Mo Faarax Oo Magacyo U Bixiyay Labadiisa Gabdhood Ee Mataanaha Ah
London [ Radio RBC] Oradyahanka caanka ah ee reer Britain Maxamed Faarax oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay waxa uu saxaafadda u soo bandhigay labada gandhood ee mataanaha oo dhawaan ugu dhashay magaalada London.
Mo Faarax ayaa la arkay isagoo sida labada gabdhood ee uu abaaha u yahay, kuwaasoo dhawaan xaaskiisa Tania u dhashay.
Waxa uu saxaafadda u sheegay in labada good loo bixiyay Aamino iyo Caa’isho, waxana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ilmaha u dhashay.
Waa markii ugu horreysay ee Mo Faarax u tago labada gabdhood ee uu dhashay tan iyo labo toddobaad ka hor markii uu ku guuleestay ciyaaraha Olombikada Adduunka ee kalkan ka dhacay London.
Mo Faarax oo 29-jir ah ayaa ku guuleestay tartanka 5,000 ee mitir iyo midka 10,000 ee mitiri ciyaaraha oradka adduunka, waxana uu dhigay rikoor marka loo eego ciyaartoyda dalka Britain.
Wuxu yiri “ Magaca Amiino aad ayaan ujeclahay, waxaba hadda aan rabaa in u qoro shaqaale xor ah”
Wuxuu intaas ku daray in sannadkan uu ahaa mid la maleesan karin waayo waxa u dhashay laba gabdhood oo mataano ah, isla markaana labo biladood oo dahab ayuu ku guuleestay.
Xaaskiisa Tania, oo 26-jir ah ayaa sheegtay in ay ku faraxday guusha uu soo hoyay nin keeda, isla markaana gabadha weyn ee Caa’isha la siin doono bilada 10,kun ee mitir halka Aamino la siinayo biladda 5,000.

Mo Farax, xaaskiisa Tania iyo gabdha uu adeerka u yahay-Rihanna oo (dhinaca midig taagan)iyo dhinaca bidix oo uu ku sido labadiisa gandhood ee mataanaha ah Caa’isha iyo Aamino ( Sawirka waxa leh: PA/Hello! Magazine)
Mo Faarax oo la hadlaayay wargeyska the magazine ayaa sheegay in oradka uu ka qeybgalay uu ahaa mid uusan maleesan jirin waligiis, laakin uu ku riyoonayo in uu noqdo ciyaar ku guuleesta oradka 80,0000 adduunka.
Wuxu yiri “Xaaskeyga waxa la siiyay labo gabdhood oo yar misana caafimaad qaba, ma aqaano sida aan wax ku sifeeyo”
Markii uu guleestay oradka 10,000 ee mitir waxa xaaskiisa iyo gabadha uu adeerka u yahay Rihanna oo toddobo jir ah, waxa lagu arkay iyagoo ku faraxsan guusha u soo hoyay Maxamed Faarax.
Mo Faarax oo 29, jir ah waxa uu jabiyay rikoorkii u yaalay cayaaraha Britain.
Mr Faarax, oo ku dhashay Soomaaliya waxa ay ciyaaraha isla bilaabeen walaakiis, laakin markii aabihiis tagay London oo ay ka soo guureen dalka Djibouti, ayuu ku biiray ciyaaraha oradka, waxana uu markaa jiray siddeed sano Mo Faarax.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi














First (sixid) —– oo ka soo jeeda dalka Somaliland.
second , noomaydin sheegin magacayada uu ubixiyay hablaha!!!!
war kani somali mayahey mise waa Oramdii la qarmeyey oo somalida isku dhiibtey hala hubiyo ninkani cida uu sheeganyo mise waa muuse dheri manah’ahn kuwi ilkaha ka daatey oo mafrshka waga ugu baryey oo qayila oo isku maaweliya shinbiryahow heesa oo ah ictiraaf bug ah oo lagu qayilo kaliya
viva mo faraah
viva wayne rooney
viva van perise
viva man unated
viva somaliland
Prof, na ma tihidee XAWAYAAN YAHOW WALIBA DAMEERKA ah naga AAMUS
sxb ninkani waa somalilanders waxaanad ka bugtaa guusha uu garay nin pro labaxayoo sxb somalilanders mo farah ma tageero man untd ee waxa uu tageeraa arsenal la soco
Duli dabal ah muslim bal horta dameryahaw