lambada Samatar walk waxaa niyad uhayaan soomaaliwayn, hadiise wax Laga badalin waxa ka socda muqdisho waxay udigo rogan doonaan Somaliland waxay a dhabarjab ku noqonaysaa midnimada soomaaliyeed.

Leave a Reply